
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 7-DA JANNAAYO 2016-KA
"Waxaan baahinnay warsaxaafadeed aan ku cambaareyneyno falkaas, waxaana muhiim ah in la ixti raamo axdigii Vienna, waana kasoo horjeednaa weerarkii lagu qaaday safaaradda Sacuudiga ee magaaladaTehraan. Marka waxaa la doonayaa xukuumadda Iiraan ay garato mas’uuliyadeeda, ann aga waxaa Taageernay wixii anu xaq u aragnay,” ayuu Wasiirku ku daray hadalkiisa.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya uu xiriir Wanaagsan kala dhex eeyo xukuumadda Sacuudiga, ayna ay ku taageerayaan tallaabooyinka ay qaadeen. Waxaana wasi irku uu si kulul u beeniyay warar uu sheegay inaanay waxba ka jirin oo la xiriira in dublamaasiyiinta IIraan ka dalbadeen inay dalka ka baxaan.
"Dubalmaasiyiin Iiraaniyiin ah oo aan ku niri dalka Somalia ka baxa ma jiraan, xiriirka aan la lahayn Iran waa sidiisii hore, balse waxaa jirtay in rag Iiraaniyiin ah ay maalin dhawayd nabadsugi ddu qabatay, markii ay tageen meel aan loo baahnayn inay tagaan,” ayuu yiri wasiir hadliye.
Xukuumadda Saudi Arabia ayaa dhawaan xiriirka u jartay dalka Iiraan, iyadoo 48saac uga dalbatay dublamaasiyiinta Iran inay Sucuudiga uga baxaan, iyadoo ay ku biireen tallaaban dalal dhowr ah oo ku yaalla Bariga, sida Bahrain, Kuwait, UAE iyo Suudaan oo Afrika ku taalla.
Ugu dambeyn, Tehran ayaa si kulul u cambaareysay go’aankii ay Saudi Arabia ugu jartay xiri irkii siyaasadeed, Waxaana Tallaabadan ay ku Tilmaameen inay xiisad ka dhalin karto gobolka Bar iga Dhexe.
Si kasta ha ahaatee, xukuumadda Washington ayaa dhankeeda sheegtay inay ugu baaqay so Sucuudiga in tallaabada ay qaateen ay dhalin karo cawaaqibxun, iyadoo ugu baaqday inay jooj iso dhammaan tallaabooyinka xiisadda sii adkeyn kara.
FAADUMO INSAANIYA: SOOMAALIDA KU DHAQAN SWIZERLAND HAKA QAYBQAATAAN DIB U DHISKA DALKA
Safiirrada Somalia u joogta xarunta QM ee Geneva ee dalka Switzerland, Danjire Faadumo C/llaahi Maxamuud [Insaaniya] ayaa kulan ballaaran oo ay la yeelatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland kaga dalbatay inay ka qaybqaataan dib u dhiska xilligan ka socda Soomaaliya.
Danjire Faadumo Insaaniya ayaa dadweynihii ay la kulantay waxay isugu jireen; waxgarad, dhallinyaro iyo haween, iyadoo ku boorrisay inay dadaalweyn muujiyaan si ay uga qaybqaataan dib u dhiska ka socda, kaddib .sannado badan oo colaado ah.
Sidoo kale, Danjire Faadumo Insaaniya ayaa intii ay xilkan haysay waxay dadaal weyn u ga shay sidii ay isugu xiri lahayd dadka Soomaaliyeed ee dalka Switzerland iyo dowladda dalkaas.
"Waxaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Swizerlad ku nool ugu baaqayaa inay ka qaataan qayb weyn dib u dhiska ka socda dalka, haddii ay ahaan lahayd kaalmo dhaqaale iyo sidoo kale waayoa ragnimadooda, waayo howlaha dib u dhiska ah ee ka socda Somalia waxay haatan marayaan meel wanagsan,” ayay Insaaniya tiri intii uu kulanku socday.
Danjire Insaaniya ayaa waxay sheegtay intii kulanku socday arrin aad dadkii kasoo qaybg alay soo jiidatay oo ahayd; inaan la celin karin qof Somali oo qoxooti ku ah Yurub, marka laga reebo qofkii dambi agala, iyadoo intaa ku dartay inay arrintan u cuskanayso qodobada Qaramada Midoo bay u yaalla ee dhigaya in qofka aan lagu qasbi karin in lagu celiyo meel aanu amni ka jirin.
"Qof Soomaaliyeed oo qoxooti ku ah Yurub oo aan dambi gelin meel ammaan darro ay ka jir to, waayo shuruucda Qaramada Midoobay u yaalla taas way ka soo horjeedaan,” ayay tiri danjire Faadumo Insaaniya, iyadoo hadalkaas ay si weyn ugu farxeen dadkii kulanka goobjoogga ka ahaa.
Safiiradda ayaa waxay kaloo xustay inay magaalooyinka dalka Swizerland ku mari doonto sa far, si ay u dhiirrigeliso Somaalida ku nool. Dhanka kalena ay booqan doonto xabsiyada iyo isbitaall ada ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed ee dhimirka la’.
Ugu dambeyn, ballanqaadyada ay Danjire Faadumo Insaaniya sameysay ayaa si aad ah u soo jiirtay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Switzerland ku nool, iyadoo ballanqaadyadan ay ku tilma ameen kuwii ugu horreeyay oo mas’uul dowladda federaalka Somalia ka socda uu u sameeyo.
XILDHIBAANO BAARLAMAANKA SOMALIYA KA TIRSAN OO SHALAY LOO DIIDAY INAY GALAAN DEGMADA CEELBARDE EE GOBOLKA BAKOOL
Xildhibaano Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, ayaa waxaa shalay laga hor istaagey inay gu daha u galaan Degmada Ceelbarde Ee Gobolka Bakool. Ceelbarde waxaa daba yaaqadii bishii Dec ember looga dhawaaqay Maamul ka dhan ah Maamulka Koonfur Galbeed, oo ku magacaaban Gob olada Shabellaha Hoose, Baay & Bakool.
Xildhibaanadan oo diyaarad ka raacay Xarunta Gobolka Bakool Ee Magaalada Xudur, ayaa laga horjoogsaday inay gudaha u galaan Ceelbarde, waxaana lagu wargeliyay inay dib ugu laabt aan Xudur, oo maalmahaanba ay ku sugnaayeen.
Wararka laga helaayo Gobolka Bakool, ayaa waxay sheegayaan in Xildhibaanadan ay ergo ahayn ugu socotay Degmada Ceelbarde, si dadka deegaanka ay ugala hadlaan cabashadooda ku aadan Maamulka Koonfur Galbeed.
Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi (Xerow) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somal iya ee taageersan Maamulka Bakool Sare, ayaa taageeray ciidamadii ammaanka ee Xildhibaanada dib u celiyay.
Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi, ayaa sheegay in xoogaga amnigu ay ka hortaggeen dagaal ka dhici lahaa Degmada Ceelbarde, sababo ku aadan, iyadoo aanay Xildhibaanadaasi ka soo je edin Degmadaasi.
"Xildhibaanada la celiyay waa saaxibadey, laakiin deegaankan uma dhalan, wax wanaag ah na uma socon, in la celiyo waan soo dhaweynayaa. Waxaan u mahadcelinayaa ciidamadii celiyay, haddii kale meeshaan dagaal baa ka dhici lahaa.” Ayuu yiri Xildhibaan Xeerow.
Xerow oo la hadlay Radio Shabelle, ayaa yiri "Ceelbarde waxaa ka jira Maamul ay dhisteen dadka deegaanka oo rabitaankoodu ku shaqeeya, Xildhibaanaduna wax wanaag ah uma socon.”
Xildhibaanada loo diiday inay galaan Degmadaasi Ceelbarde, ayaa waxaa ka mid ah Xildhib aan Maxamed Aadan Nuur (Aadan Madoobe) iyo Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saran soor). XIGASHO:DHACDO.COM
MAX’UD AXMED NUUR TARSAN: "ALSHABAB BULSHADA AYAY KA MID YIHIIN DADKUNA WAXAY KA BAQAYAAN IN LA DILO..”
Max’ud Axmed Nuur Tarsan oo mar soo noqday gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho oo la hadlay wargeyska The Guardian ee Ingiriiska kasoo baxa kana hadlay dhawr arri mood oo xaaladda dalka ka jirta ah ayaa waxaa uu sheegay in sababta keeneysa in AlShabab ay willi awood ku yeeshaan gudaha dalka ay tahay shacabka oo ka cabsanaya haddii ay sheegaan in la dhibaateeyo.
Tarsan waxaa uu sheegay in dawlada Soomaaliya ay ka gaabisay kasbashada shacabka gaar ahaan dadka Muqdiso taasna ay keentay in amaan darro ay dhacdo.
"Awooda ugu weyn ee xataa miinada ka xoog badan ee la adeegsado waa bulshada, bul shada ayaa la abaabulaa oo wax loo qabtaa markaas waa qasab inay dawlada la shaqeeyaan” ayuu yiri Max’ud Axmed Nurr Tarsan waxaana uu intaa ku daray in caqabada ugu badan ee xilli gaan haysata in si buuxda loo sugo amaanka caasimada ay tahay in dadku ay ka baqayaan marka ay sheegaan qof Shabab ah in iyagana la dilo.
"AlShabab bulshada ayay ka mid yihiin dadkuna waxay ka baqayaan in la dilo marka ay soo sheegaan qof amni xumo wada marka ay arkaan markaa waxaa loo baahan yahay in dadka kalsoo ni la galiyo oo amaankoodana la damaanad qaado marka ay dawlada xog siiyaan” ayuu sidoo kale yiri gudoomiyihii hore ee G/Banaadir Tarsan.
Dawlada Soomaaliya ayuu talo ahaan ugu soo jeediyay Max’ud Axmed Nuur Tarsan inay fah amto in dagaalka ay ku jirto uu yahay dagaal ka dhan ah wax uu ugu yeeray koox argagixiso ah oo uusan aheyn dagaal toosah sidaas darteed ay bulshada kasbato.
In dawladu xooga ugu badan galiso hirgalinta adeegyada aas aasiga sida dhismooyinka wad ooyinka, layrarka, nadaafada iyo biyaha ayuu sidoo kale ahaan ugu soo jeedshay dawlada Soom aaliya duqii hore ee Muqdisho taasoo uu sheegay inay qeyb weyn ka qaadan karto in shacabku dawlada aaminaan gacana siiyaan.
AlShabab oo Muqdisho laga saaray sanadkii 2011 haddana dhawr mar ayay ka geysteen we eraro khasaara badan dhalinyay.
Xigasho Wargeyska The Guardian.
XIGASHO:SOMALIWEYN.COM
TURKIGA OO SOOMAALIYA KA DHISANAAYA SALDHIG MILATARI OO AAD U WEYN.
Madaxa wasaarada arrimaha dibada dowlada Turkiga ee masuulka ka ah howlgalka Soom aaliya Emel Tekin ayaa sheegay in dowladeedu ay Saldhig Military ka dhisayso magaalada Muqd isho kaa oo lagu tababari doono ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Waa markii ugu horeysay oo ay Xukuumada Ankara ka hirgalinayso gudaha Soomaaliya sal dhig Military, waxayna tani qeyb ka tahay heshiis horay u dhaxmaray dowladaha Turkiga iyo Sooma aliya.
Saldhigan military ayaa fududeyn doona tababarada milatry ee qaarada Afrika, iyadoo waax da daafaca baarlamaanka Turkiga 9kii bishii tagtay qalink ku duugay heshiis military oo ay wada saxiixdeen wasiirada daafaca Turkiga iyo Soomaaliya.
Wasaarada Gaanshaadhiga Turkiga ayaa ku dhawaaqday inay Dugsi military ay ka hirgalina yso Muqdisho kaa oo ujeedkiisu yahay in wax lagu baro saaraakiisha dowlada Somaaliya, iyadoo Lacag lagu qiyaasay 400$ million inuu Turkigu ku qarash gareeyay dowlada Sooomaaliya ,sida laga soo xigta wasarada arimaha dibada Turkiga.
Tekin waxay walaac ka muujisay mar ay booqatay Soomaaliya inay soo aragtay askar xiran labis ciidan oo kala duwan taasna loo baahan yahay in laga soo gudbo, dowlada Turkiguna waxay ka caawinaysaa arintaas Soomaaliya.
Dhanka kale xukuumadaha Muqdisho iyo Ankara ayuu xiriirkoodu wanaagsanaa tan iyo sanadkii 2011 markaa oo uu Turkigu uu noqday wadanka Kaliya ee Soomaalida usoo gurmaday xiligii abaarta ba’ani ay dalka ka dhacday.
CIIDAMADA AMISOM OO KALA DHEX GALAY CIIDAMO KA TIRSAN DOWLAD DA OO KU DAGAALAMAY HODAN
Ciidamada ka tirsan AMISOM ayaa shalay kala dhex galay ciidamo ka wada tirsan dowladda oo shalay barqadii ku dagaalamay degmada Hodan, gaar ahaan Xaafada Zone K, iyadoo iska hor imaad muddo kooban socday uu labada ciidan dhex maray.
Iska hor imaadkan ayaa ka dhashay markii ciidamo ka tirsan Booliska ay howlo bur burin ka wa deen xaafada "Zone K” ee degmada Hodan, halkaasoo laga dhistay guryo sharci darro ah, hase ahaatee Ciidamo milateri ah oo qoysaskooda degenaayeen ayaa ka hor yimid bur burintaas.
Wararka ayaa intaa ku daraya in iska hor imaadka ay ku geeriyoodeen ugu yaraan labo ruux, halka labo kalena ku dhaawacmeen, waxaana muddo hakad galay dhaq dhaqaaqii xaafadaas.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Iska hor imaadka oo muddo daqiiqado socday kadib ay soo dhex galeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo watay gaadiidka qafilan, kuwaasoo markii dambe labada ciidan ka codsaday inay dagaalka joojiyaan.
Xaalada Xaafada Zone K ee degmada Hodan ayaa hataan degan, dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in mar kale iska hor imaad uu dhex maro ciidamada dowladda.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Talisyada Booliska iyo Milateriga oo la sheegay in Ciida mada dagaalamay ay ka kala tirsan yihiin.
HAWEENEY U SHAQEYSA SHIRKAD TURKIGA LAGA LEEYAHAY OO MUQDISHO LAGU DHAAWACAY
Haweeney ka tirsan shaqaalaha shirkad Turkiga laga leeyahay ayaa shalayy ka badbaaday isku day dil lala damacsanaa, kaddib markii ay soo weerareen rag hubeysan oo rasaastii ay ku fure en uu ka soo gaaray dhaawac.
Weerarka oo ka dhacay xaafadda Xamar Bile oo ka tirsan degmada Warta Nabadda Ex- Wa rdhiigley ayaa la sheegayaa in xilliga falkaasi loo geysanayay ay ku sii socotay goobta ay ka shaq eyso, iyadoona gurigeeda ka sii baxeysay.
Sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugnaa halka uu falkaasi ka dhacayay, haweeneyda ayaa ka carartay ragga hubeysan oo iyaguna ku ridayay xabado fara badan, iyadoona qeybo ka mid ah jirkeeda uu soo gaaray dhaawac.
Haweeneydaan oo magaceeda lagu soo koobay Nuura ayaa la shaqeysa shirkadda Favori ee Turkiga laga leeyahay kana howlgasha garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo iminka la dabi ibayo xaaladeeda caafimaad.
MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO SI HEER SARE AH LOOGU SOO DHOWEEYAY CADAADO
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shalay si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug.
Axmed Madoobe iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Cadaado ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, iyagoo si wada jir ah sala an sharaf uga qaatay Ciidamada Booliska Galmudug.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan oo bulsha da oo sitay Calanka Jubbaland ayaa si weyn u soo dhoweeyay wafdiga.
Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ayaa loo gelbiyay xarunta Madaxtooyada Cadaado, halkaasoo la filayo inay si wada jir ah warbaahinta ugala hadlaa.
Labada dhinac ayaa waxaa hada u socda kulan albaabada u xiran, waxaana ay ka wada had layaan xiriirka labada maamul, arrimaha nabadgelyada dib u heshiisiinta, iyo hiigsiga sanadka 2016.
Maamulada Jubbaland iyo Puntland oo xulufo ah ayaa horay u qaaday maamulkii Galmudug ee lagu dhisay Cadaado bartamihii sanadkii hore, hase yeeshee dagaalkii Gaalkacyo kadib ayaa labada dhinac iyo Maamulka Galmudug ay isaga soo dhowaadeen sidii hore, markii heshiis rasmi ah laga gaaray colaadii Gaalkacyo.
SOMALIDA KOONFUR AFRIKA OO QABTAY KULAN LOOGU DUCEEYAY UGAAS C/RAXMAAN U. KHALIIF
Iyadoo 03dii bishan Janaayo 2016ka uu magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan uu ku geeriyooday ALLAHA u Naraxrsitee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, isla markaana daraad lagu Aasay Daarougaas ee dulleedka deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa waxay Ja aliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika qabteen kulan Tacsi ah oo loogu ducaynayo ugaaska.
Kulankan Tacsida ah oo ka dhacay Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka Qaybgalay Qaybaha kala duwan ee bulshada sida; Waxgaradka, Dhallinyarada, Aqoonya hnanada iyo Ganacsato kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.
Qaar ka mid ah dadkii kulanka goobjoogga ka ahaa ayaa ugu horreyn waxay u direen tacsi qoyskii, ehelladii iyo qabaradii uu ka geeriyooday Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble; iyadoo markaas kaddib la gudogalay waxyabaaha lagu xusuusan karo Marxuum Ugaas C/raxmaan mudadii 17ka sano ku dhow ee uu ahaa Ugaaska, isagoo ka shaqeeyn jiray masalaxada ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Reer Hiiraan ee dalka Koonfur Afrika, C/llaahi Xabeeb Nuur oo ka hadlay kulanka tacsida ah ayaa tacsi u diray dhamaan bulshoweynta Soomaaliyeed ee ku nool gu daha dalka iyo dibaddiisa iyo weliba ehelladii uu ka baxay Ugaaska. Wuxuuna tilmaamay in Ugaas ka uu ahaa nabaddhaliye u soo dhabaradaygay marxaladihii kala duwana ee Somalia ay soo mar tay, isagoo ku daray intaa in xilliyadii ugu dambeeyay nolashiisa uu ku howlanaa nabadeynta shuc uubta ku nool gobolka Hiiraan iyo guud ahaan gayiga Soomaaliya.
Sidoo kale, guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Koonfu Afrika ee (Somali Community Board), Caamir Sheekh oo isna ka hadlay kulanka tacsida ahaa ayaa ka tacsiyeeyay ge eridii ku timid Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo uu EEBBE uga baryay inuu Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo; isagoo goobta kusoo bandhigay taariikhda Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo wax yaabihii uu qabtay ee lagu xusuustay lagu xasuustay.
Ugu dambeyn, Maxamed Xeerow oo ku hadlay magaca ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool Koonfur Afrika iyo Axmed Sheekh Cabdi Axmed dheere oo isagana ku hadlayay magaca cul ummaada Koonfur Afrika ayaa madasha kulanka tacsida ah waxay hoosta ka xariiqeen in marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif uu ahaa ugaas Soomaaliyeed, Ugaas Nabadda ka shaqeeya, Uga as Waqtiga uu ku dhammaaday isagoo wanaagga ummadda Soomaaliyeed ka shaqeynaya.
JABUUTI OO KU DHAWAAQDAY INAY XIRIIRKA DIBLOMAASIYADEED U JARTAY IIRAAN
Dowladda Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Iir aan ay jartay, kadib weerarkii maalmo ka hor dibad baxayaal careysan ku qaadeen Safaarada Sacu udiga ee Tehran iyo dhismihii Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Mashhad.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlay VOA ayaa xaqiijiyay go’aanka dowladda Jabuuti ka soo baxay ee xiriirka loogu jaray dowladda Iiraan.
Jabuuti ayaa ku biirtay dowladaha Baxreyn, Imaaraadka Carabta iyo Sudan oo goor sii hor eysay xiriirka u jaray Iiraan.
Afartan dal ee Sacuudiga ku taageeray in xiriirka loo jaro Iiraan ayaa waxay xubno ka yihiin Ururka Jaamacadda Carabta.
Dowladda Jabuuti ayaa waxaa xiriir aad u wanaagsan oo qoto dheer uu kala dhaxeeyaa dow ladda Sacuudiga Carabiya.
Ururka Jaamacadda Carabta ayaa maalinta Axada ee soo socota kulan gaar ah ka yeelan do ona arrinta Iiraan, waxaana laga yaabaa in dowlado hor leh ay xiriirka u jaraan Iiraan, iyagoo ku taa geeraya Sacuudiga go’aanka uu qaatay.
Dowladda Soomaaliya ayaa taageertay go’aanka Sacuudiga, iyadoo cambaareysay weerar kii Safaaradda Sacuudiga, balse kuma dhawaaqin inay xiriirka u jareen Iiraan oo xilligan dibloma asiyiin ka joogaan magaalada Muqdisho.
Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ayaa Sabtidii dil ku fulisay Wadaad caan ahaa oo Shiico ah iyo 46 kale, kadib markii lagu helay dambi argagixiso, Iiraan ayaa ka carootay tallaabadaas, iya doo si kulul u cambaareysay.
DOWLADDA KENYA OO SHEEGTAY IN LAGU QABQABTAY RAG ALSHABAAB AH MAGAALADA MANDERA.
Maxamuud Saalax Xiriiriyaha Ammaanka ee Gobalka W/bari Kenya,oo khadka telefoonka kula hadlay Wargeyska The Star ayaa sheegay inay 8 nin oo lala xiriirinayo AlShabaab daraad laga soo qabtay inta u dhexeysa Deegaanada Kotulo iyo Lafeey, halkaasi oo ay ka socdaan Hawlgalka ay Boliska Kenya ku sugayaan Ammaanka.
Sarkaalkaasi ayaa sidoo kale sheegay in raggaasi loo gudbiyey Saldhigga Boliska Degmad da Ceel waaq, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo, wuxuuna sheegay inay raggaasi sharci darro ku joogeen, isla markaana lagu tuhunsan yahay inay qeyb ka yihiin xubnaha AlShabaab ee weer aradda ka fuliya gudaha Kenya.
Mas’uulkaas ayaa sheegay inay Ciiddanka Boliska bedeleen qaababkii ay Alshabaab kula dagaalami jireen, maadaama ay AlShabaab beddeleen Xeeladihii hore.
Dhanka kale Xiriiriyaha Ammaanka ee Gobalka W/bari Kenya, Maxamuud Saalax wuxuu sheegay in Hawlgalka Boliska sii socon doono labada isbuuc ee soo socda.
WARARKA CAALAMKA
MUDANAYAASHA BRITAIN OO KA ARRINSANAYA IN MUSHARAXA MARAYKANKA EE DONALD TRUMP. LAGA MAMNUUCO BRITAIN.
Mudanayaasha Barlamaanka Britain ayaa ku ballansan inay bishan January 18da Kulan Khaas ah ka yeeshaan Go’aan horseedi kara in Musharaxa Madaxtinimadda Maraykanka, Donald Trump laga mamnuuco inuu soo galo Britain.
Ilaa 568,000 oo qof oo u dhashay dalka Britain ayaa saxiixay Bayaan ay ku codsanayaan ina an Musharaxa Donald Trump loo oggolaanin inuu soo booqdo Britain.
Musharaxaasi oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka ayaa bishii December 7dii ee sannadkii hore ku baaqay in dadka Muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan Maraykanka, wuxuuna hadalkaasi jeediyey dhowr maalin kadib, markii 14 qof lagu dilay Gobalka California.
Muslimiinta Caalamka ayaa ka carooday Baaqiisa, waxayna ku tilmaameen Cunsuri ka soo horjeeda Islaamka
MADAXWEYNAHA TURKIGA OO DIFAACAY SACUUDIGA.
Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa shalay sheegay in falkii ay Dowladda Sacuudiga ku dishay 47 qof oo uu ku jiray Sheekh Nimri Alnimiri tahay arrin Daakhili oo u gaar ah Sacuudiga.
Madaxweynaha oo la hadlay Saraakiil Maxali ah, lagana baahiyey telefishinka dalkaasi ayaa sheegay inaysan meeshaba oolin in Xiisad laga abuuro go’aanka lagu dilay Shiikh Nimri, wuxuuna xusay inuu go’aanka Sacuudiga mid u gaar Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga.
Waxa uu tilmaamay in kuwa haatan xiisadda ka hurinayo Gobalka maxay uga aamusan yih iin dadka maalin kasta lagu dilay dagaalladda ka socda dalka Syria, oo ay hadda uga qeylinayaan dilka Shiikh Nimr oo keliya.
Madaxweyne Erdogan waxa uu bishii hore booqaday caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh, wuxuuna kulan la yeeshay Boqor Salmaan Bin C/casiis.
Turkiga iyo Sacuudiga waxay isku aragti ka wadaagaan Dagaalka ka socda dalka Syria, wax ayna rumeysan yihiin haddii uu Madaxweyne Bashaar Alasad ka dego xilka soo dedejin karto dham aadka dagaalka sokeeye kudhawaadka shanta sanno ka socota dalka Syria.
Dhinaca kale, Dowladaha Shiinaha iyo Ciraaq ayaa ugu baaqay Dowladaha Sacuudiga iyo Iir aan inay xaliyaan khilaafkooda, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay Labada Dowladood dhexdhexaadiyaan.
KENYA OO SOO BANDHIGTAY SAWIRADA IYO MAGACYADA 11 RUUX OO KENYA LOOGU RAADIS BADAN YAHAY
Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay mar kale Sawirada iyo magacyada Shaqsiyaad ay do on doonayso, kuwaasi oo Kenya ay sheegtay inay xiriir la leeyihiin Ururka Shabaab.
Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka dalka Kenya ayaa mar kale dib u soo daabacday sawirrada iyo magacyada 11 qof oo lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin Shabaab kuwaas oo ay Booliska doon doonayaan.
Magacyada 11ka qof ayaa lagu xusay bayaan ay soo saartay Wasaaradda oo lasoo dhigay barta Twitterka, waxaana lagu qeexay in ay yihiin shaqsiyaad khatar weyn ku ah ammaanka guud ee dalkaKenya.
Liiska lagu soo qoray magacyada ayaa waxaa ka muuqda Abdalla Muumin Abdalla, Abdalla Siraj Marumu, Abdifatar Abubakar Abdi, Isaa Abdalla Ahmed , Anwar Yogan Mok, Suleiman Muham ed, Hussein Said, Mohamed Ali Ahmed, Omar Patroba Juma, Abdikadir Abubakar iyo Ismael Moha med Shosi.
Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa mar kale shacabka ka codsaday in ay gacan ku siiyaan soo qabashada ragaasi oo hada kamid ah kuwa loogu raadiska badan yahay dalka Kenya.
Dhawaan ayey ahayd markii sawirrada iyo magacyada raggaan ay soo daabacday Wasaar adda arrimaha gudaha ee uu hor kacayo Joseph Nkaissery.
Dowladda Kenya ayaa la daala dhaceysa suggida ammaanka dalkeeda oo xilligaan Qatar badan kala kulmaysa dhanka Ururka Shabaab.
INDONESIA: SHINNI KU QASABTAY DIYAARAD IN DUULIMAADKEEDA DIB U DHACO
Diyaarad laga leeyahay dalka Indonesia ayaa dib uga dhacday waqtigii ay duuli laheyd, ka dib markii mid ka mid ah matoorada diyaarada ay dhex gashay Shinni.
Diyaaradan oo ay leedahay Shirkadda lagu magacaabo Garuda Indonesia ayaa muddo afar saacadood dib u dhigtay duulimaadkeeda, markii duuliyaha diyaarada uu dareemay inay cilad jirto.
Afhayeen u hadlay Shirkaddan oo lagu magacaabo Benny Butarbutar ayaa sheegay in baar itaan la sameeyay lagu ogaaday in mid ka mid ah matoorada diyaarada ay dhex gashay Shinni, sid aas ay diyaarada saacado dib ugu dhacday.
Duulimaadka Diyaaradan oo ahaa GA197 ayaa ku sugneyd garoonka diyaaradaha ee Kual anamu ee waqooyiga Gobolka Sumatra, gaar ahaan xarunta Medan, waxayna ku sii jeeday Caasi mada Jakarta,
Arrintan ayaa waxay noqotay hadal heynta ugu badan ee dalka Indonesia, in muddo saaca do ah ay diyaarad hakad u gasho Shinni dhex gashay mid ka mid ah matoorada diyaarada.
Labadii sano ee u dambeeyay ayaa waxaa Caalamka daafihiisa ka dhacay shilal diyaaradeed, waxaana shilalka ugu badan saameeyeen diyaarado laga leeyahay Qaaradda Aasiya, gaar ahaan shirkadda Diyaaradaha Malaysia Airways oo labo jeer dhacday sanadkii 2014
CIIDAMADA QM EE KA HOWLGALA JAM HUURIYADDA AFRIKADA DHEXE OO LA SHEEGAY INAY DUMARKA KUFSADAAN.
Ciidaada QM ee ka howlgala Jamhuuriyadda Africada dhexe ayaa lagu eedeeyay inay kufs adeen dumar wadankaasi u dhashay, kadib markii ay arintaasi ogaadeen baarayaal ka socda QM oo arintaasi baaray.
Warbixin ay gudi ka socda QM soo saareen ayaa lagu sheegay in meelaha ay ciidamadu du marka ku kufsadeen inay ka mid tahay xeryo ku yaala magaalada caasimada u ah dalka jamhuur iyadda Africada dhexe ee Bangui.
Guddiga QM ka tirsan ee warbixintaan diyaarshay waxay sheegeen inay jiraan xad gudubyo aan tiro yareyn oo ciidamadu ka geysteen dalka ay ka shaqaynayaan loona baahan yahay in wax laga qabto.
Mid ka mid ah afhayeenadda Ban ki Moon Stephane Dujarric ayaa sheegay in illaa hadda la wa reystay 4 dumar ah oo hadda ku jira xarumo lagu baxnaaniyo, hase ahaatee afhayeenkaan waxaa uu intaa ku daray in willi baaris ay socoto.
Ciidamada la eedeeyay waxay hoos tagaan QM.
DAACISH OO WEERAR XOOGAN KU QAADAY MAGAALADA XADITHA EE DALKA CIRAAQ.
Dagaalyahanada Daacish ayaa weerar culus ku qaaday magaalada Istiraatiijiga ah ee Xaditha, halkaasoo boqolaal ruux lagu dilay dagaal socday saddex maalmood.
Weerarka Daacish ee Xaditha ayaa yimid, 10 maalmood kadib markii laga saaray inta badan Gobolka Anbar, gaar ahaan caasimada gobolkaas ee Ramadi oo ciidamada Ciraaq la wareegeen, taasoo aheyd mid ka mid ah guulihii ugu weynaa ee ay soo hoyaan.
Maleeshiyooyin qabaa’il ah ayaa ka qeyb qaatay dagaalka ka dhanka ah Daacish, iyadoo cii damada Ciraaq ay wehlinayeen.
Xoogagga Daacish ayaa ku soo weeraray magaalada Xaditha illaa 250 dagaalyahano iyo in ka badan 100 gaadiidka dagaalka oo badankood ay waxyaabaha qarxa ku xirnaayeen.
I sbaheysiga uu hogaaminayay Mareykanka ayaa sheegay inuu Ciidamada Ciraaq dhinaca cirka ka tageeray, isla markaana dilay in ka badan 100 dagaalyahano.
Sidoo kale waxaa dagaalka ku dhintay tobanaan ka tirsan Ciidamada Ciraaq iyo 25 male eshiyooyinka qabaa’ilka ah.
Afhayeenka Isbaheysiga uu hogaaminayo Mareykanka Col Steve Warren ayaa sheegay in Daacish ay lumiyeen 40% dhulka Ciraaq, isla markaana aanay wax horumar ah sameyn tan iyo bi shii May sanadkii 2014.
W/KUURIYA OO TIJAABIYAY GANTAALAHA DHEEREEYA EE HYDROGEN CASRI AH
Hoggaamiyaha Dowladda Kuuriyada Waqooyi Kim JongUn ayaa saxiixay tijaabada gant aalaha dheereeya ee casriga ah isla markaana ah nooca Hydrogenka, iyadoo gantaalkii ugu hore eyay laga riday magaalada Kilju oo ku taala Waqooyi bari dalkaasi.
Boqolaal dadweyne ah ayaa ka daawanayay shaashado waaweyn oo ku yaala faras maga alayaasha dalka Waqooyiga Kuuriya, gantaalkaan oo ah nooca 5.1 ayaa daqiiqadiiba jaraya masa afo aad u dheer.
Tijaabada gantaalka Hydrogenka ee Waqooyiga Kuuriya tijaabisay waxaa walaac ka muuj iyay Dowladaha Japan, Koonfurta Kuuriya, Shiinaha, Mareykanka iyo dowlado kale, iyadoo Golaha Ammaanka la filayo inuu dhowaan kulan gaar ah ka yeesho tijaabada gantaalaha ee Waqooyiga Kuuriya.
Dhinaca kale Gantaalkaan ayaa la sheegayaa inuu qaadi karayo hubka Niyuklerka isla mar kaana isaga gudbi karayo qaarad ka qaarad, mana aha markii ugu horeysay oo Dowladda Shuuc iga ah ee Waqooyiga Kuuriya tijaabiso hubka Niyuklerka iyo gantaalaha casriga ah ee ay iyadu farsameyso.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 7-DA JANNAAYO 2016-KA
HADLIYE: MA JIRAAN DUBLAMAASIYIIN IIRAANIYIIN AH OO AANU NIRI BAXA XIRIIRKII IIRAANNA WELI WAA SIDIISII Wasiirka arrimaha dibadda Somalia C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay inay taageersan yihiin tallaabooyinka ay xukuumadda Saudi Arabia qaadday,