Paul Scholes Oo Jeexjeexay Van Gaal Iyo Man United "Xataa Van Gaal Ayaa Ku Caajisay Meesha, Yaa Garanaya Halka Ay Ka Ciyaaraan Mata, Herrera, Fellaini Iyo Martial ? Xataa Van Gaal Ma Garanayo"

0
Sunday January 10, 2016 - 11:46:39 in Sports News by
  • Visits: 704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Paul Scholes Oo Jeexjeexay Van Gaal Iyo Man United "Xataa Van Gaal Ayaa Ku Caajisay Meesha, Yaa Garanaya Halka Ay Ka Ciyaaraan Mata, Herrera, Fellaini Iyo Martial ? Xataa Van Gaal Ma Garanayo"

    Halyeeyga kooxda Manchester United ee Paul Scholes ayaa jeexjeexay kooxdiis hore kadib makrii ay xalay ku dhibtoodeen iney kulankii FA Cup guul lagu raaxeysto ka gaaraan kooxda heerka hoose ee Sheffield United.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Paul Scholes ayaa jeexjeexay kooxdiis hore kadib makrii ay xalay ku dhibtoodeen iney kulankii FA Cup guul lagu raaxeysto ka gaaraan kooxda heerka hoose ee Sheffield United.

Wayne Rooney ayaa waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta kooxdiisa u dhaliyay gool ku laad kadib markii Dean Hammond qalad ku galay Memphis Depay diilinta ganaaxa ee koxodiisa.

Wiilasha Louis van Gaal ayaa ku guuldareysat iney hal kaad oo toos ah la helaan goosha kooxda ka soo horjeeday ilaa markii ay saacad ka soo wareegatay ciyaarta mooyaane Scholes ayaana ku tilmaamay qab ciyaareedkii kooxdiisii hore mid lagu yaaqyaaqsado, lagu caajiso, oo saameyn xun leh sidoo kalena ay ku qaadan doonto sadex ilaa afar maalmood in la iloobo.

Wuxuu yiri Paul Scholes "Waxaad u baahan tahay inaad wax sameyso markaad ciyaariyahan tahay, dadka waxay u baahan yihiin iney wax arkaan, caawa dhan (Xalay) gacmaheyga waxay saarnaayeen madaxeyga, waan yaabanahay, waxaan daawanay 90 daqiiqo oo caajis ah, daafac ku dhisan, iyaga maamulka ah ayaa caajisay, jamaahiirta ayaa caajistay, waxaad eegtaa keydka kooxda xataa Van Gaal ayaa u muuqda mid ku caajisay meesha”

"Waxaan isku dayay inaan difaaco kooxdaan labadii ilaa sadexdii isbuuc ee ugu danbeysay, waana wax adag oo aan la sii wadi karin, marwaliba oo aad timaado Old Trafford waa sidaan, waa kubada saameyn xun leh, waxaad ka hadli kartaa in 31 laad ay shabaqa la heleen labadii kulan ee la soo dhaafay kaliyana waxaan dhalinay labo gool, waxaa ii muuqda godod waa weyn uu buuxis u baahan”

"Waxaan keenay Marouane Fellaini sababtoo ah waa nin aad ugu fiican qaanad ka qaanad, wuxuu isku dayay inuu gadaal u laabto kubada soo dhiso, laakin inuu hore u dhaqaaqo ma aha howshiisa, waligiisna uma sahlaneyneyso taas”

"Herrera – muxuu yahay, ma Nabmar 10? Ima khad dhexe ? Ma ogi hadii uu Van Gaal yaqaano midaas”

"Juan Mata wuxuu ciyaarayaa garabka midig ee khadka dhexe, miyuu leeyahay orod uu kaga yimaado halkaas ? Martial ma garab bidix baa mise waa weeraryahan dhexe ? Kumaa yaqaana ?

"Maalin waliba ciyaaryahanka wuxuu ka ciyaarayaa boos cusub, waxaa jira su’aalo badan oo siweydiis mudan, waxaan kaliya ku faraxsanahay inaan isbuuca danbe u safri doonin Sheffield, xaqiiqdii taas aad ayaan ugu faraxsanahay”

Scholes aya intaa ku daray "Marwaliba cadaadisa ayaa ka jira halkaan, waa inaad wax kugu filan oo aad cadaadiska uga baaqsato sameysaa, ciyaartooyda waxay halkaan u joogaan sabab, waxay awood u lahaan lahaayeen iney guuleystaan kulamada, ma jirto degdeg ay wax ku doonayaan, waxay hoos isugu dhigayaan dadka, ma sameynayaan taakalo, dhab ahaantii kualn kan oo kale ah si lagu qanco iney ku badiyaan ayeey aheyd”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip