Weerar lagu hoobtay oo ka dhacay Galbeedka Wadanka Libya (SAWIRRO)

0
Friday January 08, 2016 - 17:59:44 in Wararka by
  • Visits: 921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar lagu hoobtay oo ka dhacay Galbeedka Wadanka Libya (SAWIRRO)

    Weerarkan, ayaa ka dhacay Xarun Ciidanka Booliska lagu tababaro oo ku taala Magaalada Zliten Ee Galbeedka Wadanka Libya. Xarunta la weeraray waxaa lagu magacaabaa Al-Jahfal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerarkan, ayaa ka dhacay Xarun Ciidanka Booliska lagu tababaro oo ku taala Magaalada Zliten Ee Galbeedka Wadanka Libya. Xarunta la weeraray waxaa lagu magacaabaa Al-Jahfal.

Nin la socday gaari wayn oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa ku dhuftay afaafka hore ee Xarunta Al-Jahfal, waxaana ka dhashay khasaaro aad u ballaaran.

Ugu yaraan 50 qof, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay weerarkan, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacantay. Dadka dhaawacmay waxaa la dhigay goobaha caafimaadka.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda uu fadhigeedu yahay Magaalada Tripoli, ayaa xaqiijiyay in ka badan 47 qof in ku dhimatay weerarkaasi, halka 100 kalana ay ku dhaawacantay.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, balse waxaa lagu tuhmayaa ururada xagjirka ah ee ka dhashay riditaankii Xukuumaddii uu hogaanka u haayay Col. Muammar Gaddafi.

Weerarkan wuxuu noqonayaa noociisii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalkaasi, tan iyo markii xoog awoodda looga maquuniyay Madaxweynihii hore Libya, Muammar Gaddafi, sanadkii 2011-ka.

ZlitenZliten1Zliten2Zliten3Zliten4Zliten5Zliten6Zliten7Zliten8Zliten9Zliten91

ATTENTION - VISUAL COVERAGE OF SCENES OF INJURY OR DEATH An injured man receives treatment inside a hospital in Misurata, Libya January 7, 2016 after one of Libya's worst truck bombs in years exploded at a police training centre in the town of Zliten. REUTERS/Aimen Elsahli

Zliten93Zliten94





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip