Everton Oo Gurigeeda Ku Garaacday Manchester City Lugta Hore Ee Semi-finalka Capital One Cup.

0
Thursday January 07, 2016 - 10:56:01 in Sports News by
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Everton Oo Gurigeeda Ku Garaacday Manchester City Lugta Hore Ee Semi-finalka Capital One Cup.

    Kooxda Everton ayaa guul weyn ku gaartay garoonkooda Goodison Park ka dib markii ay 2-1 ugu awood sheegteen kooxda Manchester City lugta hore ee semi-finalka Capital One Cup, iyadoo Lukaku uu goolka guusha u saxiixay ka hor inta uusan dhaawac ku bixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Everton ayaa guul weyn ku gaartay garoonkooda Goodison Park ka dib markii ay 2-1 ugu awood sheegteen kooxda Manchester City lugta hore ee semi-finalka Capital One Cup, iyadoo Lukaku uu goolka guusha u saxiixay ka hor inta uusan dhaawac ku bixin.

Bilowga ciyaarta oo dhan waxaa iska heysatay kooxda Manchester City iyadoo goolhaye Cabllero uu isna nasanayay 10kii daqiiqo ee ugu horeysay iyadoo xitaa aysan kubad soo gaarin, waxaana garoonka uu noqday mid aamusan oo jamaahiirta martida ee Man City ay kaliya ka dhex qeylinayeen.

Wixii ka danbeeyay daqiiqadii 20aad ayayna ciyaarta naf soo gashay markii Everton ay fursado yaryar heleen ka hor inta aysan Man City iyadana fursad fiican helin markii kubad uu soo dhigay Kevin de Bruyne uu madax la helay Otamendi laakiin waa uu hareer mariyay goolka.

1452110945806_lc_galleryImage_Football_Soccer_Everton_v

Everton ayaana labo jeer kubada shabaqa dhex dhigtay qeybtii hore laakiin labada jeerba waxa goolasha loo diiday inay offside ku jireen taasoo aheyd go’aan sax ah. Daqiiqadii 44aad ayaana Sergio Aguero waxa uu ku qasbay goolhayaha Everton Joel Robles inuu kubad ka badbaadiyo iyadoo Coleman uu isna ka beeniyay kubadii ku celiska aheyd ee uu sameeyay xiddiga reer Argentina.

 

Daqiiqadii 1aad ee dheeriga aheyd ee qeybta hore ayay Everton shabaqa soo taabatay darbadii ugu horeysay ee ay goolka eegtaan ayayna gool ku dhaliyeen inkastoo goolal offside sax ah looga soo diiday.

Ross Barkley ayaa xerada goolka afkeeda hore darbo ka tuuray waxaana ay kubada u tagtay Ramiro Funes Mori kaasoo meel dhow ka toogtay shabaqa islamarkaana hogaanka u dhiibay kooxda Everton, waxaana lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Everton.

1452113595023_lc_galleryImage_Jan_6th_2016_Liverpool_UK

Qeybtii labaad ee ciyaarta Manchester City ayaa si weyn isagu dayaysay inay ciyaarta ku soo laabtaan iyagoo raadinayay goolka barbaraha, Sergio Aguero ayaa fursad dahabi aheyd ka qasaariyay bartamihii qeybta labaad ee ciyaarta.

Laakiin Man City ayaa ugu danbeyn ku guuleysatay daqiiqadii 76aad inay shabaqa soo taabato, Everton oo weerar ku ah Man City ayaa waxaa kubada helay Fernandinho kaasoo baas dheer u soo qaaday Sergio Aguero, xiddiga reer Argentina ayaana kubada la yimid banaanka hore ee xerada goolka ka hor inta uusan u dhigin Navas oo baalka midig ka soo xaroonayay kaasoo shabaqa ku hubsaday goolka.

Waxay aheyd goolkii ugu horeysay ee uu Jesus Navas u dhaliyo kooxda Manchester City tan iyo September 2014 markaasoo uu ka dhaliyay Sheffield Wednesday.

1 Everton-v-Manchester-City

Laakiin goolka barbaraha ee Man City ayaa taagnaa kaliya labo daqiiqadood ka dib markii Everton ay hogaanka ku soo laabatay daqiiqadii 78aad ee ciyaarta ka dib kubad ay isku dhiidhiibeen ayaa keentay Gareth Barry inuu karoos soo dhigo waxaana madaxa ku dhaliyay Lukaku oo ciyaarta ka dhigay 2-1.

Lukaku ayaana 12 gool dhaliyay 12kii kulan ee ugu danbeysay ee uu u safto kooxda Everton tartamada oo dhan.

1452116765761_lc_galleryImage_Jan_6th_2016_Liverpool_UK

44

Everton ayaana ciyaarta ku dhameysatay daqiiqadihii ugu danbeeyay 10 ciyaaryahan ka dib markii dhaawac uu la baxay Coleman xilli tababare Roberto Martinez uu bedelkii seddexda ahaa ka dhamaaday.

Waxaana ay ciyaarta ku soo idlaatay 2-1 oo ay ku badisay kooxda Everton kuwaasoo weli nooleynaya rajadooda inay markii ugu horeysay abid ku guuleystaan koobka League Cup, lugta labaad ee semi-finalka ayaa waxa ay ka dhici doontaa Etihad Stadium seddex isbuuc ka dib.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip