
Wasiiradda Arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta oo ka shiraya Xaalada Soomaaliya
Wasiiradda Arrimaha dibadda Jaamacadda ayaa kulan ku yeelanaya Magaalada Khartuum ee Caasimadda Suudaan, kaasoo looga hadlaayo Xaaladda Soomaaliya.
Kulanka 150-aad ee Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta ayaa lagu waddaa in ay kaga hadlaan sidii Kaalmo deg deg ah loo siin lahaa Soomaaliya oo xilliggaan ay ka jiraan dhibaatooyin kala duwan.
Qodobadda ugu muhiimsan ee diiradda lagu saari doono Shirka waxaa ka mid ahSiyaasadda,Ammaanka ,Sal dhigidda Dastuurka, Nidaamka Xisbiyada Siyaasadda, Kobaca Dhaqaalaha iyo dib u qaabeynta Ciidamada Soomaalida.
Waxaa sidoo kale lagu waddaa in qaar ka mid ah dalalka Jaamacadda Carabta ay ku dhawaaqaan in ay Cafiyaan deymaha ay ku leeyihiin Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu waddaa in uu Shirkaasi ka qeyb galo, islamarkaana uu ka jeedo Khudbadiisa.
Wasiiradda Arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta oo ka shiraya Xaalada Soomaaliya
Wasiiradda Arrimaha dibadda Jaamacadda ayaa kulan ku yeelanaya Magaalada Khartuum ee Caasimadda Suudaan, kaasoo looga hadlaayo Xaaladda Soomaaliya. Kulanka 150-aad ee Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta ayaa lagu waddaa in ay kaga ha