Turkiga oo Soomaaliya ka dhisanaaya Saldhig Milatari oo aad u weyn.

0
Wednesday January 06, 2016 - 19:44:46 in Wararka by
  • Visits: 865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo Soomaaliya ka dhisanaaya Saldhig Milatari oo aad u weyn.

    Madaxa wasaarada arrimaha dibada dowlada Turkiga ee masuulka ka ah howlgalka Soomalaiya Emel Tekin ayaa sheegay in dowladeedu ay Saldhig Military ka dhisayso magaalada Muqdisho kaa oo lagu tababari doono ciidamada Dowlada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa wasaarada arrimaha dibada dowlada Turkiga ee masuulka ka ah howlgalka Soomalaiya Emel Tekin ayaa sheegay in dowladeedu ay Saldhig Military ka dhisayso magaalada Muqdisho kaa oo lagu tababari doono ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo ay Xukuumada Ankara ka hirgalinayso gudaha Soomaaliya saldhig Military, waxayna tani qeyb ka tahay heshiis horay u dhaxmaray dowladaha Turkiga iyo Soomaliya.

Saldhigan military ayaa fududeyn doona tababarada milatry ee qaarada Afrika, iyadoo waaxda daafaca baarlamaanka Turkiga 9-kii bishii tagtay qalink ku duugay heshiis military oo ay wada saxiixdeen wasiirada daafaca Turkiga iyo Soomaaliya.

12511748_10153859466855536_1219193086_n

Wasaarada Gaanshaadhiga Turkiga ayaa ku dhawaaqday inay Dugsi military ay ka hirgalinayso Muqdisho kaa oo ujeedkiisu yahay in wax lagu baro saaraakiisha dowlada Somaaliya, iyadoo Lacag lagu qiyaasay 400$ million inuu Turkigu ku qarash gareeyay dowlada Sooomaaliya ,sida laga soo xigta wasarada arimaha dibada Turkiga.

Tekin waxay walaac ka muujisay mar ay booqatay Soomaaliya inay soo aragtay askar xiran labis ciidan oo kala duwan taasna loo baahan yahay in laga soo gudbo, dowlada Turkiguna waxay ka caawinaysaa arintaas Soomaaliya.

Dhanka kale xukuumadaha Muqdisho iyo Ankara ayuu xiriirkoodu wanaagsanaa tan iyo sanadkii 2011 markaa oo uu Turkigu uu noqday wadanka Kaliya ee Soomaalida usoo gurmaday xiligii abaarta ba’ani ay dalka ka dhacday.

imageturkish-fighter-jets





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip