Tababare Zidane oo guushii u horeeyay kula bilowday Kooxda Real Madrid

0
Sunday January 10, 2016 - 10:02:09 in Sports News by
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Zidane oo guushii u horeeyay kula bilowday Kooxda Real Madrid

    Tababaraha cusub ee Real Madrid Zinedine Zidane ayaa xalay gaaray guushii u horeysay, kadib markii Isniintii la soo dhaafay uu qabtay xilka Tababarenimo, iyadoo Real Madrid ay 5-0 uga badisay kooxda Deportivo La Coruna.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha cusub ee Real Madrid Zinedine Zidane ayaa xalay gaaray guushii u horeysay, kadib markii Isniintii la soo dhaafay uu qabtay xilka Tababarenimo, iyadoo Real Madrid ay 5-0 uga badisay kooxda Deportivo La Coruna.

Ciyaaryahanada Real Madrid ayaa soo bandhigay kubad wanaagsan oo isku dhiib-dhiibkeeda wanaagsanaa, waxaana taasi ka yeeshay in 15-kii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta ay dhaliyaan goolkooda koowaad.

Gareth Bale ayaa goolasha dhaliyay saddex ka mid ah, waxaana Bale muddooyinkan la hadal hayay inuu ka tagayo Real Madrid, maadaama uu tixgelin u hayay Tababarihii hore ee la eryay Rafa Benitez.

Benzema ayaa labada gool kale u dhaliyay kooxda Real Madrid, waxaana xalay gool la’aan garoonka ka hoyday Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo.

Real Madrid ayaa haatan leh 40-dhibcood, halka Barcelona ay leedahay 42 dhibcood, laakiin hal ciyaar ayaa u harsan, balse Kooxda Ateltico Madrid oo kaalinta labaad ku jirta ayaa leh 41 dhibcood, waxaana iyana u harsan hal kulan.

Dhinaca kale waxaa caawa isha lagu hayaa Abaal marinta Balloon Dr’O oo ay ku tartamayaan ciyaaryahanada Leonel Messi iyo Cristiano Ronaldo, waxaana la filayaa in Messi uu ku guuleysto abaal marintan, maadaama kooxdiisa koobab dhowr ah u qaaday.

Zidane Ronaldo Benzema dabaal bale bale iyo ronaldo bale dabaal




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip