Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan oo bulshada oo sitay Calanka Jubbaland ayaa si weyn u soo dhoweeyay wafdiga.
Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ayaa loo gelbiyay xarunta Madaxtooyada Cadaado, halkaasoo la filayo inay si wada jir ah warbaahinta ugala hadlaa.
Labada dhinac ayaa waxaa hada u socda kulan albaabada u xiran, waxaana ay ka wada hadlayaan xiriirka labada maamul, arrimaha nabadgelyada dib u heshiisiinta, iyo hiigsiga sanadka 2016.
Maamulada Jubbaland iyo Puntland oo xulufo ah ayaa horay u qaaday maamulkii Galmudug ee lagu dhisay Cadaado bartamihii sanadkii hore, hase yeeshee dagaalkii Gaalkacyo kadib ayaa labada dhinac iyo Maamulka Galmudug ay isaga soo dhowaadeen sidii hore, markii heshiis rasmi ah laga gaaray colaadii Gaalkacyo.
Madaxweynaha Jubbaland oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Cadaado(Sawirro)
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug.