
Madaxweynaha Soomaaliya oo laga sugayo Magaalada Boosaaso iyo Amniga oo aad loo Adkeeyay
Sidoo kale waxaa la sugayaa inay soo gaaraan Boosaaso Hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Galmudug Khamiista maanta ah, kuwaasoo lagu marti-qaaday ka qayb-galka munaasabada furitaanka garoonka oo la qaban doono maalinta Bari ah.
Shalay waxaa magaalada soo gaaray madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ay la socdaan ra’iisul-wasaaraayaashii hore ee Somalia oo kala ah Cali Maxamed Geeddi, C/wali Sh. Axmed iyo inta badan golayaasha dowladda ee Puntland oo u ku jiro gudoomiyaha barlamaanka.
Amaanka magaalada Bosaaso ayaa si weyn loo adkeey, waxaana xalay howl-galo kala duwan fuliyay ciidamo ka tirsan kuwa gobolka Bari, mana jirin cid laga shakiyay oo ilaa iyo hadda ay xireen ciidamada Puntland.
Ugu dambeyn, Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ayaa lagu wadaa in uu ka qayb-qaato horumarka Soomaaliya, waana garoonkii ugu horeeyay oo caynkiisa ah oo laga hirgaliyo gudaha gobolka, iyadoo ay adeegsan doonaan duulimaadyo caalami ah sida uu dhawantan sheegay madaxweynaha Puntland.
Xigasho:-Hiiraan.com


0 



Madaxweynaha Soomaaliya oo laga sugayo Magaalada Boosaaso iyo Amniga oo aad loo Adkeeyay
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu wadaa in maanta ama bari subax midkood ay soo gaaraan Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari sida ay ku Warrameen saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland ee magaalada Bosaaso.