Nabadoonka ayaa shalay galab lagu aasay Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan gaar ahaan Tuulada Farqalaal (Dirqis), Gudoomiye C/qaadir Caanooy-Barnaamij- ayaa isagoo ka soo laabtay Degmada Buulobarde waxaa uu yiri " Aabbo Muumin Caanooy waxaa uu ahaa "Nabadoon Soomaaliyeed, dadku u siman yihiin” in ka badan 40 sano isagoo la sheeqeeyay muddo dheer Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ALLAHA u naxarisitee, duubab iyo nabadoono badan, xiliyadii dagaalada sokeeye dowr weyn ayuu ka qaatay badbaadinta dad badan oo ku xayirmay dagaaladii sakooye, oo ahaa soomaali iyo ajnabi waxana ka mid ahaa Madaxii Safaraada Sudan ee bilowgii sagaashameeyada, wuxuu ahaa ahlu diin, saaxiib la ah Culimada, mudooyinkii danbana jamaacada tabliiqa ula safray dalka gudihiisa iyo dibadiisa”
Gudoomiye C/qaadir Caanooy (Barnaamij) ayaa u mahadnaqay Hogaanka, Xubnaha Xisbiga,Ehelkii, Qaraabadii, iyo saaxiibadii garab istaagay qoyska xiligaan adag.
Xisbiga Kulan ayaa EEBBE uga baryaya inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo Nabadoon Muumin Cusmaan Caanooy, dhanka kalana qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.



0 




Xisbiga Kulan oo ka tacsiyadeeyay geeridii Nabadoon Muumin Caanoy oo lagu aasay Hiiraan
Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulan Mudane Muxyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim, Dhamaan Golaha Fulinta Xisbiga, Garabyada Xisbiga kulan sida; Garabka Dhalinyarada, Haweenka, iyo Ardayda iyagoo isku duuban waxay Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadayn