Dad ku sugnaa Hoteelka xilliga weerarka uu dhacaayay, ayaa waxa ay sheegeen ragga tooreyada watay inay doonayeen inay afduubtaan Dadka Ajaanibta ah, balse ay u suurageli weyday.
Waardiyeyaasha Hoteelka, ayaa waxaa u suuragashay inay toogtaan labadii ruux ee dhibaatada ka geysatay Hoteelkaasi.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen labada nin inay wateen calanka lagu yaqaano IS oo ay kor u qaadayeen calankaasi.
Booliiska dalka Masar ayaa wali goobaya weerar yahanno looga shakisanyahay in ay qorsheeynayaan weeraro dheeraad ah.
Bella Vista Hotel ayaa ah hoteel caan ku ah dalxiisayaasha ajaanibta ah, kuwaas oo dalka Masar lacag badan soo geliya.



0 



Rag lala xiriirinaayo Daacish oo weeraray Hoteel ku yaallo dalka Masar
Rag lala xiriirinaayo Ururka Daacish, ayaa weerar waxa ay ku qaadeen Hotel ku yaallo magaaladda loo dalaxiiska tago ee Hurghada ee dalka Masar. Weerarka raggaan ay ku qaadeen Hotelka, ayaa waxa ay u adeegsadeen tooreey, waxaana ay galeen Hoteelka la