Isbaheysiga UMB ee haya talada Jabuuti oo Madaxweyne Geelle u doortay Musharaxooda

0
Saturday January 09, 2016 - 18:51:34 in Wararka by
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbaheysiga UMB ee haya talada Jabuuti oo Madaxweyne Geelle u doortay Musharaxooda

    Xisbiyada siyaasadeed ee ku bahoomay dallada Isbaheysiga aqlabiyada Madaxtooyada ee UMP ayaa xalay u soo doortay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu noqdo musharaxooda u tartamaha doorashada Madaxweynenimo ee dhici doonta bisha April ee soo socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyada siyaasadeed ee ku bahoomay dallada Isbaheysiga aqlabiyada Madaxtooyada ee UMP ayaa xalay u soo doortay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu noqdo musharaxooda u tartamaha doorashada Madaxweynenimo ee dhici doonta bisha April ee soo socda.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhowaan sheegay inuu mar kale doonayo inuu isku soo sharaxo jagadaas, isagoo talada dalka hayay tan iyo sanadkii 1999.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in mas’uuliyada culus ee shacabka saareen uu la qeybsanayo oo aanu meelna uga tagi doonin.

"Wixii aad i farteen ama culeyska i saarteen waa loo wada shaqo tagayaa, gebigiin waa is raaceynaa, adduunka nabad baa la nahay, hadii ay dadkeena soo adeegsadaan dadkeena ka mid ah inaan iska ilaalino weeye, intaa yar ee jowharada weeye ayaa la ramaa in la dumiyo, dadka aan ku abuurnay kalsoonida intaas sanadood ayay doonayaan inay ka jebiyaan”ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo eedeyn u jeediyay Mucaaradka.

Qaar ka mid ah xubnaha Xisbiyada siyaasada ee ku haboobay dallada UMP ayaa ku ammaanay Madaxweyne Geelle waxqabadkiisa, iyagoo xusay inay raalli ka yihiin in Ismaaciil Cumar Geelle uu noqdo musharaxooda.

Xisbiga Mucaaradka Jabuuti ee USN ayaa shuruud ku xiray ka qeyb galka doorashada madaxtinimada, iyagoo ku tilmaamay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu yahay nin daalan.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sanadkii 1999 qabtay xilka Madaxtinimada Jabuuti, waxaana uu saddex jeer oo hore ku guuleystay doorashada, waxaana uu haatan u tartamayaa markii afaraad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip