Jubbaland oo sheegtay in si weyn loo adkeeyay ammaanka Kismaayo, Shirka Magaalada lagu qabanaayo awgiis

0
Saturday January 09, 2016 - 19:08:44 in Wararka by
  • Visits: 788
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland oo sheegtay in si weyn loo adkeeyay ammaanka Kismaayo, Shirka Magaalada lagu qabanaayo awgiis

    Maamulka Jubbaland, ayaa shaaciyay in si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose oo la filaayo 10-ka Bishan oo beri ku beegan in lagu qabto Shirka lagu shaacinaayo nooca Doorasho ee Somaliya la filaayo inay ka d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Jubbaland, ayaa shaaciyay in si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose oo la filaayo 10-ka Bishan oo beri ku beegan in lagu qabto Shirka lagu shaacinaayo nooca Doorasho ee Somaliya la filaayo inay ka dhacdo sanadka 2016-ka Bartamihiisa.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Maamulka Jubbaland C/Qaadir Maxamed Luga Dheere, ayaa sheegay ammaanka Magaalada inuu yahay mid la isku haleyn karo oo si weyn loo sugay.

Waxa uu sheegay ciidamada Maamulka Jubbaland inay adkeeyeen ammaanka Magaalada iyo xarunta Shirka lagu qabanaayo, isaga oo intaasi hadalkiisa ku daray goobta shirka uu ka dhacaayo amnigeeda inay qaabilsan yihiin ciidamada Jubbaland.

"Shirkaasi Diyaargaroowgiisa, Dowladda Jubbaland waa ay u diyaargaroowday Shirkaasi waa mid ay Somali leedahay, waqtigii loogu talo galay ayuu furmayaa wax dib u dhac ah ma jirayaan, ammaanka waa la adkeeyay ciidamada Jubbaland ayaa ammaanka adkeeyay.” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland.

Ergada Shirka ka qaybgalaysa iyo masuuliyiinta kala duwan ayuu sheegay inay u diyaariyen halkii ay ku hooyan lahaayeen, islamarkaana ammaanka uu yahay mid si feejigan ah loo galay.

Shirkan ayaa lagu madalsan yahay Beri oo taariiqda ay tahay 10-bisha inuu ka furmo Magaalada Kismaayo, waxaana Shirkaan isugu tagaayo dhamaan Madaxda Somalida, maadaama shirka nooca doorasho lagu shaacinaayo.

Shacabka Somaliyed ayaa weli u dhag taagaya inay maqlaan nooca Doorashada Somaliya ka dhaceysa 2016-ka Bartamihiisa oo Dowladda hada jirta ay ku eeg tahay.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip