
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 10KA JANNAAYO 2016KA
munaasabadda sannad guuradii 2aad ee ka soo wareegtay markii uu talada Maamul Goboleedka Puntland uu qabtey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Gaas iyo kulamo kale oo muhiim ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Boosaaso kula kulmay madaxda Puntland, odayaasha dhaqanka, ururrada bulshada, salaadiinta iyo siyaasiyiinta oo ay ka wadahadleen arrimaha Soomaaliya iyo Hiigsiga 2016ka.
Madaxweynaha ayaa intaanu ka soo ambabixin Boosaaso kormeer ku tegay xarunta Jaamacadda Bariga Afrika, halkaas oo uu kula hadley ardeyda, macallimiinta iyo madaxda jaamacadda.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubnaha labada gole iyo mas’uuliyiin kale.
RA’ISULWASARARAHA XUKUUMADDA FEDERALKA OO DHEXDHEXAADINAYO MADAXWEYNAYAASHA JUBBALAND IYO K/GALBEED.
Ra’isulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, waxa uu Kulan Dhexdhexaadin ah isugu keenay Madaxweynayaasha Maamulgoableedyadda K/Galbeed iyo Jubbaland, oo uu Khilaaf soo kala dhex galay.
Kulankaasi oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxay Madaxda si hoose uga wada hadleen Xalinta Khilaafka Labada Hoggaamiye iyo Qabsoomidda Shirka Golaha Wada Tashiga Qaranka oo lagu waday inuu maanta furmo,balse waxa uu dib u dhacay ilaa bishan Janaayo 12da.
Madaxweynayaasha K/Galbeed iyo Jubbaland, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la sheegay inuu ka dhexeeyo Khilaaf Siyaasadeed oo ku aadan Dhismaha Maamulka Bakool Sare oo la sheegay inay Madaxda Jubbaland iyo Puntland ka dambeeyeen Dhismaha Maamulkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Kulanka Ra’isulwasaraaha la qaatay Madaxweynayaaasha Jubbaland iyo K/Galbeed aaya lagu wadaa in lagu soo gunaanado Khilaafkooda, isla markaana in si wadajir ah looga qeyb galo Shirka Golaha Wada Tashiga Qaranka ee ka furmi doona magaalladda Kismaayo.
GUDDIYADA JOOGTADA AH BAARLAMAAN KA OO WABIXINO KA DHAGEYSTAY GUDDIGA MADAXA BANAAN EE XUDUU DAHA IYO FEDERAALKA
Waxaa shalay Magaalada Muqdisho kulan waxyaabo badan loogu Hadlay ku qaatay guddiyada jogtada ah ee Baar lamaanka Federaalka ah ee Soomaa liya. Iyadoona kulanka warbixino loogu dhageystay Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Soomaa liya
Kulanka guddiyada joogtada ah Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Waxaa shir Gudoominaayay Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaliya Maxamed sheikh cusmaan jawaari iyadoona guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya ay kusoo bandhigeen waxyaabo badan oo u qabsoomay mudadii uu jiray gud iga,
Xoghayaha guud ee Golaha shacab ka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta hadal kooban siiy ay ayaa sheegay in guddiyada joogtada ah Baarlamaanka Federaalka ah ee So omaaliya ay warbixin ka dhageysteen Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduuda ha iyo Federaalka Soomaaliya
Dhanka kale kulanka guddiyada joogt ada ah Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Ayaa lagu soo hadal qaa day kulanka maalinta bari ah ka furmi do ona Magaalada kismaayo kaasi oo loo gu hadlaayo nooco doorasho ee soom aliya ka dhacaysa sanadkaan 2016ka
KULAN LAGU DHEX DHEXAADINAYAY SHARIIF XASAN IYO AXMED MADOOBE OO MUQDISHO KA DHACAY
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa shalay dhex dhexaadiyay Madaxweynayaasha Maamulada Koofur Galbeed iyo Jubbadland Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay u dhaxeeyay kala aragti duwanaan.
Kulankan oo haatan ka socda garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka dambeeyay markii labada maamul uu soo kala dhex galay khilaaf ku aadan maamulkii looga dhawaaqay Ceelbarde ee loogu magac daray Bakool Sare, iyadoo Koofur Galbeed ku eedeysay Jubbaland inay taageereyso mamulkaas.
Madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe ayaa shalay u soo gaaray magaalada Muqdisho wada hadalada lagu dhex dhexaadinayo isaga iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa garwadeen ka ahaa shirkan, iyadoo lagu dhameeyay wixii kala aragti duwanaan ahaa ee labada Madaxweyne u dhaxeeyay, waxaana si wada jir ah u sheegeen inay ka qeyb galayaan shirka ka dhacaya Kismaayo 11ka bishan.
Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu diiday inuu ka qeyb galo shirka Kismaayo, kadib markii Maamulka Jubbaland ku eedeeyay inuu taageeray Maamulka Bakool Sare.
Kulankan uu dhex dhexaadiyay ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedkiisa ahaa sidii lagu dhameyn lahaa khilaafka labada dhinac, isla markaana iyadoo hal aragti la wada qabo looga qeyb geli lahaa shirka Kismaayo ee looga hadlayo hanaanka doorashooyinka sanadka 2016.
Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Labada Maamul, Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha C/rashiid Xidig.
Madobesakiin
ISBAHEYSIGA UMB EE HAYA TALADA JABUUTI OO MADAXWEYNE GEELLE U DOORTAY MUSHARAXOODA
Xisbiyada siyaasadeed ee ku bahoomay dallada Isbaheysiga aqlabiyada Madaxtooyada ee UMP ayaa xalay u soo doortay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu noqdo musharaxooda u tartamaha doorashada Madaxweynenimo ee dhici do onta bisha April ee soo socda.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhowaan sheegay inuu mar kale doonayo inuu isku soo sharaxo jagadaas, isagoo talada dalka hayay tan iyo sanadkii 1999.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in mas’uuliyada culus ee shacabka saareen uu la qeybsanayo oo aanu meelna uga tagi doonin.
"Wixii aad i farteen ama culeyska i saarteen waa loo wada shaqo tagayaa, gebigiin waa is raaceynaa, adduunka nabad baa la nahay, hadii ay dadkeena soo adeegsadaan dadkeena ka mid ah inaan iska ilaalino weeye, intaa yar ee jowharada weeye ayaa la ramaa in la dumiyo, dadka aan ku abuurnay kalsoonida intaas sanadood ayay doonayaan inay ka jebiyaan”ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo eedeyn u jeediyay Mucaaradka.
Qaar ka mid ah xubnaha Xisbiyada siyaasada ee ku haboobay dallada UMP ayaa ku ammaanay Madaxweyne Geelle waxqabadkiisa, iyagoo xusay inay raalli ka yihiin in Ismaaciil Cumar Geelle uu noqdo musharaxooda.
Xisbiga Mucaaradka Jabuuti ee USN ayaa shuruud ku xiray ka qeyb galka doorashada madaxtinimada, iyagoo ku tilmaamay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu yahay nin daalan.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sanadkii 1999 qabtay xilka Madaxtinimada Jabuuti, waxaana uu saddex jeer oo hore ku guuleystay doorashada, waxaana uu haatan u tartamayaa markii afaraad.
20 RUUX OO KU DHAAWACANTAY SHIL KA DHACAY GOBOLKA GALGADUUD
Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in 20 ruux ay ku dhaawacmeen, Shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaanka Ceel dheere iyo Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Shilkaan ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca Somalida ay u taqaan NOHA iyo gaari Bas ah oo siday Rakaab badan.
Labada Gawaari oo xoog u socday ayaa sababay shilka, kadib markii Wadayaasha gaadiidka ay xakameyn waayeen gawaaridooda, maadaama gaadiidka ay xoog ku socdeen.
Dadka ku dhaawacmay Shilka ayaa u badnaa Haween iyo Caruur la socday gaariga baska ah, waxaana uu Gaariga Baska ku sii jeeday Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb Dr.Axmed Maxamed Mahdi ayaa sheegay in dadka Dhaawacyada qaba Isbitaalka la soo gaarsiiyay, islamarkaana Dhaqaatiirta ay la tacaalayaan xaaladooda caafimaad.
Waxa uu sheegay Agaasimaha Dadka Dhaawacyada kala duwan qaba in xaaladooda caafimaad wax looga qaban karo Magaalada Dhuusamareeb oo Dhaqaatiirta ay ku filan yihiin. Gaadiidka oo si xowli ah loo kaxeeyo, ayaa inta badan sababa Shilalka noocaan ah, maadaama aanan la xakameyn karin gaariga kolka uu xooga ku socdo.
JUBBALAND OO SHEEGTAY IN SI WEYN LOO ADKEEYAY AMMAANKA KISMAAYO, SHIRKA MAGAALADA LAGU QABANAAYO AWGIIS
Maamulka Jubbaland, ayaa shaaciyay in si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Kism aayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose oo la filaayo 10ka Bishan oo beri ku beegan in lagu qabto Shirka lagu shaacinaayo nooca Doorasho ee Somaliya la filaayo inay ka dhacdo sanadka 2016ka Bartamihiisa.
Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Maamulka Jubbaland C/Qaadir Maxamed Luga Dheere, ayaa sheegay ammaanka Magaalada inuu yahay mid la isku haleyn karo oo si weyn loo sugay.
Waxa uu sheegay ciidamada Maamulka Jubbaland inay adkeeyeen ammaanka Magaalada iyo xarunta Shirka lagu qabanaayo, isaga oo intaasi hadalkiisa ku daray goobta shirka uu ka dhacaayo amnigeeda inay qaabilsan yihiin ciidamada Jubbaland.
"Shirkaasi Diyaargaroowgiisa, Dowladda Jubbaland waa ay u diyaargaroowday Shirkaasi waa mid ay Somali leedahay, waqtigii loogu talo galay ayuu furmayaa wax dib u dhac ah ma jirayaan, ammaanka waa la adkeeyay ciidamada Jubbaland ayaa ammaanka adkeeyay.” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland. Ergada Shirka ka qaybgalaysa iyo masuuliyiinta kala duwan ayuu sheegay inay u diyaariyen halkii ay ku hooyan lahaayeen, islamarkaana ammaanka uu yahay mid si feejigan ah loo galay.
Shirkan ayaa lagu madalsan yahay Beri oo taariiqda ay tahay 10bisha inuu ka furmo Magaalada Kismaayo, waxaana Shirkaan isugu tagaayo dhamaan Madaxda Somalida, maadaama shirka nooca doorasho lagu shaacinaayo.
Shacabka Somaliyed ayaa weli u dhag taagaya inay maqlaan nooca Doorashada Somaliya ka dhaceysa 2016ka Bartamihiisa oo Dowladda hada jirta ay ku eeg tahay.
SADDEXDA XISBI QARAN EE SOMALILAND IYO GUDDIGA DOORASHOOYINKA OO KALA SAXIIXDAY XEER
Sadexda Xisbi ee Somaliland & gudiga doorashooyinka ayaa shalay kala saxiixday xeerka habdhaqanka (code of conduct) ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka.
Saddexda Xisbi ayaa soo dhaweeyey Xeerkaan Habdhaqanka Diiwaangelinta codbixiyeyaa ashu u socon doonta, isla markaana ku wada shaqayn doonaan saddexda xisbi qaran iyo guddida doorashooyinka taas ay soo diyaarisay Akadamiga nabadda iyo horumarinta.
Ugu horreyn, Agaasimaha fulinta ee akadeemiga nabadda & horumarinta Maxamed Faarax ayaa xusay in heshiishkani yahay kii labaad ee Somaliland ka dhaca, isagoo xusay in sidoo kale diiwaangelimihii hore loo kala saxeexday xeerka lagu wada shaqaynayo.
Maxamed Faarax oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Somaliland waa markii labaad ee la sameeyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waa hawl culus, waa culays dhaqaale iyo mid bulsh aba leh, waa hawl u baahan in laga wada qaybqaato, gaar ahaan inta ay khuseyso oo ah xisbiy adda qaranka”.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in loo baahan yahay in xeerkan lagu shaqeeyo oo wixii ka horeeyeyna la sameeyo, isagoo farta ku fiiqay in la isla garto kuraasta inta ay noqonayso iyo gobollada mid walba xildhibaanada ka soo bixi kara.
"Diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka haddii aan xeerkiisa la sameyn wax hagaagi maayaan, haddii aan kuraastii laga heshiin waxay noqonaysa hal bacaad lagu lisay, haddii aan xeerkii mdaxweynaha iyo baarlamanka la samayn waxba inoo hagaagi maayaan, marka si loo arko in arrintan dhab innaga tahay waa arrimahaas ka dhabaynaa, doorashadu waa inay wakhtigii maxkamaddu cayintay ee la isku raacay waa inay dhacda, xeerkaasina waa muhiim”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka ee WADANI Axmed Mumin Seed ayaa isna soo dhoweeyey xeerkan, waxaanu soo jeediyey in xeerkaasi lagu dhaqmo oo xisbi waliba dhankiisa ka ilaaliyo, isagoo yiri, "Waxaan soo dhoweyneynaa cid kasta oo soo diyaarisay xeerkan ina hory aalla, waana salka aynu ku bilaabayno diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo inoo billaabaysa bishaan Jannaayo 16keeda, muhiimaddu waxa weeye inaynu ku dhaqano xeerka marka aynu saxiixno, ka xisbiga Waddani ahaan... waxaan ballanqaadayna inaanu ku dhaqmi doonno”.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi ayaa isna sheegay in xeerkani marag ka yahay halka Somalilnad ku socot, isagoo xusay in Somaliland oo aan ictiraaf haysan ay hadana mar tay jidkii dimuqraadiyada ee shacabku taladda qaybta ugu badan ku lahaayeen, waxaanu yidhi "xeerkani maaha mid u dhexeeya saddexda xisbi qaran iyo Komishanka ee wuu ka macno balaa dhan yahay, xeerkaani wuxuu sheegayaa Somaliland waxay tahay iyo halka aynu u socono, xeer kani wuxu sheegaya in Somaliland markii labaad ee xeerkan oo kala saxiixano oo hore doorashoo yinku ugu galeen,waxayna marag u tahay biseylka dadka Somaliland oo aan ictiraaf lahayn oo dhaqaale buuran aan la siin ay nabadgalyadooda iyo madaxdooda isku bedelayaan ay u dhacdo si dimuqraadi ah, in dalka somaliland tahay dad isku tashaday oo arimahooda maamulanaya, go’aa nkaasna wuxuu cadeynayaa in qarankan madaxbanaan yahay mid shacabkiisu go’aaminayaan oo quus u goynaya dadka kale ee aan arrintaasi aaminsayn”.waxaanu intaas ku daray "Shacabka wax aan leeyahay waa mar kiinii oo go’aanka idinka leh oo shantii sannaba mar baad go’aan aad masiirkiinna ku dooranaysa leedihiin ee muwaadin isdiiwaangeli”
Ugu dambeyntii, Intaas kaddib sadexda Xisbi Qaran iyo Guddida Doorahooyinka ayaa kala saxeexday xeerka habdhaqanka doorashooyinka.
DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO 7BAADKAN HORKACEYSA KULAMO MUHIIM AH OO SIYAASADDA DALKA LAGU GORFEYNAYO
Muqdisho, 10 January 2016: Dowlad da Federaalka Soomaaliya ayaa toddo baadkan horkici do onta kulamo iyo shir ar muhiim u ah baahinta xukunka, dib u heshiisiinta iyo Hiigsiga 2016.
Madaxweynaha Jamhuriyadda Fed eraalka Soomaaliya,Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey in toddobaadkan uu dhaca yo shirkii wadatashiga ee lagu ball ansa naa inuu Kismaayo ka dhaco, dhanka kalena uu furmayo shirka maamul u sameynta gobo llada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka dhacaya kul amo hordhac ah oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Cumar Cab dirashiid Sharma’arke, waxaana ka soo qeybgalaya Madaxweyneyaasha maam ullada Jubba, Axmed Maxamed Islaam, Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guul eed, Puntland, Cabdiweli Maxamed Ga as iyo Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Kulamadan hordhaca ah ayaa wa xaa diiradda lagu saari doona xiriirka ka dhexeeya maamullada, xalinta wixii tabashooyin ah oo jira, dhameystirka he shiiskii lagu soo afjarey colaaddii Gaalkacyo iyo u diyaar garowga kulanka sare ee wadatashiga ee lagu go’aamin doono nooca dora sho ee dalka ka dhac eysa sannadkan 2016ka DHAMMAAD.
RA'ISAL WASAARE KU XIGEENKA DALKA OO KA QEYBGALAY XAFLAD LAGU SOO BANDHIGAY CARUUR DA'YAR OO DHAQAN CELIN LOO SAMEYNAYO
Ra'iisal Wasaare kuxigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa shalay ka qaybgalay munaasabad dhaq an celin loogu samaynayay Xarunta Ciidanka Asluunta caruur da'yar oo tirad oodu gaareysay 60 kuwaasoo laga soo aruuriyay dariiqyada.
Munaasabadan oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaarada Cad aaladda Mudane Cabdullaahi Axmad Jaamac Ilkajiir, Taliyaha Ciidanka Aslu ubta Bashiir Maxamed Jaamac, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmad Cali Daahir iyo Ergayga Arrima ha Xuquuqal Insaanka iyo qaxootiga Ra’iisul Wasaaraha Maryam Yaasiin. Taliyaha Ciidanka Asluubta Mudane Bashiir Maxamed Jaamac oo sharaxaad ka bixiyay qaabka ay caruurtan u soo urur uriyeen ayaa sheegay in wixii car uurura ee da’adoodu yar tahay ay gayn doonaan Xarunta Caruurta lagu dhaqan caliyo ee Afgooye iyadoo kuwo waaway na uu sheegay la bari doono xirfado ay ku shaqaystaan oo dibjirnimada kaga baxaan.
Wasiirka Cadaalada oo isna kulanka asi ka hadlay ayaa sheegay in dadaal badan ay Wasaaradiisu ka gashay in ub adka darbiyada ku dayacan la soo uru riyo si gaarana u sheegay in dhibaatooy inka ay la kulmaan hoos loo eegi doono khaasatan dhinaca sharciga.
"Waxaan ku faraxsanahay inaan shalay arko caruur aad u da’yar oo laga soo aruuriyay dariiqyada magaalada Mu qdisho si loo xanaaneeyo, waxaana arr intan si gaar ah uga mahadcelinayaa Taliska Asluubta oo iyagu isku xil qaa may inay soo aruuriyaan caruurtaan iya ga oo kaashanaya hay’addaha ay khuse yso” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte.
Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Mud ane Maxamed Cumar Carte ayaa gacan tiisa uga badalay dharkii duuga ahaa ee ay xirnaayeen caruurtan isaga oo u xiray dhar cusub, waxaana caruurtan oo diif badani ka muuqatay uu balan qaa day in dawladu gacan ka gaysan doonto daryeelkooda lana dhaqan celin doono.
Gabagabadii, Ra’iisal wasaare kuxigeenka ayaa kormeer ku soo maray Xarunta Ciidanka Asluubta iyo dhisma ha cusub ee Maxkamada iyo Xabsiga dhexe ee dalka.
SHIRKA GOLAHA WADA TASHIGA QARANKA EE KISMAAYO OO LA SHAACIYEY INUU DIB U DHACAY.
Ilo ku dhow Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Shirka Golaha Wada Tashiga Qaranka ee lagu waday inuu maanta ka furmo magaalladda Kismaayo uu dib ugu dhacay sababo aan si rasmi ah loo shaacinin.
Shirkaasi ayaa la iclaamiyey inuu furmi doono bishan Janaayo 12da, iyadoo la filayo inay ka soo qeyb galaan inta badan Madaxda Maamulgobaleedyadda, inkastoo uu Madaxweynaha Maamulka K/galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan qaadici doono, ka caraysan yahay Dhismaha Maamulka Bakool Sare ee laga dhex dhisay Deegaannadda hoos taga Maamulka K/galbeed.
Kulan lagu dhexdhexaadinayo Madaxweynayaasha K/Galbeed iyo Jubbalnd ayaa shalay lagu qabtay Muqdisho, iyadoo uu Ra’isulwasaare Cumar C/rashiid dhigay gogosha lagu dhexdhexaadinayo Labada Mas’uul.
Kulankaasi dhexdhexaadinta ayaa abuuri kara inay Labada Hoggaamiye ka heshiiyaan Khilaafkooda, lana ambaqaada Qabsoomida Shirka Wadatashiga ee ka dhici doona Kismaayo.
Sidoo kale, Maamulgobaleedyadda qorsheysnaa in la dhiso kuma jirin Maamulka looga dhawaaqay Degmadda Ceelberde, waxayna arrintaasi Xiisad ka dhex abuuri kartaa Shirka Wada Tashiga Qaranka ee ka furmi doona Kismaayo.
Madaxweynaha Maamulka Bakool Sare, Axmed Maxamed Mashruucayaa qorsheynaya inuu ka qeybgalo Shirka Kismaayo, taasi oo khatar gelin karta Geeddisocodka Shirkaasi, maadaama Maamulkaasi uusan Aqoonsi ka haysanin Dowladda Federalka iyo Beesha Caalamka.
Waa hubaal inay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ku kala qeybsami karaan arrintaasi, inkastoo la sheegayo inay socdaan Wadatashiyo hoose oo lagu doonayo inaan Maamulka Bakool Sare lagu casuumin Shirka Kismaayo.
Golaha Wada Tashiga 1Xafiiska QM ee Arrimaha Somalia waxay horey u sheegeen inaysan aqoonsanayn Maamulka Bakool Sare, halka ay Ururgobaleedka IGAD weli shaacinin Aragtidooda ku aadan Maamulkaasi.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Shirka Kismaayo u idman yihiin inay ka soo qeyb galaan Madaxda Dowladda Qaranka iyo Madaxda Maamulgobaleedyadda Puntland, Galmudug, K/Galbeed iyo Jubbaland, kuwaasi oo horey uga qeyb galay Shirarkii dhacay sannadkii hore.
Sidoo kale, Ajendayaasha laga wada hadlayo ayaa ah Falaanqeyn lagu samaynayo Qoddobaddii laga soo saaray Shirkii ugu dambeeyey ee bishii Decemebr 16dii lagu soo gebagebeeyey magaalladda Muqdisho waxaa laga soo saaray 7 Qoddob, oo loo bahaan yahay in mid la qaato.
Haddaynu isxsuusuino Qoddobadaasi waxay kala ahaayeen:
Inaan wax muddo kordhin ah loo samayn karin Hay’adaha Dowladda Federalka, marka uu dhamaado mudada Dastuuriga ah ee Hay’adaha Dowladda
In la dhiso laba Aqal ee Sharcidejinta ee Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose, ioo qeyb ka noqonaya Doorashada ka dhici doonto sannadka 2016
In habka Awoodqeysbiga lagu saleeyo Qaabka Deegaanka iyo Nidaamka Awoodqeybsiga Beelaha ee 4.5
In Aqalka Sare lagu soo doorto hab Deegaan iyo in Aqalka Hoose lagu soo dhiso Nidaamka Awoodqeybsiga Beelaha ee 4.5
Inay Doorashada xubnaha Labada Gole ka dhacaan Caasimadaha Maamul Goboleedyada Dalka.
In tiro kuraas ah oo cayimin haweenka laga siiyo Labada Gole ee la dhisi doono, lana dhowro xuquuqda dhalinyaradda iyo Beelaha laga tirada badan yahay
In bisha Janaayo 10daee sannadkan lagu qabto shir Wadatashi
magaalada Kismaayo, oo looga hadlayo Faahfaahinta nidaamka Fulinta ee Doorashadda 2016ka.
Hoggaamiyayaasha Siyaasadda ee ku madalsan Kismaayo, waxaa la gudboon in ay dibueegis ku sameeyaan, lana tiuxgeliyo Xaalladda Guud iyo Danaha Qaranka.
Dhaqanyaqaanadda ayaa rumeysan inay muhiim tahay in lagu sii dhaqmo Nidaamka Awoodqeybsiga 4.5 ee lagu soo caanamaalay 9kii sanno ee ugu dambeysay, isla markaana la hakiyey in wax lagu qeybsado ama lagu soo doorto Nidaamka Deegaanka.
Dhaqanyahannada oo iyagu ah Marjaca Bulshadda, isla markaana kaalin ku lahaa Dhismaha Dowladihii KMG iyo Dowladda Federalka ayaa sheegay inaysan dadka Soomaalida haatan u bisleyn in Nidaam Deegaan wax lagu qeybsado, maadaama ay jiraan Daruufo muuqda, isla markaana qaar ka mid ah Degmooyinka laga qabanin Doorasho.
Si kastaba ha ahaatee, Shirka Kismaayo ayaa la arki doonaan Qoddobadda ka soo baxa iyo sida ay Hoggaamiyayaasha u wada gaaraan Isfaham Mideysan oo lagu xoojinayo Nidaamka Federalisimka iyo Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed.
JENERAL TUURYARE OO CIIDDANKA HAY’ADDA NISA UGU HAMBALYEEYEY 46GUURADII KA SOO WAREEGTAY ASAASKOODA
Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliyeed oo hambalyo u diray Ciiddanka Hay’adda NISA Sannadguuradii 46aad ee ka soo wareegtay Asaaska Hay’addaasi.
Jeneral C/raxmaan Maxamed Tuuryare waxa uuHambalyo u diray dhamaan Ciidamada iyo hawlwadeenada Hay’adda NISA, sanadguuradda 46aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliyeed.
Jeneral Cabdiraxmaan Maxed Tuuryare waxa uu ku amaanay Ciidamaddii guulihii ay ka gaareen sanadkii tagay dagaalka ay kula jiraan Alshabaab,sida burburinta Shabakado ka ka hawlgalayay meelo badan oo ka mid ah dalka kuwaas oo dhibaatooyin badan ku hayay dadwaynaha Soomaaliyeed.
Taliyuhu,wuxuu u rajeeyaya sanadkaan bilawga ah inay Hay’adda NISA gaarto guulo ka balaaran kuwii sanadkii hore,wuxuuna ku dhiirigaliyay nuucyada kala duwan ee Ciidamada iyo hawlwadeenada Hay’adda in ay dhabarka uxirtaan sidii ay uga hortagilahaayeen falalka cadwgu uu ladamacsanyahay shacabka Soomaaliyeed.
BOOLISKA COSTA RICA OO SOOMAALI TAHRIIBAYAAL AH QAB QABTAY
Illaa 5 ruux oo Soomaali ah ayaa Bool iska Costa Rica waxa ay ka qabt een So ohdimaha dalkaas iyagoo la socda gaari nuuca gargaarka.
Dadkaan Soomaalida ah ayaa ahaa Tahriibayaal doonayay in ay galaan dalka Maraykanka.
Wadada laga qabtay dadkaan Soo maaliyeed ayaa ah meel ay caan ku yi hiin Tahriibayaasha kuwaas oo ka kala yimaadeen wadamo kala duwan oo dha ca, Asia, iyo Africa.
Soomaalida Booliska Costa Rica ay gacanta ku dhigeen ayaa waxaa wehliy ay 2 Nin oo darawallo aan heysan sharc iga kaxeynta gaadiidka kuwaas oo iya na xabsiga loo taxaabay.
EL CHAPO OO LOO DHIIBAYO MAREYKANKA
El Chapo ayaa dib loo soo qabtay Jimcihii ka dib lix bilood oo uu baxsad ahaa.
Dowladda Mexico ayaa bilaabeysa hannaan ay Mareykanka ugu gacangeli neyso ninka daroogada ka ganacsada ee Joaquin Guzman (El Chapo).
El Chapo ayaa dib loo qabtay Jimcihii ka dib markii asaga oo adeegsanaya god uu qotay ka baxsaday xabsi Mexico ku yaalla oo aad loo ilaaliyo lix bilood ka hor.
El Chapo ayaa hadda lagu hayaa xa bsigii uu ka baxsaday bishii July, balse waxaa suuragal ah in aanu muddo ba dan kusii jiri doonin.
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Mex ico ayaa sheegay in hadda uu bilaabay hannaanka ninkaasi loogu wareejinayo gacanta dowladda Mareykanka.
Arrintaasi ayaa la xiriirta laba codsi oo uu Mareykanka sameeyay sanadkii la soo dhaafay, kuwaasi oo ay dowladda Mexico ansixisay maadaama uu jiro iskaashi ay labada dal ka leeyihiin isdhaafsiga dadka ay doonayaan.Lama shaacin waqtiga la wareejinayo El Chapo, balse khubarada ayaa sheegaya inuu hannaanka qaadan karo bilooyin.
Mareykanka ayaa doonaya in El Chapo uu ka ogaado xog ku saabsan ga nacsigiisa daroogada iyo saraakiisha Mexico ee uu xiriirka la leeyahay ama uu lacagaha siiyo.
YAA HOGAANKA NOO HAAYA?
Waxaa socda shirar ka kala dhacaya meelo kala duwan sida Boosaaso, Cadaado iyo Dh/Mareeb… Waxyaabaha dadku aysan dareemin waxaa ka mida in kulanka Boosaaso uu ahaa mid iska yar oo C/Weli Gaas ugu tala galay inay ku kulmaan asaga , Axmad Madoobe iyo Qaswadayaasha Xamar ka tegay oo qaarkood u dhardhigtay in shacabka Muqdisho u gefaan, kuna tilmaamaan tuugo dadka ka furta waxa ay sitaan.
In talada dalka aysan ku jirin gacanteena waxaa markhaati ka ah in Madaxweyne Xasan Sheikh, oo aan filaayo inaysan qorshaha ugu jirin, lagula taliyay inuu Boosaaso tago, horena u wato badiba shakhsiyaadka ugu dhawdhaw oo dhan.
Munaasabada Boosaaso waxay tahay, sida la sheegay, garoon diyaarad oo la furaayo oo aan mudneyn in intaas oo masu’uuliyiin ah ay isugu tagaan, waa haddii ay talada iyaga ka go’odo, balse waa arrin, aan u maleynayo, in meelo kale lag maamulo.
C/Weli Gaas wuxuu sugaayay Axmad Madoobe iyo Qaswadayaasha Xamar si ay uga tashadaan carqaladeynta iyo fashilinta shirka Kismaayo, waxayse arrintu isu beddeshay mid aysan Puntland shaqo ku lahayn, arrinkina laga fara maroojiyay, lagana dhigay mid Qaran ay iyagu laftoodu marti ka yihiin. Bahdilka C/weli Gaas waxaa sii kordhiyay dhacdo uusan marna fileyn in saaxibkiis Madoobe uu tegaayo Galmudug, aqoonsi buuxana siiyay Cabdikariim Guuleed iyo Galmudug.
Dhanka kale, C/kaiim Guuleed isagana waxaa ku dhacday dharbaaxo lama filaan ahayd oo uu ku dhuftay Jawaari kaddib markuu tegay Dh/Mareeb oo ku ahayd Galmudug lafdheraygeli weysay.
Waxaa jirtay sheeko kaftan ahayd oo carbeed (NUKTA)…nin Acraabi ah (reer baadiyo) oon weligii salaad dukan ayaa la geeyay masaajid markaasaa la yiri dadkan la duko oo sameey wixi la sameeyo.
Wuxuu istaagay imaamki gadaashiisa oo sujuudi ugu horreysay ayaa acraabigi isagoo sujuudsan xiniinyaha laga qabtay..isagoo fulinaaya taladi ahayd wixi la sameeyop sameey uu asagina Imaamki ka qabtay xiniinyaha; Imaamki ayaa yaabay oo markuu sujuudi ka soo noqon waayay uu sameeyay calaamadi Xiim…xiim..si uu isaga fujiyo acraabigi..kaasoo isagana la hadlay Imaamkli oo yiri ” ama xiim dheh ama xaax dheh kullunaa maqfuuliin”war meesha waa la isku wada dheggan yahay.”
Dadki umadda madaxda u noqday waa dad iyaga oo dhan iswada heysta oo xiniinyaha isaga dheggan hogaankana loo haayo oo meeshi loo diro iyo wixi la faro fulinaaya hadal la’aan…Sababta keentay in Madaxdi dalka ugu sareysay ay isugu tagaan mataar la furaayo oon wax ahamiyyad gaar ah aan lahayn, ajenda laga hadlaayana uusan muuqan, wax kulan ah oo dhex mari karaa inta meesha isugu tagtay uusan jirin.
Inta dareenka leh waxay meeshaas kala soo bixi karaan, , in hogaanka dalkaan uusan ku jirin gacanta Soomalida. Shirka lagu ballansan yahay ee Kismaayo waa mid dhalanteed ah oo dadka lagu marin habaabinaayo, wax natiijo ahna aan laga fileyn inay ka soo baxaan. Kuwa hoogaanka u haya Somaliya haddey rabaan waxay arrinta ku dhammeyn karaan Boosaaso oo ay wada joogaan cayaartoydi oo dhan, kuwa maqanna muddo kooban lagu keeni karo ama lagu amro inay yimaadiin wixi la farana ay fuliyaan su’aal la’aan.
Shacabka Somaliya waa kuwo aan marna wadaagin dareen dal jeceyl oo wixi la isu sheego oo waano iyo waxistusin ah oo danta dalka ku jirto ay qaar u arkaan mid u daneyheysa jufo gaar ah, marka waa arrin u xalaalowday kuwa na heysta inay sidi eri carbeed hadba xero nagula soo oodo oo naloo tusiyo kan walaalkaa ah inuu yahay cadaw mudan in lala dagaallamo, waa tii uu ka dhawaajiyay C/weli Xiirane oo u hanqal taagaya inuu Somali madaxweyne u noqdo isagoo caddeystay cadaawada iyo neceybka uurkiisa ku jira taasoo ka tarjumeysa caqligiisu intuu la’egyahay….Ilaahow kuwa asaga oo kale ah, ama ka liita, talo ha noogu dhiibin!!!
AAMIIN.. AAMIIN. AAMIIN.
Axmad Calasow
bashaar10@outlook.com
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 10KA JANNAAYO 2016KA
MADAXWEYNAHA OO MUQDISHO KU SOO LAABTAY KA DIB SAFARKII MAGAALADA BOOSAASO Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu horkacayo ayaa shalay dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib booqasho uu