Xildhibaano Baarlamaanka Somaliya ka tirsan oo maanta loo diiday inay galaan Degmada Ceelbarde Ee Gobolka Bakool

0
Wednesday January 06, 2016 - 17:59:37 in Wararka by
  • Visits: 859
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano Baarlamaanka Somaliya ka tirsan oo maanta loo diiday inay galaan Degmada Ceelbarde Ee Gobolka Bakool

    Xildhibaano Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, ayaa waxaa maanta laga hor istaagey inay gudaha u galaan Degmada Ceelbarde Ee Gobolka Bakool. Ceelbarde waxaa daba yaaqadii bishii December looga dhawaaqay Maamul ka dhan ah Maamulka Koonfur Galbeed, oo ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, ayaa waxaa maanta laga hor istaagey inay gudaha u galaan Degmada Ceelbarde Ee Gobolka Bakool. Ceelbarde waxaa daba yaaqadii bishii December looga dhawaaqay Maamul ka dhan ah Maamulka Koonfur Galbeed, oo ku magacaaban Gobolada Shabellaha Hoose, Baay & Bakool. Xildhibaanadan oo diyaarad ka raacay Xarunta Gobolka Bakool Ee Magaalada Xudur, ayaa laga horjoogsaday inay gudaha u galaan Ceelbarde, waxaana lagu wargeliyay inay dib ugu laabtaan Xudur, oo maalmahaanba ay ku sugnaayeen.
        Wararka laga helaayo Gobolka Bakool, ayaa waxay sheegayaan in Xildhibaanadan ay ergo ahayn ugu socotay Degmada Ceelbarde, si dadka deegaanka ay ugala hadlaan cabashadooda ku aadan Maamulka Koonfur Galbeed.
       Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi (Xerow) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee taageersan Maamulka Bakool Sare, ayaa taageeray ciidamadii ammaanka ee Xildhibaanada dib u celiyay.

       Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi, ayaa sheegay in xoogaga amnigu ay ka hortaggeen dagaal ka dhici lahaa Degmada Ceelbarde, sababo ku aadan, iyadoo aanay Xildhibaanadaasi ka soo jeedin Degmadaasi.
   "Xildhibaanada la celiyay waa saaxibadey, laakiin deegaankan uma dhalan, wax wanaag ahna uma socon, in la celiyo waan soo dhaweynayaa. Waxaan u mahadcelinayaa ciidamadii celiyay, haddii kale meeshaan dagaal baa ka dhici lahaa.” Ayuu yiri Xildhibaan Xeerow.
       Xerow oo la hadlay Radio Shabelle, ayaa yiri "Ceelbarde waxaa ka jira Maamul ay dhisteen dadka deegaanka oo rabitaankoodu ku shaqeeya, Xildhibaanaduna wax wanaag ah uma socon.”
      Xildhibaanada loo diiday inay galaan Degmadaasi Ceelbarde, ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Maxamed Aadan Nuur (Aadan Madoobe) iyo Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor).
XIGASHO:-DHACDO.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip