Ciidamada AMISOM oo kala dhex galay Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku dagaalamay Hodan
Ciidamada ka tirsan AMISOM ayaa maanta kala dhex galay ciidamo ka wada tirsan dowladda oo maanta barqadii ku dagaalamay degmada Hodan, gaar ahaan Xaafada Zone K, iyadoo iska hor imaad muddo kooban socday uu labada ciidan dhex maray.
Iska hor imaadkan ayaa ka dhashay markii ciidamo ka tirsan Booliska ay howlo bur burin ka wadeen xaafada "Zone K” ee degmada Hodan, halkaasoo laga dhistay guryo sharci darro ah, hase ahaatee Ciidamo milateri ah oo qoysaskooda degenaayeen ayaa ka hor yimid bur burintaas.
Wararka ayaa intaa ku daraya in iska hor imaadka ay ku geeriyoodeen ugu yaraan labo ruux, halka labo kalena ku dhaawacmeen, waxaana muddo hakad galay dhaq dhaqaaqii xaafadaas.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Iska hor imaadka oo muddo daqiiqado socday kadib ay soo dhex galeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo watay gaadiidka qafilan, kuwaasoo markii dambe labada ciidan ka codsaday inay dagaalka joojiyaan.
Xaalada Xaafada Zone K ee degmada Hodan ayaa hataan degan, dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in mar kale iska hor imaad uu dhex maro ciidamada dowladda.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Talisyada Booliska iyo Milateriga oo la sheegay in Ciidamada dagaalamay ay ka kala tirsan yihiin.
xigasho:-jowhar.com

0 