Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Arrimaha Gudaha oo booqday Jowhar(Sawiro)

0
Saturday January 09, 2016 - 01:30:59 in Wararka by
  • Visits: 810
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Arrimaha Gudaha oo booqday Jowhar(Sawiro)

    Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahin iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa shalay booqasho ku tegey magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahin iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa shalay booqasho ku tegey magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Wafdiga ka socday Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa waxaa ay booqdeen xarumaha lagu qabanayo shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen ayaa warbixin ka siiyay wafdiga ka socday Wasaarada Arrimaha Gudaha heerka uu marayo diyaargarowga shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Proff Yaxye Cali Ibrahin ayaa markii uu soo booqday goobaha lagu qabanayo shirka iyo hotelada magaalada Jowhar ayaa waxa uu ka hadlay ujeedada booqashadiisa.

"Waxaa ay booqashadeena dabajoogtaa mid uu hore ugu yimid magaalada Jowhar wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada federalka C/maan Odowaa, waxaana ay tahay booqashadeena inaan aragno diyaargarowga magaalada martigelinta shirka ballaaran ee noqonaya kii ugu dambeeyay ee dalka laga qabanaayo.”ayuu yiri Proff Yaxye.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in shirka maamul u sameynta labada gobol uu toddobaadka soo socda ka furmi doono magaalada Jowhar.

Hase yeeshee ma aha markii ugu horeysay ee ay dowladu ku dhowaaqdo in shirka maamul u sameynta labada gobol uu ka furmi doono magaalada Jowhar.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa la adkeeyay iyadoo ay maanta bilaabeen ciidamada nabadsugida inay baaritaan ka sameeyaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay xafiiska maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa lagu sheegay in dhammaan ardayda wax ka barata dugsiyada magaalada Jowhar laga fasaxay waxbarashadooda oo uu mamulka u soo hormariyay fasaxii ay geli jireen marka uu dhamaado sanad dugsiyeedka. Waxayna arrintan saameyn ku yeelatay kumanaan arday ah oo haatan soo dhamaystay waxbarashadii teeramka koowaad ee sanad dugsiyeedkan 2015/2016.

booqasho jowhar (1)

booqasho jowhar (2)

booqasho jowhar (3)

booqasho jowhar (4)

booqasho jowhar (5)booqasho jowhar (6)

booqasho jowhar (7)

booqasho jowhar (8)

booqasho jowhar (9)

booqasho jowhar (10)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip