
C/naasir Seeraar "Ciidamada Itoobiya ee Kismaayo yimid waxay qeyb ka yihiin howl galka AMISOM"
C/naasir Seeraar ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ee Kismaayo ku sugan ay qeyb ka yihiin howl galka AMISOM, isagoo xusay inay u yimaadeen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen howl galka ka dhanka ah Al-Shabaab.
"Ciidamada Itoobiya ee Kismaayo yimid waxay ka mid yihiin howl galka AMISOM, waxay la mid yihiin ciidamada kale ee ku sugan gobolada dalka, waxaa maalmahan warbaahinta ay sii deynayeen warar been abuur ah oo ah in Ciidamada ay u yimaadeen ammaanka shirka Kismaayo ka dhacaya”ayuu yiri C/naasir Seeraar.
Waxaa uu sheegay in sugida ammaanka Kismaayo iyo halka uu ka dhacayo shirka ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada Jubbaland.
Maamulka Jubbaland ayaa dhowaan ku dhawaaqay inuu bilaaban doono howl gal loogu magac daray Wabiga Jubba oo qorshihiisa yahay in Al-Shabaab looga saaro deegaanada Jubbooyinka.
Boqolaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo bedel u ah ciidamadii Seirra Leone ee sanad ka hor ka baxay Soomaaliya ayaa gaaray Kismaayo, waxaana Ciidamadaas fariismo ka sameysteen gudaha iyo daafaha magaalada.


0 



C/naasir Seeraar "Ciidamada Itoobiya ee Kismaayo yimid waxay qeyb ka yihiin howl galka AMISOM"
Afhayeenka Maamulka Jubba C/naasir Seeraar ayaa beeniyay warar maalmihii u dambeeyay la isla dhex marayay oo sheegayay in Ciidamada Itoobiya ee gaaray Kismaayo ay la wareegeen amniga halka uu ka dhacayo shirka Madasha wada tashiga ee dhowaan ka furma