
Suuqa Kale Iibsiga: Manchester City Oo Kula Dagaalami Doonta PSG, Man United Iyo Real Madrid Saxiixa Eden Hazard Hadiiba Uu ka Tagayo Chelsea
Kooxda hantida ka qaniga ah ee Manchester City ayaa diyaar u ah iney dhigooda murqo weynta dhaalaha ee Man United, Paris Saint-Germain iyo Real Madridsoo xerogalinta xidiga£80ka milyan oo pound lagu qiimeeyo ee Chelsea kubada u sameeya ee Eden Hazard.
Sky Blues ayaa doonaya iney kaga faa’ideystaan soo xergolainta xidigaan saaxiibadiisa xulka Belgium ee kala ah Vincent Kompany iyo Kevin De Bruyne kuwaasoo la aaminsa yahay iney saameyn ku yeelan karaan go’aanka uuHazard, oo jira 25 sano ku imaan karo garoonka Etihad Stadiumsidoo kale u sharixi kara iney tahay halka ugu fiican ee uu tayadiisa ku sii horumarin karo.
City ayaa dooneysa iney
siyaasadeeda ku dhisto waxa loo yaqaano galactico waxayna qorsheynayaa
iney la soo wareegaan xidigo magac leh iyo waliba macalinka aadka loo
qiimeeyo eePep Guardiola kaasoo ay ka dhigteen bartilmaameedkooda
koowaad ee ay ka aamineen qofka sida ugu haboon dhaqaalahooda iyo
kubadooda iska garab dhigi kara.
Xidiga Barcelona ee Lionel Messi ayaa sidoo kale ah ciyaariyahanka ugu horeeyay ee ay doonayaan iney lasoo wareegaan marba hadii ay helaan Pep inkastoo kooxda Bluagrana ay ka biyo diidan tahay iibinta xidigooda heerka caalami ee afarta jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon D’orka.
Suuqa Kale Iibsiga: Manchester City Oo Kula Dagaalami Doonta PSG, Man United Iyo Real Madrid Saxiixa Eden Hazard Hadiiba Uu ka Tagayo Chelsea
Kooxda hantida ka qaniga ah ee Manchester City ayaa diyaar u ah iney dhigooda murqo weynta dhaalaha ee Man United, Paris Saint-Germain iyo Real Madridsoo xerogalinta xidiga£80ka milyan oo pound lagu qiimeeyo ee Chelsea kubada u sameeya ee Eden