
FAADUMO INSAANIYA: Soomaalida ku Dhaqan Swizerland haka qayb-qaataan dib u dhiska dalka
Sidoo kale, Danjire Faadumo Insaaniya ayaa intii ay xilkan haysay waxay dadaal weyn u gashay sidii ay isugu xiri lahayd dadka Soomaaliyeed ee dalka Switzerland iyo dowladda dalkaas.
"Waxaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Swizerlad ku nool ugu baaqayaa inay ka qaataan qayb weyn dib u dhiska ka socda dalka, haddii ay ahaan lahayd kaalmo dhaqaale iyo sidoo kale waayo-aragnimadooda, waayo howlaha dib u dhiska ah ee ka socda Somalia waxay haatan marayaan meel wanagsan,” ayay Insaaniya tiri intii uu kulanku socday.
Danjire Insaaniya ayaa waxay sheegtay intii kulanku socday arrin aad dadkii kasoo qayb-galay soo jiidatay oo ahayd; inaan la celin karin qof Somali oo qoxooti ku ah Yurub, marka laga reebo qofkii dambi agala, iyadoo intaa ku dartay inay arrintan u cuskanayso qodobada Qaramada Midoobay u yaalla ee dhigaya in qofka aan lagu qasbi karin in lagu celiyo meel aanu amni ka jirin.
"Qof Soomaaliyeed oo qoxooti ku ah Yurub oo aan dambi gelin meel ammaan darro ay ka jirto, waayo shuruucda Qaramada Midoobay u yaalla taas way ka soo horjeedaan,” ayay tiri danjire Faadumo Insaaniya, iyadoo hadalkaas ay si weyn ugu farxeen dadkii kulanka goob-joogga ka ahaa.
Safiiradda ayaa waxay kaloo xustay inay magaalooyinka dalka Swizerland ku mari doonto safar, si ay u dhiirri-geliso Somaalida ku nool. Dhanka kalena ay booqan doonto xabsiyada iyo isbitaallada ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed ee dhimirka la’.
Ugu dambeyn, ballan-qaadyada ay Danjire Faadumo Insaaniya sameysay ayaa si aad ah u soo jiirtay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Switzerland ku nool, iyadoo ballan-qaadyadan ay ku tilmaameen kuwii ugu horreeyay oo mas’uul dowladda federaalka Somalia ka socda uu u sameeyo.
FAADUMO INSAANIYA: Soomaalida ku Dhaqan Swizerland haka qayb-qaataan dib u dhiska dalka
Safiirrada Somalia u joogta xarunta QM ee Geneva ee dalka Switzerland, Danjire Faadumo C/llaahi Maxamuud [Insaaniya] ayaa kulan ballaaran oo ay la yeelatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland kaga dalbatay inay ka qayb-qaataan dib u