Daacish oo weerar xoogan ku qaaday magaalada Xaditha ee dalka Ciraaq.

0
Wednesday January 06, 2016 - 17:54:51 in Wararka by
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daacish oo weerar xoogan ku qaaday magaalada Xaditha ee dalka Ciraaq.

    Dagaalyahanada Daacish ayaa weerar culus ku qaaday magaalada Istiraatiijiga ah ee Xaditha, halkaasoo boqolaal ruux lagu dilay dagaal socday saddex maalmood. Weerarka Daacish ee Xaditha ayaa yimid, 10 maalmood kadib markii laga saaray inta badan Go

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahanada Daacish ayaa weerar culus ku qaaday magaalada Istiraatiijiga ah ee Xaditha, halkaasoo boqolaal ruux lagu dilay dagaal socday saddex maalmood. Weerarka Daacish ee Xaditha ayaa yimid, 10 maalmood kadib markii laga saaray inta badan Gobolka Anbar, gaar ahaan caasimada gobolkaas ee Ramadi oo ciidamada Ciraaq la wareegeen, taasoo aheyd mid ka mid ah guulihii ugu weynaa ee ay soo hoyaan.

Maleeshiyooyin qabaa’il ah ayaa ka qeyb qaatay dagaalka ka dhanka ah Daacish, iyadoo ciidamada Ciraaq ay wehlinayeen.

Xoogagga Daacish ayaa ku soo weeraray magaalada Xaditha illaa 250 dagaalyahano iyo in ka badan 100 gaadiidka dagaalka oo badankood ay waxyaabaha qarxa ku xirnaayeen.

Isbaheysiga uu hogaaminayay Mareykanka ayaa sheegay inuu Ciidamada Ciraaq dhinaca cirka ka taageeray, isla markaana dilay in ka badan 100 dagaalyahano.

Sidoo kale waxaa dagaalka ku dhintay tobanaan ka tirsan Ciidamada Ciraaq iyo 25 maleeshiyooyinka qabaa’ilka ah.

Afhayeenka Isbaheysiga uu hogaaminayo Mareykanka Col Steve Warren ayaa sheegay in Daacish ay lumiyeen 40% dhulka Ciraaq, isla markaana aanay wax horumar ah sameyn tan iyo bishii May sanadkii 2014.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip