HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 10-KA SEPTEMBAR 2018-KA

0
Monday September 10, 2018 - 09:46:50 in Wararka by
  • Visits: 674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 10-KA SEPTEMBAR 2018-KA

    MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO FURAYA KALFADHIGA AFARAAD EE GOLAHA SHACABKA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah u furaya kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO FURAYA KALFADHIGA AFARAAD EE GOLAHA SHACABKA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah u furaya kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Golaha Shacabka. Sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya Madaxweynaha ayaa furaya kalfadhi kasta oo ay yeelanayaan Golayaasha Baarlamaanka dalka.

 

Kulankan waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, dhammaan xubnaha Baarlamaanka iyo xubno ka socda Beesha Caalamka, sidoo kale kulanka waxaa la filayaa inuu ka qeyb galo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah xildhibaan sharafeed, kadib markii bishii hore dhammaadkeeda uu dib ugu soo laabtay dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu halkaasi ka jeediyo khudbad ballaaran oo uu kaga hadlayo xaaladda Soomaaliya iyo mudada ay jirto dowladda uu Madaxweynaha ka yahay waxyaabaha u qabsoomay.

Baarlamaanka Golaha Shacabka oo fasax galay 10kii bishii July ee sanadkan balse maanta dib isugu soo laabanaya ayaa waxaa hor yaalla sharciyo kala duwan oo muhiim u ah dalka, kuwaasi oo u baahan in la meel mariyo

GANACSADE LAGU DILAY KISMAAYO & WARARKII U DAMBEEYEY

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dil gelinkii dambe ee Shalay oo Axad ah ka dhacay duleedka Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose Dowlad goboleedka Jubbaland.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacal meel u dhow deegaanka Dalsan oo dhawaan uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyey laba maleeshiyo,waxaana ruuxa la dilay ka soo baxaya Warar kala duwan.

Dad ku sugan Kismaayo ayaa Radio Dalsan waxa ay u sheegeen in qofka la dilay uu ka mid ahaa Dadka dhuxusha ka Ganacsada,in kastoo weli aan si dhab ah aan loo cadeyn.

Laamaha Amniga Jubbaland weli kama hadlin dilkaas Shalay duleedka Magalada Kismaayo loogu geystay Ninka Ganacsadaha ah,balse deegaankaas ayaa waxaa dhawaan gaarey Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Jubbaland kuwaas oo kala dhex galay beelo dagaalamay.

DUQA MUQDISHO OO DHAGAX DHIGAY MASJIDKII KU BURBURAY QARAXII XARUNTA HAWLWADAAG

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa shalay dhagaxdhigay Masaajidkii iyo Dugsi Quraanka Degmada Hawlwadaag ee dhawaan ku burburay weerarkii lagu qaaday xaruntra degmada Hawlwadaag.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in goobahan cibaadada lagu dhisayo barnaamijka Isxilqaan ee uu dhaqan geliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo).

Mudane Yarisow ayaa tilmaamay in Al Shabaab ay isku dayayaan inay dibuceliyaan Caasimadda, balse aanay taasi marnaba dhici doonin, maadaama shacabka Soomaaliyeed u taagan yahay horumarka iyo difaaca dalkooda.

"Carruurtii dhiganaysay dugsi Quraankan oo qaar ka mid asxaabtoodu ay ku nafwaayeen weerarkan bahalnimada ah, waxa ay isla maalintii xigtay qaraxa, dhexda u xirteen in ay dib u hagaajiyeen dugsigooda, waana farriin muujinaysay in aan argagixisadu ishoristaagi karin hiigsiga iyo himilada shacabka Soomaaliyeed, carruur iyo cirroolaba, waxaan tusaynaa in innagoo wada jir ah aan dib u dhisno Masjidkii, dugsi Quraankii iyo Xarunta Degmada.”

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintey weerarka, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in meel looga soo wada jeesto Al Shabaab.

SAFIIRKA SOOMAALIYA EE K/AFRIKA OO KA HADLAY BOOBKA LAGU HAYO GANACSATADA

South AfrikaRisaalaFM Dhamaadka bishii hore ee August tuulooyin hoos taga magaalada Johanesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa laga barakiciyay ganacsatadii ajaaniibta aheyd, kuwaasi oo badankood ahaa Soomaali, Itoobiyaan iyo Bangaladesh.

Weerarkaan oo ay hormuud ka ahaayeen dadka degaanka ee tuulada Soweto ayaa waxaa boob iyo dhac loogu geystay ku dhawaad Konton mehradood, waxaana laga badbaashay boqolaal kale oo gurmad ka helay jaaliyadda Soomaalida iyo ciidamada ammaanka.

Arrinkan ayaa yimid kadib markii farriimo xambaarsan jinsi naceyb baraha bulshada soo dhigeen dad ku eedeeynayo ganacsiga ajaaniibta ah in bulshada ka iibiyaan cunto dhacsan.

Koonfur Afrika ayaa horey u sheegtay in ilaa 15 ruux loo soo xiray eedaha la xiriira boobka iyo dilka loo geystay ajaanibta goobaha ganacsi ku leh Koonfur Afrika oo Soomaalida ay ku jiraan.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya koofur afrika Amb. jamaal Maxamed Barrow oo ka warbixiyay tallaabadii Safaaraddu ka qaaday arrinkaas ayaa sheegay in dowladda Koonfur Afrika kala hadleen dadkii halkaasi lagu wax yeelleeyay hantidoodina lagu dhacay.

Wuxuu kaloo sheegay in aysan marna raali ka aheyn dilalka iyo boobka loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed, safaaraddana ay ku dadaaleyso sidii ay wax badan uga qaban laheyd dhibaatooyinka jira.

Marka laga soo tago dilalka qorsheysan ee muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhaca loo geysanayo goobohooda ganacsi ayaa hadana waxa ay dhibaatooyin ku qabaan helida sharciga dal ku jooga oo ay bixiso dowladda South Afrika.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY KHUBARO KA SOCOTAY HAY’ADDA UNDP…

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BaarlamaanKa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shalay la kulmay khubaro ka socotay Hay’adda UNDP.

Nihaad Hussein oo ah Lataliye sare oo dhinaca Farsamadda ee Hay’adda UNDP ayaa sharaxaad Ka bixisay wada shaqeynta ay la leeyihiin Baarlamaanka iyo guud ahaan Guddiyadiisa u qaabilsan shuruuc dejinta.

"Waxaan Rajeyneynaa in aan xoojin doono taageeridda aan mar waliba la garab taaganahay Golaha Shacabka si ay meel wanaagsan u mariyaan hawlaha horumarinta dalka Soomaaliya,” Ayay tiri Mss NIHAAD

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Amb. Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa uga mahad celiyay UNDPda kaalinta wanaagsan oo ay ku leeyihiin shaqadda ay Baarlamaanka u hayaan Umadda Soomaaliyeed.

”Runtii waan idinku bogaadinayaa sidaad dhinacyadda farsamadda iyo fududeyntaba aad kala shaqeysaan guddiyadeena Baarlamaanka, haddii aan nahay hoggaanka Baarlamaanka, waxaan mar waliba jecelnahay sidii aad noogala shaqeyn lahaydeen in dalkan uu ka soo kabsado dhinacyadda loo baahan yahay in la iska kaashado si wada jir ah in looga hawlgalo”, Ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Mursal.

Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa sheegay in ay si dhow isaga kaashan doonaan Hay’adda UNDP hawlaha ay ka taagaaraan Golaha shacabka, wuuna uga mahad celiyay.

Hay’adda UNDP ayaa qeybo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ka taageerta arrimaha farsamadda sharciyadda Baarlamaanka iyo hawlahooda.

WASIIRKA GAADIIDKA IYO DUULISTA HAWADA XFS OO TABABAR U SOO XIRAY QAAR KA MID AH SHAQAALAHA WASAARADDA..

Si loogu mahadceliyo laguna dhiiri galiyo ayuu Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar Shahaandooyin abaal marin ah ku guddoonsiyay doorka ay ka qaateen suurta galnimadii soo wareejintii xafiiska Maamulka Hawada ee Soomaaliya, waxaayna kala ahaayeen Agaasime kuxigeenka Hay,adda Socdaalka iyo jinsiyada Ibraahin Xuseen xersi ,Maareeyaha Guud ee Garoonka Generaal Cabdi Ashkar Jamac,kuxigeenka hay,adda socdaalka iyo jinsiyada Axmed Xuseen raage ,cumar Macalin Nuur, Madaxa Garoonka Aadan Cade, iyo Maamulka furdada Garoonka ee Wasaaradda Maaliyada Cabdiwal Maxamed Cali.

Waxaa kalo qeyb ka ahaa qaar ka mid shaqaalihii tababarka loo soo xeray, islamarkaan sheegay in ay diyaar u yihiin in ay waxay barteen ugu shaqeeyaan bulshadooda

‘’Sucaado diiriye Xasan oo ka mid aheyd shaqaalihi tababarka loo soo xeray ayaa sheegatay in waxyaabo badan ay ka barteen islamarkaan ay ugu shaqeyn doonaan bulshadooda ’’

Kusimaha Maareyaaha Hay,ada Duulista Hawada AxmedMacalin Xasan waxa uu sheegay in wasaaradu ay ka shaqeyneyso sidii shaqaalaha ay tababar dhameystiran u heli lahaayeen

’’Waxaan wadnaa in aan tababaro dheeraad ah siino shaaqalaha si xirfada ay ku shaqeynayaan ay u noqoto mid ku filan Garoonka sidoo kale uu ula jaan qaado Garoomada caalamka ’’

Guddiga gaadiidka ee Golaha shacabka oo ay shaqadiisa tahay la socodka hamsami u socodka arrimha socdaalka iyo shaqada garoonka ayaa ku dhiiri galiyay howsha ay qabteen Wasaaradda iyo Hay,ada Duulista Hawada

jet
’’Waxaan bogaadineynaa shaqada ay ka qabteen Wasaaradda iyo hay’adda Duulista Hawada hadii aa nahay gudiga gadiid ee hay’adda duulista ee Golaha shacabka,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Suge ’’

 

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa uga mahadceliyay Mas”uuliyiinta si ay uga qeyb qaateen in horumarkaan,wuxuun dhanka kale sheegay in wali howlo badan uyaalaan Wasaaradda

’’Waxa ay naga mudan yihiin inaan u mahadcelino doorkii ay ka qaateen soo celintii xafiiska maamulka Hawada ee Soomaaliya waxaa kaloo noo yaala Howlo badan si aan u hormarino adeegayada garoonka ’’

Tan iyo markii xafiidka Maamulka Hawada loo soo wareejiyay Magaalada Muqdisho waxaa la bilaabay tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo shaqaalaha xafiiska maamulka hawada si ay ula jaan qadaan kuwa caalamka waxaana soo dhamaaday wajigii labaad ee ee tababrka amniga garoonka iyado dhawan ay bilaaban doonan kuwa kale.

DUQII MAGAALADA BUULOBURDE OO XILKA LAGA QAADAY DUQ CUSUBNA LOO MAGACAABAY

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle ayaa xil ka qaadis ku sameysay duqii degmada Buuloburde iyadoo xilkaasi loo magacaabay mas’uul cusub.

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle ayaa xilkii looga qaaday duqii degmada Buulo Burde Maxamed Axmed Rooble iyadoo xilkaas loo magicaabay Maxamed Fiidow Caale oo noqnaya duqa cusub ee Buuloburde.

Wasaaradda ayaa dalbatay in lala shaqeeyo duqa cusub ee loo soo magacaabay degmada Buuloburde.

Hay’adaha amniga ayaa dhammaan waxaa la faray iyo Madaxda degmada in ay la shaqeeyaan mas’uulka cusub ee loo magacaabay duqa degmada Buuloburde.

Wasaarada Arrimaha Gudaha Hirshabelle ayaa hore waxa ay xilka ugaga qaaday guddoomiyihii degmada Jalalaqsi guddoomiye cusuba u magacawday.

MAXKAMAD KU TAALLA MASAR OO XUKUN DIL AH KU RIDAY 75 QOF

Maxkamad ku taala dalka Masar ayaa xukuno kala duwan ku riday in ka badan 700 oo ruux oo ka tirsan ururkii la mamnuucey ee Ikhwaanul muslimiin kuwaas oo lagu eedeeyay in ay mudaaharaadyo dhigeen ka dib markii xukunka laga tuurey madaxweyne Maxamed Mursi sanadkii 2013ka.

Maxkamadda ayaa 75 ruux ku xukuntay dil halka 47 kale xabsi cimrigaa haku furto ah lagu riday, waxaana ku jira culimo waa weyn oo ururkaas ka tirsan.

Amnesty International oo ah urur u dooday xuquuqul insaanka ayaa go’aanka maxakadda ku tilmaamay mid cadaalad daro ah marka loo eego dastuurka dalka Masar.

Dadka la xukumay oo ka tirsan Ikhwaanul Muslimiin ayaa waxaa kamid ah hoggaamiyahooda sare Maxamed Badiic iyo xubno kale oo sar sare.

Rabshadaha ugu xumaa ayaa ka bilowday sanadkii 2013 fagaaraha magaalada Qaahira ee lagu magicaabo Rabii Alcadawiya halkaas oo ciidanka amniga ay lagu dileen boqolaal shacabka.

Maxkamadda ayaa waxaa ay ku eedeysay dadka la xukumay in ay dagaal ku qaadeen ciidanka amniga mudadii ay socdeen dibad baxyadaintii u dhexeysay July 2013 ilaa Janaayo 2016 kii.

Dadka maxkamadda xukuntay ayaa sidoo kale lagu eedeeyay dil wadareed iyo fal amni daro oo ay ku jirto kicin dadweyne iyo abaabulid isu soo bax sharci daro ah.

Sawir qaade Maxamuud Abuu Zeyd oo loo yaqaano Shawkaan ayaa isna lagu xukumay shan sano oo xarig ah, isagoo lagu eedeeyay in uu sawiro ka qaaday dadkii ciidanka ammaanka ay kala ceyrinayeen, hase ahaatee waxaa loo ogolaaday in xoriyadiisa dib loo siiyo markii uu dhameystay xukunka mudadii uu xabsiga ku jirey oo dhan shan sano.

DALXA OO BAAQ U DIRAY LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA SOMALIA

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa baaq u diray labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Dalxa ayaa ka dalbaday labada Gole in ay soo faragaliyaan khilaafka soo kala dhexgalay madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay shirka uu Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, si looga wada hadlo arrimahaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli daraad madaxda maamul goboleedyadu ay hakiyeen wadashaqeyntii kala dhexeysay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

XFS OO BEENISAY IN AY HESHIIS LA GASHAY NORWAY

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed oo u warramayay Warbaahinta ayaa ka hadlay warar muddooyinkii dambe la’isla dhexmarayay, kuwaas oo sheegayay in dowladda Soomaaliya ay heshiis Shidaal baaris ah la gashay dowladda Norway.

Ugu horreyn wasiirka ayaa beeniyay in wax heshiis ah oo ku aadan shidaal baaris ay la gaareen dowladda Norway, balse waxa uu sheegay in ay kala hadleen in arrimo la xariira tababar siinta shaqaalaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in isagu dalka Norway uu u tagay arrimo la xariira sidii ay u gacan siin laheyd dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

R/ WASAARE KHEYRE OO MAQAAL KA QORAY SOMALIA IYO DABEYSHA ISBEDELKA GEESKA AFRIKA!

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Maqaal uu ku qoray Wargeeyska Daily nation ee Kenya laga leyahay waxa uu uga hadlay arrimo quseeya xaaladda Amaanka ee Soomaaliya, horumarka Dowladdu Sameeysay iyo Isbadalada ka hirgalay geeska Africa.

Maqaalka waxaa Ciwaan u ah "Dabeysha Isbadalka ee Geeska Africa ayaa Soomaaliya ganacsi u furtay”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa shegay in cafiskii dhawaan Dowladiisu sameeysay uu horseday in ay isi soo dhiibaan "Hogaamiyeyaasha kooxaha argagixisadda” kuwas oo ka qayb qaadanaya dhismaha Qaranka.

"Maalmo ka hor Eritrea iyo Jabuuti ayaa ku heshiiyay hagaajinta xiriirkooda, taasi oo cutub cusub ufureeysa xiriirkii xumaa.

Taasi waxaa ay lasocotay guul kale oo ah kulankii Magaaladda Asmara ay isugu yimaadeen Hogamiyeyaasha Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea, iyagoo doonaya in ay Nabadda xajiyaan.

Kulanku waxaa uu muujinaayaa in xalka Soomaaliya uu nabad iyo salinooni u horseedayo gobolka. Hogaamiyeyaashu waxay ku Heshiiyeen in laga tilaabsado Khilaafkii mudadda soo jiitamay.

Tan iyo markii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Anigu aan qabanay Xafiiska, Dowladdu waxay sameeysay horumar weyn oo dalka gudihiisa iyo Dibadaba ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladeena Axmed Ciise Cawad ayaa garwadeen ka ah wada hadaladda lagu dhameyneynayo muranka Xuduudda ee u dhexeeya Eritrea iyo Jabuuti, ayuu Qoray Ra’iisul wasaare khayre.

Wada xaajoodka Nabadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo dhigiisa Eritrea Cusmaan Saalax ayaa u mahadceliyay Dadaalka Soomaaliya.

Tobanaansano labadda wadan waxay ku muransanaayen Gobolka Dumeeyra, isku dayo dhowr ah oo la doonayay in cadaawadooda lagu dhameeyo ayaa khasaaray. 2010 kii Dowladda Qadar ayaa sameeysay Dadaalo bogadin mudan si nabadda loo adkeeyo.

Isbadaladii dhawaan dhacay waxaa ay qayb ka yihiin Tilaabooyin Dublamaasiyadeed oo Soomaaliya ay qaaday, ayuu Xasan Cali khaire ku sheegay Maqaalka uu ku qoray Daily Nation.

Laba Bilood ka hor, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la xiriiray Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed waxayna adkeyeen iskaashiga siyaadeed, sidoo kale waxay dhidibadda u adkeeyeen Xiriirka Labada Dal.

Wada hadaladii Asmara waxay dhigeen aasaas cusub oo Dublamaasiyadeed. Soomaaliya waxay si soo kordheysa u qadaneeysaa doorkeedii.

Waxaan Dadaal muhim ah galineeynaa in aan door muhiim ah ka ciyaarno Nabadda iyo Amaanka Dunidda, ayuu sidoo kale Qoray ra’iisul was are khayre.

Amaanka

"Soomaaliya waxay qabandoontaa Gudoonka Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Carabta taasi oo noo ogolaaneeysa in aan kulanka golaha ku marti galinno Muqdisho 2019, si aan Aduunka u ogeeysiino in aan ganacsi diyaa u nahay.

Dowladeednu waxay Dooneeysaa in ay la qabsato Dabeeysha Isbadalka ah ee Geeska Africa si ay u horumariso Amaanka caawimaadna uga geeysato in Xal loo helo mashaakilka Africa.

Intii aan Asmaro joognay waxaan muujinay jihadda aan u jeedineeyno Dublamaasiyadeena inagoo ah wadan nabdoon oo gobal xasiloon ku yaala”.

Agagixisadda

Dowladdeenu waxay ku dhawaaqday Cafis, kaasi oo lagu arkay in Hogaamiyeyaasha Argagixisadda ay nagu soo biireen si aan u dhisno Qaranka. Qurbo joogta ayaa maalgalin muhiim ah sameeyay.

Dowlad shaqayneeysa ayaan leenahay Waxaan mushaarka siinaa Shaqaalaha rayidka ah iyo Ciidankeena Amaanka si aan ugu dhiiri galinno in ay aad u shaqeeyaan.

Waxaan sidoo kale soo celinay xiriirkii Wanaagsanaa ee Dunida aan la lahayn. IMFta ayaa soo dhaweeynsay Isbadaladda kobcinta dhaqaalaheenna.

Rubacii hore ee 2018 Dowladdu waxay soo aruurisay dhaqli dhan $42.5 million, oo ah tii ugu badneyd. Waxaan ku joognaa wadadii deeynta nalookaga cafin lahaa.

Ereyilaaleedka Dowladda waa islaxisaabtan iyo Dagaal ka dhan ah Musuqa.

Soomaaliya waxay joogtaa meel ay khayradkeeda uga faa’iideeyneyso Dadkeeda.

Sidaas ayuu u qorna maqaalka Ra’iisul wasaare khayre ku daabacay Daily Nation ee ku saabsanaa Xaladda Soomaaliya iyo Isbadaladda Geeska Africa ka hirgalay.

XISBIYADA MUCAARADKA OO SOO DHAWEEYAY GO’AANKII MADAXDA DOWLAD GOBOLLEEDYADA

Kaddib qoraal wada jir ah oo ay soo saareen xibiyada mucaaradka dalka oo ay wehliso Kutlada baarlamaamniga ah ee Horusocod waxaa lagu taageeray go’aankii madaxda dowlad gobolleedyada dalka ay xiriirkii wada shaqeynta ugu jareen dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Xisbiyada ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aankii ay ka qaateen wadashaqeyntii dowladda ay la lahaayeen madaxda maamulada qeybta ka ah federaalka ee ku shiray Kismaayo.

Qoraal ay soo saareen ayeey ku sheegeen in ay ku raacsan yihiin madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada dareenka ay ka muujiyeen horumar la’aanta dhinaca amniga, siyaasadda iyo garsoorka ee uu dalku ku sugan yahay.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri'' Waxaan caqli gal heyn in madaxweynuhu shir ku baaqo iyada oo aan wax garaawshiyo ah dowladdu ka bixin tabashada maamul gobolleeyada siina socdaan faragalinta ay ku heyso arrimaha gudaha ee dowlad gobolleedyada''

Akhriso qoraalka ka soo baxay xisbiyada mucaaradka oo Nuqul ka mid ah soo gaaray Hiiraan Online :

XISAABTAN SHAQO OO LAGU BILAABAY MAXKAMADAHA GOBOLKA BANAADIR

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa shalay oo Axad ah kormeer shaqo ku tagay Maxkamadda Degmada Waaberi e gobolkan Banaadir.

Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Howlwadeenada Maxkamadda,wuxuuna war bixin ka dhegeystay Madaxda Maxkamada iyo Guud ahaan Shaqaalaha Maxkamadda Degmada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ujeedka kormeerka uu ahaa sidii uu ula socon lahaa howlaha Shaqo ay u hayaan bulshada ku nool Gobolka Banaadir Maxkamadaha iyo wixii caqabado ka jira habsami u socodka howlaha Maxkamadaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka Go’an in ay helaan shacabka ku nool Gobolka Banaadir Garsoor hufan oo ugu shaqeeyaa Caddaalad iyo sinaan u heli lahaayeen.

Kormeerka Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa ahaan doona mid joogta ah si loo gaaro Garsoor Caddaalad ku dhisan oo ummadda ugu adeega si Daacadnimo iyo Caddaalad ah,ayaa lagu yiri Warka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Maxkamadaha dalka.

WEJIGII LABAAD MASHRUUC INDHO FIIQIS BILAASH AH OO KA SOCDA MAGAALADA KISMAAYO

Wejigii labaad ee mashruuc indho fiiqis bilaash ah loogu sameynayo dadka danyarta ah ayaa ayaa ka socda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.

Waxaa iska kaashaday fulinta Mashruucan Ururka dhaqaatiirta dalka Turkiga, hay’adda AlNuur Foundation Somalia iyo Isbitaalka Daryeel ee magaalada Kismaayo, sida uu sheegay Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ah agaasimaha heyadda AlNuur Foundtion, kana mid ah dhaqaatiir isugu jirta Soomaali iyo Pakistaniyiin fulinaya mashruucan samafalka ah.

Dr. Dalmar ayaa intaa ku daray in mashruucan ay sanad walba afar jeer ka sameeyaan qeybo ka mid ah dalka, uuna soo socday muddo ka badan toban sano, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Isbitaalka daryeel ee magaalada Kismaayo oo howsha indho fiiqista marti geliyey.

"Wejiga labaad ee mashruucan samafalka oo hadda aan ka wadno Kismaayo waxaa ka faa’iideystay dad gaaraya 3,824 qof oo loo sameeyey daweyn dhinaca indhaha ah, 1984 qof waxaa la siiyey Muraayadaha arraga, iyadoo indhaha loo fiiqay dad kale oo tiradoodu gaareyso 489 qof, guud ahaan dadkan wax lacag ah oo laga qaaday ma jirto, waxayna ka kala yimaadeen magaalada Kismaayo iyo degaano ka tirsan Jubbooyinka” ayuu yiri Dr. Dalmar oo u mahad celiyey heyadaha iyo dhamaan shaqsiyaadka gacanta ka geystay taaba galka mashruucan.

Mashruucan wejigiisa koowaad waxaa laga fuliyey todobaadkii hore isbitaalka Indhaha AlNuur ee magaalada Muqdisho, waxaana indhaha loogu fiiqay dad kun qof gaaraya, iyadoo daweyn iyo ookiyaalaha arraga la siiyey kumanaan kale oo laga soo xulay xeryaha barakacayaasha Muqdisho.

Masuuliyiinta Isbitaalka Daryeel ee magaalada Kismaayo ayaa iyana sheegay iney ku faraxsan yihiin qabsoomida mashruucan iyagoo faahfaahin ka bixiyey adeegyada uu isbitaalkoodu ugu talo galay dadka indhaha loo fiiqayo.

Qaar ka mid ah dadkii ka faa’iideystay mashruucan oo la hadlay warbaahinta ayaa ka mahad celiyay mashruucan indhaha loogu fiiqay iyagoo xusay ineysan jirin wax lacag ah oo laga qaaday, waxayna u duceeyeen dhammaan intii ka qeyb qaadatay.

Isbitaalka Daryeel ee magaalaada Kismaayo ayaa maalmahan waxaa ka jira mashquul fara badan, iyadoo ay soo buuxiyeen dad arraga la’ oo rag iyo dumarba leh kuwaasoo qaarkood degaano fog uga soo hayaamay sidii ay uga faa’iideysan mashruucan bilaashka ah oo socon doona illaa dabayaaqada todobaadkan.

Mashruucan indho fiiqista bilaashka ah oo soo socday muddo 13 sano ah laga soo bilaabo sanadkii 2005 ayaa waxa ka faa’iideystay dad kumanaan gaaraya oo ku kala sugnaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, iyadoo heyadaha ka qeyb qaadanaya ay sheegeen in ujeedaddiisu tahay la dagaalami indha la’aanta oo Soomaaliya ay safka hore ka gashay dalalka ay ka jirto sida lagu sheegay qiimeyn ay horey u sameeyeen heyaddo caalami ah.

HOGAAMIYAHA GINBOT 7 OO ITOOBIYA KU SOO LAABTAY

Hogaamiyaha kooxda hubeysan ee Ginbot 7 Berhanu Negu ayaa kusoo laabtay dalka Itoobiya oo muddo toban sano ah uu kaga maqnaa colaad kala dhaxeysay maamulkii hore ee Itoobiya.

Berhanu ayaa shalay ka soo dagay garoonka duyuuradaha ee magaalada AdisAbaba, waxaana soo dhaweeyay kumanaan qof oo tageera isaga, kuwaa oo sitay calanka Itoobiya.

Berhanu Negu ayaa dhawaan Itoobiya la heshiiyay waxa ayna soo laabashadiisu ka qayb noqoneysaa isbadalka xawliga ah ee Itoobiya ka socda.

BOGGA CAYAARAHA

RONALDO OO KA NIYAD JABAY GUULAHA REAL MADRID

Wali lama arag xaqiiqada dhabta ah ee Cristiano Ronaldo ugu biiray kooxda ka dhisan magaalada Turin.

33 jirkaan ayaa weli raadineya inuu shabaqa soo taabto tan iyo markii uu ka dhaqaqay kooxda Real Madrid.

Ka dib seddex kulan oo Serie A ah, Ronaldo ayaa qaaday weeraro badan, isagoo aan dhalin wali wax gool ah.

Wuxuu bartilmaameedsaday gool 23 jeer, taasoo ka badan weeraryahanada kale ee ugu fiican Yurub xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale, Real Madrid waxay ku bilaabatay nolol uu ka maqan yahay Roanldo, iyadoo heshay qaab ciyaareed fiican.

Waxa ay dhibcaha ugu badan ka heleen seddexdii kulan ee La Liga ugu horeysay xili ciyaareedkaan, waxaana ay u muuqanayaan kuwa socan kara la’aanta Cr 7.

Taageerayaasha ayaa ka walwalsanaa shaqsigii u bedel lahaa Ronaldo, laakiin Gareth Bale iyo Karim Benzema ayaa durba dhaliyay todoba gool.

Saxafiyiin badan oo Spain ah ayaa si aad ah u falanqeeyay qaab ciyaareedka Real Madrid, iyadoo uu xitaa ka maqan yahay Ronaldo.

Laakiin waxay u muuqataa in xiddiga reer Portugal uu niyad jabay ka dib markii uu akhriyay warbixinada lagu amaanayo awooda kooxdiisii hore.

SHEEKADA ZIDANE & MAN UNITED OO XIISO YEELATAY

Jose Mourinho shaqadiisa weli halis ayay kujirataa sida warar kasoo baxaya Ingiriiska ay sheegayaan.

Tababaraha reer Portugal ayaa waxaa ku adkaaday bilowga xilli ciyaareedka Premier League, iyadoo United ay haatan ku jirto kaalinta 10aad, iyagoo lix kaliya dhibcood afar kulan oo ay ciyaareen.

Laakiin Mourinho ayaa u muuqda mid wali badbaadin kara booskiisa kooxda Manchester United kadib guushii uu gaaray kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisa ka heshay Premier League.

Mid ka mid ah magacyada ugu weyn ee kubada cagta caalamka xilligan oo ah tababarihii hore ee Real Madrid Zinedine Zidane ayaa la qorsheynayaa inuu la wareego shaqada Jose Mourinho.

Macalinka reer France ayaa si aad ah loola xiriirinayay shaqadaan todobaadyadii lasoo dhaafay, waxaana la rumeysan yahay inuu xiiseynayo inuu booska Mourinho bedelo.

The Mirror ayaa qortay in Toni Kroos, Thiago Alcantara, James Rodriguez iyo Edinson Cavani ay yihiin afar magac oo waaweyn oo Zidane uu xiiseynayo inuu ku biiriyo garoonka Old Trafford marka uu qabto shaqada Manchester United.

ARSENAL OO GUUL KA GAARTAY REAL MADRID

Goolhaye Jens Lehmann ayaa goolka guusha u dhaliyay kooxda helyeeyada Arsenal oo ku garaacday halyeeyada Real Madrid ciyaar ka dhacday garoonka Emirates Stadium habeen hore.

Lehmann, oo ka tagay kooxda Arsenal xagaagan ka dib markii uu shaqada baneeeyay Arsene Wenger, ayaa kusoo bilaawday ciyaartii samafalka aheyd ee u dhaxeysay kooxaha Arsenal iyo Real Madrid.

Kulankaan ayaa waxaa soo qorsheeyay maamulk Arsenal waxaana uu ahaa mid lacago samafal ah loogu uruurinayay hay’ada Arsenal ee loo yaqaano Arsenal Foundation.

Ciyaartoydii hore ee Gunners ee ku soo bilaawday line-upka waxaa kamid ahaa Ray Parlor, Nigel Winterburn, Tomas Rosicky iyo Robert Pires.

Claude Makelele, Fernando Morientes iyo Raul ayaa dhamaantood ku soo bilaawday safka halyeeyada Real Madrid.

Rosicky ayaa kubad qurux badan u dhex bixiyay bilowgii ciyaarta Jeremie Aliadiere, laakiin ma aysan noqon fursado uu ka faa’iideystay.

Labada koox ayaa isku garb dhacay, iyadoo ugu dambeyn rigoorayaal ay kubadiyeen halyeeyada Arsenal.

Pires, Gilles Grimandi, Matthew Upson iyo Aliadiere ayaa dhamaantood rigoore u dhaliyay Arsenal ka hor inta Lehmann badbaadin rigoore kadibna isla isaga uusan dhalin goolka guusha.

SPAIN & SWITZERLAND OO BADIYAY XILI LUXEMBOURG TAARIIKH SAMEYSAY

Spain ayaa garaacday England, halka Switzerland guul weyn ay ka gaaren xulka Iceland, sidookale xulka qaranka Luxembourg ayaa gaaray guushii ugu weyneyd taariikhda.

Group A qeybtiisa 2aad: Switzerland 6-0 Iceland

Muuqaal cajiib ah ayay ku samyeen wiilasha Switzerland garoonka St Gallen, iyadoo Steven Zuber iyo Sea Zaharia min laba gool dhaliyeen.

Xherdan Shaqiri ayaa laad xor ah shabaqa ku riday, halka Birkir Bjarnason oo ciyaartii ugu horeysay ciyaaray uu shabaqa soo taabtay.

Group A qeybtiisa 4aad: England 1-2 Spain

Tababare Luis Enrique ayaa ku soo bilowday xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa noloshiisa isagoo tababare u ah xulka Spain kadib kulan uu wajahay England.

Saúl Ñíguez ayaa si dhakhso ah u kansalay gool uu dhaliyay Marcus Rashford ka hor inta Rodrigo gool labaaad dhalin 32 daqiiqo.

League B

Group B qeybtiisa 3aad: Northern Ireland 1-2 Bosnia & Herzegovina

Waqooyiga Ireland ayaa laga badiyay inkastoo ay si fiican u ciyaareen, laakiin Haris Duljevic iyo Elvis Saric ayaa laba gool ka dhaliyay.

Dhamaadkii ciyaarta Will Grigg ayaa shabaqa soo taabtay, inkastoo xulkiisa looga badiyay 2-1.

League C

Group C qeybtiisa 2aad: Finland 1-0 Hungary

Goolkii ugu horeeyay ee Teemu Pukki u dhaliyo xulkiisa habeen hore wuxuu ahaa mid aan caqli gal aheyn, isagoo ka saaciday in xulkiisa Finland garaacaan Hungary.

Kooxda martida loo ahaa ayaa si wacan uga dhex muuqatay garoonka, iyadoo Joona Toivio iyo Pukki ay labadoodaba sameyn ku yeesheen guusha xulkooda gaaray.

Group C qeybtiisa 2aad: Estonia 0-1 Greece

Kostas Fortounis ayaa dhaliyay daqiiqadii 14aad goolka kaliya ee Greece kadib markii uu caawinaad ka helay Kostas Mitroglou kulankii ka dhacay Tallinn.

League D

Group D qeybtiisa 2aad: Belarus 5-0 San Marino

Igor Stasevich ayaa daqiiqadii afaraad daah furay goolasha xulkiisa, iyadoo laba kale oo madax ah uu raacsaday Stanislav Dragun, halka Anton Saroka iyo Yuri Kovalev ay dhaliyeen goolasha kale.

UEFA Nations League - League A:: group 1

France 2 - 1 Netherlands

Nations League - League B:: group 1 September 9

Ukraine 1 - 0 Slovakia

Nations League - League B:: group 4 September 9

Denmark 2 - 0 Wales

Nations League - League C:: group 3 September 9

Bulgaria 1 - 0 Norway

Cyprus 2 - 1 Slovenia

Nations League - League D:: group 1 September 9

Georgia 1 - 0 Latvia

Nations League - League D:: group 4 September 9

Macedonia 2 - 0 Armenia

Liechtenstein 2 - 0 Gibraltar

Nations League - League A:: group 3September 10

11:45Portugal ? - ? Italy

Nations League - League B:: group 2 September 10

11:45Sweden ? - ? Turkey



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip