
Q.M. oo Cuna-qabateyn Cusub Saareysa N.Korea
Golaha ammaanka ee Q.M. ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay cuna qabateyn cusub ugu saari lahaayeen Kuuriyada Waqooyi tijaabinteda cusub ee Nukliyerka, halka Mareykanka iyo dalalka kale ee waaweyn ay shaki ka qabaan in Kuuriyada Waqooyi ay ku guuleystay tijaabada Bamb Heydorojiin ah.
Kulan deg deg ah oo ay Arbacadii golaha ammaanka ee Q.M. ay yeeshen
ayaa waxay tallaabada ay Kuuriyada Waqooyi qaadday ku tilmaameen inay
tahay "halis cad oo ka dhan ah ammaanka iyo nabadda caalamka”.
Waxay sheegeen in tijaabada Nukleyerka ee Kuuriyada Waqooyi ay ku
tahay xadgudub cad qaraaradii golaha ammaanka ee Q.M. ee ujeedkiisu ahaa
in hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un looga hor-itaago
horumarrinta hubka Nukliyerka.
Q.M. oo Cuna-qabateyn Cusub Saareysa N.Korea
Golaha ammaanka ee Q.M. ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay cuna qabateyn cusub ugu saari lahaayeen Kuuriyada Waqooyi tijaabinteda cusub ee Nukliyerka, halka Mareykanka iyo dalalka kale ee waaweyn ay shaki ka qabaan in Kuuriyada Waqooyi ay ku