Ciyaaryahan Aubameyang oo ku guuleystay abaal marinta Laacibka Afrika

0
Friday January 08, 2016 - 18:16:49 in Sports News by
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahan Aubameyang oo ku guuleystay abaal marinta Laacibka Afrika

    Pierre-Emerick Aubameyang oo u dhashay dalka Gabon, una ciyaara Kooxda Borussia Dortmund ee dalka Jarmalka ayaa ku guuleystay abaal marinta Laacibka Afrika ee sanad kasta la bixiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Pierre-Emerick Aubameyang oo u dhashay dalka Gabon, una ciyaara Kooxda Borussia Dortmund ee dalka Jarmalka ayaa ku guuleystay abaal marinta Laacibka Afrika ee sanad kasta la bixiyo.

Xiriirka Kubadda Cagta ee Afrika ee CAF ayaa u aqoonsaday Aubameyang xidigga Afrika, kadib xaflad ka dhacday magaalada Abuja ee dalka Nigeria.

Abaal marintan oo la yiraahdo Glo Caf ayaa waxaa sanadkan ku tartamayay ciyaaryahanada Aubameyang, Yaya Toure iyo Andre Ayew

Qaaradda Afrika ayaa waxaa ka soo baxay ciyaaryahano wanaagsan oo u ciyaara kooxaha waa weyn ee Yurub ka dhisan.

Abaal marintan ayaa noqoneysa tii u horeysay oo Aubameyang ku guuleysto, waxaana uu wacdaro ka dhigay xilli ciyaareedkan Horyaalka Jarmalka ee Bundesliga loo yaqaano.

Aubamyang

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa waxaa xilligan doonaya kooxo waa weyn, iyadoo kooxaha xiiseynaya ay ka mid tahay kooxda PSG.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip