Adnan Januzaj Oo Ku Laabanaya Man United Ka Dib Markii Borussia Dortmund Ay Kansashay Qandaraaskiisii Amaahda Ahaa.

0
Thursday January 07, 2016 - 11:00:52 in Sports News by
  • Visits: 728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Adnan Januzaj Oo Ku Laabanaya Man United Ka Dib Markii Borussia Dortmund Ay Kansashay Qandaraaskiisii Amaahda Ahaa.

    Adnan Januzajayaa ku soo laabanaya Manchester United ka dib markii Borussia Dortmund ay ogolaatay inay kansalaan heshiiskiisii amaahda ee halka xilli ciyaareed,. 20 jirkaan ayaa Dortmund amaah ahaan ugu biiray bishii August laakiin waxa uu kaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adnan Januzajayaa ku soo laabanaya Manchester United ka dib markii Borussia Dortmund ay ogolaatay inay kansalaan heshiiskiisii amaahda ee halka xilli ciyaareed,. 20 jirkaan ayaa Dortmund amaah ahaan ugu biiray bishii August laakiin waxa uu kaliya saftay 12 kulan isagoo ciyaaray kaliya 160 daqiiqo oo Bundesliga ah.

United ayaan ku faraxsaneyn waqti yarida Januzaj waxaana ay haatan u dhaqaaqeen inay dib ugu soo celiyaan Old Trafford, iyadoo heshiis kansalida la dhameystiri doono 24ka saacadood ee soo socda.

Codsigaan ayaa yimid xilli Louis van Gaal uu raadinayo wadooyin uu ku xoojiyo weerarkiisa bishaan Janaayo inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga. Felipe Anderson ayaana weli ah bartilmaameedkiisa koowaad inkastoo heshiiskii 35ta milyan ginni ee uu ku soo wareegi lahaa hakad la geliayy madaama uu xiddiga reer Brazil muran dhanka mushaharkiisa ah kula jiro Lazio.

Dortmund ayaa bilowday inay tababar ku sameyso dalka cimilada kulul ee Dubai, laakiin waa ay diideen inay xaqiijiyaan in Januzaj uu ka mid ah yahay ciyaartoyda u safreysa Dubai.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip