Qadar oo taageero u muujisay Sacuudiga, una yeeratay Danjiraheedii u joogay Iiraan

0
Thursday January 07, 2016 - 10:02:52 in Wararka by
  • Visits: 1024
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qadar oo taageero u muujisay Sacuudiga, una yeeratay Danjiraheedii u joogay Iiraan

    Dowladda Qadar ayaa ku soo biirtay dalalka taageeray Sacuudiga Carabiya, iyadoo u yeeratay Danjiraheedii u joogay Iiraan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa ku tilmaamtay weerarkii Safaaradda Sacuudiga ee Tehran inuu ahaa xadgudub ka dhan ah sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Qadar ayaa ku soo biirtay dalalka taageeray Sacuudiga Carabiya, iyadoo u yeeratay Danjiraheedii u joogay Iiraan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa ku tilmaamtay weerarkii Safaaradda Sacuudiga ee Tehran inuu ahaa xadgudub ka dhan ah sharciga Caalamiga.

Qadar ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la hubiyo ammaanka shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta safaaradaha, iyadoo la dhowrayo sharcigii Veinna.

Jabuuti, Baxrayn iyo Sudan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay xiriirka u jareen Iiraan, halka Jordan ay iyana u yeeratay Danjiraheedii u joogay Tehran.

Goor sii horeysay ayaa Kuwait waxaa ay iyana u yeeratay Danjirihii u joogay Iiraan, sidoo kale Imaaraadka Carabta ayaa iyana hoos u dhigtay howlaheedii xaga diblomaasiyada ee Iiraan.

Sacuudiga iyo Iiraan ayaa waxaa ka dhaxeeya xurguf xoogan, waxaana labada dal uu markii horeba cilaaqaadkooda ahaa mid hoos u sii dhacayay, balse waxaa uu xiriirkooda xumaaday markii Sabtidii la soo dhaafay Sacuudiga ay dil ku fulisay Wadaad shiico ahaa.

Dibad baxayaal careysan ayaa weeraray Safaaradda Sacuudiga ku lahaa Tehran, isla markaana dab qabadsiiyay, waxaana taasi keentay in Sacuudiga xiriirka u jaro Iiraan, isla markaana kala soo baxo Diblomaasiyiintiisa, waxaana uu diblomaasiyiinta Iiraan ee ku sugan dalkiisa u qabtay 48 saacadood inay ugu baxaan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip