Barcelona Oo Hal Lug La Gashay Wareega 8da Copa Del Rey Ka Dib Markii Ay 4-1 Ku Qaarjiyeen Espanyol Oo 9 Ciyaaryahan Ku Dhameysatay Ciyaarta. Leo Messi Oo Afarta Goolba Ku Lug Lahaa.

0
Thursday January 07, 2016 - 10:58:46 in Sports News by
  • Visits: 871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Hal Lug La Gashay Wareega 8da Copa Del Rey Ka Dib Markii Ay 4-1 Ku Qaarjiyeen Espanyol Oo 9 Ciyaaryahan Ku Dhameysatay Ciyaarta. Leo Messi Oo Afarta Goolba Ku Lug Lahaa.

    Kooxda Barcelona ayaa talaabo weyn u qaaday wareega 8da ee Copa del Rey ka dib markii ay 4-1 ku qaarjiyeen kooxda deriskooda ah ee Espanyol lugta hore ee wareega 16ka, iyadoo Espanyol ay 20kii daqiiqo ee ugu danbeysay ciyaarta ay ku ciyaarayeen sagaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Barcelona ayaa talaabo weyn u qaaday wareega 8da ee Copa del Rey ka dib markii ay 4-1 ku qaarjiyeen kooxda deriskooda ah ee Espanyol lugta hore ee wareega 16ka, iyadoo Espanyol ay 20kii daqiiqo ee ugu danbeysay ciyaarta ay ku ciyaarayeen sagaal ciyaaryahan madaama labo ciyaaryahan kaarka casaanka ah laga siiyay.

Ku dhawaaq 77kun taageerayaal ah ayaa soo xaadirtay garoonka Camp Nou iyadoo kulankaan uu ahaa mid xiiso gaar ah u leh magaalada Barcelona oo labada kooxood ee ka dhisan ay isku dhacayeen. Ciyaarta ayaana ku bilaabatay jawi fiican iyadoo Barca ay kubada heysatay bilowgii, waxaana ay ku dhawaadeen daqiiqadii 8aad ee shabaqa soo taabtaan laakiin goolhaye Pau Lopez ayaa cagaha kubad kaga badbaadiyay Nermar.

Laakiin daqiiqadii ku xigtay xiddiga amaahda uga soo maqan Real Madrid Asensio ayaa kubad ka soo dhacay Dani Alves isagoo kubad rogaalcelis fiican ah soo qaaday, waxaana uu kubada u dhiibay Caicedo oo Mascherano kubada ka leexsaday islamarkaana dhinac qaldan u diray goolhaye Ter Stegentaasoo ciyaarta ka dhigtay 1-0 oo ay Espanyol hogaanka ku heysay.

1452110254578_lc_galleryImage_Barcelona_s_Argentinian_f

Laakiin hogaanka Espanyol ma uusan waarin iyadoo Suarez uu u dacwoonayay kubad gacanta ah, Neymar ayaa kubada helay isagoo u dhigay Iniesta, kabtanka Barcelona ayaana kubada u dhex bixiyay Lionel Messi taasoo keentay inuu La Pulga ciyaarta ka dhigo barbaro 1-1 ah.

Lionel Messi ayaana ah ciyaaryahanka kaliya ee La Liga ka ciyaara ee lix tartan oo kala duwan gool ka dhaliyay xilli ciyaareedkan.

Espanyol ayaana sigtay Barcelona daqiiqadii 17aad ciyaar aheyd mid madaadalo fiican leh iyadoo laad xor ah oo uu soo tuuray Abraham uu faraha cidooda ku bixiyay goolhayaha Jarmalka, koornadii ka dhalatay kama aysan faa’ideysanin kooxdii martida ah.

1452109996075_lc_galleryImage_Barcelona_s_Argentinian_f

22 daqiiqo markii ay socotay kabtan Andres Iniesta ayaa kubad baas fiican kale u dhigay Neymar, laakiin darbadii xiddiga reer Brazil ayaa si ciriiri ah ku hareermartay birta goolka. Labo daqiiqo ka dib Barcelona ayaa ku andacootay rigoore matkii Javi Lopez uu qalad ku galay Neymar, laakiin garsoore Juan Martinez kama aysan daadegin taas.

Daqiiqadii 31aad Barcelona ayaa weerar cajiib ah qaaday iyadoo Lionel Messi uu kubad fiican u dhigay Neymar laakiin waxaa kaga hormaray Javi Lopez oo banaanka ugaga saaray.

1452111802340_lc_galleryImage_BARCELONA_SPAIN_JANUARY_0

Dhamaadkii qeybta hore Lionel Messi ayaa ka yaabsaday jamaahiirta Camp Nou ka dib markii laad xor ah oo uu ka tuurayay meel 30 mitir u jirta goolka uu u dhaliyay si cajiib ah oo indhaha u roon, waxa uu kubada ka dulqaaday darbigii difaacanayay iyadoo kubada ay dhanka xagasho goolka u leexatay, waxaana ay ku dhacday birta hoose ka hor inta aysan shabaqa gelin.

Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 2-1 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Barcelona iyadoo jamaahiirta Camp Nou ay Messi kaga mahadcelinayeen goolkii laadka xorta ahaa ee uu hogaanka ugu dhiibay kaasoo ahaa mid cajiib ah.

Labo daqiiqo markii ay socotay Barcelona ayaa dhalisay goolkoodii seddexaad Iniesta ayaa kubad u dhigay Lionel Messi, kaasoo isna baas fiican u dhiibay daafaca Gerard Pique kaasoo shabaqa ku taabtay, waxaana ciyaarta ay noqotay 3-1 oo ay hogaanka ku heysay Barcelona. Messi ayaana caawiye ka ahaa seddex ka mid ah shantii gool ee ugu danbeysay ee uu Pique dhaliyo.

1452112981152_lc_galleryImage_Barcelona_s_defender_Gera

Messi ayaana ku dhawaaday inay dhameystirto seddexleydiisa daqiiqadii 61aad markii Iniesta uu kubada u soo dhigay Neymar, kaasoo isna kubada u qaaday Leo Messi balse xiddiga reer Argentina ayaa kubada hareer mariyay goolka.

Arda Turan ayaa isna daqiiqad ka dib fursad fiican helay ka dib markii uu Messi kubad u dhex bixiyay, laakiin darbadiisa waxaa badbaadiyay goolhaye Pau Lopez.

1452113339716_lc_galleryImage_Barcelona_s_Turkish_midfi

Ciyaarta oo 25 daqiiqo dhiman ayuu Aleix Vidal bedel ku soo galay isagoo bedelay Dani Alves, waxaana uu Barcelona u ciyaarayaa kulankiisii ugu horeysay ee tan iyo markii uu xagaagii u soo wareegay. Halka isla waqtigaas uu isna baxay Arda Turan waxaana bedelay Ivan Rakitic.

Espanyol ayaana 10 ciyaaryahan noqotay daqiiqadii 72aad markii Hernán Pérez uu qalad cad ku galay Jordi Alba taasoo keentay in jaalihiisii labaad loo taago islamarkaana garoonka laga saaro. Wax yar ka dibna goolhaye Pau Lopez ayaa fursad fiican ka badbaadiyay Suarez ka dib orod fiican uu sameeyay Neymar.

CYEPhk8WAAAyvmW

Espanyol ayaa sagaal ciyaaryahan noqotay seddexdaqiiqo ka dib markii Diop casaan toos ah loo taagay lamana yaqaano si dhab ah waxa uu sameeyay iyadoo ay u badan inuu wax xun ku yiri Suarez iyadoo garsooraha uu maqlayay, ciyaarta ayaana isku bedeshay mid garsooraha uu udub dhexaad ka noqdo iyadoo ciyaartoyda ay mar walba farqaha is heysteen.

Suarez ayaa daqiiqadii 80aad fursad dahabi aheyd ka qasaariyay kooxda Espanyol ka dib markii kooner la soo qaaday oo u baahneyd kaliya inuu madax ku taabto uu shabaqa geeskiisa kubada ku dhuftay. Barcelona ayaana sidii roobka oo kale ugu da’ aysay goolka Espanyol iyagoo dhowr jeer oo isku xigta sigay.

CYEPhnNWwAAC_sF

Barcelona ayaana ciyaarta hurdo u dirtay daqiiqadii 87aad markii Neymar uu kubad u dhiibtay Lionel Messi kaasoo isna kubada u soo qaaday dhanka xiddiga reer Brazil, Neymar ayaana kubada shabaqa ku dejiyay oo ciyaarta ka dhigay 4-1, waana labo gool iyo labo caawin oo uu sameeyay Lionel Messi caawa.

Lionel Messi ayaana caawiye u ahaa Neymar 15 jeer, waana in ka badan inta uu ciyaaryahan kale caawiye u noqday xiddiga reer Brazil tartamada oo dhan.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 4-1 oo ay Barcelona ku xaaqday Espanyol kuwaasoo 20kii daqiiqo ee ciyaarta ugu danbeysay ku ciyaarayay sagaal ciyaaryahan. Kulanka lugta labaad ee wareega 16ka ayaa ka dhici doona garoonka Espanyol isbuuca danbe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip