Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga JF Soomaaliya {War Saxaafadeed}

0
Thursday January 07, 2016 - 22:58:52 in Wararka by
  • Visits: 867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga JF Soomaaliya {War Saxaafadeed}

    iyadoo la fulinayo go'aanka ka soo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ,January 07,2016 , Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay u yeertay Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga JF Soomaaliya
iyadoo la fulinayo go'aanka ka soo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ,January 07,2016 , Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay u yeertay Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga Iran ee Muqdisho, waxa ayna gudoonsiisay go'aanka , waxaana laga codsaday in isaga iyo diblomaasiyiinta kale ee Iran ay dalka uga baxaan muddo 72 saacadood gudahooda.

Talaabadan ayaa timid kadib baaritaan dhab ah oo la sameeyay , laguna ogaaday in Iran ay ka fulineysay Soomaaliya howlo qalqal gelinayay amniga,deganaanshaha ,wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqeysaa Iran inay xushmeyso madax banaanida dowladaha, joojiso faragelinta gudaha, ilaaliso qawaaniinta , heshiisyada caalamiga ah iyo cahdiga Vienna ee xiriirada diblomaasiyadeed.

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA IYO

DHIIRIGELINTA MAALGASHIGA

جـمـهـوريـة الصــومــال الفيدرالية وزارة الشؤون الخارجية وتشجيع الإستثمار

FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA Ministry of Foreign Affairs & Investment Promotion

Date: 07/01/2016

Address: Afgoye Road-KM 5, Mogadishu, Federal Republic of Somalia. 

Email: ministry@mfa.gov.so Website: http://www.mfa.gov.so




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip