
HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO TALAADO 1-1KA SEPTEMBAR 2018-KA
Qaraxa ayaa gebi ahaanba burburiyay dhismaha xarunta Degmada Hodan iyo dhismayaasha ka ag dhow, waana qaraxii 2aad noociisa oo 7baadkii 2aad lagu wee raro xarun degmo. M/Muqdisho ku taallo
Goobaha qaraxa ku burburay ayaa wax aa ka mid ah masaajid ku dhegan xarunta degmada Hodan
Mas’uuliyiinta Maamulka G/Banaadir ayaa ku eedeeyay AlShabaab inay beeg sanayaan goobaha cibaadada sida masa ajidada. AlShabaab ayaa sheegatay ma s’uuliyadda weerarka is qarxinta, waxaa na warar lagu qoray baraha interneta ay lagu shaaciyay in qof ka mid ahaa guuta da loo yaqaano istishhaadi uu qarax ku beegsaday xarunta degmada.

Inta badan xarumaha degmooyinka ay aa ku yaalla xaafadaha rayidka degan yih iin, waxaana xarumaha degmooyinka qa ar ka dhisan masaajidado, halka kuwa kal ena ay ka ag dhow yihiin
DFS Oo Markii Ugu Horreysay Wafdi U Dirtay Shir Ka Socda K/Afrika
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr.Axmed Cali Daahir ayaa waxa uu Dalka Koonfur Africa uga qeyb galaya Shirkii 23aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Adduunka .
Shirkan ka dhacaya Dalka Koonfur Africa ayaa waxaa ku mideysan Dalladda Xeer Ilaaliyeya asha Aduunka kumidoobay ,kuwaasi oo gaaraya illaa 185 Dal,waxaana xubin ka ah 350,000 oo Xeerilaaliye.
Qodobada Shirka looga hadli doono ayaa waxaa qeyb ka ah madax banaanida Xeer ilaaliyey aasha,isla markaana Soomaliya waa markii ugu horeeysey oo ay xubin ka noqotey Shirka Xeer Ilaali yeyaasha Adduunka.
DOWLADDA JABUUTI”DP WORLD WAA KA MAMNUUC DEKADDA DOORAALE
Xukumadda Jabuuti ayaa sheegtay ineysan suuragaleyn iney shirkadda DP World ay mar kale ku soo noqoto maamulka Dekedda Dooraale.
Shirkadda DP World War saxafadeed ay 5ti bisha Sitembar soo saartay ayaa waxay ku sheegtay iney maxkamad ku taalla dalka Ingiriiska u xukuntay maamulka iyo maareynta Dekedda Dooraale ee Jabuuti iney ku soo noqoto.
Dowladda Jabuuti oo ka jawaabeysa warmurtiyeedka ka soo baxay shirkadda DP World ayaa waxay soo saartay war qoraal ah ka soo saartay
Warqadda qoraalka oo ka soo baxday xafiiska madaxtooyada Jabuuti ayaa waxaa lagu xusay, "iyada oo laga duulayo go’aanka ay horay madaxtooyada Jabuuti uga soo saartay iney gabi ahaanba maamulka iyo maareynta Dekedda Dooraale kala wareegtay maamulka Shirkadda PDSR ee maarey nta dekedda gacanta ku haysay”.
Dowladda Jabuuti ayaa waxay si cad u xaqiijisay iney DP World ay dib ugu soo laaban karin Maamulka Dekadda.
Waxay xukumadda Jabuuti qoraalkeeda ku sheegtay in maamulka marsada si buuxda looga wareejiyey shirkad maxalli ah oo la yiraahdo SJTD.
FARMAAJO”DIYAAR AYAAN LA NAHAY WADA SHAQAYNTA GUDDOOMIYEYAASHA BAARLAMAANADA…
Waxayna Jabuuti sheegtay doonitaanka shirkadda DP World ay ku dooneyso iney maamulka dekadda ay ku soo noqotao "inay tahay doonitaan aan marnaba suuragaleyn”.
Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay Shirkadda DP World oo mar kale Jabuuti ku soo laabata iney ka dhigan tahay in mar kale fursad loo siiyo inay mucaaraddo dowlad madax bannaan.
22-ka bisha Febraayo ee sanadkii hore 2018ka ayaa shirkadda DP World si rasmi ah shaqada dekadda looga joojiyey, iyada oo maamulka dekadda Dooraale gacanta ku haysay tan iyo 2006dii.
Qoraalka xukumadda Jabuuti waxaa lagu soo gabagabeeyey iney shirkadda ilaa iyo xilligaa caqabad ku ahayd horumarka dalka Jabuuti.
Waa markii seddexaad ee ay maxkamad amar ka soo saarto khilaafka u dhaxeeya Jabuuti iyo DP World.
Dekadda Dooraale waa isha dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo Jabuuti, waana halka ay shaqaalaha ugu badan ka helaan fursadaha shaqo. BBCSOMALI
MADAXWEYNIHII HORE DDSI OO LAGU JIR DILAY XABSIGA UU KU XIRAN YAHAY EE ITOOBIYA
Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa lagu jir dilay Xabsi ku yaallo Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Sida ay sheegtay Hooyadiis Maamo Deeb Mahad Colow oo ku booqatay xabsiga xilli ay raashin u waday, waxa ay tilmaamtay inay aragtay wiilkeesa oo si xun loo jirdilaayo.
Maamo Deeb oo la hadashay Tvga Universal ayaa waxa ay sheegtay in sideed nin oo aad u xoog waaweyn ay garaaceen wiilkeeda, kadibna xabsiga dhexdiisa meel jaraanjaro ah inay ka soo tuureen.
Waxa ay sheegtay inay qaylisay iyada iyo xaaska Cabdi Maxamuud Cumar oo wada socda, islamarkaana raggii xabsiga haystay ay soo eryadeen.
Maamo Deeb ayaa sheegtay in dhulka madaxa looga garaacay Cabdi Maxamuud Cumar, islamarkaaja xittaa uu gabay codkii taaha ahaa ee xanuunka.
Waxa ay ka codsatay dowladda Itoobiya in arrintaan deg deg wax looga qabto, wiilkeedana xabsiga laga sii daayo, maadaama sida ay sheegtay xanuuno kala duwan uu qabo.
Xabsi ku yaallo Magaalada Addis Ababa ayuu ku xiran yahay Cabdi Maxamuud Cumar oo dowladda Itoobiya ay xirtay Bishii la soo dhaafay.
WASIIR MAAREEYE OO DOHA KULA KULMAY WASIIRKA ISGAARSIINTA IYO GAADIIDKA QADAR
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed
Cabdi Xayir "Maareeye” oo booqasha ku jooga dalka Qadar ayaa magaalada Doha
kula kulmay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Gaadiidk Dowladda qadar.
Wasiir "Maareeye” iyo Wasiirka Isgaarsiinta Qadar Jssim Seif Ahmed alSulaiti, ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo quseeya labada dal sida xoojinta xiriirka labada dalka iyo sidii loo horumarin lahaa arrimaha Gaadiidka iyo Labada Wasaaradood.
Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa bogaadiyay howlaha horumarineed ee Dowladda Qadar ka waddo Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho,kuwaasi oo uu sheegay iney faa’ido weyn u leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed
DOWLADDA KENYA OO DIGNIIN ADAG KA SOO SAARTAY KHATARKA XARAKADDA ALSHABAAB
Gudoomiyaha dagmada Mandera ay aa digniin adag kasoo saaray in wax laga qabto xubnaha katirsan Alshabab ee dha nka qorista u qaabilsan ee dhalinyarada kunool dalkaasi uqoraya in ay xubin kanoqdaan Alshabaab.
Ali Roba gudoomiyaha dagmada Man dera ayaa dhanka kale sheegay in ciidam ada amaanka dalkaasi ay laba jibaaraan howlgaladooda ku aadan sidii wax loogu qaban lahaa dhibaatooyinkan loogeysan ayo dhalinyarada kunool deegaanadaasi.
Mudooyinkii ugu dambeeyay dhalinyaro Kenyan ah oo la’ lasanaa ayaa laxaqiij iyay in ay usoo talaabeen xuduuda ay wa daagaan dalalka Somaliya iyo Kenya si ay ugu biiraan xarakada Alshabaab.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyaradaasi maxkaxdoo da labaday islamarkaana qaar kamid ah dhalin yaradaasi ay usuura gashay in ay dib kaga soo laabtaan fikirkii Xarakadda. Alshabaab.
Dhawaan ayay ahayd markii wargeys ka the star uu daabacay warbixin ku aad an in dagaal yahanada Kenyan ka ah ee katirsan alshabaab ay hataan la kulmaya an cadaadisyo xoogan kuwaa oo qaarko od lagu eedeeyay in ay kala qeybin kus ameenayaan dagaalyahanada reer galb eed iyo kuwa soomaalida ee kabar bar da gaalama Alshabaab iyo inay jaajuus u yih iin ciidamada midowga Africa Amisom iyo dowlada Soomaaliya.
CXD IYO KUWA MAREYKANKA OO ALSHABAAB KASOO FURTAY DAD AY AFDUUB U HEYSTEEN
Warar dheeri ah ayaa laga helayaa howlgalo qorsheysan oo si wadajir ah ay u fulinayeen ciidanada kumaandooska iyo kuwa xoogga dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada AMISOM iyo kuwa Mareykanka ee howlgalada kala duwan ka fuliya gudaha dalka Soomalia .
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay howlgaladaasi iney ka dhaceen tuulooyin iyo deegaano hoos yimaada degmooyin ka Afgooye iyo Balcad oo ka kala tirsan g obalada Shabeelaha dhaxe iyo shabeel ada hoose ee Koonfurta dalka Soomaal iya. Howlgalka ayaa waxaa si wadajir ah u fulinayay Guutooyinka 1aad iyo 2aad ee ciidamada Xoogga dowladda Soomaa liya oo ka dhaqaaqay dhanka degmadda Balcad ee gobalka Sh/dhaxe, halka dhan ka degmada Afgooye ay ka dhaqaaqeen ciidamada Baangaraafta iyo kuwa Milit aryga Mareykanka oo garabka gadiidka dagaalka iyo ciidamo toos ah ka helayay ciidamada AMISOM.
Warka kasoo baxay dowladda Soom aaliya ayaa lagu sheegay howlgalkaasi in lagu soo furtay shaqsiyaad ku jiray xabsi yada Alshabaab, oo Shalaylagala ware egay tuulooyinka lagu kala magacaabo Buulo Kuunte, Baliga baaloow, kala war eega,ilaa Aseendada Aadan Seeraar.
Sarkaal katirsan ciidamada dowladda ee gobalka Sh/dhaxe oo lagu magacaabo Cali Maxamed Xasan oo hadlay Idaacada Simba xarunta M/Muqdisho ayaa faah fa ahin ka bixiyay qaabka loo qorsheeyay ho wlgalkaasi, goobaha ciidamada dowladda kuwa Amisom iyo ciidamada militaryga USA ee Shalaykala wareegeen ciidama da Xarakada Al shabaab ee Soomaaliya.
Sarkaalka ayaa intaa ku daray howlga lka in looga furtay Al shabaab hub kala duwan oo iskugu jiray qorayga PKMka, rasaasta Hoobiyaha oo gaareysa ilaa 35 Baaloto iyo ducumentiyo qoralo u badan.
Dhanka kale wax war ah kama soo bixin Xarakada Al shabaab oo ku aadan jiritaanka warkan Wali majirto cid ka ma dax bannaan oo xaqiijin karta warka ka soo baxay dowladda ee lagu sheegay in deegaano iyo tuulooyin lagala wareegay Xarakada Al shabaab, lagana helay feelal dacwado u badan.
AQALKA SARE OO SHEEGAY IN FURITAANKII SHALAY EE KALFADHIGA 4AAD SABABO AMNI DIB LOOGU DHIGAY
Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee BF S ayaa war saxaafadeed ka soo saar ay sababihii uu dib uga dhacay furitaankii Kalfadhiga 4aad oo Shalayoo Isniin ah loo bala nsanaa in si wadajir ah loogu furo Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare
Aqalka Sare ayaa ka baaqsaday furita ankii Kalfadhiga afaraad ee Baarlamaan ka, iyadoo la filayay in 2ada Aqal oo wa dajir ah in Kalfadhigooda 4aad la furi doo no, balse Madaxweynuhu uu furay kal iya kalfadhigii 4aad ee Golaha Shacabka.
Guddiga joogtada Aqalka Sare ayaa sheegay inuu go’aamiyay in sababo amni iyo kuwa farsamo awgeed dib loogu dhig ay furitaankii kalfadhiga afaraad, isla mar kaa na dib laga soo sheegi doono waqti ga uu furmayo Kalfadhiga 4aad ee Aqal ka Sare.
Sidoo kale Guddiga Joogtada ayaa wa laac ka muujiyay xaaladaha murugsan ee siyaasadeedamni iyo mida nidaamka Fe deraalka oo sii xumaanaya ee uu dalku marayo, waxaana Guddigu sheegay inuu qaadi doono tallaabooyin iyo dadaalo xa ldoon ah oo uu Aqalka Sare u marayo ma talaadiisa Dastuuriga.
JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA AQALKA SARE EE BFS XAFIISKA GUDDOOMIYAHA
WARMURTIYEEDFAAFIN DEGDEG AH
Tix:XG/189/B10/18 Taariikh 10/09/2018
1.Ugu horeyn guddig joogtada ah ee Aq alka sare ee Baarlamaanka Soomaaliy is ag oo ka tiiraanyeysan masiibadii ka dhac day Degmada Hodon ee G/Banaadir wax aa uu ka tacsi u diarayan guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeedgaar ahaan qoyskii iyo qarabadii ay ka geeriyoodeen meel kasta oo ay joogaanba waxaay ugu tacsuyenyaan dadkii manta ku geeriyoo day kuna waxyeelobay falkii arxandarrada ahaa ee lagu qarxiyey degmada hoda ee G. Banaadir. iyo dhismoyinka ku hareere ysan, waxaana uu alle ugu baryeynaa in uu u naxariisto intii ku dhimatay, intii ku dhaawacantayna uu caafimaad degdeg ah siiyo.
2.giddig joogtada ah ee Aqalka Sare waxaa uu ku go'aamiyey kulankiisii ma anta 10 Septembar 2018 in dib loo dhig ay furitaankii kalfadhiga4aad ee Aqalka Sare Sababo la xiriira Amni iyo kuwo fars amo awgeed. waxa uuna dib ka soo sheegi doonaa waqtiga uu furmayo kalfa dhiga 4aad ee Aqalka Sare,
3.sidoo kale guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare waxuu walaac ka muujina yaa xaaladaha murugsan ee siyaasadeed , amni iyo midda nidaamka federaalka oo sii xumaaneysa ee uu dalku marayo. si daas darteed waxa uu guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare go'aamiyey inuu Aqal ka Sare qaadi doono tallabooyin iyo dada all xaldoon ah kuwaas oo uu Aqalka Sare u maraayo Matelaadiisa Dastuuriga ah
==Dhammaad==
KM0 Degmada Shibis Banaadir Muqdisho Somaliya Lnadline:2526
6143620 moble: 2526615519350
FAISA
MAXAMAD OO KA MID NOQOTAY XILDHIBAANADII KU GUULEYSATAY XISBIGA VÄNSTERPARTIET
EE ÖREBRO SWEDEN
Tartan adag oo dheero maalmo badan qa atay kadib waxaa Dorraad 992018 la soo gaba gabeeyay doorashadii Sweden, halkaaso Faisa Ma xamad ay ku guule ysatay xubin nima da Golaha Degaan ka Magaalada Öre bro ee dalka Swed en ayadoo ku tart ameysay xisbiga Västerpartiet oo ah Xisbiga Bidixda.
Halmbalyo, Hambalyo, waxan Allaha kaa ga baryeyna ariimaha badan oo ku hor yaalo inuu Allah ku fududeeyo
GUULEYSO .{Hassan Osman Örebro Sweden
MADAXWEYNE FARMAAJO OO FURAY KALFADHIGA 4AAD EE GOLAHA SHACABKA BAARLAMAANKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
: Madaxweynaha JF.Soomaaliya Md. Max amed C/hi Farmaajo oo furay kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka JFS ayaa ka tacsiyeeyay dadkii rayidka ahaa iyo askar tii ku shahiiday falkii argagixisanimo ee sa aka ka dhacay Xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Madaxwaynaha ayaa khudbad uu u je ediyey Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa uu ku bogaadiyey shaqooyinkii muh iimka ahaa ee ay qabteen intii ay socd een kalfadhiyadii hore, isagoona ugu ba aqay in ay sii dardargeliyaan dadaallada as, ansixiyaanna sharciyada, xeerarka iyo siyaasadaha qaran ee wali horyaalla.
"Dalkeennu wuxuu ku jiraa geeddiso cod siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo bul sho. Qof kasta oo inaga mid ahna mas’uu liyad ayaa ka saaran arrimahaas oo ay ta hay in dhammaan laga soo wada dhala alo.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbi xiyey dadaallada ay ku bixisay DFS dib u habaynta garsoorka, kobcinta dhaqaal aha, la dagaallanka musuqmaasuqa, dib u eegista dastuurka, kor u qaadista fursa daha shaqo ee dhallinyarada iyo hagaajin ta nidaamka hufnaanta maaliyadda oo fursad u siinaya Soomaaliya inay dib ugu xirmato hay’adaha dhaqaalaha adduun ka.
"Dhammaan shuruudihii muddadooda la gaaray ee ku xirnaa cafiska daynta waan ku guuleysannay, taas ayaana sababtay in Midowga Yurub uu inoo ballanqaaday taageero miisaaniyadeed oo gaareysa $120 milyan.” Madaxweynaha ayaa tilma amay in shirkii Madasha iskhaashiga So omaaliya ee Brussels ay ka soo baxeen natiijooyin kaabaya shirkii Golaha amniga ee horraantii Juun ee sanadkan ka dhac ay M/Baydhabo, halkaas oo lagu saxiixay hannaanka doorasho iyo kheyraad wad aag ee dalka.
Mdaxweynaha ayaa la wadaagay Mu daneyaasha Golaha Shacabka dowrka Soomaaliya iyo dadaalada ay ku bixinay so dhiiri galinta isdhexgal dhaqaale iyo mid bulsho oo ka hana qaada Geeska Afrika. "Waxaa guul inoo ah in aanu bil ihii na soo dhaafay dadaal ku bixinnay si dii loo dhammeyn lahaa isfaham darradii ka dhex jirtay waddamada Gobolka, taas oo miradhalkeedu noqday in dalalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Eriteree ya ay isfaham ka garaan xurguftii ka dhax eysay. Waxaan soo xirnay albaabkii u da mbeeyay ee isfaham darrada dalalka gob olka, waxaan u gudbeynaa marxalad isk aashi iyo wax wada qabsi.”
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay sha cabka Soomaaliyeed inay xoogga saara an dibudhiska dalka, dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta kaabeyasaasha dhaq aalaha, iyadoo loo marayo barnaamijka isxilqaan oo aasaas u noqonaya in Soo maaliya ay cagaheeda dib ugu istaagto, waqti kooban gudihiis.
"Ummad walba waxay horumar iyo barwaaqo ku gaartaa markay isku tasha to, wax wada qabsato oo gacmaheedana ku hagar baxdo, sidii ay Soomaali hore u tiri biyo sacabadaada ayaa looga dharg aa.” Md.Famajo JFS ayaa tilmaamay qaar ka mid ah mashaariicda hor umarin eed ee lagu hirgelinayo Barn aamijka isxil qaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhisi dda dugsiyadda, waddooy nka, goleyaa sha murtida iyo wacyigalinta, jard iinooyin ka iyo kaabayaa shadhaqaal aha ee guud ahaan dalka. DHAMMAAD
CALI GACAL OO RIYO KU TILMAAMAY SHIRKII MADAXDA M/GOBALEEDYADA EE KISMAAYO
Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarla maanka Maamulka Galmudug oo maan ta ka hadlayay furitaanka kalfahiga 4aad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Kismaayo uu yah ay mid aan wax wadatashi ah laga sam eyn.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in shirkii Madaxda Maamul gobaleedyada uu yahay mid lagu kordhin ayo dhibaatooyinka ka jira deegaanada galmudug,waxaa uuna shirkaasi ku tilma amay mid ay ku riyoodeen.
MAAMULKA DEGMADA HODAN OO KU DHAWAAQAY DIBU DHISKA GOOBIHII KU BURBURAY QARAXA
Saacado ka dib markii weerar ismiida amin ah lagu qaaday Xarunta Maamulka degmada Hodan ee G/Banaadir ayaa gud doomiyaha degamdaas waxa uu oo ku dhawaaqay dibu dhiska Goobihii ku burb uray qaraxa
Guddoomiyaha degmada Hodan Cabdi Xakiin Dhagajuun ayaa marka hore tacsi u diray Ehelada Dadkii ku waxyeelloobay Qaraxii ka dhacay Degmada Hodan, shaq aalihii iyo shacabkii kale ee goobta ku sugnaa. Sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan Maamulka iyo Shacabka ay si wadajir ah dib ugu dhisayaan Goobihii ku bur buray qaraxa,sida Xarunta degmada iyo Masjidka.
"Dadka ku dhaqan Degmada Hodan oo isku duuban waxa ay dib u dhisi doonaan Masaajidkii, goobaha ganacsigii iyo Xar unta Degmada ee argagixisadu burburi say ayuu yri Md. Dhaga Juun isagoo had alkiisa raaciyey, shacabka hodan waxa ay muujin doonaan in aysan u liicayn falalka ay Alshabaab ayuu yiri Guddoomiyaha.
Mudo Toban Cisho gudahood ah ayaa waxaa weerar ismiidaamin ah oo dada ba dan ku dhinteyn waxa lagu qaaday Xar umaha degmooyinka HowlWadaag iyo Hodan ee Gobolkan Banaadir.
GUDOOMIYE YARIISOW OO KA HADLAY QAR AXII KA DHACAY DEGMADA HODAN.
Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan Yari isow Gudoomiyaha gobolka Banaadir ah na Duqa Muqdisho oo Shalaymarka uu dhacay qaraxa kadib gaaray xarunta deg mada Hodan ee la weeraray.
Sidoo kale gudoomiyaha gobalka ban adir ayaa sheegay in Qarax loo adeegs aday gaari laga soo buuxiyay Waxyaaba ha Qarxa, kaasi oo lagu dhuftay albaabka hore ee xarunta degmada Hodan.
Gaariga qarxay ayaa waxaa la sheeg ay inuu xoog ku soo jiiray Barkontarool oo ka mid ah Meelaha laga ilaaliyo Xarun ta degmada.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii daga alamayaasha Alshabaab ay weerar ku qaadeen Xarunta Maamulka degmada Howlwadag ee G/Banaadir
Guddoomiye yariisoow ayaa u tacsiyad eeyey dadkii ku geriyooday kuwii ku dha wacmayana u rajeeyey in alle caafimaad siiyo gudoomiyaha sheegay in loo baah an yahay in nabadgalyada laga wada qe yb qaato meelna looga soo wada jeesto kuwa dhibaateyna ummadda.
CABDI MAXAMUUD CUMAR OO LAGU JIR DILAY XABSIGA UU KU XIRAN YAHAY
Maamo Deeb Mahad Colow oo ah hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxa ay sheegtay in wiilkeeda lagu jir dilay xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Waxa ay sheegtay dhacdadaasi inay la kulantay xilli iyada iyo xaaska Cabdi Maxamuud ay raashiin geeyeen xabsiga, islamarkaana ay aragtay wiilkeeda oo Sideed nin ay garaacayeen, kadibna laga soo tuuray jaranjaro ku taalla xabsiga gudihiisa.
Waxa ay sheegtay inay qaylisay iyada iyo xaaska Cabdi Maxamuud Cumar oo wada socda, islamarkaana raggii xabsiga haystay ay soo eryadeen, sidoo kale waxa ay tilmaamtay in dhulka madaxa looga garaacay Cabdi Maxamuud Cumar, xittaa uu gabay codkii taaha ahaa ee xanuunka.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayay ka codsatay in arrintan deg deg wax looga qabto, wiilkeedana xabsiga laga sii daayo, maadaama sida ay sheegtay xanuuno kala duwan haayo.
uu qabo.
BAHDA ISBOORTIGA SOOMAALIYEED OO KULAN BAROOR DIIQ AH U SAMEEYSAY HALYEEYADDAQARANKASOOMAALIYEED SACIIDO ABUKAR NUUR (WARIIRI) KAA SOO KA DHACAY M/MUQDISHO+SAWIRRO+
Waxaa Dhawaan Hotelka Makah Al Mukaramah ee M/ Muqdisho lagu qabtay
kulan loogu baroor diiqayay Alle ha u naxariistee Laacibadii hore ee xulka qaran ka Soomaaliyeed
ee kubadda Kolayga Saciido Abuukar Nuur ( Saciido Wariiri) oo 4ti Bishan
September ku geeriyooday dalka Canada. Kulankan oo ay qabanqabadiisa iska kaashadeen Xarunta Talo Soo jeedinta
Soomaaliyeed, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Bahda Isboortiga waxaa kasoo
qayb galay masuul iyiinta Xarunta oo bahda isboortiga qayb ka ah, Masuuliinta
GOS, Madaxda Xir iirada, Wasiiro horey xilal uga soo qabtay Isboortiga, Xil
dhibaano heer Federal iyo Heer Maamulgoboleed, macallimiin , garsoorayaal,
Ciyaartoy iyo taageerayaashii hore ee Isboortiga.Gabdhihii hore ee K/Koleyga
iyo kuwa xiyada dhawba ugu hor eyn waxaa lagu furay aayado khur’aanka karimka
ah oo uu halkaa ka akhriyey halyeey Cabdi Guuleed oo billad dahab ah ka soo
hoyaye cayaaraha caalamig ah oo ay soomaaliya ka qeyb gashay sanad 70tameeyadii
sidoo kale waxaa kulankaa baroor diiqda halyeyad Saciido Wariiri looga tacsiy adeynayey ehelkeeda iyo axsaabta isboortiga kaalinta taariikhdeeda laacibiintii ho re iyo masuuliyintii hore wax ka yaqaaneen ka hadleen ugu horeyntii Gureey Xaaji oo ahaa ciyaartoydi hore ,haatana ah gudoomiyahah golaha tala soo jeedinta soo maaliya ahna maamulaha guud ee hotel makka al mukarama waxaa uu hadalkiis ku bilaabay sida tan:
dhammaan ka soo qeybgalayaasha kulankaa waxaan ku salaamayaa ASC Waraxmatulaah Wabarakaatu ,marka xiga, waxaan aniga ka mid ahaa xiligii wariiri soo galeysay waaan ka mid ahaa mid wax ka ogaa waxaayna aheyd mid mataal wanaagsan ku leh dalka xagga dadaalka iyo wax qabadka waxaay aheyd gabdhii ugu horeyey ee wax badan soo qabatay oo aasaasayaashii isboortiga xagga k.kkolay door weyn ka qaataday waxaayn ahed qof lagu daydo soona saartay jiil asha k.koleyga waayo iyada ayaa looga dayday gaar ahaan gabdhaha wilashan waxbay ugu qabatay aqoonteed is boorti iyo qiimaha isboortiga maanta waxaa yna ugu tacsiyadeynayaan dhaammaan ehelka iyo axsaabta ay ka tagtay gaar ah aan wilkeeda yar .
dhinaca kale C/raxmaan Nuur Maxamed {Diinaari} danjire ka soo noqday dal ka Halkaana ka sheegay taariikhda Marxuumad hayeeyad Saciido Wariiri ayaa yi ri:waxaan aheyna saciido iyo aniga Deris oo isku xaafad baan wada deganeyn waxaay aheyd qof xagga tacliinta iyo dadnimada ka dhisan qof af gaaban walibna firfircoon loona baa han yahay in si weyn loo xusuusto maadaama kuwa lagu day do ay ahe yd waliban ciyaarto xagga k.kolayga iyo laliskaba ciyaari jirtay alle ha u naxariisto ehelkedana samir iyo iimaan alle haka siiyo.
dhinaca kale Saciid jaamac cali Qoorsheel oo ahaa kabtankii xulka qaran K/K oleyga Soomaaliyeed ahaana wasiirdowladii hore soo maray haddan ah G. xige engolaha tala so jeedin tasoomaaliyeed waxaana uu tacsiyey ugu horeyn qoyskii iyo qaraabadii ay ka tagtay iyo bahda isboortiga soomaliyeed waxaan uu halkaa ka soo jeediyey Aasaaskii k.kolryga soomaaliya inay door weyn ay ku laheyd wax aan uu yiri Maanta waxaan u fadhinaa tacsi waxaana ay tahay in loo Qushuuco maadaama xubin muhiim ah inga baxday waxaan kaga mahad celinyaa ka soo qeyb galayaasha guud ahaan waxaan aasaasayaashii isboortiga dalka gaar ah aan k.koleyga waxaa ka mid ahaa C/qaadir Ibraahin abkoow ,Cabdi guuleed dhinaca Adleetigada kaalin qaran ku guuleystay, masuuliyiinta dalka soo qabatay oo uu wasiirkii hore uu ka mid yahay Md.Aadan Maxamed Cali SaciidoAbuukar Nuur {Saciido Wariiri} oo Aasaasayaasha gabdhah . k.koleyga , Lalisaka iyo adle etikada ka mid aheyd ay waliba soo bilowday 1969kii ilaa 1984 tiina soo gaartay gaartay , waxaana cajiib ah in ay xilli dheer ku jitay ciyaaraha K.Koleyga waxaay taa ku tuseysaa in ciyaartu weynaan iyo yaraan leheyn oo natiijo laga hoyn karofursadna u heystan gabdhaha Cayaara,Saciido Wariiri ciyaartii ugu horeysay ee qaran waxaay u aaday saciidodalka masar waxaana gabdhihiiamiira cali hagareey,baraxoow, waa badannaye en waxaayn aheyd kuwoo ka duwan dadka kale maadaama ay dadka ciyaa ra ay yaraayeen magaaladan dadku way ku yaraayeen waxaan ay lahaaye en xushmad gaara maadama ay qaran ka matalayeen, waxaan loo baahan yah ay in la xuso xilli karta dadka qeybta ku lahaa asaaska isboortiga nocyadiisa ka la duwan waxaana codsanayaa in la he lo xarun lagu magacaabo maadama qeybaha isboorti ee dalka ay badan yihiin waxaan jeclaanlahaa in lagu xuso si loo xusuusto waxaan jeclahay ciyaartoyda dalka iyo dibaddaba inay u sameeyaan xus iyadoo aan soo jeedin lahaa meeshii ay ciyri jirtay lagu maamuuso waxaan garoonka isdadio muqdisho oo qeybo ba dan leh in qeyb ka mid ah in lagu magacaabo taasi waa iga codsi qaasatan halka ay ka ciyaari jirtay.
dhinaca kale saciid qooorshel ayaa ka dhawaajiyey in dalkaan garoonkii ugu horeeyey waxaa lagu dhisay iskaa wax u qabso waxaana la iska jari jiray lacag yar oo isboortiga lagu hormarin jiray waxaana ay saciido mudan tahay in meel la gu magacaabo maadaama ay aheyd ciyaartoydii k.koleyga gabdha lagu aas aas ay haddan ahed middii ku jitay muddo dheer iyadoo haatanba ku howlaneyd isboortiga
. sodoo kale waxaa mudan inaan isugu imaanay jaceyl aan u qabno walaa sheen inagoo isboortiga qeybihiisa kala duwan ah waad arkeysaan hoowleey inuu goob joog ka ah baroordiiqda waliba isagoo gacata la hayo wuxuun yahay nin can ah oo taageerayaashii hore hana wali u taagan is boortiga 83jir waaye ,taageerayaashii ugu horeyey ayuu ka mid yahay sidoo kale wasiirki xiliigii sac iido kubaabada ciyaareysay maamulayey ayaa haatan ka mid ah dadka u baroord iqaya waanaMd. Aadan Maxamed Cali oo Dowladii hore qeybo badan masuuliyad ka qabtay ahaana xilligaa wasiirka isboortiga dalka , iyadoo qeybaha kala duwan ee noocyada ciyaaraha dalka aanan lookala harin baroordiiqda Saciida Abuukar Nuur Wariiri oo ah halyeyada isboortoga xusuusta qaaliga ah ku leh waxaan ugu tacsiyeyneynaa ehelka iyo axsaabtaba iyadana jannada fardowso alle haka war aabiyo. aamiin aamiin
dhinaca kale C/dir gacal Abkoow ayaa ka taariikeeyey wariiri iyo halgankeeda isagoo halkaa ka soo jeediyey xusuus hore ee dhinaca aasaaska xiriirka k.koleyga so omaliya ayuuisagoo bug ka hadlaya taariikhda dalka ee dhiancyada isboor tiga uu yiri” Macalin kaan waa masaari, waxaana xiligaa macali u ahaa tabbarka bilaabayey Gabdhaha W/Wasaarihi xiligaa CabdirashiidCali Sharma arke wux uuna soo galay xerada waxaana uu macalinka weydiiyey waxa uu sameynayo wu xuuna yiri kubad ayaan ciyaarsiinayaa gandhaha , R/Wasaarihii dalka wuxuu yirisurwaal dabagaab miyaad u geleysaa? macalinkii wuxuu yiri haa rW.ayaa yiti taasi diinteena ma qabto waana la kala dirayaa gabdha shabaqana waa la furayaa.
waxaa ka dib dadaal loo galay sidii arrintaa waxlooga qagban lahaa Md.xuseen kulmiye afrax ayaan la hadalnay wada hadal ayaan furnay oo mudo 5saac ah so cday ka dib waa la oggolaaday waxaana lagu bilaabay garoonka SaciidoAbuukar Nuur Wariiri iyo Gabdha kale waxaay aheyd gabdhihii lagu aas aasay ee Dugsiga Dhexe Mediya Talyaani haddana Loo Bixiyey Axmed Cabdalla waxayna 1969kii ayaan xulka qaranka ayey u wareegtay aniga ciyaartoyna waa wada noqonay had dan macalina waan u soo noqday waxaana Sarxaan iyo iyo Riingo oo taageere weyn ahaa waxaana gaarnay heer ah in ninkii guursanaayo aan ka warqabno, Saciido marka waxaa uu yahay isboortiga Mideye waxaana hadda naga maqan Eeg Bogga 6aad
BAHDA ISBOORTIGA SOOMAALIYEED OO KULAN BAROOR DIIQ AH U SAMEEYSAY HALYEEYADDAQARANKASOOMAALIYEED SACIIDO ABUKAR NUUR (WARIIRI) KAA SOO KA DHACAY M/MUQDISHO+SAWIRRO+Ka Yimid Bogga 5aad
Midnimadii isbortiga haddaan Saciido
oo kale ma soo baxayso , Axmed Xaaji Nuurma soo baxayo , Nasroo kale, Saciid Qoorsheel
oo kale ma soo baxayo gabdhaan hoteyda
fadhiyo iyo wiilashaan oo kale ma soo baxayaan ayuu yiri Md. Abkoow isagoo
intaa ku daray horumarka sacido, qeyb ayuu ka ahaa oo ciyaar aha ka qeyb geliyey Cabdulqaadir Baarajab isagana oo ahaa dadkii wax weyn u soo qabtay haddan
meel uu ku magacaaban yahay oo lagu xusuusto dal ka aysan ku oollin ,taasina waa nasiib darro hadda saciido wiil bay ka tagtay , waxaana
gabdhiina maanta jooga idinka rabnaa in aad is aruursataan si kuwa cusub loo
helo isboortigu ma laha qabiil iyo
kooxeysi gaar ah waa midnimada ummada wax aan hadda dalka ka jirto 4.5 ma Aqaano
Meesha laga keenay ma jirto qofkala jeexan waxaad dhihi doontaa abkow muxuu ka
wadaa , hadaan soo xusuusto 10kan gabdhood ee lagu aasaasay isboortiga dalka in ay ahaayeen gabdho so om aaliyeed kuwaasoo akala ahaa Shamsa, oo hiiraan ka
timid raasina waxaay ku tu seysaain qabiil lagu xirneyn Shamso , Saciido waririi , Dahabo baraxoow, Caasha
Carabeeti, Faadumo , Ruqiyo , Saalaxo Xabiibo Cali Aadan Cabdulaahi ceynab, waxaana xulkaas ay safar u tageen 15kii Sabtemb ar 1968dii iyagoo ka qeyb galeen tartankii ugu horeey ee
soomaaliya ay ku mat alayeen waxaana ka dib la aas aasay wiilasha
K.Kloeyga sanadkii 1970kii ayuu yiri Md. Abkoow
Dhinaca kale Abkoow ayaa intaa raaciyey " Maamed sheekh ayaa inoo joogo oo tabare ah Baskeydkeena waxaa lagu dhisi karaa 6 bilood ,maskax waan he ynaa aan 3 magaalo xeryo laga dhiso si looga maarmo ayaa kala ah { buulabardo 90 km , Beydhabo 90 Km iyo 90 Galmudug meel ka mid ah oo magaceeda aanan heyn oo 90 Km kale ah waxaan rabaa inan Saciid iyo Diinaari iyo Aniga isk waayoo dhul waan qabnaa tababar ku wanaagsan rajo ayaan leeyahay lagu hour marin karo waayoo maanta 25 jir ayaan u dhigmaa intaan oo halgamaal ah oo I ho rjoogto darteed ayuu yiri md. abkoow oo aad ugu dheeraaday halyeyad wariiri warbixinteeda iyo dadaalka horumatinta isboortiga isagoo ku guubaabiyey inta ho wsha heyso in ay waqabad la yimaadaan , isagoo halkaa ka soo jeediyey halgam aayshii horumariyey isbortiga dalka, iyo sida ay ugu qeyb qaateen gancasato uu sheegay inay ka mid ahaayeen kuwaasoo uu ka xusay Xuseen Malaboow nin la yiraahdo haatan garaash ku leh ka soo horjeedka Garoonka K.Cagta ee Sdaio Conis oo kabo iyo funaanado Maalyado ah ayuu inoo soo gaday, waana na taak uleyn jiray sidoo kale Aadan Kuukaay oo cidamada madax ka ahaa ayaa isag an kabo iyo mantato iyo funaanado ina siin jiray iyadoo inagana ciidamada aan u tababari jirnay isagana na qalabeeyey jiray ,marka iskaa wax u qabso ayaan ku soo dhisnay dhallinyarooy Dalka marka dalkiina dhista dhalinyarnimadu ma sii jreyso waxaana maanta weynay Saciido Wariiri waxaana idiin Rajeynayaa inad noqotaan Saciidayaal badan, Alle ha u Naxariisto Saciido Jannada Alle Haka War aabiyo Ehelka iyo Axsaabtana Samir Alle inaga wada siiyo iyaada gad aashee da alle nama fidneeyo ayuu ku soo Gunaanada warbixitiisa dheereed Md. Abko ow Wuxuuna kulanka uu ku soo bandhigay buugaag laga qoray taariikh nololee dkeedka oo uu qoray mid ka mid ah Axmed Maxamuud Dhicisoow Buuga GOOL oo dib loo Habeyey iyo buugaag kale oo ciyaaraha dalka lagu qoray ee ber isam aad kii la qoray Alle ha Naxariistee halyeeyad Qaran saciido Nuur Abuukar , guu laheeda, kartideed iyo xirfadeed ciyaareed heer Naadi iyo Heer Qaran.
Dhinaca kale Maxmed Sh Afweyne oo ka mid ahaa dadkii sida qiirada leh sac iido Wariiri baroordiiqdeda ugu hadlay isagoo sheegay inuu yahay ciyaartow hore haddana ah macalin dalka qadar koox ku haya kuna shaqeysta xirfadiisii hore ee k. koleyga, waxaan uu sheegay in saciido dibadda intey ku sugneyd ay xiriir dhaw ee xagga horumarinta isboortoga isla wadeen walibana inay gacan ka siiso kaliya ku koobtay maadaama ay howlo badan heyso ayna jeceshahay in isboortiga soomaaliya la horumariyo. Dhinaca kale wuxuuna sheegay inay aheyd mid siweyn dadka u qadariso la na taliso waxayaha ay xirfad u leedahay aanay cidna ka hagran walibana uu she gay Maxamed Sh. inay 3 bilood Caruurtiisa ay heysay markii uu galay dalka holan inta gurigeeda ii baneysay ayey aniga na marti gelisay xag isboorti ahaan waayoo qabiilnimo iguma aysan qaabilin, anigu qabilkeyga waa somalita waa is borti mar ka geerida saciido aniga si qaas ah ayey ii taabatay waxaayna kat agtay wiil 15 jir ah waana u tacsiyadenayaa dhaammn ehelka iyo qaraabada waxaana ku xusay aa inaan tartan isboortio abaabnulo oo 2 koox tartan xuska saciido aan arbacada ku xusno oo wiilal iyo gabdho lehanigoo garabsanayo bahda isboortiga dalka .
Dhinaca kale Gabar Ciyaaryahanad soomaaliyeed oo xiligii Wariiri ee Garoo mada la gashay ka alin ku laheyd iyana horumarinta isboortoga oo la gu magaaco Xabiibo Cumar Warsame {Xabiibo yareey} oo Naadiga Somalita u ciyaari jirtay ayaa ka tariikeysay iyadoo sheegtay in Saciido Abuukar Nuur {Saciido Wariiri} ay ehyed qor xirfad wanaagsan leheyd, ixtiraam badan oo haddanayd isku kalsoone yd waxaayn ugu tacsiyeysay guud ahaan bahada isb oortiga soomaaliyeed iyo qo yskeeda iyo wiilkee da waxaayn alle ugu bariday inuualle qabrigeeda u nuuriyo inaga naga samir siiyo .
sidoo kale xabiibo yarey oo ka mid aheyd laacibiintii berisamaadka ayaa wax aa ay ka soo qeybgashay Baroordiiqdii Saciido Wariiri waliba iyadoo Xanuunsan oo la garba galaayo muddan jirraneyd, waxaayna masuuliyiinta iyo ciyaartowda soo maaliyeed ka codsatay in wax loo qabto xagga caafimaadkeeda iyo noloshe eda iyadoo sheegtay in wiilka kaliya ay dhashay uu hadda qurbaha galay ayn nolo iyo daweyn u baahan tahay. waxaayan sheegtay inay ka baaqsan weyday bar oordiiqda jaceyl bahada isbooortiga ay u qabto awgeed iyo qiimaha wariiri ku lee dahay bahda isbortiga dalka
Xabiibo Yareey ayaa waxaa masuliynta iyo laacibiintii hore ballan qaadeen in wax loo qan doono walibna soo jeediyeen in dadka dhibaateysan oo xanuuns ana ya wax loo qabto laguna dadaalo xannaneyntooda dadkajiran ama dhib aateysan isboortiga oo ah kuwa badan hase eyeeshee in loo gurmado dadkaa hal kaa si weyn loogana hadlay dhanka kale kulnakaa ayaa ahaa mid ka qeygalayaa sha badankooda ay ka hadleen Ibraahin Cali Roombe, Xiriirka K.Koleyga , Cumar Aweys Nuur {Dacas,} Caasho Xasan {C.Taraafiko}, Khadiijo Aadan Xiriirka C. Fuduud, iyo kuwo kale ayaa baroordiiqda Saciido abuukar Nuur {Wariiri }oo ahe yd gabar taarikh fog ku leh bahda isbooort oga dalka loona baroo rdiiqi doono arbacada berri ah insha allaah.
Sidoo kale masuuliyiinta goobta ka hadlay oo u badnaa kuwa lasoo ciyaaray, kuw, soo tababaray kuwa soo maamulay heer Naadi , heer qaran iyo heer Dowlad iyo taageerayashi u sacabo tumi jiray ayaa dhamaan muujiyay qiimahii ay Isboortiga ku lahayd saciido Wariiri Alle ha unaxariistee waxaana waxyaabaha ay ka xuseen ka mid ahaa in ay mid ahayd gabdhihi ugu horeeyay ee kubad Kolay ciyaara iyo xulkii ugu horeyey ee Kubad kolay dalka haaddana ahyed midda ugu waqtiga dheereyd ee ciyaarta K.Koleyga iyo Laliskaba
Gabdhii ka soo qeyb galay kulanka Baroordiiqda waxaa ka mid ahaa Mulki Nuur Muudey,Geeddiyo Cali Abshir,Faadumo Aweys, Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto}, Shro Xasan Socdaal,Xabiibo Cumar Wrsame {Xabibo Yareey},Nadiifo Sh. Abuuk ar,Xaliimo Sacdi Sh.Cumar Taargeerayasha caanka ah ka mid ah, Caasho Cas an,{CaashoTraafiko}, Deeqo Cali Food ,NadiifoIsmaan Tuuryare, Nasro Maxamuud {N.Eelaayey}, iyo Kadiijo Adan xiriirka Ciyaaraha Fudud ee soo maaliya dham maan iyagoo si wada jir ah ugu tacsiyadeeye halyeyada Saciido Abuukar Nuur Wariiri geeridii ku timid allena uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo ehalkeeda iyo iyo nagana samir inaga wada siiyo madam ay inaga bax day
Aamiin Aamiin.Aamiin Dhammaad Dhammaad
{W/Diyaarisay Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto}
HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO TALAADO 1-1KA SEPTEMBAR 2018-KA
ILLAA 7 RUUX OO KU GEERIYOOTAY QARAXII ISMIIDAAMINTA EE XARUNTA DEGMADA HODAN ugu yaraan 7 ruux ayaa ku geeriyootay qarax ismiidaamin ahaa oo saaka barq adii lagu qaaday xarunta degmada Hodan ee M/Muqdisho. Weerarkan ayaa yimid, ka dib markii gaari