
16-KA OKTOOBAR 2018-KA HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA MOGTIM3S DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 16-KA OKTOOBAR 2018-KA
WASIIRKA GAASHAANDHIGA OO SAGOOTIYAY SARAAKIIL TABABAR LOOGU QAADAY TURKIGA ..
60ka mid ah Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ayaa maanta tababar loogu qaaday dalka Turkiga sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Amar Dambe
"Waxaan maanta Garoonka Aden Cade ka sii sagootiyay saraakiil tababar loogu qaaday dalka Turkiga tiradooda waa 60 sarkaal oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka gaar ahaan saraakiishii iyo saraakiil xigeenadii ka qalin jabisay Kuliyada tababarada ee Turki Som”.ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in saraakiishan maanta rababarka loo qaaday ay isugu jiraan Layli Saraakiil iyo Saraakiil xigeen, hoggaanka Maamulka ciidanka xoogga Iyo Saraakiil kale oo loo qaaday tababar gaar ah oo Kumaandoos ah.
Xasan Cali Amar dambe ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda faderaalka Soomaaliya uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay ka go’an tahay Dibudhiska Ciidanka xoogga dalka, wuxuuna kaga mahadceliyay dowlada Turkiga taageerada Joogtada ay siiso hrumarinta ciidanka Soomaaliya.
CIIDAMADDA MELETARIGA DOWLADDA KENYA OO SHEEGTAY INYSAN KA BIXI DOONIN SOOMAALIYA
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka dhawaajiyey in dowladda Kenya aysan ciidamadeeda kala bixi doonin Somalia ilaa inta uu waddanka ka helayo Nabad, Xasilooni, iyo Amaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada difaaca Kenya ay sii joogi doonaan Somali kana sii mid ahaan doonan howgalka nabad ilaalinta ee Amisom ilaa iyo inta laga guul gaarayo kooxaha kasoo horjeedo nabadda wadanka.
"waxan imanay Somalia sanadkii 2011, Waana sii wadan doonaa joogitankeena waddanka inta dib si buuxda loogu soo celinayo amaanka Somalia”, Ayuu yiri mr Kenyatta.
Madaxweyne Kenyatta ayaa hadalkan ka sheegay intii ay socotay munaasabadii 7aad ee maalinta ciidamada difaaca Kenya oo ka dhacday Gilgil, oo ka tirsan gobolka Nakuru County.
Maalinta KDFayaa loo calaamadeeyey in dib loogu xasuusto halyeeyadii ku geeriyooday difaaca waddanka iyagoo u dagaalamaya madax banaani iyo in la helo Nabad iyo xorriyad
KULLAN LOOGU DUCEYNAYAY DADKII KU WAXYEELABAY QARAXII SOOBE OO LAGU QABTAY TURKIGA
Munaasabad lagu xusayay Weerarkii 14kii October ee sanadkii hore ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay Xarunta Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Istanbul,waxaana kullanka loogu duceeyay dadkii waxyeelada ka soo gaartay Masiibadaasi.
Jaaliyada Soomaaliyeed ee Turkiga ayaa lagu ammaanay doorkii ay ka qaateen u gargaarida dhawacyadii la keenay Dalka Turkiga .
Ganacsatada, Ardayda iyo Dad kale ayaa goob joog ka ahaa kullanka Ducada ah Waxana kasoo qeyb galayaasha wajiyadooda ka muuqday murugo xooggan .
Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Turkiga Mudane Sheikh Maxamed ayaa gunaanudkii hadalka Qaatay wuxuuna sheegay in wixii dhacay 14kii October sanadkii hore ay ahayd masiibo loona baahan yahay in hal meel looga soo wada jeesto cadowga ummadda Soomaaliyeed ee caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.
Gabagabadii Kullanka Waxa shahaado Sharaf ay jaaliyada Gudoonsiisay Ganacsatada,Haweenka iyo ardaydii dowrka muhiimka ah ka qaatay u gargaarida dhaawacyada Qaraxii Soobe ee dalka Turkiga la geeyay sanadkii tagay ee 2017dii,kuwaasi oo qaarkood ay bogsadeen.
MAREYKANKA OO SHEEGAY INUU DUQEYN KU DILAY XUBNO KA TIRSAN SHABAAB
Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ee magaciisa loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka oo kaashanaya dawlada faderaalka ah ee Soomaaliya ay 14kii bishan October duqayn ka dhan ah AlShabaab ay ka fuliyeen deegaanka Araare ee gobolka Jubbada Hoose.
Waxaana war saxaafadeedka lagu sheegay in weerarkan oo lagu dilay Afar xubnood oo argagixiso ah islamarkaana hadda la qiimaynayo haddii dad rayid ahi ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen duqeyntaasi.
Warsaxaafadeedku waxa uu intaasi ku daray in duqayntu ay timi kadib markii ciidanka ay wada shaqaynta leeyihiin la kulmeen rasaasayn, iyadoo hawlgalkaasi oo ay hogaaminayeen Soomaalidu islamarkaana aanay ku jirin ciidamada Maraykanka.
Ugu danbayn waxa war saxaafadeedka lagu sheegay in ciidamada Maraykanku ay sii wadi doonaan dhammaan talaabooyinka ay awooda u haystaan ama haboon ee ay ku ilaalinayaan muwaadiniinta Maraykanka ah islamarkaana ay ku wiiqayaan Al Shabaab.
DOWLADDA SOOMAALIYA OO GARAB ISTAAG BUUXA U MUUJISAY SUCUUDIGA (WAR SAXAAFADEED)
Dowladda Soomaaliya ayaa garab istaag buuxa u muujisay Boqortooyada Sucuudi Carabiya, xilli uu isa soo tarayo dhaleeceyn xoog leh oo dowladda Sucuudiga loogu jeedinayo dilkii Saxafiga Jamaal Kashoggi.
War saxaafadeed afka Carabiga ku qornaa oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka soo horjeedo cid kasta oo dhib u geysaneysa Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
"Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.
War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri "Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya.” Todobaadkii hore ay ay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Soo maaliya Xasan Cali Kheyre uu booqasho ku tagay magaalada Riyadh, waxaana uu kulamo la qaatay Boqorka Sucuudiga iyo Dhaxalsugaha Maxamed Bin Salmaan.
SENATARADA FEDERAALKA KU MATALA KOONFUR GALBEED OO FARAGELIN KA DIGAY
Senatarada Federaalka ku matala maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka digay in doorashadda Madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed in lagu sameeyo Faragalin xilli maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxaayeen in ay jiraan xubno ay wadato dowladda Soomaaliya oo Musharaxiin ah.
Waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in Ammaanka Magaalada Baydhabo si weyn loo adkeeyo, waxaana Musharaxiinta uga digeen in ay Khalkhalgaliyaan Ammaanka Koonfur Galbeed.
Senataradda ayaa ugu dambeyntii ku baaqay la dedejiyo Magacaabista Guddiga doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.
RA’IISUL WASAARE KHAYRE OO DHAGAX DHIGAY MASHAARIIC HORUMARINEED OO LAGA HIRGELINAYO HIRSHABEELLE
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mduane Xasan Cali Khayre oo maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar, ayaa dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Madaxtooyada Hirshabeelle, xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyadda.
Munaasabadda dhagaxdhigga waxaa goob joog ka ahaa wasiirro, xildhibaanno, agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, madaxwaynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, kuxigeenkiis iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.
Madaxwaynaha Hirshabeelle ayaa dawladda federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay mashaariicda uu ra’iisul wasaaruhu dhagaxdhigay isaga oo sheegay in fulinta mashaariicdaan ay wax badan kusoo kordhinayso hannaanka geeddi socodka dhismaha hay’adaha kala duwan ee Hirshabeelle.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xarigga ka jaray dhismaha xarunta tababarka ciidanka Booliiska ee magaalada Jowhar, si loogu bilaabo tababarka ciidanka Booliiska Hirshabeelle ==DHAMMAAD==
MUSHARAX MUQTAAR ROOBOW OO KA HADLAY QARAXYADII BAYDHABO KA DHACAY
Musharax Muqtaar Roobow oo ka hadlay qaraxyadii doraad ka dhacay Baydhabo ayaa yiri :waxaan aragnay wax aad nooga yaabiyay oo aad noo murjiyay waxaadna moodaa in xasuuqan lagu soo beegay xasuuqii 14 ka Oktoobar ka dhacay Muqdisho Maadaama caawa Oktoobar tahay 14.
Sidoo kale waxa uu yiri: Waxaa nasiib daro ah in caruurtiina la idinka xooogo dabadeedna lacagta lagu soo baadiyeeyana idinka la idinka qaado, marka la soo baadiyeeyana dib loogu soo diro guryahoodii oo waxa aad aragtaan ey ka geystaan,waxaan nimankaan khawaariijta ah ee dhiigiina baneystay leeyahay ka towbad keena waxa aad ku jirtaan shacabkana waxaan leeyahay kuwa ka towbad keeni waaya haloo istaago weliba kuwaan maalmo ayaa ku filan oolagu soo afjari karaa ee kaca oo la dagaalama Waxa uu ugu dambeyn Tac si u diray dadkii ku waxyeeloobay Qarax yadii Baydhabo kuwii 14 kii Oktoobar ee Zoope iyo intii u dhaxeysay dadkii weera rada lagu laayay .
Wariye Ali Ilyaas @Hctv Baydhabo
MAXAA YAAB IS DABA ORDAYA,
Madaxweynaha oo amray in waxbarasho madani ah iyo mid ciidan loo fidiyo dhallinyaradii qeybta ka ahayd colaaddii Marka
Muqdisho, Oktoobar 15, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay dhallinyaro qayb ka ahaa colaaddii sokeeye ee ka jirtay magaalada Marka ayaa sheegay in maanta laga bilaabo dhaqan celin loo sameeyo dhallinyaradan, si ay uga mid noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida ay uga go’an tahay dhallinyaradan in ay qayb ka noqdaan geesiyaasha Soomaaliyeed ee u taagan inay Gobolka Shabeellaha Hoose ka xoreeyaan argagigixisada Alshabaab ee hagardaamada iyo dhibaatada joogtada ah ku haya shacabka Gobolka.
"Dowladdu waxa ay dadaal ku bixinaysaa sidii aad u heli lahaydeen waxbarasho madani ah iyo mid ciidan, si la idiinku diyaariyo mustaqbal wanaagsan oo idiin horseedaya inaad hormuud u noqotaan difaaca iyo horumarka dalkiinna iyo dadkiinna.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si qotodheer uga hadlay dhibaatooyinka ay shacabku ka dhaxleen dagaalladii sokeeye ee dalka soo maaray, gaar ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo sheegay in cadawga keliya ee caqabadda ku ah nolosha iyo horumarka shacabka deegaankan uu yahay nabaddiidka Alshabaab.
"Waan ka wada dharagsannahay dagaalka sokeeye dhibaatooyinka uu inoo gaystay. Waxaa laga dhaxlay dhallinyaro badan oo idinka oo kale oo dalkan wax tar u noqon lahaa in ay maanta god ku jiraan dagaal macno la’aan ahaa sartiis.”
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay waxgaradka Gobolka iyo guud ahaan bulshada in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ka miro dhalinta heshiiskan nabadeed ee soo afjaray colaaddii ka jirtay magaalada Marka, una istaagaan sidii mustaqbal ifaya loogu abuuri lahaa faca soo socda.
==DHAMMAAD==
SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIR LOOGA HADLAYO ISKAASHIGA TAMARTA IYO BIYAHA.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar kaga qeyb galay Shirkii 4aad ee Biyaha Dowladaha Islaamka.
Shirkan oo furmay shalay ayaa socon doono muddo seddex cisho ah 1416 Waxaana goobjoog ka ah dhammaan Dowladdaha Islaamka Wasiiradooda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha.
Waxaa kulankan laga soo saari doonaa Warbixinno ku aadan Horumarinta Biyaha iyo sidii ay wasaaradahan Tamarta dalalkan isaga kaashan lahaayeen Tamarta iyo biyaha.
Dhanka kale Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa daadal ugu jirta sidii ay shacabka Soomaaiyeed uga faa’ideysan lahaayeen Kheyraadka Biyaha dalka.
DAD QAXOOTI AH OO U DHASHAY DALKA CONGO OO LAGU DHIBAATEEYAY DALKA ANGOLA
Dad lagu laayay Congo Dad qaxooti ah oo u dhashay dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo oo ka soo qaxay woqooyi bari dalka dersika ahi ee nbgola ayaa sheegaya in dhibaato ba'an loo geystay dad ka shaqeeya qodista macdanka.
Dad goob joogeyaal ahi oo halkaasi isaga soo cararay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ciidamada ammaanka ee Angola ay laayeen dhawr qof oo rayid ah, gubeenna guryo isla markaana ay boobeen hanti badan balse eedeymahaasi ayaa waxaa beeniyay mas'uuliyiinta dalka Angola.
Labadii todobaad ee lasoo dhaafay kumanaan kun oo qof oo intooda badan kasoo jeeda Jamhuuriyada Dimoqaraadiga ee Congo ayaa kusii quqlqulayay xuduuda dalkaasi kadib marki lagu qasbay inay isaga qaxaan dalka dariska la'a ah ee Angola.
Dhacdadaan ayaa kusoo aadeysa xili xukuumada Angola ay gaartay go'aan ay isbedel ugu sameyneyso goobaha dheemanka laga qodo ayna uga nadiifineyso dadka ay u arakto inay si sharcidarro ah u qodonayaan dheemanka dalkaasi.
Saxafi la shaqeeyso wakaalada wararka ee Reuters ayaa kula hadashay dadkaasi soo qaxaya gobolka waqooyi ee Lucapa.
Waxa ay dadkaasi u sheegeen weriyaha in booliiska iyo askarta dalka Angola ay xoog ku galeen magaaladaasi iyagoo burburiyay guryo boobayna alaabo ay kamid yihiin telefishino iyo faranjeero, sidoo kalena ku dilay halkaasi dhowr qof oo dad ah, oo mid ka mid ah la sheegay in ay gowraceen booliiskaasi.
Madaxa booliiska dalka Anogla ayaase beeniyay dhammaan eedeymahaasi iyo inay geysteen tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka.
Guilia Paravicini waa weriye la shaqeeyso Reuters oo ku sugan mid ka mid ah magaalooyinka ku dhaw xadka ay wadaagaan labada dal ee Congo iyo Angola.
Iyadoo u waramaysay BBC ayaa waxay tilmaantay qaar ka mid ah qisooyinkii xanuunka badnaa ee ay maqashay.
Dadka u dhashay Conoga ee kasoo qaxaya waqooyi Bari Angola ayaa sheegay in weeraro waxashnimo ah lagu soo qaaday shaqaalo tira yar oo kuwa macdanta qoda.
Goobjoogaayaal kasoo qaxay goobta la weeraray ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in laamaha ammaanka ee Angola ay xoog ku galeen magaalada Lucapa ayna dileen tobanaan qof.
TALISKA XOOGGA DALKA OO WAR KA SOO SAARAY WEERARKII DEEYNUUNAAY
Aroornimadii hore ee saakay ayaa AlShabaab waxa ay weerar ku qaadeen deegaanka Deeynuunaay oo Magalada Baydhabo u jira 26km,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo AlShabaab.
Dagaalka saakay oo Saacado badan socday ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya qeybta 6aad Gaashaanle Sare Ismaaciil Khaliif Shire ayaa sheegay in weerarkaas ay AlShabaab uga dileen 8 ruux,sidoo kalena ay hub uga furteen.
Waxa uu sheegay in dhawaan Warbaahinta u soo bandhigi doonaan khaaaraha ay u geysteen AlShabaab,isla markaana uu sheegay in ay iska difaaceen siina dabagaleen waa sida uu hadalka u dhigay.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay qorsheynayan howlgal la isugu furayo wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.
MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED OO SHIR GUDDOOMIYAY KULAN DEG DEG AH..
Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa Maanta kulan deg deg ah yeeshay Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed,waxaana shir guddoomiyay Madaxweynaha MaamulkaasShariif Xasan Sheekh Aadan.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay laba qodob oo kala ahaa dhinaca amniga iyo diyaar garowga doorashooyinka dhawaan ku soo fool leh Maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiirka Warfaafinta Mamulka koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed (Ugaas Xasan) ayaa sheegay in kulanka marka hore tacsi loogu diray dadkii ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay 13kii Bishaan Magalada Baydhabo,isla markaana waxyeelada ay ka soo gaartay dadka shacabka ah.
Sidoo kale waxa uu sheegay in siwyn leyskula falan qeeyay sidii loo xoojin lahaa amniga,sigaar ah xilliyada doorashooyinka.
Isaga oo shirkaasi ka warbixinayay ayuu sheegay in 17 Bisha soo socota ee November ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,isla markaana leysla gartay in ay si wanaagsan u dhacdo.
DADKA LIXAADKOODU DHIMAN YAHAY OO OROD KU TARTAMAY KENYA
Tartankan oo sannad kasta lagu qabto magaalada Isiolo ee waqooyiga Kenya, ayey dadka ugu badan ee ka qayb gala waxay ka soo jeedaan qowmiyadaha xoolo dhaqatada ah.
Kaalinta 1aad ee tartanka ragga ee 24ka KM waxaa sannadkan qaaday nin ka soo jeeda xoolo dhaqatada deegaanka Narok, halka kaalinta 1aad ee dumarkana ay ku guulaysatay gabar ka soo jeedda Nairobi.
Lacag u dhiganta 1000 Doollar ayuu kiiba ku guulaystay.
Siyaabo kala duwan ayey dadkaasi lixaadkooda u beeleen.
Tusaale ahaan, gabadha kaalinta 1aad gashay waxay lugteeda ku weyday colaadihii dalka Kenya ka dhacay wixii ka dambeeyey doorashooyinkii 2007 ee dhaliyey in ay dhacaan dagaallo ay ku naf waayeen ilaa 1,500 oo qof.
Kuraasta loogu tala galay dadka curyaamiinta ah ayey dadkaasi ku fadhiyeen, waxayna riixayeen oo wareejiynayeen badeelka loogu talay inuu taayarka hore wareejiyo si uu u dhaqaaqo kursiga oo leh seddex lugood.
Kaalimaha 2aad dadka galay ayaa ku guulaystay 750 Doollar, halka kaalimaha 3aadna ay heleen 500 oo Doollar.
Tartankan ayaa waxaa xiiso u yeelay ayadoo ay dadka ka qayb galaya isaga yimaadaan Kenya oo dhan, kuna ordaan wadooyinka Isiolo 24 KM.
Shirkii Afrika ee sannadkii 2016 ayaa looga hadlay dhibaatooyinka haysta naadafada qaaraddan, kaas oo ka dhacay Nigeria, waxaana lagu sheegay in Kenya ay kaalinta hore kaga jirto dhaqan gelinta siyaasadaha looga golleeyahay sare u qaadidda nolosha dadka naadafada ah.
AASIYA XASAN OO XAFLADEEDII QALINJABINTA JAAMACADDA TAGTAY IYADOO 7 MAALMOOD UMUL AH
Dumarka Soomaaliyeed waxaa
inta badan lagu
dhaliilaa iney waxbarashada ka caga jiidaan marka ay reer yeeshaan ama ay
carruurta ku mashquulaan, laakiin Aasiya Xasan waxay leedahay "aniga
tusaale iga dhigta" ka dib markii ay jaamacaddeeda tagtay iyadoo umul ah.
Qaar badan oo ka mid ah haweenka Soomaaliyeed waxay waxbarashadooda kala go'daa marka la guursado ama ay soo food saaraan culeysyo kale oo xagga qoyska ah, inkastoo kuwo kale oo badan ay u dhabar adeygaan gaaritaanka yoolkooda dhinaca aqoonta.
Munaasabad qalin jabin jaamacadeed ah oo ay iska kaashadeen jaamacadaha Lincoln University College, Malaysia, iyo East Africa University, Soomaaliya oo ka dhacday magaalada Garowe ayaa soo jiidatay indhaha Soomaalida.
Dadkii xafladda qalin jabinta ah shahaadooyinka lagu guddoonsiiyay ee farxadda la damaashaadayay waxaa ka mid ahayd Aasiya Xasan Khaalid oo ah hooyo dhashay 2 carruur ah.
Gabadhan ayaa labada carruurta ahba dhashay intii ay ku guda jirtay waxbarashadeeda jaamacadda oo soo socotay muddo 2 sano ah.
Arrinta xiisaha leh ayaase ahayd markii ay hooyadan sheegtay iney 7 beri umul tahay ayna ka soo qeyb gashay xafladda qalin jabinta ah.
BBCda ayaa la kulantay Aasiya oo jaamacadda uga qalin jabisay culuumta xisaabaadka bangiyada islaamiga ah.
"Runtii dareenkeygu maanta aad buu u sarreeyaa, waxaan guul ka gaaray dadaalkii waxbarasho ee aan soo waday labo sano. Inaan ardayad ahaa waxaa ii dheer inaan ahay hooyo haysata 2 carruur ah. Wiilkeyga oo la yiraahdo Cabdalla wuxuu jiraa sannad iyo afar bilood, gabadheyda oo la yiraahdo Amiira iyaduna waxay jirtaa 7 bari". Ayay tiri.
Aasiya ayaa munaasabadda qalin jabinta u soo kaxeysatay wiilkeeda yar oo la wadaagayay farxadda.
Gabadhan ayaa noo sheegtay iney si wanaagsan isugu dheelli tirtay howlaheeda isugu jira tan guriga, xannaanada carruurta iyo waxbarashada.
Dhinaca kale, Dumarka Soomaaliyeed ayay ku boorrisay iney mudnaan siiyaan waxbarashada, iyadoo sheegtay iney horumar weyn ku gaarayaan haddii ay wax bartaan.
Iyadoo la hadleysay haweenka ayay tiri: "Waxaan farriin u dirayaa gabar kasta oo Soomaaliyeed. Waxaan leeyahay marmarsiiyo haka dhiganin 'waxaan ahay hooyo oo wax barashadu way igu culus tahay', wax barta, dadaal sameeya, yaan niyadda la idinka dilin, anigu aan idiin noqdo tusaale".
DOWLADDA FEDERAALKA MA WAXAY ABAALMARISAY WAARE?
Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreeysay ka dhagaxdhigtay mashaariic waa weyn meel ka baxsadan caasimadda Muqdisho, tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka dowladgobolleedyada iyo dowladda dhexe.
Ra'iisul
wasaare Khayre oo safar ku tagay Jowhar Isniinta maanta ah ayaa dhagaxdhiggay
dhismaha xafiisyadda Madaxtooyada Hirshabeelle, xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda
maaliyadda.
Munaasabad kooban oo dhagaxdhigga mashaariicda loo qabtay waxaa sawirro laga soo qaaday ay muujiyeen ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo gacmaha iskugaliyay madaxweynaha Hirshabeelle ,kuxigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka, hoggaamiyayaasha ayaa muddooyinkii dambe uu khilaaf ka dhaxeeyay.
Ma la abaalmariyay Waare
Madaxweynaha maamulka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ku gacansayray toddobadyo ka hor hoggaamiyayaasha dowladgobolleedyada oo xiriirka u jaray dowladda federaalka horraantii bishii Sebtembar ,kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Kismaayo, wuxuu marka la saftay dowladda federaalka.
Wafdiga uu hoggaaminayay ra'iisul wasaaraha ee maanta tagay Jowhar ayaa la sheegay inay sideen farrin ay ku xaqiijinayaan inay dowladda fulinayso ballanqaadkii loo sameeyay hoggaamiyaha Hirshabeelle oo ka badbaaday dhawaan mooshin ay xildhibaanno ka tirsan maamulka ka soo gudbiyeen.
" Dowladda dadaalkeeda ku aaddan inay soo xerogaliyo qaar ka mid ah madaxda dowladgobolleedyada ma aha mid yar, cid walba ayaa arkaysay in Waare uu noqday qofka ugu horreeyay ee dowladda ay dhinaceeda soo xejisay." ayuu yiri Cismaan Kulmiye oo ka faalooda siyaasadda Soomaaliya.
Kulmiye, wuxuu u sheegay Hiiraan Online in madaxweyne Waare ay dowladda dhexe u sameysay ballanqaad ku aaddan in gacan buuxda uu ka heli doono,tallaabada hadda lagu dhagaxdhiggeyna mashaariicda waa weyn inay farrin u tahay madaxda kale ee dowladgobolleedyada.
Warar kale oo ay Hiiraan Online saraakiil u xaqiijiyeen waxaa ay sheegayaan dowladda dhexe inay markan isku daydi doonto wadahadallo lala furo hoggaamiyaha waqtiga uu ka dhammaanayo ee dowladgobolleedka Koonfurgalbeed Shariif Xasan, si loo dhimo awoodo madaxda dowladgobolleedyada ee ku midaysan madasha wadatashiga, balse labada dhinac arrintan ma xaqiijin.
Dowladda federaalka iyo dowladgobolleedyada ayaa markiisii horaba ismariwaaga u dhaxeeya waxuu bilowday markii lala kala saftay dowladdaha Imaaraadka iyo Qadar.
Imaaraadka ayaa dad badan aaminsan yihiin inay xoojinayso maamul gobolleedyada, halka madaxda maamulgoboleedyadana ay dowladda dhexe ku eedaynayaan inaysan dhexdhexeed ka ahayn khilaafka wadammada Khaliijka.
WELIGAA MA ARAGTAY QAMIISKII NABI MOXAMED CSW? MA RABTAA IN AAD ARAGTO?. CASHAR
Boqortooyadii Turkiga ee xukumeysay inta badan Caalamka Islaamka Asiya, Yurub iyo Africa, ayaa Ingriisku ku fekeray in uu Carabta ka hor keeno si uu u qabsado, isaga oo isticmaalay xeelada badan oo ey ka mid aheyd Qof kii Maddax Turki ii keeno Saqiir iyo Kabiirba waxaan siinayaa Lacag, waxaa dhacday in Turkigii xattaa ey ugaarsadaan Carabtii Deriska la eheyd, Turkigii na ey qaxeen, dagaalana lagu qaaday.
Waxyaabihii Taariikhida Islaamka ahaa
oo ey gacanta ku hayeen ayey u qaadeen dalka Turkiga si eyna u galin gacanta
Ingriiska. Waxa eyna ku keydiyeen Mutxaf Qaa sa oo lagu keydiyo Taari ikhda
Islaamka kuna ya al magaalada Istanbul.(( waxaan ka xumahay Sa axibadey badan
oo Ist anabul jooga in eyna soo booqan Mutxafkaa taariikhiga ah)).
Sidee lagu helay Alaabahaa Taariikhiga ah ee Anbiyadii hore ey isticmaali jireen, Diin oo kaliya ayaa Anbiyada oo dhan laga dhaxli karaa, wixii Maadi ah oo ka soo Haro waa Sadaqo ee lama dhaxlo sida Axaadiistu noo warisay. Fatima Bintu Rasuul RC ayaa oo codsatay. Waxaa Sayid Abubakar u daliishaday xadiiska leh wixii Anbiyadu ka tagaan waa sadaqo. Dhinaca kale Nabigeena Moxamed CSW Xaasaskiisii lama Dumaalin oo ma banaaneyn sidaa ey sheegeeyso suuratul Axzaab Aayadda 52aad .
Markii iigu horeysay ee aan Booqday Mutxafkaa, Wey igu adkeyd Saxnim ada qalabkan Taariikhiga ah, sannad kadib ayaa dib u booqday. Markii aan og aaday in Culluma badan oo Islaam ah iyo kuwa culuunta Seyniska bartay ey baaritaan ku sameyeen Da’da ey jiraan Alaabtaani iyo Sida eey u waafaqsan yihiin taariikhda.
Wax yaabaha halkaa yaal, Lama sawiri karo. Shucaaca ayaa loo diidayaa in uu dhib u geeysto bacdamaa ey aad duq u yihiin ama in Gaaladu iftiin ku burburiyaan , waxyaabihii aan hore ugu arkay Mutxafka qaar ka mid ah ayaa maqnaa. Waxaan weydiiyay Asgari sababta. waxa uu igu yiri: Muddo kadibba qaar ayaa bakhaarka la dhigaa si iftiinka looga yareeyo, waxa uu i yiri: waan ku soo tusayaa laakin sawir lama ogola, waxaana ku siinayaa sawirada ku jira kaamaradeeyda, qaar ayaa la ii ogolaaday in aan sawirto, kuwa kalena Buug aag ey ku sawiran yihiin ayaa leey siiyay, Dadka oo dhanna waa loo ogoly ahay Buugaagtaa in ey gataan.
Wax yaabaha Musimaka yaal waxaa ka mid ah. F.S: 1, 2 & 3aad Seefihii iyo Qaansadii Rasuulka CSW. F.S: 4aad Faraatigii Rasuulka ee Shaabadna u ahaa. F.S: 5aad Raadkii Rasuulka SCW oo lagu soo qaday Carradii adkeey ee uu ku istaagay. F.S: 6 & 7aad Kabihii Rasuulka CSW. F.S: 8 & 9aad Cim aamadiisii iyo koofigiisii. F.S: 10aad Qamiiskii Rasuulka CSW. F.S: 11 & 12aad oo ah Qoraal fariimo rasuulku uu diray . Waxaa kale oo sii dheer qayb ka mid ah Tintii Garka Rasuulkeena Moxamed SCW iyo Iligtiisii, Daahii ku xir naa Qolkiisa, Koobkii rasuulku SCW uu wax ku cabi jiray iyo Carro ey ka soo qaadeen Magaalada Madiina waqtigaa iyo waxyaaba kale oo badan.
Dharkii ey xiran jirtay Fatima Bintu Rasuululaah, ( waxa aad la yaabee in dhar nuucaa ah ey ku labisato Gabar uu dhalay qofkii ugu khayrka badnaa dad ka Allaah abuuray oo Musuul ka ahaa dhul intaa la eg, iyo madaxda maanta caruurtooda sida ey uga murgaan dharkooda Fiiri Sarirada 13 & 14aad.
Waxaa kale oo yaal Musimka Ushii Nabi Muuse SC, F.S: 15aad. Koofidii Nabi yusuf CS. F.S: 16aad. qalab bir ah oo gacanta la gashado waqtiyada dag aalka oo uu lahaa Nabi Yaxye CS. F.S: 17aad. Waxaa kale oo yaal Albaabkii hore ee Kacbada iyo Furayaashii hore ee kacbada sannado kala duwan oo ah sannadihii 1617,1870,1809,1509,1160, 1261,1120, iyo 1515. Tusaale F.S 18aad. Iyo weliba Daboolkii Xajarul Aswadka sannadihii 1861 iyo 1876. Anb iyada oo kaliya ma ahan waxaa kale oo yaal qamiiskii Imam Xanafi. F.S. 19a ad. Intaa waxa sii dheer oo aan halkaa ku arkay: Seefihii Sayidinaa Abuubakar ,Sayid Cumar, Sayid Cuthman, Sayid Cali, Seeftii Zubeyr Binu Cawaa, Seeftii khaalid bin Waliiid , Jacfar , Anwer bin yasir iyo Seefo laba saxaabi oo kale.
Musimka dhexdiisa, meelaha qaar looma ogolo in ey galaan dad aan Islaam eheyn, meelaha qaar waa loo ogolyahay haddii ey u labisataan sidii Islaamka , meelaha qaarna waa loo ogolyahay si caadi ah. Musimka aad ayaa loo ilaaliyaa F.S: 20 & 21aad.
Waddamada Islaamka qaar ayaa codsado in Carwa ahaan Dalkooda loo keeno sida Malisiya, si ey dadkooda u siiyaan fursad ey ku arkaan, waxaa la dhigaa carwo dalkaa ah si dadka aan tagi Karin Turkigu u arkaan. Waxyaabihii aan halkaa ku soo arkay, markii aan garaadkeeyga yar la kaashaday waxaa ii muuqatay in ey Asalkii yihiin sida Mallaayiin Qof oo Muslim iyo Gaalaba ihi ey u xaqiiqsadeen in ey tahay keyd dhab ah oo waqtiya hore la keeydiyay, wad amada qaar ayaa iyaguna keydsaday qalab kuwan ka da’weyn, laakin aan qiima ku dhameyn sida ey anniga illa tahay.
Annaga goormeen codsan doonaa in naloo keno si aan aragno.
FG: Arragtidaada xur ayaad u tahay, wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhima nna ku dar.
QORE: YAHYA AMIR.
TAARIIKHDA CALANKA SOOMAALIYA IYO CULAMADII SOOMAALIDA EE
JIRAY BOQOLAAL SANO KA HOR. {CASHAR}
Calanka Soomaaliya
oo loo yaqaan KULMIYE, waxaa loo aqoonsaday astaan calan qaran 12/10/1954. Sanadkii
1949 jamciyada qurumaha ayaa ogo laatay in talyaanigu xuriyad gaarsiiyo Somalia
, waxaa dusha ka eegayay in xuriyada nala gaarsiiyo Masar, Filibiin iyo
kolombiya (Egypt, the Philippines and Columbia) .
Xasuusin: si loo xushmeeyo saddaxdaa wadan ayaa wadada guriga Hawe enka gadaal ka marto ee Soomaalidu u taqaan Via Eejito, af Talyaani ,Egypt af Ingiriis, Masar af Caribi, (Masar oo af Talyaaniga lagu yiraahdo Eejito, Enga riiska lagu yihaardo Egypt )ayaa loogu magac daray, wadada kale ee dhinaca shaleemada banaadir ka xigtana waxaa la yiraa Via Filibiin, tan sadaxaad ee ku sii xigtana waxaa la yiraa via Kolombia ,welina magacyadaasi waa ku qor anyihiin wadada dhinaceeda .
Wadamadaasi waxa ay fududeeyeen in la dhiso baarlamaankii ugu hore eyay ee Soomaalida si sharci dajinta looga ilaaliyo talyaaniga, waxaana af hay eenkii ugu horeeyay loo doortay Md. Adan Cabdulle Cusman, oo markii dambe madaxweyne noqday
Golihii ugu horeyay ee sharci daji ntuwaxa uu ka koobnaa 70 xildhibaan, 60 Soomaali ah oo xisbiyadu soo xule en iyo 10 xildhibaan oo loo qaybiyay bulshooyinka kale ee aan Soomaalida aheyn (4 Talyaani ah, 4 Carab ah, 1 Hi ndi ah iyo 1 Bakistaan ah).
Markii goluhu ka hadlayay arrinta ca lanka ayaa Md. Maxamed Cawaale Lii baan soo jeediyay in calanka ay ka ha ddli karaan xildhibaanada Soomaalida ah oo kaliya ,arrintaa waa loo codeeyay waana lagu guuleeystay waxaa loo xil saaray guddi si ku meel gaar ah uu madax uga ahaa Sh. Omar, waxa uuna soo jeediyay in arrinta berri laga hadlo, habeenkaa ayuu Mr. Liiban gurigiisa tagay.
Maalintii xigtay fadhigu wuxuu bilaabmay 10:30 subaxnimo, Md. Liiban ay aa codsaday in hadalka la siiyo gudoomiyihiina waa aqbalay, Md.Liibaan Sha atiga hoostiisa ayuu ka soo bixiyay calinkii xabadka ayuuna saartay, asaga oo ku salaaxayo boggiisa, gudoomiyihii ayaa ku amaanay Md. Liibaan in hal habeen uu calankii ku soo diyaariyay.
Ururkii shaqaalaha ganacsatada Soomaaliyeed ( the Somali labour trade union) ayaa u xil saaray Maxamed Cawaale Liiban in uu soo diyaariyo calan ka. Md. Liibaan waxa uu sharaxay sababta uu u xushay calankan, wuxuuna yiri: buluugan cirka u eg waxaan u xushay in aan ku xushmeeyo Jamciyada qu ruumaha oo xuriyada in aan gaarno gacan nagu siisay oo calankeedu buluug khafiif ah yahay, xidig leh 5ta gees ee hoosta isaga dhegan waa 5tii qayb ee isticmaarku noo qaybiyay, Golahiina waa ansaxiyay. Goobta waxaa la ke enay naqshado calama kale oo aan guuleeysan.Fiiri: Sawirada 1aad iyo 2aad Golaha kadib calanku waxa uu ubaahday in laga ansixiyo odayaasha dha qanka Soomaalida si uuna muran uga imaan, iyana waxa ay iska soo dhax doorteen laba oday oo magacooda ku ogolaaday kuwaa oo kala ahaa: xaaji Islaaw Cumar Yacquub ( duubka Xamar) iyo Suldaan Cabdiraxmaan Cali Ciise ( duubka Marko) labadaa oo calankii xabadka saartay sheegayna in magaca dhuubabka ay ku aqbaleen.. Fiiri sawirka.3 aad.
Astaanta qaranka ee labada shabeel iyo gaashaanka ayaa la ansixiyay 10/10/ 1956 taa oo laga soo xigtay calaamad ay lahaayeen ciidamadii Sooma alidu waqtigii gumeysigii talyaaniga, ciidankaa oo la dhisay 8 June 1919 kii. Fiiri sawirka 4 aad ee Astaanta qaran. Taariikhda Heesta iyo muusikada qaran ka ma xasuusto hadda.
Xasuus ii gaar ah: subaxnimadii, 2/2/1991 Saacadu markii ay aheyd 11:00, waxaa ii yimid Nin aanan aqoon, waa islaamay waxa uu igu yiri: waxa aan rabaa in aan maanta la kulmo Md. Cali Mahdi iyo Md. Cumar Carte Qaalib oo markaa kala ahaa Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare, waxa uu ku daray waxaan ka imid gobalka sh/hoose, waxaan ku iri u maley maayo in aan anig uba arki karo maanta, Waxa uu igu yiri: waxaa fariin iigu soo faray Md. Adan Cabdulle Cusmaan. Waxaa ku iri waa nin aan aqaan, waxaan ku iri: maxey tahay fariintu, waxa uu igi yiri: ilaa aan arko ma sheegi karo. Waxaan isku daynay in aan helno, saacadu markii ay aheyd 12:30 ayaan helnay ayaga oo isla jooga xarunta golaha shacabka .
Yaxya Ahaan: . wallaahi, magaca Alle ayaan ku dhaartaye waa sida ay ugu qoran tahay buugeyga xusuus qorka bogga 15aad , 6 da sadar ee ugu da mbeysa ee aan ku qoray fariinta Md. Adan Cade, 2/ feb/1991.
Waxaa dhacday arrintaan: ninkii Jeebka ayuu gacanta galiyay, waxa uuna ka soo bixiyay Calankii Soomaaliya. waxa uuna sheegay fariintan uu soo faray Md: Adan Cabdulle oo aheyd (in la ilaaliyo midnimada ummadda, Calanku waa in uu ka taagnaado dalka oo dhan oo aan wadanku kala go’in). waxaan ku weydiinaa aqristoow Md. Aadan Cade muxuu dareemay?
FG: Maanta ayaan soo xasuustay qoraalkaa waxan ka helay mid ka mid ah xusuus qoradeydii hore. ogow Calanku waxaa uu leeyahay taariikhdaa, waa Calankii ugu horeeyay ee kulmiyay Soomaalida, loona bixiyay KULMIYE, hor eba waa u jireen calama badan oo kala gooni gooni ahaa, dhowr qarni ka hor sida Calankii Boqortooyadii Soomaalida ee Awdal, fiiri: sawirka 5aad , Calanka Boqortooyadii kale ee Zaylac fiiri: sawirka 6aad iyo Calankii boqortooyadii Ajuuraan fiiri: sawirka 7aad. Raali ahaaw haddii aan kugu badiyay.
Qoraalkan Wixii ka khaldan waad sixi kartaa, ku dari kartaa, dhaliili kartaa, aragtidaada xor ayaad u tahay.
QORE: YAHYA AMIR
16-KA OKTOOBAR 2018-KA HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA MOGTIM3S DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 16-KA OKTOOBAR 2018-KA
BAYDHABO OO LAGA MAMANUUCAY INAY KA HAWLGALAAN BAJAAJTA IYO NOAH-DA Muddo maalmo ah ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa laga mamnuucay inay ka hawlgalaan gaariga NOAH-da iyo mootooyinka Bajaajta, kadib amar ka soo baxay talisk