Jamal Khashoggi oo loo maleynayo in ay dileen dad laga soo diray dalka Saudi Arabia

0
Friday October 12, 2018 - 20:12:16 in Wararka by
  • Visits: 377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamal Khashoggi oo loo maleynayo in ay dileen dad laga soo diray dalka Saudi Arabia

    Waxaa isa soo tareysa cambaareyn caalami ah loo jeedinayo dalka Saudi Arabia oo ilaa iyo hadda aan war ka soo saarin halka uu ku danbeeyay wariye Jamal Khashoggi oo markii ugu wardanbeysay ku sugnaa Qunsuliyada Sacuudiga ee dalka Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa isa soo tareysa cambaareyn caalami ah loo jeedinayo dalka Saudi Arabia oo ilaa iyo hadda aan war ka soo saarin halka uu ku danbeeyay wariye Jamal Khashoggi oo markii ugu wardanbeysay ku sugnaa Qunsuliyada Sacuudiga ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka dalbaday Boqortooyada Sacuudiga in ay jawaab deg deg ah ka soo bixiso arinka suxufiga lagu waayay gudaha Qunsuliyadooda Turkiga, waxaana laga yaabaa in arintan ay kala kulanto Boqortooyada Cunaqabateyn.

 

Diblomaasiyiin waaweyn oo caalami ah ayaa iyaguna ku soo biiray oo xoojinaya cadaadiska laguhayoBoqortooyada si loo helo macluumaad sax ah oo ku saabsan wariyaha.


Gabadhii u doonanayd wariye Khashoggi ayaa ka baqaysa in la afduubtay ama la dilay, halka masuuliyiinta Turkiguna ay ka rumaysan yihiin in ay dileen dad Sacaduudiga laga soo diray oo diyaar qaas ah ku yihim dalka Turkiga.

Dhanka kalana Sir Richard Branson oo ah maalgashade Ingiriis ah ayaa sheegay in uu hakiyay maalgashigii uu ku samayn lahaa Sacuudi Carabiya, wuxuuna arrintaas ku sababeeyay saxafiga la waayay.

Jamal ayaa u tagay Qunsuliyada in uu helo dukumiintiyo la xiriira guurkiisa, laakiin war lagama helin wixii ka danbeeyay markii uu gudaha u galay dhismaha Qusuliyada.

Dowladda Turkiga ayaa laftirkeeda dhacdadan siweyn uga walwal qabta, waxaana uu Turkigu doonayaa in deg deg loo cadeeyo halka uu ku danbeeyay Jamal Khashoggi.

warkale oo soo kordhay qoraalo iyo vidio arrinta kashoogi ka hadlay hoos ka dawo httbs://www.yutube.com/embedEPgkszCCbjY

WAR DEG DEG AH Xog Naxdin leh oo kasoo korortay Dilka Kashoggi & Sacuudiga & Trump oo kala tagay

<iframe width="697" height="392" src="https://www.youtube.com/embed/EPqkz4CCbjY" frameborder="0" allow="autoplay; encrypted-media" allowfullscreen></iframe>

"https://www.youtube.com/embed/EPqkz4CCbjY

xigasho:-warqaad tube    




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip