
SAWIRRO: Somalida Koonfur Afrika oo Qabtay kulan loogu Duceeyay Ugaas C/raxmaan U. Khaliif
Qaar ka mid ah dadkii kulanka goob-joogga ka ahaa ayaa ugu horreyn waxay u direen tacsi qoyskii, ehelladii iyo qabaradii uu ka geeriyooday Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble; iyadoo markaas kaddib la gudo-galay waxyabaaha lagu xusuusan karo Marxuum Ugaas C/raxmaan mudadii 17-ka sano ku dhow ee uu ahaa Ugaaska, isagoo ka shaqeeyn jiray masalaxada ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Reer Hiiraan ee dalka Koonfur Afrika, C/llaahi Xabeeb Nuur oo ka hadlay kulanka tacsida ah ayaa tacsi u diray dhamaan bulsho-weynta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo dibaddiisa iyo weliba ehelladii uu ka baxay Ugaaska. Wuxuuna tilmaamay in Ugaaska uu ahaa nabad-dhaliye u soo dhabar-adaygay marxaladihii kala duwana ee Somalia ay soo martay, isagoo ku daray intaa in xilliyadii ugu dambeeyay nolashiisa uu ku howlanaa nabadeynta shucuubta ku nool gobolka Hiiraan iyo guud ahaan gayiga Soomaaliya.
Sidoo kale, guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Koonfu Afrika ee (Somali Community Board), Caamir Sheekh oo isna ka hadlay kulanka tacsida ahaa ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo uu EEBBE uga baryay inuu Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo; isagoo goobta kusoo bandhigay taariikhda Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo waxyaabihii uu qabtay ee lagu xusuustay lagu xasuustay.
Ugu dambeyn, Maxamed Xeerow oo ku hadlay magaca ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool Koonfur Afrika iyo Axmed Sheekh Cabdi Axmed dheere oo isagana ku hadlayay magaca culummaada Koonfur Afrika ayaa madasha kulanka tacsida ah waxay hoosta ka xariiqeen in marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif uu ahaa ugaas Soomaaliyeed, Ugaas Nabadda ka shaqeeya, Ugaas Waqtiga uu ku dhammaaday isagoo wanaagga ummadda Soomaaliyeed ka shaqeynaya.
Cumar Muxumed Maxamed (Kiyow)
Cumar065@hotmail.com
Johannesburg, Koonfur Afrika
SAWIRRO: Somalida Koonfur Afrika oo Qabtay kulan loogu Duceeyay Ugaas C/raxmaan U. Khaliif
Iyadoo 03-dii bishan Janaayo 2016-ka uu magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan uu ku geeriyooday ALLAHA u Naraxrsitee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, isla markaana shalay lagu Aasay Daaro-ugaas ee dulleedka deegaanka Halgan ee go