Boqorka Sacuudiga oo Danjiraha Soomaaliya ka guddoomay Warqadihii Aqoonsiga
Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud Boqorka dalka Sacuudiga ayaa Xafiiskiisa ku yaalla qasriga Boqortooyadda Yamaamah ee magaalladda Riyadh ku qaabilay 21 Danjirayaal cusub, oo uu ka guddoomay Waraaqahooda Aqoonsiga Danjirenimo.
Daahir Maxamuud Geelle Danjiraha Soomaaliya u jooga Sacuudiga ayaa ka mid ah Danjirayaasha laga guddoomay Warqadaha loogu soo magacaabay Xilkaasi.
Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA oo aan warkan baahisay ayaa sheegtay inuu Boqorka Sacuudiga kaga mahadceliyey Danjirayaasha uu qaabilay Taageeradda ay Dowladahooda u muujiyeen Dagaalka ka dhanka ah Kooxha loogu yeero Argagixisadda.
Boqorka Sacuudiga waxa uu Danjireyaasha ka codsaday inay Madaxdooda ka gaarsiiyaan Salaan iyo Mahadcelin ah. Danjiraha Dowladda Kenya u jooga Sacuudiga, Maxamed Cabdi Maxamed oo ku hadlay Magaca Safiiradda Cusub ee uu Boqorka Sacuudiga qaabilay ayaa sheegay inuu Sacuudigu yahay dal Nabad ah, isla markaana ay ku yaallaan Labada Xaram ee ugu muhiimsan in lagu cibaadaysto

0 