
HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 17-KA OKTOOBRA 2018-KA
Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen sababta loo xiray wadooyinka qaar ee Muqdisho in aysan garaneyn, balse taliyeyaashooda ay amar siiyeen.
Warar hoose oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan sababta wadooyinka loo xiray inay tahay in magaalada Muqdisho ay ku soo wajahan yihiin wafdi ka socda Midowga Afrika,
GEN. INDHA QARSHE "DOOMAN AY SHABAAB LAHAAYEEN AYAAN BURUBURINAY”
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed General Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) ayaa wuxuu sheegay hawlgal ay ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe inay ku burburiyeen dooman ay isticmaalayeen Ururka Al Shabaab.
Wuxuu sheegay Shabaab inay mar walba isku dayaan inay dhibaateeyaan shacabka, ciidamada xoogga dalkana arrintaasi ay ka soo horjeedaan oo habeen iyo maalinba ay difaacayaan.
General Indha qarshe ayaa wuxuu sidoo kale sheegay hawlgalada in keliya aysan ku koobneyn gobolka Shabeellaha Dhexe, balse xoogooda uu ka socdo gobolada Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan.
"Doonyo waxay sameysteen oo yar yar, oo biyaha ay uga kala gudbaan, doonyihii qaar waan gubnay qaarna gacanta ayaan ku dhignay, waxay mar walba dhibaateeyaan shacabka beeraleyda ah, balse annaga kama yeeli doono arrintaasi, hawlgalada waxay ka socdaan qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka, waxaan dhawaan isku furnay wadooyin badan oo horey Shabaab ay go’doomiyeen”. ayuu yiri Gen. Indha qarshe.
Ciidamada xoogga dalka ayaa laba jibaaray hawlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, waxayna dhawaan ku guuleysteen inay isku furaan wadooyin ay go’doomiyeen Shabaab, islamarkaana la wareegaan deegaano muhiim ah.
MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO SHAQADDA KA CEYRIYAY MAS'UULIYIINTA SADDEX GUDDI
Madaxweynaha Somaliland, Muda ne Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/ XM/WM/222215/102018, ku magacaab ay Xubnaha Komishanka Maamulwanaa ga. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan: Wareegto Ma daxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobkiisa 90 aad; Markaan Arkay: Xeerka Komishanka MaamulWanaaga, Xeer Lr. 58/2012; Ma rkaan Arkay: Xeerka Guddida Qaranka ee Xakamaynta AIDSKa, Xeer Lr. 67/2015; Markaan Arkay: Xeerka Guddida Dhawri sta Tayada, Xeer Lr. 68/2014; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waay aaragnimadooda; Markaan ku Qan cay: In ay Hanan Karaan Masuuliyad da ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameey ey: Latashi Ballaadhan; Waxaan Go'a amiyey;
1) In laga bilaabo taariikhda shalay aan Xubnaha Komishanka Maamulwana aga u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Tir Magaca Xilka
1. Axmed Jaamac Maxamuud Xubin
2. Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Maxamed Xubin
3. Maxamed Axmed Cawaale Xubin
4. Liibaan Ismaaciil Cabdillaahi Xubin
5. Dayib Aadan Xaaji Cali Xubin
2) In laga bilaabo taariikhda shalay aan Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDSka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Tir Magaca Xilka
1.Naasir Ayjeex Jaamac Agaasimaha Fuli nta
HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 17-KA OKTOOBRA 2018-KA
WADOOYINKA QAAR EE MAGAALADA MUQDISHO OO SAAKAY XIRAN Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin isgoysyada magaalada gudaheeda qaarkood. Isgoyska Ban