Axmed Madoobe oo dhaliilay booqashada Jawaari ee Magaalada Dhuusamareeb

0
Friday January 08, 2016 - 18:48:59 in Wararka by
  • Visits: 829
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe oo dhaliilay booqashada Jawaari ee Magaalada Dhuusamareeb

    Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo booqasho ku joogga Magaalada Cadaado, ayaa wuxuu dhaliilay booqashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu ku tagey Magaalada Dhuusamareeb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo booqasho ku joogga Magaalada Cadaado, ayaa wuxuu dhaliilay booqashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu ku tagey Magaalada Dhuusamareeb Ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa tilmaamay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya looga baahnaa in arrintaasi uu kala tashado amaba ku soo wargeliyo Maamulka Galmudug.

"Waxaa hadda maqaalo igu ah in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu yimid Dhuusamareeb, sida uu walaalkey sheegaayay C/kariin Xuseen Guuleed, ayna ahayd dhinacii ay khuseysay in lagala hadlo ama wax la’isku oggaa ay noqoto.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Maxamed Islam, ayaa sheegay in socdaalka Jawaari ee Dhuusamareen uu gef iyo marin habaabinba uu ku yahay Maamulka Galmudug, isla-markaana aanay xilligan muhiim ahaynba booqashada ceynkaasi oo kala ah.

"Xaqiiqo ahaan waxaan si adag u sheegayaa arrintaas inay tahay arrin keenaysa marin habaabin iyo inay gefeyso wadadii ay lahayd, waqtigaan hadda ahna inaysan sidaas munaasab u ahayn.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hadalkan, ayuu Axmed Madoobe ka sheegay shir jaraa’id oo isaga iyo Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ay gelinkii dambe ee Khamiistii ku wada qabteen Magaaladaasi Cadaado.

Guuleed, ayaa sida ugu adag oo ugu macquulsan u dhaliilay safarka Jawaari ee Xarunta Gobolka Galgaduud. Dhuusamareeb waxaa ka arrimiya Maamulka Gobolada Dhexe (Ahlu Sunna), waxaana Madaxweyne ka ah Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Xigasho:-dhacdo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip