HALKAAN KA AKHRISO:WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSW PAPER EE MAANTA OO AH KHAM IIS 4-TA OKTOOBAR 2018-KA

0
Thursday October 04, 2018 - 08:18:16 in Wararka by
  • Visits: 426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSW PAPER EE MAANTA OO AH KHAM IIS 4-TA OKTOOBAR 2018-KA

    GAROWE OO LAGU QABANAYO DOORASHADA KURSI KA BANAAN GOLAHA SHACABKA Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in magaalada Garowe ay ka dhaceyso doorashada kursi ka banaan Golaha S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GAROWE OO LAGU QABANAYO DOORASHADA KURSI KA BANAAN GOLAHA SHACABKA Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in magaalada Garowe ay ka dhaceyso doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka. Marwo Xaliimo Yareey ayaa warkan ugaga dhowaaqday shalay magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntl and kadib markii ay halkaas gaartay iyada iyo qaar ka mid ah guddiga doorashada madaxa banaan. "Kursigan waa mid uu baneeyay ex xildhibaan Dhahar Cali Faarax isla markaana ergadii dooran laheyd Kursiga banaan waa naloo soo gudbiyey,waxaana kursigan u sharaxan labo musharax."ayay tiri Marwo Xaliimo Yarey.

 

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa bilihii la soo dhaafay waxa ay ka qabteen doorashooyin kuraas ka banaanaatay Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka kenya, waxaana lagu wadaa in uu halkaa kula kulmo madaxda hay’adaha samafalka ee xarumaha ku leh magaalada Nairobi

XILDHIBAAN XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO SHALAY XAADIRAY FADHIGA BAARLAMAANKA

Xasan-01-696x391 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, inta noloshiisa ka dhiman ayaa shalay xaadiray Fadhiga Baarlamaanka ee xarunta Golaha Shacabka, kaasoo ay ka soo qeyb galeen 178 Xildhibaan.

Fadhiga shalay ee Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu soo gabagabeynayaa dooda xeer hoosaadka Baarlamaanka oo maalmihii la soo dhaafay Xildhibaanada ka doodayeen wax ka bedelka

Waxaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo fadhiga Baarla maanka, oo lagu soo gabagabeyn doono doodo maalmihii la soo dhaafay Xildhibaanada ka lahaayeen wax ka bedelka Xeer Hoosaadka.

Xasan Sheekh oo Muqdisho dib ugu soo laabtay dhama adkii bishii August, kaddib 18 bilood oo uu dalka ka maqnaa, markii looga adkaaday doorashadii Madaxweynaha, ayaa mu ddooyinkii u dambeeyay waday dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo uu ugu weynaa dhismaha Xisbi ay ku bahoobeen siyaasiyiin horay u mucaaradsanaa xilligii uu talada dalka hayay.

Xasan Sheekh Maxamuud oo 4tii bishii 3aad 2007dii loo dhaariyay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa tirada Baarlamaanka ku noqonaya 276aad, maadaama uu yahay Xildhibaan Abadiya ah, sida uu qabo Dastuurka.

Qodobka 64aad. Tirada xubnaha Golaha Shacabka

(1) Xubnaha Golaha Shacabka waxaa si toos ah, qarsoodi ah, oo madaxbanaani ku dooranaya shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

(2) Tirada xildhibaannada caadiga ah ee Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa 225.

(3) Tirada guud ee xubnaha Golaha shacabka waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeeshaan dhammaan qaybaha bulshada.

(4) Qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo, wuxuu noqonayaa xildhibaan Golaha Shacaba inta uu nool yahay haddii aan xilkaqaadis lagu samayn iyadoo aanay muddadii xilhayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka 92aad ee Dastuurkan, tirada xildhibaanadana dheeraad ayuu ka yahay.

WASIIR XASAN EELAAY OO XALAY KU HOOYANAYA DEEGAANKA GOOFGADUUD BUUREY

Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaw oo xalay ah waxa ay gaareen deegaanka Goofgaduud Buurey oo qiyaastii 30KM ujira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wasiir Xasan Eeelaey ayaa in uu gaaro deegaanka Goofgaduud Buurey waxa ay ka dambeysay kadib markii deegaankaasi ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay shalay Ururka Al Shabaab ka saareen, kuwaasi oo daraad iyo maalinkii ka horeysay waqtiyo kala duwan la wareegay deegaanka.

Saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa si diiran u soo dhaweeyay wasiirka iyo wafdigiisa, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin booqashada wasiirka amniga Koonfur Galbeed, islamarkaana ay u tahay niyad dhis.

Ujeedka wasiir Xasan Eelaay uu u gaaray deegaankan ayaa waxa uu yahay sidii niyada uu ugu dhisi lahaa ciidamada dagaalka adag kula jira mintidiinta Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.

Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) oo xalay ku hooyanaya deegaanka Goofgaduud Buurey ayaa ciidamada ku dhiirageliyay waajibaadka shaqo ee ay hayaan, wuxuuna tilmaamay in madaxda Koonfur Galbeed ay mar walba ku dadaalayaan sidii ay xaqooda u heli lahaayeen ciidamada.

Wuxuu sheegay Ururka Al Shabaab inay yihiin niman cadow ah oo la dagaalamaya diinta iyo shacabka Somaliyed, taasi bedelkeeda ayuu ciidamada ka dalbaday inay laba jibaaraan dagaalka, kana hortagaan dhibaatada Shabaab ay u maleegayaan shacabka.

"Waxaan u imid halkan inaan idin ku dhiirageliyo shaqada adag ee aad heysaan, madaxda Koonfur Galbeed way idin la socdaan xaalada aad ku shaqeysaan, waad ku mahadsan tihiin sida aad uga jawaabteen nimankii cadowga ahaa ee isku dayay inay deegaankan la wareegaan, Al Shabaab waa cadow qaswadayaal ah, waxaana loo baahan yahay in laga hortago nimankan nabaddiidka ah”. ayuu yiri wasiirka amniga Koonfur Galbeed.

Wasiir Xasan Eeelaay oo maalmahan booqasho ku kala bixinayay degmooyin ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa wada abaabul dagaal oo ka dhan ah Shabaab iyo sidii loo furi lahaa wadooyinka ay go’doomiyeen Shabaab ee gobolka Baay.

ABIY AXMED OO KU BAAQAY IN LA JOOJIYO DAGAALKA U DHEXEEYA QOWMIYADAHA

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta maamulada dalkaasi inay wax ka qabtaan rabshadaha u dhexeeya qowmiyadaha qaar.

Kumanaan kun oo qof ayaa ku barakacay rabshado dhexmaray qabaa’iilka qaar ee Itoobiya wada dego.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa difaacay isbadallada socda oo ay kamid yihiin furfurnaanta siyaasadda iyo soo afjaridda colaaddii xadka ee kala dhexeeysay dalka ay deriska yihiin ee Eritrea.

Abiy Axmed ayaa hadalkan ka sheegay xilli shalay uu khudbaddiisii ugu horreysay uu ka jeedinayay shirka xisbiga EPRDF.

Wuxuuna ra’iisul wasaaraha ugu baaqay shacabka inay ka shaqeeyaan midnimada iyo amniga.

Madaxa shaqaalaha xafiiska Abiy Axmed ayaa bartiisa Twitterka soo geliyay qodobadii uu ka hadlay ra’iiul wasaaraha.

XILDHIBAANO EEDEYN U JEEDIYAY XUKUUMADDA SOOMAALIYA

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xukuumadda Soomaaliya ku eede eyay in ay ku fashilantay in ay u gurmado dad Shacab ah oo dhawaan ku dhawaaqay in ay dagaal la gali doonaan dagaalyahanada AlShabaab.

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in xukuumadda Xasan Cali Kheyre aysan u gurman Koox Macawisley ah oo dhawaan dagaal ka dhan ah Shabaab kaga dhawaaqay Shabeellaha Dhexe.

Waxaa sheegay in dadkaasi la rabay in lagu taageero hub iyo dhaqaalle si ay u xoojiyaan dagaalka AlShabaab.

Xildhibaanka ayaa sheegay in uu tacsi u diraayo Hoggaamiyihii Kooxda Macawisleyda oo ku dhintay dagaal maalmo ka hor ka dhacay Shabeellaha Dhexe ka dib markii Shabaab ay weerar kusoo qaadeen.

KHEYRE OO BOGAADIYAY QEYBINTA MANHAJKA CUSUB

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo shalay kormeeray dugsiga sare ee Jabuuti oo kamid ah iskuulladii dhawaan ay dawladdu la wareegtay, ayaa wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ku ammaanay hannaanka hufnaanta iyo dhaqsaha leh ee ay iskuulaadka ku gaarsiinayso buugaagta manhajka cusub ee waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo wasiiru dawlaha waxbarashada iyo tacliinta sare, ayaa mid mid u galay fasallada iskuulka oo ay ka socotay qaybinta buugaagta manhajka ay dhawaan dawladdu daahfurtay, waxa uuna xogwaraystay maamulka iyo macallimiinta iskuulka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyay in dawladda ay ka go’antahay dhaqan gelinta waxbarasho lacag la’aan ah oo leh tayo sare.

Ra’iisul wasaaraha ayaa maamulaha iskuulka kula dardaarmay in si hufan loo dhaqan geliyo manhajka si ardayda Soomaaliyeed uga faa’iidaystaan loona dhiso garaadka iyo aqoonta jiilka soo koraya.

Xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku guulaysatay hirgelinta manhajka cusub iyo waxbarasho lacag la’aan ah si sare loogu qaado tayada waxbarashada, wiil iyo gabar kasta ee Soomaaliyeedna loo siiyo fursadda waxbarasho ee ay xaqa u leeyihiin.

Hirgelinta nanhajka ayaa meesha ka saaraysa dhibaatadii lagu qabay manhajyadii kala duwanaa ee dibadda laga soo dhoofiyay, waxa uuna fudaynaa tayaynta waxbarashada, kormeerka iskuulladda iyo qaadista imtixaanka midaysan.

WAKIILKA CUSUB EE QM ARRIMAHA SOMALIA OO SOO GAARAY MUQDISHO

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa shalay Muqdisho ku soo dhaweeyay Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom,kaasi oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya.

Nicholas Haysom waa markii ugu horeeysay ee uu yimaado Magaalada Muqdisho,isaga oo bedelaya Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating.

Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee loo magacaabay Soomaaliya ayaa sheegay ‘Sharaf iyo mudnaan gaar ah ayey ii tahay inaan halkaan joogo labada sano ee soo socota aadbey muhiim ugu tahay”ayuu yiri Nicholas Haysom .

Nicholas Haysom ayaa waxa uu u dhashay Dalka South Africa,isagoona xilka kala wareegay Michael Keating,wuxuuna si toos ah u bilaabi doonaa howlihiisa shaqo ee Soomaaliya.

SHIL GAARI OO KA DHACAY GOBOLKA MUDUG

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaare geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

Shilkan ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday Gaari Xamuul ah oo marayay agagaarka deegaanada Bandiiradle ee gobolkaasi.

Gaarigan ayaa la sheegay in uu siday Qudaar, kuna sii jeeday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Ugu yaraan illaa 6 Qof ayaa ku dhaawacantay shilkaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeenl dad Goobjoogayaal ah.

Dadka ku dhaawacmay shilkan ayaa lagu soo warramayaa in loo soo qaaday Isbitaalka magaalada Gaalkacyo, si loogu dabiibo halkaasi.

Inta badan shilalka ka dhaca G/ Mudug ayaa loo sababeeyaa burburka waddooyinka iyo Darawallada oo si xawli ah u kaxeeya Gaadiidka, xilli ay ku socdaalayaan gobolkaasi.

XILDHIBAANO EEDEYN U JEEDIYAY XUKUUMADDA SOOMAALIYA

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay ku fashilantay in ay u gurmado dad Shacab ah oo dhawaan ku dhawaaqay in ay dagaal la gali doonaan dagaalyahanada AlShabaab.

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in xukuumadda Xasan Cali Kheyre aysan u gurman Koox Macawisley ah oo dhawaan dagaal ka dhan ah Shabaab kaga dhawaaqay Shabeellaha Dhexe.

Waxaa sheegay in dadkaasi la rabay in lagu taageero hub iyo dhaqaalle si ay u xoojiyaan dagaalka AlShabaab.

Xildhibaanka ayaa sheegay in uu tacsi u diraayo Hoggaamiyihii Kooxda Macawisleyda oo ku dhintay dagaal maalmo ka hor ka dhacay Shabeellaha Dhex ka dib markii Shabaab ay weerar kusoo qaadeen.

BAROORDIIQDA 3 OCTOBER OO LAGU QABTAY M/ MUQDISHO

Saddexda October 1993kii shalay oo kale waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dagaal u dhaxeeyay isbaheysiga SNA iyo Ciidamada Mareykanka ee xilligaasi ku sugnaa dalka, iyadoona Mareykanku uu duqeeyay Hoy ku yaallay degmada Howlwadaag oo la sheegay in uu ku sugnaa General Maxamed Faarax Ceydiid.

Duqeyntaasi ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo Rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

Munaasabad loogu baroordiiqayay maalintaasi, ayna ka soo qeybgaleen Waxgarad iyo Siyaasiyiin ayaa shalay lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale munaasabaddan oo aheyd mid ballaaran ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxqabadkii isbaheysiga SNA .

MADAXWEYNE FARMAAJO OO U HAMBALYEEYAY MADAXWEYNAHA CUSUB EE CIRAAQ

farmaajo-750x430 (1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Dalka Ciraaq Barham Saalah.

Mudane, Farmaajo ayaa u rajeeyay inuu Madaxweyne Barham xilkiisa u fududeeyo, isla markaana Shacab weynaha Dalkaasi uu u noqdo mid ay mahadiyaan.

Madaxweynaha Cusub ee Dalka Ciraaq Barham Saalah, ayaa ah siyaasi caan ka ah Dalkaas, isla markaana ka tirsan Xisbiga Kurdida ee [Patriotic Union of Kurdistan], waxanay xildhibaannada Ciraaq oo ka kooban 329 xubnood, 220 ka mid ah codkooda siiyeen hoggaamiyaha cusub.

MAAMULKA G/BANAADIR OO HUBINAYA RAASHIINKA AY HAY’ADA WFP KEENTO DALKA.

Kulan ay shalay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Wakiil hay’ada WFP ee u qaabilsan Soomaaliya Lorent Bokeira ay ku yeesheen Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar ayaa waxaa ay kagawadahadleen, sidii loo kontorooli lahaa Deeqaha gargaarka ay hay’ada keento Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa sidoo kale waxaa lagu lafa guray ,Sidii loo Dardargelin lahaa Samafalka loo sameeyo dadka Danta yar ee ku nool Gobalka Banaadir, iyo in shaqo abuur loo sameeyo dhalin yarada shaqo la’aanta ku haysa Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa warbaahinta la hadlay markii uu kulanka soo idlaay, waxaa uuna ka warbixiyay waxyaabihii kulanka diirada lagu saaray, waxaa uuna Tilmaamay in Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Wafdi ka socda Hay’ada WFP ay isaga kaashan lahaayeen sidii loo caawin lahaa Barakacayaasha ku sugan Gobalka.

Kulanka ayaa waxaa uu ku aadayaa xili Hay’ada WFP lagu eedeeyo In Soomaaliya ay keento Raashiin dhacay, kuwaasi oo la siiyo dadka Danyarta ee Ku nool dalka.

SALDHIGYO SHABAAB AY KU LEEYIHIIN JUBADA DHEXE IYO SHABEELAHA DHEXE OO LA BURBURIYAY.

Waxaa Habeen hore ayaa la duqweyey saldhigyo Shabaab ku leyihiin degmooyinka Bu’aale iyo Jilib ee Jubada dhexe iyo sidoo kale deegaanka Basra oo u dhaw degmada Balcad ee Shabeelaha dhexe.

Ilo wareedyo ayaa KNN u sheegay in gantaalada lala dhacay Bu’aale lagu dilay xubo sare oo Alshabaab ka tirsanaa uuna kamid yahay sida la sheegay amiirkii amniyaadka Gobolka Banaadir oo magaciisa lagu sheegay Cabdifitaax.

Duqeynta Jilib ka dhacday ayaa iyana lagu sheegay in lala bneegsaday xarunta Guud ee ay Shabaab ku diyaarinayeen qaraxyada, waxaana la tilmaamay in halkaasi uubur bur xogg leh la gaarsiiyay looganadilay xubo kor u dhaafaya 10Shabaab ah.

Isla Jilib ayaa la sheegayaa in duqeyn kale lala beegsaday Shabaab u diyaarsanaa sida la sheegay in ay weerar qaadaan, balse laga dilay tiradii ugu badneyd ee abaabulka dagaal ku jirtay lana bur buriyay gaadiidka dagaal oo ay heysteen AlShabaab.

Sidoo kale habeen hore waxaa meelaha ay duqeymaha ka dhaceen ka mid ah deegaano u dhaw degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe oo basro ay ka mid tahay waxaa ilo waredyada ay sheegeen in la beegsaday Shabaab caruur xoog uga ka xeystay deegano ka tirsan Shabeelaha dhexe.

Lamana tirada dadka ku dhintay duqeynta ka dhacday deeganaka Basra.

Daraad oo ugu dambeysay ayay ahayd markii ay Taliska Mareykana Afrika u qaabilsan ee la yiraahdo Africom ay warbixin ku sheegeen induqeyn diyaaradeed ka fuliyeen Jubada Hoose lagu dilay 96xubnood oo AlShabaab ka tirsanaa.

GUDDOOMIYAHA G/HIIRAN OO XABSIGA DHIGAY SHAQAALE KA TIRSAN WASAARADDA MAALIYADDA HIRSHABEELLE

Wararka aan ka heleyno Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Saddex ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda hirShabeelle la dhigay Xabsiga Magalada Baladweyne.

Shaqaalahaan la xiray oo mid ka mid ah ay haweeney tahay ayaa la sheegay in amarka lagu xiray uu bixiyay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed).

Sababaha loo xiray ayaa wararka an helnay waxa ay sheegayaan in ay ka biyo diideen in Bankiga Wasaaradda Maaliyadda HirShabeelle ay uga soo bixiyaan lacag uu ka dalbaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan,iyaga oo u sheegay in uu amar kasoo qaato Wasiirka Maaliyada HirShabeelle.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la Magacaabay 23kii Bishii la soo dhaafay ee September 2018,waxana tani ay noqoneysaa tallaabadii ugu horeysay ee uu qaaday markii uu xilka la wareegay.

TALIYE SALDHIG OO MUQDISHO KU XIRAN

Ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Banaadir ayaa xabsiga dhigay Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Dayniile ,kaasoo maalin ka hor shaqooyin lagu sameeyay.

Taliyaha Saldhigga degmada Dayniile ayaa loo heystaa weerar lagu qaaday 1dii Bishaan degaanka Garasbaaley oo la sheegay in Ciidanka weerarkaasi qaaday uu hoggaaminaayay Taliyaha.

Ciidan uu watay Taliyaha ayaa rasaas ku furay goob dhismo wado jaay ah uu ka socday oo ka tirsan deegaanka Garasbaaley, waxaa ku dhintay hal askari, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay askari kale.

Taliyaha qeybta galbeed ahna afhayeenka booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble iyo kuxigeenkiisa ayaa waxa ay gaareen goobta ay wax ka dhaceen, Waxaana la sheegay in ugu dambeyntii in ay Amreen xariga Taliyaha Ciidamada Booliska Saldhigga degmada Dayniile

TIRADA DAACISHTA KU SUGAN SOOMAALIYA OO LA SHAACIYAY

Warbixin cusub oo shalay soo baxday ayaa waxa ay ka hadleysaa cududa iyo weerarada ragga taabacsan kooxda Daacish ay ka geystaan Puntland, Muqdisho iyo agagaarkeeda.

Hay’adaha warbixintan soo saaray ayaa kala ah machadka Hilaal Institute oo fadhigiisa uu yahay Soomaaliya iyo machadka kale nabadda ee Yurub.

Warbixintan ayaa tirada kooxda Daacish waxa ay ku tilmaamtay ugu badnaan ilaa 300, waxayse ka digtay in kooxdan mustaqbalka ay halis ka imaan karto.

Waxaa kaloo warbixinta lagu sheegay in Daacish aysan laheyn awood ciidan oo la yaqaano, islamarkaana laga cabsado, balse ay leedahay fursad ay ku balaaran karto.

Fursadaha ay ku balaaran karto kooxda Daacish ayay hay’adaha warbixinta soo saaray waxa ay ku sheegeen inay ka faa’ideystaan burbur ku yimaada ururka Al Shabaab.

Guddoomiyaha machadka Hilaal Institute Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in kooxda Daacish ay Puntland ka joogaan dhul aad u yar, balse keliya hawlgaladooda aysan ku ekeyn goobaha ay joogaan.

"Kooxda ma lahan awood weyn oo laga cabsado, waxay ku balaaran karaan oo keliya inay burburto Al Shabaab, hawlgalada ay hada wadaan Daacish waxaa laga yaabaa inay ku qortaan dhalinyaro badan oo ay qaldaan”. Ayuu yiri Guddoomiyaha machadka Hilaal Institute oo la hadlay VOAda.

Ugu dambeyn warbixintan ayaa waxaa lagu sheegay cida hortaagan Daacish inay saldhigato in aysan aheyn dowladda, Puntland iyo AMISOM, balse ay ka saldhigan la’ dahay Al Shabaab oo ay isku heystaan awood maamul.

BEESHA CAALAMKA OO CADAADINAYSA SOOMAALIYA IYO SOOMAALIAND.

Warbaahinta Capital FM ee Kenya laga leeyahay ayaa Daabacday War ku saabsan in Beesha caalamku ay ku riixeeyso Soomaaliya iyo Soomaaliland in ay miiska wada hadaladda isugu yimaadaan.

Beesha caalamku waxay dooneeysaa in dib loo bilaabo wada hadaladii hakaday ee Muqdisho iyo hargeeysa si xal looga gaaro murranka Siyaasadeed iyo mid ka xuduudda.

Xukuumadda Somaaliland ayaa sheegtay in ay diyar u tahay Wada hadadallo cusub kadib markii Wakiiladda Netherlands iyo Denmark u fadhiya Nairobi ay u sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay caawimaad ka geeystaan billowga Wada hadaladda.

Madaxda Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya ayaa dhankooda dhawr kol waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin sii wadista wadahadaladda Soomaaliya iyo Soomaaliland, balse kasokoow sheegashadda Madaxda majiro tilaabo laqaaday ama xittaa balan lagalay oo ku saabsan wadahadaladda mustaqbalka.

Soomaaliland waxay dooneeysa in ay gooni isutaageeda ku dhameeystirto madaxbaanaani mar uun ay ka maqasho dhinaca Soomaaliya iyo Aqoonsi caalami ah. Soomaaliya ayaa dhankeeda Dooneeysa in xal laga gaaro tabashadda Soomaaliland oo aan lakala dhantaalin midowgii 1960kii kayimid Somaliland.

burcad (1) 2012kii wadahadallo labadda dhinac ay yeesheen ayaa waxay ku gaareen isfaham ay ka mid ahaayeen sii wadista wadahadaladda, in xafiisyo ka shaqeeya maamulka Hawadda laga sameeyo Hargeeysa iyo Muqdisho iyo in lasameeyo Afar xubnood oo guddi farsamo ah.

Wadahadalaas waxaa taageerayay QM iyo Dowladda Turkiga, balse Isfahamkii la gaaray ma noqon mid dhaqangalay.

Dhinaca maamulka Hawadda, Dowladda Soomaaliya waxay lasoo wareegtay Maamulka Hawadda oo markii hore yaalay Nairobi, hadana waxaa uu ku shaqeeyaa Magaaladda Muqdisho, waxaa Maqan xafiiskii maamulka Hawadda ee lagu balamay in laga sameeyo Hargeeysa.

Arrintaasi waxay dhalisay Tabasho ka timid Soomaaliland oo mar sheegtay in ay Dacwad ka dhan ah maamulka hawadda ee Soomaaliya ay Beesha caalamka u gudbinayaan.

Masuul Somaliland u jooga Nairobi oo lagu magacaabo Baashe Cawil Cumar ayaa waxaa uu la kulmay Safiiradda Denmar iyo Natherlandsee Kenya u fadhiya iyo Labo xubnood ka tirsan idowga Europe waxayna u balanqaadeen in ay riixayaan Wadahadaladda in ay dib u biloowdaan.

Safiirka Denmark ee Kenya Mette Kinudsen ayaa sheegay in Beesha caalamka ay ka go’antahay in dhinacyaddu ay dib u wada hadlaan.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dhawaan waxaa uu sheegay in Maxamedweeyne Maxamed Cabdullahi farmaajo uu Diyaar u ayahay in uu ka dego Hargeeysa hadii soo dhaweeynta laga helo Somaliland

BURCAD KU BAXSADAY DIYAARAD HELIKABTAR AH OO BOOLISKA PARIS SOO QABTEEN

Booliska magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa gacanta ku soo dhigey Redoine Faid oo ah burcad Faransiis ah kaasoo bishii July ee sanadkan ugaga baxsaday xabsi ku yaal Paris diyaarad helikabtar ah.

Faid oo 46 sano jir ah ayaa ahaa qofkii loogu doon doonis badnaa dalka Faransiiska waxana laga soo qabtay waqooyiga magaalada Paris isaga,walaakii iyo labo ruux oo kale.

Burcadka Faid ayaa ah qof metela qaabka filshalay loo jilo marka falalka burcadnimada ah la sameynayo.

Faid ayaa markii ugu horeysay waxaa xabsiga loo taxaabay sanadkii 1998dii isagoo lagu eedeeyay fal burcadnimo hubeysan.

Falkii uu 1dii bishii Luulyo xabsiga uga baxday wuxuu ahaa kii labaad oo uu ku guulaysto, wuxuuna ahaa kii ugu cajiibsanaa ee abid ka dhaca dalka Faransiiska.

Saddex nin oo aad u hubeysan ayaa xoog ku gashay xabsiga uu ku xirnaa oo ku yaalla koonfurtabari ee magaalada Paris, waxayna isla markiiba saareen diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay soo afduubteen iyada iyo duuliyaheedaba.

Dhacdadaas ayaa noqotay mid si weyn caalamka looga hadal hayay maadaama inta badan dadku ay yaqaanneen in filimada oo kaliya lagu arko qof diyaarad uga baxsanaya xabsi ay dowlad leedahay.

HAWEENEY MORROCAN AH OO GURIGEEDA U BEDESHAY XARUN LAGU XANAANEEYO DADKA QABA CUDURKA KANSARKA

Khadija Ayad alQorti oo ah haweeney carmal ah ayaa gurigeeda oo ku yaal magaalada Rabat ee dalka Morroco waxa ay ka dhigtay goob lagu xanaaneeyo dadka qaba cudurka Kansarka.

Haweeneydan oo 72 jir ah ayaa aragtay in dad badan oo uu cudurka Kansarka soo ridanayo ay ka yimaadaan magaalooyin ka fogfog caasimada Morroco ayna heli karin goob ay daawooyin ku qaataan, maadaama isbitaalada lacag qaali ah lagu seexdo.

Khadija ayaa aasaastay urur la magac baxay Jannat Association sanadkii 2009kii dhowr bil kadib markiiuu seygeedii u dhintey cudurka Kansarka. Ururkan ayaa waxauu siiyaa jiif lacag la’aan ah bukaanada iyo xubnaha qoyska ee la socda, gaadiid bilaash ah oo ay ku tagaan xarunta laga qaato daawada Kansarka ee magaalada Rabat iyo weliba cunto mudada ay joogaan.

Haweeneydan ayaa waxa ay markiiba gurigeeda dejisaa illaa 15 ruux oo haween ah iyadoo u kireysay guri u dhow oo ay seexan karaan 15 kale.

Hassania Khayati oo 45 sano jir ah kuna dhacay cudurka kansarka ee naasaha oo aan wax ehel ah ku lahayn caasimada dalkeeda ee Rabbat kana soo jeeda magaalo lagu magacaabo Ksar El Kebir ayaa ku soo noqnoqonaysay xarunta Mama Khadija tan iyo bishii September 2017.

"Ma heli karno cid noo qabanaysa waxa uu ururkan noo sameyay,xitaa qaraabadeena nama daryeeli karaan waayo waa sabool.”ayay tiri Khayati.

Khadija ayaa waxaa ay ku tiirsan tahay waxyar oo laga siiyo lacagta howlgabka ee seygeedii geeriyooday taasoo gaareysa illaa 450 Moroccan dirhams ($47.50)

Balse dadaalkeeda ayaa waxaa soo jiitay dowlada hoose ee magaalada Rabat iyo hay’adaha deeqaha bixiya, waxayna ururkeeda ka caawiyaan bil walba lacag gaareysa 4,000 Moroccan dirhams una dhiganta ($422) taasoo ay isaga bixiyaan guriga kirada ah.

JAMAAL KHASHOGGI: WARIYE SACUUDIGA U DHASHAY, MARNA SAAXIB LA AHAA BIN LADEN, OO LAGU LA' YAHAY ISTANBUL

Suxufi caan ah oo Sacuudiga u dhashay, laguna yaqaanno inuu aad wax uga sheego siyaasadaha dalkiisa, ayaa la la' yahay ka dib markii uu booqday qunsuliyad uu Sacuudigu ku leeyahay Turkiga.

Jamaal Khashoggi, oo sidoo kalena wax ku qora wargayska Washington Post, ayaa galay qunsuliyadda ku taalla Istanbul, galabnimadii Talaadada.

Khashoggi wuxuu u tegey halkaas inuu "warqado buuxbuuxiyo" ayuu warhaysku yiri, wixii markaas ka dambeeyeyna warkiisa lama maqlin.

"Ma garanayno in la xiray, ama su'aalo la weydiinayo ama goorta la sii deyn doono" ayuu mar kale wargayska.

Xaaskiisa oo la socotay markii uu qunsuliyadda tagayey ayaan loo ogolaan in ay gudaha u gasho. Sida uu nidaamku yahay, Khashoggi waxaa laga qaaday telefoonkiisa gacanta – arrintaasoo qayb ka ah nidaam caadi ah oo la maro marka la galayo qunsuliyadaha iyo safaaradaha.

Jahawareer ayaa ka dhashay Arbacadii halka uu ku dambeeyo, ayadoo sarkaal Sacuudi ah uu u sheegay wakaaladda Reuters in wararka shegay inla la' yahay Khashoggi ay yihiin kuwo aysan waxba ka jirin, uuna qunsuliyadda ka baxay in yar ka dib markii uu yimid.

Xaaskiisa oo dhismaha dibadiisa joogtay aya arrintaas ku gacan sayrtay, waxayna sheegtay in aysan jirin cid aragtay.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Khashoggi uu gudaha dhismaha ku jiray, saraakiisha Turkigana ay xiriir la samaynayeen dhigooda Sacuudiga ayagoo xaaladda kala hadlayey.

Khashoggi ayaa musaafuris iskiis ah ugu noolaa Maraykanka, wuxuuna ahaa qof aad u dhaleeceeya xukuumadda Sacuudiga, gaar ahaan qorshayaasha isbeddelada ee uu horkacayo amiirka dhaxalka leh, Maxamed Bin Salmaan.

"Isbeddel kasta wuxuu la yimaadaa xirxirid cusub, xukunno xabsi, iyo dhaqammo caburis ku dhisan" sida waxaa yiri Jason Rezaian oo ka tirsan Washington Post.

"Marxalad kasta oo la marayo, Jamaal wuxuu alkhristayaasha wargayska siin jiray fallooyin qoto dheer, wuxuuna aad wax uga sheegi jiray waddankaas ay adag tahay in gudihiisa wax laga ogaado" ayuu sii raaciyey.

Khashoggi oo hore u ahaa tifaftiraha wargayska AlWatan iyo TV muddo kooban jiray, ayaa wuxuu sidoo kale ka qayb qaadan jiray barnaamijyada BBC ee looga hadlo arrimaha Sacuudiga iyo bariga dhexe.

Waxaa jiray wakhtiyo uu la taliye u ahaa qoyska boqortooyada ee Sacuudiga, muddo dheerna waxaa loo arkayey qof arrimaha hoose u dhuun daloola, ilaa iyo intii uu ka tegey sannad ka hor, xilli ugaarsi badan oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda uu jiray.

Waxaa kale oo la ogsoon yahay in uu xiriir aad u dhow la lahaa Cusaama Bil Laden, kaasoo uu wakhtiyo badan ula safray Afganistan, sannadihii 19080meeyadii, intii uu Soofiyeetku dalkaas ku jiray, walow uu markii dambe si cad u diiday fikradihii Bin Laden, ayna kala hareen muddo dheer ka hor weerarradii 2001 lagu qaaday Maraykanka.

TAHNIYAD AROOS

Waxaa halkaan Tahniyad aroos farxad leh ka diraayo Asxaabta Istaahil C/Fitaax Maxamuud oo kala ah : Hidaayo c/salaan axmed , Hani ciise {haniyeey}, Nuurto c/qaadir maxamuud, Salmo c/raxmaan cali, Madiino c/qaadir maxamuud, Ubax cabdi xasan, Fadumiin najiib cali, Maxamed amiin najiib cali,Nasro cismaan nuur. Maryan cabdi gees, Manaan cabdi gees, Farxiyo c/casiis c/laahi,Hibaaq jeylaani maxamed, Fowsiyo axmed nuur, Maryan axmed nuur, Zam zam nuur maxamed,Yasmiin maslax c/lle, C/rabbi maslax c/lle , C/qaaliq maslax c/lle, Iqro mustaf xuseen,Nasteexo c/rashiid xuseen, Xaliimo cumar muuse , Maryan maxamed yaslim , Safiyo saadaq cali,Qaali xaaji xuseen,Nadiifo xaaji xuseen, Sahroxaaji xuseen, Deeqo muxudiin muqtaar,Nimco sh. maxamuud,Maajid najiib cali, Dhammaan dadkaasi waxaay habalyo aroos farxad leh u dirayaan arooska iyo aroosadda kala ah Aadan Xasan Maxamuud iyo Istaahil C/Fitaax Maxamuud Salaad oo dhawaan ku aqal galeen degmada deyniile ee magaal ada muqdisho waxaayan dhammaan leeyihiin alle haka dhigo ku wii aqalkakooda kala kulma baraare iyo qeyr badan allena kala siiyo ubad aayo wacan waxayna ugu duceey een alle haka dhi go gurigii reys leh iyo doog aan gurin ee nagaadin ah.

Aamiin Aamiin Aamiin




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip