Indonesia: Shinni ku qasabtay Diyaarad in duulimaadkeeda dib u dhaco

0
Wednesday January 06, 2016 - 18:20:44 in Wararka by
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Indonesia: Shinni ku qasabtay Diyaarad in duulimaadkeeda dib u dhaco

    Diyaarad laga leeyahay dalka Indonesia ayaa dib uga dhacday waqtigii ay duuli laheyd, kadib markii mid ka mid ah matoorada diyaarada ay dhex gashay Shinni.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarad laga leeyahay dalka Indonesia ayaa dib uga dhacday waqtigii ay duuli laheyd, kadib markii mid ka mid ah matoorada diyaarada ay dhex gashay Shinni.

Diyaaradan oo ay leedahay Shirkadda lagu magacaabo Garuda Indonesia ayaa muddo afar saacadood dib u dhigtay duulimaadkeeda, markii duuliyaha diyaarada uu dareemay inay cilad jirto.

Afhayeen u hadlay Shirkaddan oo lagu magacaabo Benny Butarbutar ayaa sheegay in baaritaan la sameeyay lagu ogaaday in mid ka mid ah matoorada diyaarada ay dhex gashay Shinni, sidaas ay diyaarada saacado dib ugu dhacday.

Duulimaadka Diyaaradan oo ahaa GA197 ayaa ku sugneyd garoonka diyaaradaha ee Kualanamu ee waqooyiga Gobolka Sumatra, gaar ahaan xarunta Medan, waxayna ku sii jeeday Caasimada Jakarta,

Garuda Indonesia

Arrintan ayaa waxay noqotay hadal heynta ugu badan ee dalka Indonesia, in muddo saacado ah ay diyaarad hakad u gasho Shinni dhex gashay mid ka mid ah matoorada diyaarada.

Labadii sano ee u dambeeyay ayaa waxaa Caalamka daafihiisa ka dhacay shilal diyaaradeed, waxaana shilalka ugu badan saameeyeen diyaarado laga leeyahay Qaaradda Aasiya, gaar ahaan shirkadda Diyaaradaha Malaysia Airways oo labo jeer dhacday sanadkii 2014.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip