
HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 22-KA SEPTEBAR 2018-KA
Xildhibaanada golaha Shacabka oo dhawaan Muqdisho ku yeeshay kulan socday mudo Saddex Cisho ah ayaa waxa ay aad uga doodeen xaalada amni ee dalka gaar ahaan Magalada Muqdisho.
Diyaar garoow ku aadan furitaanka kulanka Golaha Shacabka ayaa haatan laga dareemayaa Xarunta Golaha,iyada oo amniga siweyn loo adkeeyey.Maxay tahay sababta dowladdu u fulin la’dahay xukunada dilalka ah
Tan iyo Markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 8dii bishii February ee 2017kii , Waxaa Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ay riday xukuno kala duwan oo qaarkood lagu riday xubno ka tirsan Shabaab,Askar dishay Askar kale iyo kuwo dad Shacab ah dilay, laakiin ma jirin xukun la fuliyay oo ku aadan Shaqsiyaadkii dilalka lagu xukumay.
Fulinta dilalka ay xukunto Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa soo mara heerar kala duwan ,iyadoona marka ugu dambeysa laga doonaayo in uu saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xildhibaano ku dhow 50 ayaa dhawaan ku eedeeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu diiday in uu saxiixo fulinta xukun lagu riday Askari horay u dilay Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya.
DOWLADDA SOOMAALIYA OO TACSI U DIRTAY XUKUUMADDA IYO SHACABKA TANZANIA
Dowladda Federaalka Soomaaliya war qoraal ah oo ka soo baxay ayaa Tacsi iyo garabgal loogu diray Xukuumadda iyo Shacabka saaxiibka ah ee Tanzania.
Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa u qoranaa sidan:
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa Xukuumadda iyo Shacabka saaxiibka ah ee Tanzania kadib markii doonida magaceedu yahay MV Nyerere ku degtay harada Victoria shalay oo khamiis ahayd, kuna beegnayd (20 September), iyadoo siday boqolaal rakaab ah, waxaana ku geeriyooday dad ka badan 100 ruux, halka kuwa kale la la’yahay.
” Fekerkayaga iyo garabgalkeena waa mid la socda qoysaska iyo shakhsiyaadka dhacdadan naxdinta leh ay ku yeelatay saameyn.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si hubaal leh u garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Tanzania waqtigan adag ee xaaladda la soo gudboonaatay.
FARMAAJO OO SHIR DEG DEG AH ISUGU YEERAY MADAXDA GALMUDUG
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug si loo soo afjaro xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee kasoo cusboonaaday deegaannadaas.
Madaxweynuhu waxa uu si dhaw ula socdaa khilaafaadka siyaasadeed ee haatan ka dhex jira madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxa uuna ka walaacsanyahay isku dhacyada qaar kamid ah beelaha deggan Gobolka Galguduud oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.
Shirkan uu isugu yeeray Madaxweynaha ayaa ka furmi doona Madaxtooyada Qaranka laga bilaabo 24ka Sebteembar, 2018, waxaana looga wada xaajoonayaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug.
"Waxaan ku rajo weynahay in dhammaan dhinacayda ay taabanayso arrintan ay muujiyaan tanaasul, biseyl siyaasadeed iyo in danta guud laga hormariyo midda gaarka ah si hore loogu sii wado dadaalladii ay horumuudka ka ahayd Dowladda Federaalka ee lagu dhammeystirayay heshiisyadii ay hore u kala saxiixdeen madaxda Galmuudg.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku khilaafsan Galmudug in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta geeddi socodka wada hadallada iyo nabadeynta.
Khilaafaadka ka jira Galmudug waxay soo mareen marxalado kala duwan, mar walbana Dowladdu waxa ay u taagantahay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti duwaanshaha siyaasadeed ee ka jira deegaankaas.
Shacabku waxay ka sugayaan maamulka Galmudug in la daadajiyo adeegyada aasaasiga ah taasoo u baahan xasillooni siyaasadeed, deganaansho amni iyo wada shaqeyn buuxda oo ay yeeshan madaxda.
GUDDIGA DIFAACA BAARLAMAANKA OO LA KULMAYA LAAMAHA AMMAANKA DALKA.
Gudiga Amniga iyo Difaaca Baarlamaanka Soomaliya ayaa la filayaa in kulamo ay la qaataan laamaha Amniga dalka si looga wada hadlo dulduleelka ka jira dhinaca Amniga iyo sida wax looga qaban karo.
Xildhibaan Sidiiq Warfaa oo ka mid ah Guddiga Difaaca ee baarlamanka Soomaaliya ayaa shegay in labada gudi ay talo soo jeedin ku saabsan dhinaca Amniga la yeelan doonaan qeybaha kala duwan ee laamaha Amniga islamarkaana la isla meel dhigi doono qorshaha wax ka qabashada Ammaanka dalka waxa ay ku so kordhin karto talo soo jeedintooda la xariirta sida wax looga qaban karo habacsanaanta xiligaan ka jirta dhinaca Nabad gelyada Caasimada Muqdisho.
Dhinaca kale Xildhibaan Sidiiq Warfaa ayaa waxa uu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha Amniga si looga hortago falalka liddiga ku ah Amniga dalka.
Maalmihii ugu dambeeyay ayaa xildhibaanada golaha shacabka waxa ay dood adag ka yeesheen xaaladda guud ee Amniga dalka gaar ahaan Magalada Muqdisho.
HAY’ADDA CULIMADA SOOMAALIYEED OO WALAAC KA MUUJISAY DILALKA DADKA EHEL WADAAGA AH ISU GEYSTAAN.
Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa walaac xoogan ka muujiyay dadka Ehel wadaaga ah ee dilalka bareerka ah isugu geysanaya Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa shaaca ka qaaday in falalkaan ay salka ku hayaan dunuubta ay caadeysteen muddooyinkii dambe bulshada Soomaaliyeed taas oo loo baahan yahay in bulshadu iska jirto Allana loo wada laabto.
Daraad ayaa waxaa Magaalada Muqdisho dil loogu geystay mid ka mid ah Ehellada lamaane Isku guursaday Magaalada Muqdisho kaas oo ay u geysteen Ehellada Gabadha la guursaday.
MD.C/LLAAHI SH. XASAN "DOWLADDA FEDERA ALKA WAX KA QUSEYO MA JIRAAN DOORA SHADA KOOFUR GALBEED”
Wasiirka Dastuurka Maamulka Koofur Galbeed C/llaahi Sheekh Xasan ayaa si kulul uga jawaabay war saxaafadeed maalmo ka hor ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka, kaasoo looga hadlayay xaalada maamul goboleedyada iyo doorashooyinka ku soo fool leh, iyadoo looga digay muddo kororsi.
C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha aanay jirin wax ka quseeyo doorashada ka dhaceysa Koofur Galbeed, isla markaana aanay ajandaha ugu jirin inay ka soo qeyb galaan doorashada.
"Wasiirka arrimaha gudaha waxaa u sheegayaa dowladda federaalka, sida aan isku dooraneyno wax shaqo kuma lahan, dastuur ayaa leenahay qaab aan isku dooraneyno meel ay ka soo galeyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha kuma jirto, Dastuurkeena kuma qorna”ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Wasiirka isku qaldayo arrimaha dowladaha Hoose, Gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada, isagoo caddeeyay in doorashada ka dhaceysa Koofur Galbeed ay tahay mid maamulkooda u madax banaan yahay, Wasiir Federaal ka socdana aanay meelna uga banaaneyn.
Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa lagu wadaa inay dhacdo bisha November ee soo socota, iyadoo labo bil ku dhowaad ay ka harsan tahay, waxaana isa soo tarayay shaki laga qabo muddo kororsi uu sameeyo Madaxweynaha xilka haya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
TALISKA BOOLISKA OO FAAH FAAHIN KA BIXIYAY EEDEYSANAYAAL LOO SOO QABTAY DILAL KA DHACAY MUQDISHO
Taliyaha Hogaanka canshuuraha ee ciidanka booliska Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanayaal kala duwan loo soo qabtay falal dil ah oo 24kii saac ee aynu ka soo gudubnay ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa ugu horeyn sheegay in gacanta lagu soo dhigay 8 eedeysane oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen fal dil ah oo ka dhacay agagaarka Digfeer ee Muqdisho, kuwaasi oo ku jira gacanta ciidanka booliska isla markaana ay ku socoto baaris.
Sidoo kale waxaa jirtay marxuum lagu dilay agagaarka Seeybiyaano oo ay dileen ciidan la socday nin sargaal sare ah oo lagu dhuftay xabad dhashiike ah, waana loo soo xiray saddex qof oo uu ku jir kii xabadda dhashiikaha riday.
Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay eedeysanihii geystay dilka marxuum shalay Muqdisho lagu dilay, isla markaana la gubay, kuwaasi oo iminka ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.
Taliyaha Hogaanka canshuuraha ee ciidanka booliska Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa xusay in kiiska gabartii lagu dilay Jaamacadda Soomaaliya faraceeda Baar Ubax loo soo xiray waardiyeyaashii Jaamacadda
"Kiiska afaraad waxa uu ahaa gabartii lagu dilay Jaamacdda, runtii ciidanka Booliska markuu tegay waxaa loo soo xiray arrintas, sida aad la socotaan Jaamacaddu waa ay weyntahay, hal erid ayay leedahay, halka irid waxaa jooga ciidan waardiyeeya, ciidankaas waardiyaynaya waxa loo dhigay Albaabka waxay ahayde in Jaamacadda iyo waxa ku jira ay amnigooda sugaan, maadaama Jaamacadda la soo galay labo nin oo bistooladu ku hubeysan wajigooduna uu duubanyahay dileena marxuumadda, waxaan gacanta ku soo dhignay ciidankii waardiyaynaayay ee amniga loo igmaday Jaamacadda, Macalinkii u yeeray maadaama ay shalay Jimco ahayd ardayadda iyo eedeysanayaal kale, baaris ayaa ku socoto, waxaana rajeynayaa in qofkii ugu dambeeyay ee falkaasi geystayna in gacanta lagu soo dhigi doono” ayuu yiri Jeneraal Bariise
HAWEENEY MARAYKAN AH OO TOOGASHO KU DISHAY SHAN RUUX
Haweeney u dhalatay dalka Maraykanka ayaa toogasho ku dishay shan ruux kadib markii ay rasaas ku furtay xarun ay ka howlgalaysay.
Weerarkan ayaa ka dhacay goob ay ku yaalaan bakhaaro, waxaana geysatay haweenay la sheegay inay toogatay afar qof kadibna is dishay.
Illaa iyo hadda lama oga sababta weerarkan ka danbeysa, balse inta badan ayey dalkaasi Maraykanka ka dhacaan weeraro ay geystaan dad hubeysan kuwaasi oo marar badan ka dhaca goobaha shaqada, iskuulada iyo goobaha kale oo ay dadka isugu yimaadaan.
Goobta uu weerarkan ka dhacay ayaa ah nawaaxiga xarunta Rite Aid distribution centre oo ku taal magaalada Aberdeen oo 56km waqooyiga uga beegan magaalada Baltimore.
Weerarada dalka Maraykanka ka dhaca ayaa waxaa badanaa geysta rag, waxaana la sheegay in haweeneyda dilka geysatay ay si sharci ah u lahayd hubka ay u adeegsatay toogashada.
Saddex qof ayaa ku dhaawacmay weerar Arbacadii ka dhacay gobalka Pennsylvania, halkaasi oo nin hubeysan rasaas ooda uga qaaday dad badan oo ku sugnaa goob Maxkamada ah, booliiska ayaa toogasho ku dilay ninka weerarkaasi geystay oo lagu magacaabay Patrick Dowdell.
Isla maalinimadii Arbacadii ayaa weerar kale oo ka dhacay xarun ganacsi oo ku taal magaalada Madison ee gobalka Wisconsin, booliiska ayaa sidoo kale ninka weerarkaasi geystay toogasho ku dilay. Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhaawacmay weerarka ka dhacay gobalka Wisconsin.
AAS LOO SAMEEYEY SULDAAN XASAN CALI OO UU DILAY ASKARI KA TIRSANAA CIIDAMADA PUNTLAND
Shalay ayay aheyd markii askari ka tirsan Ciidamada Puntland uu togasho ku diley Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ka mid ahaa Salaadiinta ugu waaweyn deegaanada Puntland.
Dilka ayaa ka dhacay bar kantarool oo ku taalla magaalooyinka Hadaaftimo iyo Badhan dhexdooda.
Askariga dilka gaystay ayaa la sheegay in uu isku dhiibay isla ciidamada Puntland.
Gelinkii dambe ee Shalay ayaa waxaa Magaaladda Badhan loogu sameeyey Aas Suldaan Sheekh Xasan Cali Jibriil oo u geeryooday rasaastii uu ku furay askariag ka tirsan Ciidamada Puntland.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas iyo Isimada dhaqanka ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay ka tacsiyadeeyeen dilkaas.
JUBBALAND OO SHEEGTAY INAY DILEEN XUBNO KA TIRSAN ALSHABAAB..
Ciidamada Darawiishta Jubbaland iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Janaay Cabdalle oo qiyaastii 60km u jirta Magalada Kismaayo.
Howlgalkaan oo dhacay aroornimadii hore ee shalayy ayaa waxaa lagu qaaday fariisin AlShabaab ku leeyihiin aaga deegaanka Janaay Cadalla iyo deegaano kale.
Taliyaha Ciidamada qeybta 43,aad ee Danab Jubaland Xasan Aadan Maxamed Ciraaqi ayaa sheegay Ilaa 17 kamid ah AlShabaab oo saraakiil ay ku jiraan in lagu dilay howlgalkaas,isla markaana laga soo furtay hub kala duwan oo ay heysteen.
Waxa uu sheegay in sidoo kale howlgalka laga fuliyey deegaano u dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hosoe oo ay maamulaan AlShabaab,isaga oo soo bandhigay 6 qori AK47 iyo laba BKM ama Dabajeexa iyo hal isgaarsiinta Ciidanka ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidamada qeybta 43,aad ee Danab Jubaland Xasan Aadan Maxamed Ciraaqi.
GUDDIGA AQALKA SARE EE LOO DIRAY JUBBALAND OO SHEEGAY IN DOWLADDA FARAGELIN KU HEYSO MAAMULKAAS
eli waxaa Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ku sugan wafdigii Aqalka sare ee xal raadinta kuwaas oo soo geba gabeeyey kulamadii ay la lahaayeen Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Jubbaland.
Guddiga ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in wahadaladaas loogu soo bandhigay in dowladda federaalka Soomaaliya faragelin ku heyso Jubbaland,isla markaana dhibaato xoogan ay kala kulmayaan dowladda.
Senator Axmed Xaashi oo ka mid ah Guddiga Aqalka sare ee loo diray Kismaayo si xal looga gaaro khilaafka dowladda iyo Jubbaland ayaa sheegay in dhammaan mas’uuliyiintii iyo bulshadii ay la kulmeen ay sheegeen inay faragelin ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in dowladda ay ku eedeynayeen inaysan aqoon iskusoo dhawaasho balse ay taqaano sii riixis oo ay kala fogeyneyso Shacabka iyo Maamulka Jubbaland.
Waxa uu ugu baaqay dadka ku nool deegaanada Jubbaland inay ka fogaadaan in dhexdooda dhibaatooyin la kala dhex dhigo,isla markaana ay u sabraan cadaadiska uga imaanaya dowladda Federaalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Deegaanada Dowlad goboleedyada ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Xubno kale oo Aqalka sare ka socda kuwaas oo wada xal raadinta khilaafka dowladda iyo Dowlad Goboleedyada,balse guddiga Jubbaland loo diray ay qireen in dowladda faragelin ku heyso Maamulkaas.
GABAR LAGU DHEX TOOGTAY JAAMACAD KU TAALLA MUQDISHO
Koox hubeysan ayaa Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) qeybta Baar Ubax waxa ay duhurnimadii shalay ku dhex dileen gabar dhalinyaro aheyd oo ka tirsaneyd ardayda Jaamacaddaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen maamulka Jaamacadda.
Dabley hubeysan oo u muuqday inay heysteen xog dhameystiran ayaa gudaha Jaamacadda gashay waxayna si toos ah u tageen fasalka ay dhiganeysay gabadha, halkaasi ayayna ku toogteen, kadibna halkaasi ayay ka baxsadeen, fasalka waxaa gabar ka ahaa marxuumada la toogtay iyo gabar kale, halka inta kale ay ahaayeen wiilal.
Masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda Soomaaliya ayaa waxa ay inoo sheegeen gabadhan in Jaamacadda ay ka baraneysay kuliyadda Shareecada, islamarkaana ilaa hadda aanay garaneyn sababta loo beegsaday.
Qaar ka tirsan ardayda ayaa waxa ay sheegeen gabadha la beegsaday oo lagu magacaabi jiray Aamina Xuseen Xasan inay sanadkeedii ugu dambeeyay ee Jaamacadda ku jirtay.
Si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa rag hubeysan inay gudaha u galaan Jaamacadda oo aan la ogoleyn inuu galo qof aanan wadan aqoonsiga Jaamacadda, kadibna ay geystaan toogasho, sidoo kalena baxsadaan.
Ciidanka ammaanka ayaa tagay Jaamacadda, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen, lama soo sheegin falkan dilka ah ciidamada dad ay u soo qabteen.
Ardayda Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyay dilka loo geystay ardayadan, waxayna dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbadeen in si deg deg ah cadaaladda loo horkeeno ragga dilka geystay.18kii bishan ayay aheyd markii askari ilaalo u ahaa Gen. Sheegow uu Muqdisho ku toogtay 9 jir gabar aheyd oo dhiganeysay fasalka Koowaad ee iskuulka Hoyga Xamar, iyada oo saaran gaariga iskuulka, sababo la xirira wadada oo ciriiri aheyd.
MADAXWEYNAHA DALKA VIETNAM OO GEERIYOODAY
Madaxweynaha dalka Vietnam,Tran Dai Quang ayaa geeryooday isagoo oo ay da’diisu aheyd 91 sano,sida ay baahisay wakaaladda wararka ee ee dalka Vietnam.
Quang , ayaa u geeryooday xanuun uu muddo la jiifay, saraakiisha ayaa sheegay isbitaal milatari oo ku yaalla magaalada Hanoi oo u ku geeryooday in muddooyinkii u dambeeyay xalaadiisa lugula tacaalayay.
Arbacadii hore ayay aheyd markii u dambeysay oo goob fagaaro ah lugu arko xilligaas oo ay saraakiisha xisbiga shuuciga ah ee talada haya ay soo dhaweynayeen wafdi ka socda dowladda Shiinaha.
Tran Dai Quang , ayaa noqday madaxweynaha dalka Vietnam ee Koonfur Aasiya 2 bishii April ee sannadkii 2016 , sidoo kale wuxuu mar dalka kasoo noqday Wasiirka Amniga Gudaha.
ASKARI DILAY BAJAAJLE OO MAXKAMADDA CIIDAMADA KASOO MUUQDAY
Akariga Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ka soo muuqday ayaa ka tirsanaa Ciidamada Booliska Magalada Baladweyne waxaana uu 27kii bishii 8aad ee sanadkan uu dilay Alle ha u naxariistee Marxuum Yaasiin Cali saneey oo ahaa wada Mooto Bajaaj.
Dhimashada Yaasiin Cali Saneey
ayaa sababtay iskudhacyo u abaabulnaa qaab qabiil taas oo sii murjisay xaalada
waxayna dhalisay dhimashada 4 kale iyo 2 dhaawac ah,waxana taasi sababtay in
loo yeero Khuburo ka socda Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.
Mahad Xuseen Shiidow oo ah askariga eedeysanaha ayaa lahor keenan Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya,iyada oo mas’uuliyiinta Maxkamada Ciidamada ay sheegeen in sibareer ah uu u dilay wadaha Mooto Bajaajta.
Guddoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Edeysanaha weydiiyey in dil bareer ah u geystay Yaasiin Cali Saneey sidoo kalena uu dhaawac u egeystay Cabdi Dukow Axmed 27kii bishii 8aad ee sanadkan.
Gaashaanle Abuukar Yuusuf cabdi oo ka tirsan Saraakiisha Dowaldda u soo wakiilada wixii dhacay ayaa isna sharaxay qaabkii uu u dhacay dilka Marxuum Yaasiin Cali Saneey oo ahaa darawal Mooto Bajaaj.
"Markii Mootada la joojiyey marxuumka waxa uu ka codsaday askarigii joojiyey in uu rakaab uu sido uu geeyo kadibna uu u soo laaban doono,intii ay wada hadlayeen marxuumka iyo askarigii joojiyey Mahad wuu ka daba yimid wuxuuna soo istaagay dhankii uu taagnaa askariga maahane dhankii kale wuxuuna ku yiri maxaad ii soo dhaafeysaa qorigiisa ayuu ku fiiqay laba xabadood ayuuna ku riday sida aan Xafiiska xer ilaalinta aan u soo gudbinay fooqa laba xabadood oo uu ku riday marxuumka.
Sidoo kale Maxkamada Ciidamada ayaa waxaa la horgeeyey 6 eedeysano oo midi maqan yahay kuwaas oo wax laag weeydiiyey weerar ay u abaabuleen qaab qabiil kaas oo sababay dhimashada 2 ruux iyo dhaawaca 1 kale.
Ugu dambeyn Saraakiisah Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee soomaaliya ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in Go’aanka Maxkamada dib laga soo saari doono.
XUKUUMADDA SOOMAALIYA OO LA WAREEGEYSA DHAMMAAN ISBITAALLADII GUUD EE DALKA
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Marwo, Fowziya Abiikar Nuur , ayaa sheegtay inay Wasaaraddu ka go’an tahay inay Gacanta ku qabato dhammaan Isbitaalladii uu Dalku lahaa.
Wasiiradda, oo ku guda jirtay kormeer ay ku tagtay Isbitaalka Keysaneey ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaybta lagu daweeya Haweenka isku furanka ku dhaco ee (Fistula Department) ayaa ammaan ballaaran usoo jeedisay howlwadeennada Isbibaalka, waxanay sheegtay inay dedaal ka geysan doonaan sidii loo tayayn lahaa xarunta.
"Wasaaradda caafimaadka waxaa ka go’an in Isbitaalladii guud ay si buuxda ugu maamusho Ganateeda ugu qabato, kaalmo weynna ay u fidiso, marka waa wax noo wada yaalla, aad baanan ugu faraxsanahay inaan idinla kulmo”, ayay tiri Marwo Fowziyo.
Marwo, Fowziyo ayaa u mahad celisay shaqaalaha Isbitaalka iyo hay’adda Bisha Cas oo door Lixaad leh kasoo qaadatay Dawada, shalabaynta iyo Gacan ku haynta howlaha kala duwan ee Isbitaalka.
Wasiirradda ayaa sidoo kale ka hadashay dhibaatooyinka isku furanka uu ku hayo Gabdhaha Soomaaliyeed, waxanay intaa raacisay inay qorsheynayso sidii dhaqaale lagula tacaalo loogu raadin lahaa.
Waxay sheegtay wasiirraddu inay qorsheynayaan sidii siku furanka loogu heli lahaa ka hortag iyo wacyi gelin ballaaran si loo yareeyo Khatarta naf ahaaneed eeka iman karta xanuunkan, iyadoo intaa raacisay inay inay dhibaatadani inta badan soo wajahdo Gabdhaha da’ada yar.
Wasiir Fowziyo ayaa sheegtay in Gabdhaha bukaanka ah ee la Il daran xanuunkan isku furanka ee ku jira Isbitaalka Keysaneey in ay yihiin kuwo aad u da’ yar, isla markaana ka faquuqmay bulshadii ay la noolaayeen, waxanay ku celcelisay inay xil iska saari doonto sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada haysata.
XUKUUMMADDA SOOMAALIYA OO ANSIXI SAY KA MID NOQOSHADA AXDIGA QM EE XUQUUQDA NAAFADA
Golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa kulan ay shalay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku oggolaadeen in dawladda Soomaaliya ay quay ka noqoto Axdiga qaramada midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah kaas oo golaha ay usoo gudbisay wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Aadan Isxaaq, ayaa sidoo kale sheegay in shirka oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre lagu ansixiyay istaraatiijiyadda wacyi gelinta qaranka iyo tubta amniga iyo caddaaladda loogana dooday qorsha cusub ee amniga, sharciga tayadhawrka, habraaca heshiisyada iyo hantida ma guurtada ah ee dawladda.
Xukuummadda federaalka Soomaaliya oo ku dadaalaysa in qof kasta oo Soomaali ah uu helo xuquuqda uu xaqa u leeyahay ayaa qorshaynaysa in ay qayb ka noqoto dadaallada loogu jiro in dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay helaan xuquuqdooda.
Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah, ayaa lagu ansixiyay xarunta qaramada midoobay ee New York December 13, 2006, waxaana dalalkii ugu horeeyay ay saxiixeen March 30, 2007.
MADAXWEYNAHA DALKA KENYA OO SAXIIXAY SHARCIGA MAALIYADDA EE DOODDA DHALIYAY
Madaxweynaha dalka Kenya,Uhuru Kenyatta ayaa shalay qalinka ku duugay sharciga cusub ee maaliyadda, kaaso oo dooddisa ay tagneyd toddobadyadii u dambeeyay.
Sharcigan wuxuu horseedaya in canshuurta la kordhiyo,dowladda Kenya waxay ku sheegtay sharcigan waxa ugu weyn ee laga dhaxlayo inay tahay boqollaal milyan oo lacagta Marekanka ah oo dowladda u soo xaroon doonta, waxaa dhaqaalaha uu xal u noqon karaa miisaaniyad yarida haysata xukuumadda Kenya.
Baarlamaanka Kenya oo khamiistii sharcigan dood kulul ka yeeshay ayaa markii dambe meelmariyay, dowladda ayaana dadaal badan ku bixisay sidii sharciga uu u heli lahaa ogaalanshaha Baarlamaanka.
Madaxweyne Kenyatta, marka uu sharcigan saxiixay wuxuu sheegay in si wanaagsan loo isticmaali doono canshuurta ay dadku bixiyaan, isagoo boggiisa twitterka ku soo qorey in lugu gaarayo canshuurta isbadal ku yimaada Kenya, waxaa kalo u bulshada Kenyanka u xaqiijiyay dowladda inay kor u qaadeyso dagaalka ay kula jirto musuqmaasuqa, si buu yiri canshuurta aan looga leexin halkii loogu talagalay.
Laakin waxaa diidmo kala horyimid sharciga uu shalay saxiixay madaxweynaha Kenya, shacabka Kenyanka oo u arka in canshuuraha dheeradka ah kor u qaadi karaan musuqmaasuqa baahsan ee Kenya.
Ugu dambeyntii, sharcigan cusub waxyaabaha uu saameynayo oo canshuurta lugu kordhiyay waxaa ka mid ah khamaarka iyo canshuurta shidaalka oo lagu kordhiyay 8%, taas oo dood kulul dhalisay.
GUDDIGA AQALKA SARE OO SOO GABA GABE EYAY KULAMADII AY LA YEESHEEN MADAXDA KGS
Magaalada Baydhabo waxaa lagu soo gaba gabeeyay kulamadii ay wadeen xubnaha aqalka sare ka socday ee ka shaqeynaayay xalinta khilaafka u dhaxeeyay madaxda dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Xubnaha ayaa la kulmay madaxda sare ee maamulka Koofur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Senator Axmed Macalin Cumar Nadiir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulamada la soo gabagabeeyay sidoo kalena ay dhageysteen dhamaan cabashooyinka madaxda iyo shacabka Koofur glabeed.
Waxa uu sidoo kale sheegay in guddoonka aqalka sare ay la wadagaayaan cabashooyinka iyo natiijoyinkii ay kala kulmeen magaalada Baydhabo, waxa uu ku baaqay in la garab istaago shacabka Baydhabo gaar ahaan haweenka oo sida uu sheegay dhibaatooyin gaar ah heysta.
Guddiga aqalka sare ee loo xil saaray xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo maamul goboleedyada ayaa hada kulamo wadatashi ah ka wada magaalooyinka maamul goboleedyada qaarkood waa ay soo gabagabeeyeen oo waxaa la filaya in Muqdisho ay ku soo laabtaan ka dibna ay shaaciyeen natiiyinkii ka soo baxay kulamadooda.
MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY QOYSKA GABADHII ARDAYADA AHEYD EE MUQDISHO LAGU DILAY
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la kulmay qoyska gabadhii ardayda aheyd ee 2 maalin ka hor lagu dilay is rasaaseyn dhex martay Ciidamo ka tirsan dowladda.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweynaha uga tacsiyadeeyay qoyska ay ka baxday Gabadha 9jirka aheyd, isagoo u balan qaaday in cadaaladda la horkeeni doono cid alla cidii ka dambeysay.
Hey’adaha ammaanka dowladda ayaa gacanta ku dhigay illaa afar askari oo lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin dilka gabadhaas.
Afarta askariga ayaa waxaa lagu
xiray Laanta dambi baarista dowladda ee CID, iyadoo ay ku socdaan baaritaano.
Wararka ayaa sheegaya in askarta loo xiray is rasaaseynta ay ku geeriyootay Deeqa ayaa waxay ilaalo u yihiin Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.
Deeqo Daahir ayaa xilliga rasaasta ay haleeshay u socotay gurigeeda, iyadoo saarneyd Gaariga Baska Iskuulka oo marayay agagaarka Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan.
Ciidamada dowladda ayaa rasaas ku fura goobaha ay shacabka ka ag dhow yihiin, waxaana dhacdooyinkan ay noqdeen kuwo soo noqnoqday, sidoo kale waxaa ay Ciidamada si ula kac u toogtaan darawalada bajaajta wada.
BOQOLAAL RUUX OO DOON KULA DEGTAY XEEBAHA DALKA TANZANIA
Boqollaal qof ayaa weli la la’yahay kaddib marki doon ay saarnaayeen ay ku dagtay harada Victoria ee waqooyiga Tanzania.
Mas’uuliyiinta deegaanka ay masiibadu ka dhacday ayaa waxay BBCda u sheegeen in ilaa iyo hadda 5 qof meydkood la helay 102 qof oo kalana la badbaadiyey, doonta degtay oo ay saarnaayeen dad ka badan 400 oo qof.
Doontan degtay oo lagu magacaabo MV Nyerere waxay ku degtay inta u dhaxeysa jasiiradaha Ukora iyo Bugolara.
Dadka deegaanka ayaa waxay ku guda jiraan sida dadka maqan ay u soo badbaadin lahaayeen.
Dowladda Tanzaniyana waxay xaqiijisay iney doontaasi degtay boqollaal qof oo doonta saarneydna weli la la’yahay.
Taliyaha gobolka dhibatada ay ka dhacday Adam Malima aya wuxuu BBCda u sheegay iney ilaahey u baryayaan dadka lala’ yahay iney ineey soo uruuriyo.
"Balse sida ay dhibaatada u dhacdayna iney geerida u badaninna uu rajeeynayo.”
Masiibooyinka noocani ayaa ah kuwa inta bdan ka dhaca harooyinka waaweyn ee qaaradda Afrika.
Sanadki 1996kii doon noocan oo degtay ayaa waxaa ku dhinaty 800 oo qof taasoo ahayd masiibada ugu weyneyd ee dhacda.
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA BAAQDAY SHIRKA FADHIGA GUUD EE QM
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u kicitimay Magaalada New York, isaga oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya Fadhiga guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa.
Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah xubno sar sare oo ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Madaxtooyadda Soomaaliya.
Mudane Cawad waxa uu ka jeedin doonaa shirweynahaasi khudbadda Madaxweynaha isaga oo ka wakiil ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed "Farmaajo”.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey oo dhawaan ka dhaci doona Magaalada New York Sababo la xariira Khilaafka ka dhex taagan dowladda iyo maamul goboleedyadda.
SHAQAALAHA DAWLAD DEEGAANKA SOOMAALIDA OO MUSHAAR LA'AAN AH KA CABANAYA
Inta badan shaqaalaha Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaan wax mushahaar ah qaadanin labadii bilood ee la soo dhaafay, sida ay BBCda u xaqjiyeen masuul sare oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda iyo shaqaale aan mushaar qaadaninba.
Shaqaalaha magaalada Jigjiga ayaa iyagu qaatay mushaar hal bil ah, wararkuna waxay sheegayaan in bil kale ay wali ka maqan tahay.
Daganaansho la'aantii siyaasadeed iyo isbadalkii baaxadda lahaa ee ka dhacay Jigjiga ayaa horseeday in ay hawlgab inta badan wasaaradihii iyo adeegyadii ay bixin jireen.
Mushahaar la'aanta ayaa saamayn baaxad leh ku yeelatay shaqaale hoosaadka.
Mustafe Cumar oo dardaaran adag u jeediyay Liyu booliska
Wasaaradda waxbarashada ayaa labada bilood ee ugu dambeeya sannadka dalka Itoobiya macallimiinta siisa waxbarasho bilaash oo ay bixiyaan koleejyada iyo jaamacadaha Itoobiya si sare loogu qaado aqoontooda.
Sidaas daraadeed macallimiinta gobollada ayay mushaar la'aantu saamaynta ugu badan ku yeelatay, sababtuna waxay tahay in dhammaantood waxbarasho loo geeyay meel ka baxsan goobihii ay ka shaqaynayeen.
"Soomaalidu waa dad iska firfircoon oo badankood way soo laabteen nin ehelkiisu ay gacan qabteen iyo mid si kale ku yimaadaba, haddase waxaa adag sidii loo hawlgalin lahaa maadaama ay qatan yihiin, ayuu yiri macalin Caamir.
Waxaa jira warar aad loo hadal hayo oo sheegaya in mushahaar la siiyay macallimiintii aan Soomaalida ahayn ee deegaanka ka shaqaynayay, balse BBCdu si madax bannaan uma xaqiijin karto.
Waxaa hadda la joogaa xilligii iskuulladu ay dib u furmayeen waxaana laga cabsi qabaa in mushaar la'aantu ay saamayso waxbrashada sannad dugsiyeedka dalka Itoobiya ee 2011 oo hadda uun billawday, ayadoo haddii aan mushaar loo helin macallimiinta laga cabsi qabo inay iskuullada tegi waayaan.
"Waxaan ogahay macallin guryaha dhisa si uu nolol maalmeed uga raadsado" ayuu Caamir intaas ku sii daray.
"In shaa Allaah waxaan rajaynaynaa in xukuummadu ay soo dadajiso xalka" ayuu yiri caamir oo ka garawsan baaxadda uu lahaa isbadalka deegaanka ka dhacay iyo culayska xukuumadda cusub haysta.
BOGGA CAYAARAHA
TABABARE KLOPP OO KA HADLAY HADII ROBERTO FIRNIMO UU TAAM NOQON KARO KULANKA SABTIDA
Tababaraha Liverpool ayaa aaminsan in Roberto Firmino iyo Daniel Sturridge ay leeyihiin awood ay isaga garab dheelaan fasal ciyaareedkan.
Klopp ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ciyaaryahanka reer Brazil uu diyaar uyahay inuu dheelo kulanka ay wajahayaan Southampton, Sabtida Berri ah.
"Haa, waa diyaar isaga,” ayuu Jurgen Klopp xili la su’aaley hadii Firnimo oo dhaawacmey kulankii Tottenham dheeli ciyaartaan.
"Illaa iyo haatan, ma jirto sababta aan ugu fekeri karno wx ku saabsan Bobby, waxaana ka fekeraynaa sida uu isaga shaxd uga soo muuqan lahaa.
Dhanka kale, Klopp oo wax laga waydiiyay hadii ay qorshaha ugu jirto inay ugu soo wada bilowdaan Firnimo iyo Daniel Sturridge, ayaa nan meesha ka saarin.
"Haa, dabcan. Waxay leeyihiin awood ay ugu wada dheelaan si wadajir ah. Waxaana ku kalsoonahay inay taam unoqon karaan,” ayuu xusey.
"Labadooda waxay laf-dhabar uyihiin kooxda. Waxaana rajaynayaa inay naga caawin karaan xili ciyaareedkan sidii aan uguuleysan lahayn,” ayuu kusoo xirey.
REAL MADRID V ESPANYOL – KOOXDA REER CATALAN OO U SOCOTA INAY SOO AFJARTO HABAAR KA HAYSTA MINANKA LOS BLANCOS
Real Madrid ayaa garoonkeeda caasimada ku yaala ku qaabileysa Espanyol kulan ka tirsan La Liga xili kooxda reer Catalan aysan kusoo badin minanka Los Blancos tan iyo 1996.
Espanyol markii ugu dambeysay oo ay ka badiso Madrid waxay ahayd xagaagii hore, inkasta oo kulankaasi uu ka dhacey garoonkooda, waxaana goolka guusha dhaliyey Gerard Moreno.
Los Blancos ayaa ka dhalisey Espanyol 27 kulamadii udambeeyay xili kaliya ay hal dhalisey kooxdaan yar, waxaana ay adkaatay Los Blancos 24 kamid ah 31-kii kulan ee lasoo dhaafey.
Labadii ciyaar ee ugu dambeysay oo ay kooxahaan ku dheeleen Bernabeu waxay kusoo dhamaadeen 2-0 oo ay Madrid ku adkaatey, taasoo kadhigan inay iyada ugu cad-cadahay kulankaan.
WARARKA LABADDA KOOX
Real Madrid waxaa ciyaartaan dhaawac uga maqnaan kara Dani Carvajal, xili bedalkiisa la adeegsan karo laacibka lagu magacaabo Alvaro Odriozola.
Dani Ceballos iyo Casemiro ayaa ku baratami doono dookha koowaad ee dhanka burburinta, inkasta oo nasiino loo diri doono laacibka Rafael Varane.
Dhinaca kale, kooxda ka dhisan gobolka Catalonia waxay haystaan kulan saf ciyaareed adag, taasoo ka dhigan inay diyaar uyihiin inay la xifaaltamaan Madrid.
SHAXDA MACQUULKA AH
REAL MADRID: Courtois; Odriozola, Nacho, Sergio Ramos, Marcelo; Luka Modric, Kroos, Ceballos; Marcos Asensio, Benzema, Bale
ESPANYOL Diego Lopez; Javi Lopez, David Lopez, Hermoso, Vila; Darder, Roca, Granero; Léo Baptistão, Borja Iglesias, Garcia
SI KOOBAN
Kulanka: Real Madrid v Espanyol
Tartanka: La Liga
Garoonka: Bernabeu
Saacadda: 21:45 [Caweysnimo, Waqtiga Geeska Afrika]
HORDHAC: LIVERPOOL V SOUTHAMPTON – REDS OO ISKOOR FIICAN KA HAYSATA SAINTS KAHOR KULANKA PREMIER LEAGUE
Kooxda Liverpool ayaa minankeeda ku qaabileysa Southampton xili ay guul gaartey labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay xagaagii hore kula dheeshay garoonkeeda Anfield.
Reds ayaa nan laga dhalin wax gool ah Afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay Southampton ku wajahdey kulan ka tirsan horyaalka Premier League.
Southampton ayaa kaliya khasaartey Hal kulan Afartii jeer ee ugu dambeysayoo ay dhamaan tartamada kala duwan booqatey Anfield, laakiin waxay guuleysteen 3 kamid ah 19-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkaan ku dheeleen xili ay khasaareen 10 kale.
WARARKA LABADDA KOOX
Tababaraha Liverpool ayaa xaqiijiyey in kulan ciyaareedkan uu taam yahay Roberto Firnimo, kaasoo ay Isha wax kasoo gaareen kulankii ay wajaheen Tottenham.
Fabinho ayaa eegaya inuu kulankaan noqon karo kiisii ugu horeeyay ee uu Premier League ugu dheelo Reds, maadaama uusan wali ciyaarin xidigaan.
Dhanka kale, Southampton waxaa kulankaan xaadir u ah qaar kamid ah ciyaartoyda ay ku duuleyso kooxdaan, kuwaasoo uu kamid yahay Shane Long.
SHAXDA MACQUULKA AH
LIVERPOOL: Alisson Bekar; Alexander-Arnold, Jeo Gomez, Van Dijk, Robertson; Milner, Wijnaldum, Keita; Salah, Firmino, Mane
SOUTHAMPTON: McCarthy; Cedric, Vestergaard, Hoedt, Bertrand; Lemina, Romeu; Elyounoussi, Hojbjerg, Redmond; Shane Long
SI KOOBAN
Kulanka: Liverpool v Southampton
Tartanka: Premier League
Garoonka: Anfeild
Saacadda: 17:00 [Galabnimo, Waqtiga Geeska Afrika]
HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 22-KA SEPTEBAR 2018-KA
AKHRISO:QODOBADA LOOGA HADLI DOONO KULANKA GOLAHA SHACABKA Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho. Kulanka ayaa Xildhib