
Haweeney u shaqeysa shirkad Turkiga laga leeyahay oo Muqdisho lagu dhaawacay
Haweeney ka tirsan shaqaalaha shirkad Turkiga laga leeyahay ayaa saakay ka badbaaday isku day dil lala damacsanaa, kaddib markii ay soo weerareen rag hubeysan oo rasaastii ay ku fureen uu ka soo gaaray dhaawac. Weerarka oo ka dhacay xaafadda Xamar Bile oo ka tirsan degmada Warta
Nabadda Ex-Wardhiigley ayaa la sheegayaa in xilliga falkaasi loo
geysanayay ay ku sii socotay goobta ay ka shaqeyso, iyadoona gurigeeda
ka sii baxeysay.
Sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugnaa halka uu falkaasi ka dhacayay, haweeneyda ayaa ka carartay ragga hubeysan oo iyaguna ku ridayay xabado fara badan, iyadoona qeybo ka mid ah jirkeeda uu soo gaaray dhaawac.
Haweeneydaan oo magaceeda lagu soo koobay Nuura ayaa la shaqeysa shirkadda Favori ee Turkiga laga leeyahay kana howlgasha garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo iminka la dabiibayo xaaladeeda caafimaad.
Haweeney u shaqeysa shirkad Turkiga laga leeyahay oo Muqdisho lagu dhaawacay
Haweeney ka tirsan shaqaalaha shirkad Turkiga laga leeyahay ayaa saakay ka badbaaday isku day dil lala damacsanaa, kaddib markii ay soo weerareen rag hubeysan oo rasaastii ay ku fureen uu ka soo gaaray dhaawac.