
HADLIYE: Ma jiraan Dublamaasiyiin Iiraaniyiin ah oo aanu niri baxa Xiriirkii Iiraanna weli Waa Sidiisii
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya uu xiriir Wanaagsan kala dhexeeyo xukuumadda Sacuudiga, ayna ay ku taageerayaan tallaabooyinka ay qaadeen. Waxaana wasiirku uu si kulul u beeniyay warar uu sheegay inaanay waxba ka jirin oo la xiriira in dublamaasiyiinta IIraan ka dalbadeen inay dalka ka baxaan.
"Dubalmaasiyiin Iiraaniyiin ah oo aan ku niri dalka Somalia ka baxa ma jiraan, xiriirka aan la lahayn Iran waa sidiisii hore, balse waxaa jirtay in rag Iiraaniyiin ah ay maalin dhawayd nabad-sugiddu qabatay, markii ay tageen meel aan loo baah-nayn inay tagaan,” ayuu yiri wasiir hadliye.
Xukuumadda Saudi Arabia ayaa dhawaan xiriirka u jartay dalka Iiraan, iyadoo 48-saac uga dalbatay dublamaasiyiinta Iran inay Sucuudiga uga baxaan, iyadoo ay ku biireen tallaaban dalal dhowr ah oo ku yaalla Bariga, sida Bahrain, Kuwait, UAE iyo Suudaan oo Afrika ku taalla.
Ugu dambeyn, Tehran ayaa si kulul u cambaareysay go’aankii ay Saudi Arabia ugu jartay xiriirkii siyaasadeed, Waxaana Tallaabadan ay ku Tilmaameen inay xiisad ka dhalin karto gobolka Bariga Dhexe.
Si kasta ha ahaatee, xukuumadda Washington ayaa dhankeeda sheegtay inay ugu baaqayso Sucuudiga in tallaabada ay qaateen ay dhalin karo cawaaqib-xun, iyadoo ugu baaqday inay joojiso dhammaan tallaabooyinka xiisadda sii adkeyn kara.
HADLIYE: Ma jiraan Dublamaasiyiin Iiraaniyiin ah oo aanu niri baxa Xiriirkii Iiraanna weli Waa Sidiisii
Wasiirka arrimaha dibadda Somalia C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay inay taageersan yihiin tallaabooyinka ay xukuumadda Saudi Arabia qaadday, isagoo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Safaaradda Sucuuudigu ee Tehran. C/salaan Hadliye oo wareysi