
W/Kuuriya oo tijaabiyay Gantaalaha dheereeya ee Hydrogen casri ah
Hoggaamiyaha Dowladda Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un ayaa saxiixay tijaabada gantaalaha dheereeya ee casriga ah isla markaana ah nooca Hydrogen-ka, iyadoo gantaalkii ugu horeeyay laga riday magaalada Kilju oo ku taala Waqooyi bari dalkaasi. Boqolaal dadweyne ah ayaa ka daawanayay shaashado waaweyn oo ku yaala
faras magaalayaasha dalka Waqooyiga Kuuriya, gantaalkaan oo ah nooca
5.1 ayaa daqiiqadiiba jaraya masaafo aad u dheer.
Tijaabada gantaalka Hydrogen-ka ee Waqooyiga Kuuriya tijaabisay waxaa walaac ka muujiyay Dowladaha Japan, Koonfurta Kuuriya, Shiinaha, Mareykanka iyo dowlado kale, iyadoo Golaha Ammaanka la filayo inuu dhowaan kulan gaar ah ka yeesho tijaabada gantaalaha ee Waqooyiga Kuuriya.
Dhinaca kale Gantaalkaan ayaa la sheegayaa inuu qaadi karayo hubka Niyuklerka isla markaana isaga gudbi karayo qaarad ka qaarad, mana aha markii ugu horeysay oo Dowladda Shuuciga ah ee Waqooyiga Kuuriya tijaabiso hubka Niyuklerka iyo gantaalaha casriga ah ee ay iyadu farsameyso.
W/Kuuriya oo tijaabiyay Gantaalaha dheereeya ee Hydrogen casri ah
Hoggaamiyaha Dowladda Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un ayaa saxiixay tijaabada gantaalaha dheereeya ee casriga ah isla markaana ah nooca Hydrogen-ka, iyadoo gantaalkii ugu horeeyay laga riday magaalada Kilju oo ku taala Waqooyi bari dalkaasi.