Labada Gawaari oo xoog u socday ayaa sababay shilka, kadib markii Wadayaasha gaadiidka ay xakameyn waayeen gawaaridooda, maadaama gaadiidka ay xoog ku socdeen.
Dadka ku dhaawacmay Shilka ayaa u badnaa Haween iyo Caruur la socday gaariga baska ah, waxaana uu Gaariga Baska ku sii jeeday Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb Dr.Axmed Maxamed Mahdi ayaa sheegay in dadka Dhaawacyada qaba Isbitaalka la soo gaarsiiyay, islamarkaana Dhaqaatiirta ay la tacaalayaan xaaladooda caafimaad.
Waxa uu sheegay Agaasimaha Dadka Dhaawacyada kala duwan qaba in xaaladooda caafimaad wax looga qaban karo Magaalada Dhuusamareeb oo Dhaqaatiirta ay ku filan yihiin.
Gaadiidka oo si xowli ah loo kaxeeyo, ayaa inta badan sababa Shilalka noocaan ah, maadaama aanan la xakameyn karin gaariga kolka uu xooga ku socdo.
20 ruux oo ku dhaawacantay Shil ka dhacay Gobolka Galgaduud
Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in 20 ruux ay ku dhaawacmeen, Shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaanka Ceel dheere iyo Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.