
Dowladda Kenya oo sheegtay in lagu qabqabtay rag Al-Shabaab ah magaalada Mandera.
Maxamuud Saalax Xiriiriyaha Ammaanka ee Gobalka W/bari Kenya,oo khadka telefoonka kula hadlay Wargeyska The Star ayaa sheegay inay 8 nin oo lala xiriirinayo Al-Shabaab shalay laga soo qabtay inta u dhexeysa Deegaanada Kotulo iyo Lafeey, halkaasi oo ay ka socdaan Hawlgalka ay Boliska Kenya ku sugayaan Ammaanka. Sarkaalkaasi ayaa sidoo kale sheegay in raggaasi loo gudbiyey
Saldhigga Boliska Degmadda Ceel waaq, halkaasi oo su’aalo lagu
weydiinayo, wuxuuna sheegay inay raggaasi sharci darro ku joogeen, isla
markaana lagu tuhunsan yahay inay qeyb ka yihiin xubnaha Al-Shabaab ee
weeraradda ka fuliya gudaha Kenya.
Mas’uulkaas ayaa sheegay inay Ciiddanka Boliska bedeleen qaababkii ay Al-shabaab kula dagaalami jireen, maadaama ay Al-Shabaab beddeleen Xeeladihii hore.
Dhanka kale Xiriiriyaha Ammaanka ee Gobalka W/bari Kenya, Maxamuud Saalax wuxuu sheegay in Hawlgalka Boliska sii socon doono labada isbuuc ee soo socda.
Dowladda Kenya oo sheegtay in lagu qabqabtay rag Al-Shabaab ah magaalada Mandera.
Maxamuud Saalax Xiriiriyaha Ammaanka ee Gobalka W/bari Kenya,oo khadka telefoonka kula hadlay Wargeyska The Star ayaa sheegay inay 8 nin oo lala xiriirinayo Al-Shabaab shalay laga soo qabtay inta u dhexeysa Deegaanada Kotulo iyo Lafeey, halkaasi oo a