Maxkamad ku taala Nigeria oo xukun dil ah ku riday Wadaad aflagaadeeyay Nabi Muxamed (NNKH)

0
Wednesday January 06, 2016 - 17:51:29 in Wararka by
  • Visits: 867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad ku taala Nigeria oo xukun dil ah ku riday Wadaad aflagaadeeyay Nabi Muxamed (NNKH)

    Maxkamad ku taala Magaalada Kano Ee Waqooyiga Nigeria, ayaa Talaadadii xukun dil ah ku xukuntay Wadaad lagu magacaabo Abdulazeez Dauda, balse loo yaqaano (Abdul Inyass), markii uu bishii May uu aflagaado kula kacay Nabi Muxamed (Caleehi Salaatu Wasal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad ku taala Magaalada Kano Ee Waqooyiga Nigeria, ayaa Talaadadii xukun dil ah ku xukuntay Wadaad lagu magacaabo Abdulazeez Dauda, balse loo yaqaano (Abdul Inyass), markii uu bishii May uu aflagaado kula kacay Nabi Muxamed (Caleehi Salaatu Wasalaam). Ninkan, ayaa wuxuu ku dhuumaaleysanaayay Magaalada Abuja Ee Caasimadda Nigeria, waxaase gacanta lagu soo dhigay bishii August, iyadoona ugu dambeen ay Maxkamad Islaami ihi ku riday xukun dil ah.

Muslimiinta Nigeria oo ku xoogan Waqooyiga dalkaasi, ayaa si wayn kaga carooday tallaabada uu Abdulazeez Dauda ku aflagaadeeyay Suubanaha.

NigeriaNigeria1


Qaadiga Maxkamadda, ayaa sheegay in Wadaadkaasi uu muddo bil ihi Racfaan kaga qaadan karo xukunkan, haddii kalana uu sidaa ku dhaqangeli doono xukunkaasi.

Dowladda Nigeria, ayaan weli war rasmi ihi ka soo saarin sida ay u aragto xukunka lagu riday Abdul Inyass, waxaase suurtagal ah in saacadaha soo socda ay ka soo saarto warbixin ku aadan.

Warbaahinta Nigeria, ayaa qortay in xukunka Abdul Inyass uu ka dhacay goob qarsoodi ah, iyadoo laga cabsi qabay inay soo weeraraan dadka ka careysan aflaagadada uu u gaystay Nabigeena (NNKH).

Waqooyiga Nigeria waxaa ka jira laba hannaan oo cadaaladeed oo is garab socda. Waa mid Islaami ah oo lagu dhaqo Shareecada Islaamka iyo midka kale ee Dowladda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip