
HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 23-KA OKTOOBAR 2018-KA
Markii ugu horeysay shirkan waxa aan ka qeyb galeynin madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dowladda federaalka la gaaray heshiis, waxaana ugu dambeysay shirkii kan ka horee yay ee lagu qabtay magaalada Kismaayo.
Shirkan oo maanta galay maalinkii Saddexaad ayaa waxaa lagu lafa gurayaa dhawr arrimood oo ku qotoma xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, dib u dhiska ciidanka iyo qeybsiga qeyraadka.
Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen in xalay Garowe ay kulamo gaar gaar ah ku yeesheen madaxda dowlad goboleedyada, waxayna kulank ooda diirada ku saareen sida ay isugu waafaqi lahaayeen qodobada ku jira warmurtiyeedka shirka.
Sida uu qorshaha yahay kulankan ayaa maanta la soo gaba gabeyn doonaa, madaxdan lama oga waxyaabaha dhabta ah ee shirkoodan ay ka soo saari doonaan, laakiin sida looga bartay waxay soo saari doonaan warmurtiyeed ay ku cadeyn doonaan waxyaabaha ay isku fahmeen.
MUQTAAR ROOBOW OO LOO SOO JEEDIYAY INUU ISAGA HARO TARTANKA DOORASHADA K/GALBEED
Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa Muqtaar Roobow Abuu Mansuur u soo jeediyay inuu isaga haro loolanka doorashada Maamulkaasi, maadaama ay iska cadahay wax natiijo ah inuusan ka keeneyn.
Roobow ayaa hadda u muuqda qof rajo dhigay, maadaama dadkii uu la kulmay intooda badan, gaar ahaan Odayaasha dhaqanka ee reer ahaan xiga ay u sheegeen inay adag tahay doorashada inuu natiijo ka keeno, sidaasi awgeedna ay haboon tahay inuu isaga haro.
Odayaasha beel ahaan xiga Roobow ee uu ka kulmay ayaa dhawr meel wax ka tusay, waxay na u sheegeen in wali ay muuqato hab dhaqankii Shabaabnimada ahaa oo wali raadkiisa uusan ka tir tirmin Roobow, taasina ay keenayso in natiijo uusan ka keenin doorashada.
Muqtaar Roobow ayaa maalmihii u dambeeyay wuxuu waayay Odayaal iyo Xildhibaano uu la kulmo si taageero uu u waydiisto, kadib markii xubno isaga la shaqeeya ay handadeen qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.
Nin lagu magacaabo Maxamed Cali Nuur oo ka mid ah ragga la shaqeeya Muqtaar Roobow ayaa maalmo ka hor taleefoonka ku handaday qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Koonfur Galb eed, kuwaasi oo diiday taageero inay u fidiyaan Roobow.
Rajada Doorashada uu qabo Abuu Mansuur ayaa muuqata inay ceel dheer ku sii dhaceyso, iyadoo Musharaxiin kala duwan oo miisaan leh ay gaarayaan Magaalada Baydhabo.
xigasho: dhacdo.com
AQALKA SARE OO SHEEGAY JAWAAB IN AAN LOO QAADAN KARIN QORAALKII WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA
Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa daraad waxa ay soo saartey Warmurtiyeed kaas oo lagaga hadlay doorashooyinka dowlad goboleedyada qaar iyo khilaafka Villa Somalia kala dhaxeeya Maamulada Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland.
Inkasta oo warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda aan si cad loogu sheegin in lagaga jawaabayo warkii eedeynta ah iyo digniinta ahaa ee ka soo yeeray Gudiga Joogtada ee Aqalka Sare ayaa hadda waxaa lagu yiri "Gogoshii uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay madaxda maamul goboleedyada ay weli sideedii u taallo, islamarkaana dowladda ay diyaar u tahay inay dhage ysato cabashooyinkoodii.
Senator Xuseen Sheekh Maxamud Xuseen oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee dalka oo ka hadlay arrintaan ayaa yiri.
"Aniga shakhsiyan, waqti in la qabto waa muhiim, laakin Aqalka sare arrinta uu ka hadlayo waa su’aalihii iyo reportkii ay aqalka sare ka keeneen dowlad goboleedyada maka soo jawaabeen? Markii lagu wareejiyey 2 maalin ayey qabsadeen, 20 maalin ayaa laga joogaa, marka jawaab ma aha arrinta wasaaradda arrimaha gudaha, waxa uu aqalku jawaab ka rabo, waa maamulka Farmaajo”.
Dowladda Somaliya ayaa iska indha tireysa inay jawaab cad ka bixiso hanaanka loo maraayo xalinta Khilaafaadka kala dhaxeeya Maamul Goboledyada dalka ka jira.xigasho:dhacdo.com
DILAL QORSHEYSAN OO KA DHACAY MUQDISHO [FAHFAAHIN]
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaan dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kuwaasi oo ay geysteen kooxo ku hubeysanaa Bastoolado.
Dilka koowaad oo loo geystay ruux shacab ahaa, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Maxamed C/qaadir Jeylaani laguna dhextoogtay Dawaar [Harqaan] ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Fiieejito ee degmada degmada Xamarwayne ee gobolka Banaadir.
Toogashadda labaad, oo lagu khaarijiyay shakhsi la sheegay inuu ka shaqaynayey Geerish, ayaa laga soo wariyay agagaarka Isgoyska mashquulka badan ee Black Sea ee degmada Hodan, ee caasimaa dalka.
Kooxihii falalkaan amniga liddiga ku ah geystay ayaa goobta ay wax ku nafgooyeen isaga bax saday ka hor inta aysan imaanin laamaha amniga oo meydadka shaqsiyaadka la dilay goobta ka qaaday.
magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa caadi ay ka noqdeen inta badan dilalka dadka kuwaasoo soo kordhaya
iyadoo Maalmo ka hor ay ahayd markii xaafadda Suuqa Xoolaha ee D Hiliwaa ay kooxo ku hub eysan Bastoola ddo ay ku dileen labo ruux, kuwaasi oo la sheegay inay kala ahaayeen maamulaha Iskuul iyo ku xigeenkiisa iyadoo laga qaatay agabkii ay wateen oo ahaa telefoono iyo kumbiyuterro labtop ah.
DUQII HORE MUQDISHO TAABID OO NOQONAYO SAFIIR XOG MUHIIMA!!
Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in loo maga caabo Safiirka Soomaaliya, u fadhiya Dalka Sacuudi Carabiya sida ilo wareedyo Muhiima u xaqeeji yeen Shabakadda Shaaciye.com
"Duqii Hore Muqdisho ayaa dhawaan dib ula midoobay kooxda la baxday Nabad iyo Nolol sida aay xaqeejiyeen dad si aad ah ugu dhow kadib markii aay u balan qaaden in loo magacaabayo Safiir ka Soomaaliya u fadhiya Dalka Sacuudi Carabiya.
Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa arrintaasi diidan maad ama khilaaf soo kala dhex galay Taabid iyo Rw, Kheyre Sababay in ugu danbeyn xilka laga qaado Duqii Hore Muqdisho.Md.Taabid Cabdi oo ah shaqsi dhalinyaraa ayaa lagu xusuus ta intuu xilka haa yay inuu qoray dhalinya ro badan oo Kooxda Nabad iyo Nolol ku difaacda Baraha Bulshadda ka dibna lac ag bil walba ku qaadan jiray. Xigasho: Shaaciye
GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY SHARCIYO MUHIIM AH
Kulanka baarlamaanka jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoominaayey gudoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa looga Hadlay ilaa dhowr Ajando waxaana ahmiyad gaar ah la siiyeyakhrinta labaad hindisa sharciyeedkawax ka badalka sharciga guud ee Hanti Dhowrka Qaranka.
Xildhibaanbada ka qeyb galay kulanka Baarlamaanka ayaa ka doodey sharuudaha looga baahanyahay qofka u tartamaayo xilka hanti dhowrka Qaranka iyo qodobada uu ku weyn karo xilkiisa waxa ay sidoo kale ay xildhibaanada qaar ka hadleyn sida Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya uu xilka ugu qaadi karo Hanti dhowraha guud Qaranka.
Sidoo kale xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyey in Hanti Dhowraha guud ee Qaranka xilka looga qaadi karo in ugu hyoreyn xildhibaanada Golaha Shacabka ay soo jeediyaan xil ka qaadistiisa oo ay deetana u gudbiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedceraalka Soomaaliya.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalo sharciyo badan oo la rajeynaayo in kulumada soo aadan ay wax ka badal ku sameyn doonaan sidaasna ay ku ansixin doonaan, baarlamaanka 10”aad ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa insharciyo badan oo hor yaallo aynan ansixin.
R.W KHAYRE OO AMMAR SIIYAY WASIIRRO KA TIRSAN XUKUUMADDIISA
Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa shalay kormeeray xarumaha wasaaradaha warfaafinta, boostada iyo khayraadka biyaha.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska kula kulmay wasiir kuxigeenka wasaaradda iyo agaasimayaasha waaxyada oo uga warbixiyay habsami u socdka shaqooyinka wasaaradda, halbeegyada ay wasaaraddu ku leedahay tubooyinka ay qaybta ka tahay iyo qorshayaasha howlaha hortebinta u leh wasaaradda.
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ayaa qayb ka ahxarumaha uu ra’iisul wasaaru hu kormeerka ku tegay, halkaas oo uu kula kulmay agaasimaha guud ee wasaaradda iyo agaasi mayaasha waaxyaha oo ra’iisul wasaaraha uga xogwarammay hannaanka ay shaqada wasaaradda u wadaan.
Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ugu dambayn kormeeray wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo wacigelinta oo uu kula kulmay wasiirka wasaaradda, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyada.
Ra’iisul wasaaraha ayaa dhammaan masuuliyiinta wasaaradaha uu booqday waxa uu faray in si hufan ay uga qayb qaataan barnaamijka isxilqaan iyaga oo ka bilaabaya qurxinta iyo dib u hagaa jinta xarumaha wasaaradahooda iyo in ay laba jibbaaraan dardargelinta shaqooyinka ay u hayaan qaranka si loo gaaro hadafka guud ee ummadda Soomaaliyeed.
Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha korjoogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daahfurnaan, si mar walba loola socdo horumarrada la gaaray iyo dardar gelinta howlaha hortebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla.
CIIDAMADA ETHIOPIA OO JIR DIL XOOGGAN U GEYSTAY MAAMULAHA LAANTA HORMUUD BAARDHEERE.
Ciidamada Itobiya ee ku sugan gudaha Magaalad Baardheere waxaa shalay gelinkii hore ay jirdil xoogan u geysteen –maamulaha Shirkadda Hormuud xarunteeda Baardheere.
Dhibane Ismaaciil Axmed Nuur oo ah maamulaha Shirkadda Hormuud xarunteeda Baardheere ayaa la kulmay jirdil xoogan xilli uu ku sugnaa gudaha Airportka Magaaladahalkas oo uu u tagay in uu Ethiopianka kala xaajooda arrimo la xiriiro Laanta shirkadda Hormuud ee Baardheere kuwaas ,oo ay ka mid ahaayeen in shirkada laga qaado xayiraada ay saareen Ciidamada Ethiopia.
Maamule Ismaaciil Axmednuur ayaa Itoobiyaanka ka dalbaday in shirkada laga qaado xayira ada xilliyada aroorti ah,inta u dhexeyso 600AM Aroortii ilaa 9:00AM barqanimo (Laba iyo Tobanka Aroornimo iyo Sagaalka barqanimo”.
Arrintaas oo cabasho xoogan uu ka muujiyay maamulaha la jir dilay,islamarkaana uu sheegay in dhaqaalo badan uu ka lumayo shirkadda,ayna isi soo tarayaan cabasho xoogan oo uga imaaneysa dhanka shacabka ka mid ah Macaamiishooda,sidaasi darteedna loo baahan yahay in Ciidamada Ethio pia ay si sharuud la’aan ah xayirada uga qaadan shirkadda.
Muran iyo isafgaranwaa ka dhashay arimahaasi ayaa sababay in Ciidamo lagu Dalbado maamule Ismaaciil iyadoona jirdil xoogan ay u geysteen Askar gaarayso illaa 4 Askari oo Hubeysan ,kuwasoo la sheegay in taliyahooda uu ku amray in la garaaco maamulha –islamarkaana xoog looga saaro gudaha Airport, ka oo Xarun weyn u ah Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Magaalada Baar dheere.
Maamule Ismaaciil Axmed Nuur waxaa hadda dhaawaciisa lagu dabiibayaa Isbitaalka Kulmiye Hospital ,oo ku yaallo agagaarka boosteejada Saakow ee koonfurta Magaalada Baardheere.
Shacabka iyo bulshada Magaalada ayaa waxaa dareen xoog leh ku abuurtay dhacdada shalay ka dhacday magaaladaasi Baardheere.
Waxaa gudaha magaalada laga dareemayaa hadallo Ethiopiannaceyb ah oo lagu dalbanayo in Itoobyaanka ay si deg deg ah oga soo jawaabaan ,dhacdadaasi shalay ay sameeyeen Ciidam adooda.
Dhinacooda maamulka Magaalada Baardheere ayaa shir deg deg ah .ka qaadanayo dhacdada lagu dhaawacay maamulha shirkada Hormuud Baardheere,
Ku simaha Guddoomiyaha Degmada Baardheere Xuseen Xalane ahna Guddoomiyaha Arri maha Bulshada ayaa si kulul u cambaareeyay falkii lagu dhaawacay maamule Ismaaciil Axmed Nuur.waxaana gudoomiyaha uu baaq u jeediyay taliska guud ee Ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia ,isagoo ka codsaday in si deg deg ah loo soo fara galiyo Arrimaha ka soconaya Baardheere.
CIIDAMADA KENYA OO XADKA KU GUBAY GAWAARI AY LEEYIHIIN GANACSATO SOOMAALIYEED
Ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada ee loo yaqa ano Anta Teera ayaa shalay waxa ay gubeen 2 Gaadiid oo nuuca xamuulka qaada, kuwaas oo ay la haayeen Ganacsato Soomaaliyeed.
Falkan ayaa la sheegay in uu ka dhacay Xadka dheer ee kala qeybiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Gaadiidka la gubay oo aan sidin wax Rar ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ku sii jeedeen magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.
Illaa iyo haatan lama oga sababta ka dambeysa in Ciidamada Kenya ay gubaan Gawaaridaasi oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed.
Mana’ahan markii ugu horreysay oo Ciidamada Kenya ay dhibaato u geystaan Hanti ay leeyi hiin Ummadda Soomaaliyeed, waxaana dhowr jeer oo hore ay burburiyeen xarumo shirkadda Horm uud ay ku laheyd K/ Soomaaliya.
KENYA OO DIB U SOO CELISAY MUWA ADINIIN SOOMAALI AH
Illaa iyo 17 Muwaadiniin Soomaali ah ayaa laga soo celiyay dalka Kenya, ka dib markii lagu eedeeyay in ay diideen in ay keenaan cadeymo ku aaddan sax aha an ta dukumintiyo ay ku aadi lahaayeen dalka Uganda oo ay ku sii jeedeen, sida uu xaqiijiyay Wargeyska Dailly Nation ee ka soo baxa Kenya.
Soo celinta Muwadiniintani Soomaaliyed ayaa timid, kadib markii Patrick Wainaina oo ka mid ah Xildhibaanada Ke nya uu Garoonka Jooma Kenyatta ku dhex arkay dadkani Soomaaliyeed iyo sar aakiil ka tirsan Ciidamada ammaanka oo ku dhex doodaya Garoonka, xilli uu ka yimid dalka Imaara adka Carabta.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Muwaadiniintaasi Soomaaliyeed ay isticmaalayeen dukumintiyo been Abuur ah, kuwaas oo ay doonayeen inay Kenya uga baxaan, sida uu hadlka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in diyaaradii keentay dadkaasi ay markiiba ku soo laabatay Mag alada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Inta badan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa dhibaatooyin xooggan kala kulma Kenya, xilliyada ay u safrayaan gudaha dalkaasi.
SHIR LOOGA HADLAYO AMNIGA OO KA FURMAY MANDERA
Shirkani ka furmay magaalada Mandera ee dalka Kenya ayaalooga hadlayaa ka hortagista Xagjireynta dhalinyarada iyo sidii loo yareyn lahaa weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan deegaanada hoostaga magaaladaasi.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka,wadaada Diin ta,waxgaradka, siyaasiyiin iyo qaar ka mid hoggaamiyayaasha bulshada.
Ujeedka shirka ka furmaya magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in ay tahay wax ka qabshada dhinaca ammaanka.
Xiriiriyaha gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya Maxamed Birik ayaa xusay in Xagjeynta dhalinyarada reer Kenya ee ku biira Al Shabaab ay tahay sababta ugu weyn ee ay weerarada ugu dhacaan gobolka.
Mr Birik ayaa xusay in weerarada iyo falalka ammaan dari ee ka jira Mandera ay keentay inuu gaabis xoogan ku yimaado horumarka iyo dhaqaalaha magaaladaasi.
Ugu dambeyn qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo Mudanayaasha laga soo doorto magaalada Mandera ayaa ballan qaaday in dowladda Kenya ay kala shaqeyn doonaan sidii loo xoojin lahaa ammaanka magaalada oo ku dhow xadka Soomaaliya.
MUSHARAXA DOWLADDA TAAGEEREYSO C/CASIIS LAFTA GAREEN OO GAARAY MAGAALADA BAYDHABO
Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gar een) ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, halkaasoo si diiran loogu soo dhow eeyay.
C/casiis Lafta Gareen ayaa ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad ee xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana lagu wadaa inuu Baydhabo kaga dhawaaqo Musharaxnimadiisa.
Wararka ayaa sheegaya in socdaalkiisa ay ku wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo shalay ka raacay magaalada Muqdisho.
Diyaarad siday gawaarida aan xabadaha karin iyo Ilaaladiisa ayaa daraad gaaray magaalada Baydhabo, waxaa la filayaa inuu noqdo Musharaxa ugu culus.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Mr C/casiis Lafta Gareen uu noqon doono Musharaxa ay taageereyso Madaxtooyada iyo Xukuumadda, si uu loolan ula galo Madaxweyne Shariif Xasan.
Haddii uu si rasmi ah ugu dhawaaqo Musharaxnimadiisa, wuxuu lumin doonaa Kursigiisa Xildhibaannimo iyo xilka Wasiir uu ka haayo Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.
C/casiis Lafta Gareen ayaa lagu xusuustaa qamaarkiisa siyaasadeed, kaddib markii uu iska casilay Xil Wasiir kuxigeen ah, iskuna sharxay Guddoomiye Baarlamaan, waxaana uu ka tanaasulay doorashada wareegii labaad, kaddib gorgortan lagula galay in la siiyo Xil Wasiir.
SHIR LOOGA HADLAYO AMNIGA OO KA FURMAY MANDERA
Shirkani ka furmay magaalada Mandera ee dalka Kenya ayaalooga hadlayaa ka hortagista Xagjireynta dhalinyarada iyo sidii loo yareyn lahaa weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan deegaanada hoostaga magaaladaasi.
Kulanka ayaa
waxaa ka qeyb galaya saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka,wadaada Diin ta,waxgaradka,
siyaasiyiin iyo qaar ka mid hoggaamiyayaasha bulshada.
Ujeedka shirka ka furmaya magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in ay tahay wax ka qabshada dhinaca ammaanka.
Xiriiriyaha gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya Maxamed Birik ayaa xusay in Xagjeynta dhalinyarada reer Kenya ee ku biira Al Shabaab ay tahay sababta ugu weyn ee ay weerarada ugu dhacaan gobolka.
Mr Birik ayaa xusay in weerarada iyo falalka ammaan dari ee ka jira Mandera ay keentay inuu gaabis xoogan ku yimaado horumarka iyo dhaqaalaha magaaladaasi.
Ugu dambeyn qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo Mudanayaasha laga soo doorto magaalada Mandera ayaa ballan qaaday in dowladda Kenya ay kala shaqeyn doonaan sidii loo xoojin lahaa ammaanka magaalada oo ku dhow xadka Soomaaliya.
MAXAAD KA TAQAANAA TAARIIKHDA MADAXWEYNE PUTINKA RUUSHKA?
Madaxweynaha Ruushka magaciisa oo dhameystirian waa Vladimir Vladimirovich Putin waxa uuna 7 October 1952 ku dhashay Magaalada Leningrad ee dalkaasi Ruushka, Putin waxaa la dha shay labo wiil uu isagu ugu yaraa, nasiib xumase waxaa ay dhinteen wax yar uun ka dib dalashadiisa, Hooyadiisu waxay aheyd shaqaalle Warshad ku taalay Magaalada uu ku dhasahay halka aabihiisana uu ahaa xubin kamid ah ciidamada Milateriga Dalkaasi.
Putin waxa uu kuliyada sharciga ka bartay Jaamacada Leningrad State University, waxa uuna ka qalin badashay sanadii 1975, waxaana la sheegey in qalin jebintiisa ka dib uu ku biiray ciidamada sirdoonka dalkaasi ee loo yaqaano KGB halkaasi oo uu ka shaqeynaayay muddo 16 sano ah, waxa uu ahaa sirdoon qaabilsan arrimaha dibeda iyadoo uu wadamo badan uu kasoo shaqeyeeyay ka hor inta uu shaqadaasi isaga soo tagin dabayaaqadii sanadii 1991.
Waxa uu siyaasada kusoo biiray sanadkii 1996 isagoo lasoo shaqeeyay maamulkii xiligaasi dalkaasi ka talinaayey ee uu Madaxweynaha ka ahaa Boris Yeltsin, saddex sano dabadeedna waxa uu noqday Madaxweynaha Dalkaasi Ruushka waa 31 December 1999, xilkaasi oo uu iska casilay madaxweynihii xilka kaga horeeyey Mudane Boris.
Quburada dhanka Dhaqaalaha ayaa sheegey in sideedii sano ee ugu horeysay muddo xileedkii Madaxweyne Putin in dhaqalaaha dalkaasi uu kobcay 72%, waxaana la sheegey in wax badan uu ka qabtay dhanka dhaqaalaha dalkaasi, sidoo kale bilaawgii Madaxweyninimadiisa waxa uu xooga saaray casrisyeenta qalabka kala duwan ay ciidamadda dalkaasi ku howl geli jireyn ka hor inta uusan xilka qaban, waxaana la aaminsanyahay in uu ka faa’iideystay qibradiisada dhanka ciidamada uu u leeyahay madaama uu in muddo ah ku guddo jiray hanaanka ciidamadda dalkaasi isagoo darajada Korneyl ka gaaray inta uu ciidamada dalkaasi kamid ahaa.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa lix sano oo hor leh la doortay biishii march ee sanadkaan waxa uuna doorashadaasi ku guuleystay codad gaaraya 76%, inkastoo qolyaha mucaaradka dalkaasi ay aad u dhaliileyn habsami u socodka doorashadaasi.
Waxaa lagu xasuusan doonaa Madaxweyne Putinka Ruushka go’aamada adag ee uu had iyo jeer uu ka qaato Mareykanka iyo xulufadiisa.
WD: Ayuub Maxamed Axmed
PUNTLAND OO WAR KA SOO SAARTAY COLAADA DEGAANKA DHUMAY
Puntland
ayaa waxa ay sheegtay inay aad uga xun tahay dagaalka ka soo cusboonaaday
degaanka Dhumay ee gobolka Sool, kaasi oo u dhaxeeya labada beelood ee
walaalaha ah oo halkaasi wada dega.
Qoraal ay soo saartay Puntland ayaa waxa ay ku sheegtay colaadan soo noq noqatay inay abaabuleeda leedahay Somaliland oo ay tilmaamtay inay cadow ku tahay jiritaanka, nabadda iyo xasiloonida shacabka xigtada ah ee halkaasi wada dega.
Puntland ayaa labada beelood ee colaada ay ka dhaxeyso waxa ay ugu baaqday inay si deg deg ah ku joojiyaan xiisada, iyada oo masuuliyiinta, culimada iyo dhammaan shacabka ku boorisay inay ka qeyb qaataan sidii loo soo afjari lahaa colaada.
Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa ugu dambeyn lagu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay si mugleh uga qeyb qaadato daminta colaada degaanka Dhumay ee gobolka Sool.
TELEFISHINKA CNN OO SOO BANDHIGAY MUUQAAL VIDEO CUSUB EE KIISKA SAXAFIGII JAMAAL KHASHOGGI
Muuqaal ay Kaamerooyinka Qarsoon duubeen ayaa waxaa si cad looga dheehan karaa kaalinta ay 15kii xubnood ee ka tirsanaa Sirdoonka Sacuudiga Ku lahaayeen dilkii qorsheysnaa ee lagu dilay Saxafigaas.
Mustafa Maddani oo madax u ahaa kooxdaas waxa uu door weyn ka qaatay dilkaasi.
Waxaana uu dilkaasi kadib labistay dharkii, kabihii iyo Indhagashigii uu lahaa Saxafigii la dilay.
Mustaf Maddani waxaa muuqaalka laga arki karaa isagoo ku labisan dharkii Jamaal Khashoggi oo ka sii baxaya Albaab ku taalla dhinaca dambe ee dhismaha Qunsulliyada Sacuudiga ee Ku taalla magaallada Istanbul ee dalka Turkiga.
Waxa uu albaabka ka baxay isagoo iska dhigayo inuu Jamaal Khashoggi ka baxay dhismaha Qunsulliyadda.
Sarkaalkaasi waxaa la socday xubin ka tirsan Kooxda dilka fulisay, kaasi oo watay bac la sheegay inay ku jireen hilibkii Saxafigii ay dileen.
Si kastaba ha ahaatee, Xogta Muuqaalkaasi waxaa la soo bandhigay hal maalin ka hor marka uu Madaxweyne Erdogan si rasmi ah u shaacin doono Natiijada xaqiiqda ee baaritaanka dilkii Saxafigii Jamaal Khashoggi.
GUDDOOMIYIHII HORE EE GOLAHA SHACABKA OO CASHAR KA BIXIYAY JAAMACADDA UMMADDA
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacbaka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ay aa cashar ku saabsan Arrimaha Dastuurka waxa uu ka bixiyay Jaamacadda Ummadda ee Magalada Muqdisho.
Jaamacadaas ayaa waxaa dhigta arday farabadan,iyad aoo Maxamed Sheekh Cusmaan Jaw aari uu si kedis ah ku tegay jaamacadaas,isla markaana uu cashir ka bixiyay.
Qaar ka mid ah ardayda ayaa aad u soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacbaka Soomaaliya.
Waa markii ugu horreysay ee Mudane Jawaari uu tago Jaamacadda Ummadda,isla markaana uu Cashar ka bixiyo tan iyo markii uu iska casilay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
MADAXWEYNAHA SUDAN OO WARAAQAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE SOOMAALIYA
Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa shalay qasriga Madaxtooyada ee Kharto um waxaa uu waraaqaha aqoonsiga ee Safiirnimo kaga guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Sudan C/risaaq Axmed Shoole.
C/risaaq Axmed Shoole ayaa ka mid ahaa Safiiro ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya, waxaana loo magacaabay inuu noqdo Safiirka Sudan.
Mr Shoole ayaa ahaa Kuxigeenka Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya, waxaa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa shaqsiyaadka aadka ugu dhowaa Madaxweyne Farmaajo oo kala qeyb qaatay ololihii doorashada.
Dowladda Soomaaliya ayaa is bedel ku sameeyay inta badan Safiirada dalalka deriska, wax aana ay magacawday Safiiro cusub.
Itoobiya iyo Jabuuti ayaa loo magacaabay labo safiir oo nuqul ka mid ah waraaqahooda aqoon siga ay aqbashay Wasaaraddaha Arrimaha dibadda dalalkaas, waxaana labada Safiir kala yihiin Cali Shariif oo loo magacaabay Itoobiya iyo Maxamed Cali Nuur Xaaji oo loo magacaabay Jabuuti, kaasoo laga soo bedelay Itoobiya.
Dalalka Kenya iyo Uganda oo ah wadamo ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya ayaa ah weli loo magacaabin Safiiro.
MAXKAMADA CIIDAMADA QALABKA SIDA OO GO’AAN KA GAARTAY EEDEYSANAYAAL
Saldhiga degmada Dharkenley ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay xafiisk Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side eed ka dhan ah Dable Cali Maxamuud Axmed, Cabdixaaji Ba shiir, Axamed Cabdirisaaq Axmed iyo Cabdifatax Cabduqaadir Axmed oo kawada tirsan Ciidamada Asluubta kuwaasioo ay soo gudbiyeen ciidanka deeganka Garsabaaley oo sheegay in ay dhac geysanayeen Afartoodaba.
Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isla maalintaas weydiistay garsoorayaasha in loo gudbiyo afarta eedeysane xabsiga dhexe garsuge ahaan si’ ay u soo dhameystiraan caddeymahakiiska.
06 bishan ayay xafiiska Xeer Ilaalinta codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista afarta eedey sane, waxaana seddax cisha kadib Maxkamadda muddeysay kiiska, fadhiga hore ee Maxkamadda ayaa loo ballamay 11ka bishan.
Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigi waayay wax dhaafsan eedda ay soo jeediyeen taliska Saldhiga Boliska Dharkenley iyo Ilaalada deeganka Garsabaaley.
Garsoorayaasha ayaa dalbaday in la keeno caddeymo dheeraad ah oo markale la isusgu soo noqdofadhiga Maxkamadda.
18ka bishan ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkamadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta la soo shir tageen kaliya in ay jirto in xilliya kala duwan dhac loo geysan jiray dadka deega anka hasa ahaate xilliga afarta eedeysane la soo qabanayay aysan jirin wax dambi ah oo faraha ay kula jireen.
Qareenka u dooday afarta eedeysane ayaa fadhiga Maxkmadda ka sheegay in ay raggan ilaalo indha indheyn ah ay ka hayeen fadhigooda, waxa uu sidoo kale ku dooday in aysan jirin wax cadeyma ah oo lagu xukumi karo sidaas darteed uu weydiisanayo garsoorayaasha in la siiyo xurriya dooda.
Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhageysiga Maxkamadda laba jeer oo kala duwan ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in la siiyo xurriyadooda afarta eedeysane hadii aysan jirin dambiya ka le oo loo heysto sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaale Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
CABDULAAHI SHEEKH XASAN OO KU EEDEYAY DOWLADA INAY FAROGELIN KU HAYSO DOORASHADA KOOFURGALBEED
Wasiirka Dastuurka maamulka Koonfur Galbeed ahna Afhayeenka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ku eedeeyay dowladda Federalka Soomaaliya in ay ciidan iyo hub ay u geysay magaalada Baydhabo in lagu carqaladeeyo doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed.
Afhayeenka ayaa sheegay in ay habboon tahay in dowladu ay wax u qabato dadkii waxyeelada ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Baydhabo intii ay ku mashquuli lahayd farogelinta doorashada Koofurgalbeed.
"Waxa uu ka soo horjeedaa Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda warkii daraad kasoo ba xay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee loogu baaqayay in Golaha ay yimaadan gogoshii uu horay u fidiyay Madaxweyne Farmaajo.”ayuu yiri afhayeenka Golaha Iskaashiga Maamul Gobol eedyada.
Sidoo kale waxa uu sheegay in weli dowladda Federalka Soomaaliya culeys Siyaasadeed ku hayso Dowlad Goboleedyada,isaga oo ugu baaqay inay ka deyso culeyskaas hadii aysan waxba u qabaneyn.
Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa waxa uu soo hadal qaaday ha dalkii dhawaan Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Golaha wasiirada uu ka dalbanayo ansixinta Sharc iga Xisbiyada dalka,waxaana uu sheegay in Xisbi ay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha isku jiibayaan in Soomaaliya uusan xukumeyn.
BOQORKA SACUDI CARABIYA OO TACSI U DIREY QOYSKA JAMAL KHASHUGGI
Boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan iyo wiilkiisa Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa lab aduba taleefoon kula hadlay wiilka uu dhalay Jamaal Khashoqqi kaasoo lagu magacaabo Saalax iyaga oo uga tacsiyeeyay dilka aabihiis loo geystay.
Saalax Khashoqqi ayaa daggan dalka Sucuudiga waxaana jariidadda Wall Street Journal ay sheegtay in horay looga mamnuucay ka bixitaanka waddanka, si uusan u soo booqanin aabihiis oo baxsad ku tagay dalka Mareykanka.
Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Caadil AlJubeyr ayaa warbaahinta Fox News u shee gay in "dilka” uu ahaa "khalad aad u weyn” wuxuuna beeniyay in dhaxal sugaha boqortooyada ee awoodda badan uu amray dilkaas.
Wariyahaas ayaa markii ugu dambeysay la arkayay isagoo sii galaya Qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istambul.
Mas’uuliyiinta Sucuudiga oo cadaadis xooggan uu ku saarnaa iney meel ku sheegaan wariyahaas ayaa bixiyay hadallo iyo macluumaad iska hor imaanaya.
Markii hore waxay sheegeen in 2dii Oktoobar uu si nabad ah uga baxay qunsuliyadda isagoo aan waxba la yeelin, balse maalintii Jimcaha ayey markii ugu horreysay qirteen inuu dhintay, iyagoo sheegay in lagu dilay dagaal ka dhacay qudaha qunsuliyadda.
WASIIRKA BOOSTADA & ISGAARSIINTA OO SOO XIRAY SHIRKA XIRFADLEYDA TEKNOLOJIYADA SOOMAALIYA
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa si rasmi ah u soo xiray shirweynaha 3aad ee Madasha Xirfadleyda Teknolojiyada (Somali Network Operators Group – SomNOG), iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socotay shirkadaha isgaarsiinta, internetka, jaamacadaha, iyo xirfadleyda teknolojiyada.
Md. Cabdiqani Jaamac oo ah khabiir dhinaca sharciyada isgaarsiinta ah, Dr C/risaaq Dalmar oo ah Guddoomiye kuxigeenka Dalladda jaamacadaha ee SomaliREN, iyo Md. C/qaadir Kadle oo ah Guddoomiyaha SOMNET, oo dhammaantood xiritaanka shirka ka hadlay ayaa ka sheekeeyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada 20kii sano ee la soo dhaafay, iyagoo bogaadiyay dadaallada kala duwan ee ay wadaan shirkadaha, jaamacadaha iyo dawladda ee la xiriira horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada.
Wasiir Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu sanadkii 2aad oo xiriir ah ka soo qeybgalo shirkan, taasina ay muujineyso sida Wasaaraddu u garab taagan tahay Ururka xirfadleyda ee SomNOG oo qeyb muhiim ah ka ah bahda teknolojiyada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa xusay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu sare u soo kacayo wacyiga dhallin yarada ee arrimaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada. "Toddobaadkan iyo kii ka horreeyay wuxuu isgaa rsiinta iyo teknolojiyada dalka u yahay mid muhiim ah. Shirka aan shalay soo xireyno wuxuu soo bill owday 15kii Oktobar 2018. 16 illaa 17kii waxaa dhacday Carwada Isgaarsiinta & Teknolojiyada. 23ka bishana waxaa furmaya Shirweynaha Teknolojiyada Muqdisho,” ayuu yiri wasiirka oo intaasi ku daray "Dhammaan dhacdooyinkaas waxaa soo qabanqaabiyay dhallinyaro isxilqaamay.”
Wasiirka ayaa sheegay in dhowaan ay billaaban doonaan wadatashiyo ku saabsan xeernida amiyeyaal (regulations) lagu fulinayo sharciga isgaarsiinta, uuna rajeynayo in dhallinyarada xirfad leyda ah ay talooyinkooda ku soo biirin doonaan.
"Waxaan rajeyneynaa in kulankan iyo kuwa la midka ahba ay dawladda ku kordhin doonaan fikrado cusub oo ku saabsan sidii dalkan looga horumarin lahaa dhinaca isgaarsiinta iyo teknoloj iyada,” ayuu yiri wasiirka oo intaasi ku daray in fikradaha ka soo baxa madal noocan oo kale ah ay tixgelin doonaan marka la dajinayo qorshaha horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka.
Madashan oo ah mid sanadle ah oo markii 3aad la qabanayo waxay isugu jirtay tababarro iyo aqoonisweydaarsiyo, waxaana ujeeddadeedu tahay sidii loo kobcin lahaa xirfadaha la xiriira kaabay aasha iyo adeegyada isgaarsiinta Internetka iyo sidii loo abuuri lahaa madal furan oo ay xirfadleyda iyo daneeyeyaasha kale ee isgaarsiinta Internetku ay ku wadaagaan aqoonta, khibradaha iyo warbi xinnada la xiriira teknoolojiyadda Internetka, isla markaana si joogto ah loogu sameyn lahaa wacyigelin.
BOGGA CAYAARAHA
REAL MADRID OO BISHA JANUARY SOO QAADANAYSA IBRAHIMOVIC
Kooxda ku ciyaarta Santiago Bernabeu ayaa kulamadii ugu
danbeeyay ee ay ka ciyaartay La Liga iyo Champions Le-ague aan gaarin w-ax guul
ah.
Halka quburada kubadda cagta ay inta badan u aanaynayaan kooxda oo aan haysan gool dhaliye halis ah kaas oo kulan walba shabaqa gaari kara.
Zalatan oo kasoo ciyaaray 4-kamid ah shanta horyaal ee loogu daawasho qaaradda yurub ayaa waqtigan ku sugan kooxda ka ciyaarta MLS-ka maraykanka ee La Galaxy.
Sida laga soo xiganayo Cadena Cope Real Madrid ayaa isha ku haysa in ay bisha January soo qaadato Zlatan Ibrahimovic, markaas oo uu ku egyahay qandaraaskiisa La Galaxy.
Kooxda caasimadda ayayna suurta gal tahay in ay hesho xidigan horay ugu soo ciyaaray koox da ay Spain ku xifaaltamaan ee Barcelona, maadaama aysan uga bixi doonin wax lacag ah.
HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 23-KA OKTOOBAR 2018-KA
SHIRKA MAAMUL GOBOLEEDYADA OO MAANTA LA FILAYO IN LA SOO GABA GABEEYO Magaalada Garowe waxaa ka socda shir maalinkii Saddexaad galay, kaasi oo u dhaxeeya madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira, oo isugu tagay halkaasi, kadib markii uu casuumay