Madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe ayaa saaka u soo gaaray magaalada Muqdisho wada hadalada lagu dhex dhexaadinayo isaga iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa garwadeen ka ahaa shirkan, iyadoo lagu dhameeyay wixii kala aragti duwanaan ahaa ee labada Madaxweyne u dhaxeeyay, waxaana si wada jir ah u sheegeen inay ka qeyb galayaan shirka ka dhacaya Kismaayo 11-ka bishan.
Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu diiday inuu ka qeyb galo shirka Kismaayo, kadib markii Maamulka Jubbaland ku eedeeyay inuu taageeray Maamulka Bakool Sare.
Kulankan uu dhex dhexaadiyay ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedkiisa ahaa sidii lagu dhameyn lahaa khilaafka labada dhinac, isla markaana iyadoo hal aragti la wada qabo looga qeyb geli lahaa shirka Kismaayo ee looga hadlayo hanaanka doorashooyinka sanadka 2016.
Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Labada Maamul, Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha C/rashiid Xidig.
Kulan lagu dhex dhexaadinayay Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe oo Muqdisho ka dhacay
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maanta dhex dhexaadiyay Madaxweynayaasha Maamulada Koofur Galbeed iyo Jubbadland Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay u dhaxe