
Ra'isul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Muqdisho Ka Furay Kulanka Daahfurka Himilooyinka Horumarka Waara
Ra'isul Wasaare ku xigeenka Dalka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa shalay furay kulanka himilooyinka horumarka Waara ee 2030-ka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qeyb galeen isu imaatinkaasi xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya, mas;uuliyiin ka socday maamul goboleedyada dalka ka jira, iyo marti sharaf kale. Ahmiyada shirka hanaanka himilooyinka horumarka waara ayaa waxaa lagu
gorfeynayaa 17 hadaf oo u baahan in wax laga qabto sida la dagaalanka
faqriga,horumarinta Waxbarashada,ka hortaga isbedelka cimilooyinka, iyo
arrimo kale oo muhiim u ah dalkeena hooyo, waxaana hadafka kulankani shalay ka furmay magaalada Muqdisho lagu sheegay in uu yahay fahamka
guud ee Himilooyinka horumarka Waara ee 2030-ka.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah mudane C/raxmaan Yuusuf Cali "Ceynte” iyo wasiir ku xigeenka wasaaradaasi C/laahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa si faah faahsan kaga hadlay barnaamijkani iyo ahdaafta uu xambaarsanyahay ka dib khudbad ay ka jeediyeen shirkaasi shalay ka furmay Magaalada Muqdisho.
Ra’isul wasaare ku xigeenka Dalka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in barnaamijkani muhiimad gaar ah uu u leeyahay umada Soomaaliyeed islamarkaana la tashiyo kale duwan la galin doono oo heer qaran noqon doona, waxaana furista kulankani uu ku sheegay in uu ahaa fahamka himilooyinka horumarka waara ee 2030.
Ra'isul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Muqdisho Ka Furay Kulanka Daahfurka Himilooyinka Horumarka Waara
Ra'isul Wasaare ku xigeenka Dalka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa shalay furay kulanka himilooyinka horumarka Waara ee 2030-ka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo a