Xildhibaankaagu,weli ma kaaga farxiyay,waxaan sharci aheyn oo aadan filayn=Nasashada Jimcaha.Q-112-aad=.

0
Friday September 07, 2018 - 20:09:02 in Wararka by
  • Visits: 709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaankaagu,weli ma kaaga farxiyay,waxaan sharci aheyn oo aadan filayn=Nasashada Jimcaha.Q-112-aad=.

    1-Wiil yar ayaa Hooyadii ku yiri: Hooyo kali nimada waan dhibsaday, waxaan rabaa in aad dhasho, wiil walaal ii noqdo oo aan isla ciyaarno. Waxa ay ku tiri: Hadda Aabahaa Safar ayuu jiraa, markuu yimaad ayaan ka tashaneynaa. Wiilkii ayaa ku yiri: Hooy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Wiil yar ayaa Hooyadii ku yiri: Hooyo kali nimada waan dhibsaday, waxaan rabaa in aad dhasho, wiil walaal ii noqdo oo aan isla ciyaarno. Waxa ay ku tiri: Hadda Aabahaa Safar ayuu jiraa, markuu yimaad ayaan ka tashaneynaa. Wiilkii ayaa ku yiri: Hooyo maad "surprise" uga dhigtid, si isaga oo aan fileyn aad uga Farxisid. ( Xildhibaankaagu, weli makaaga farxiyay, wax aan sharci aheyn oo aadan fileyn). 2-Cabdi Qaraabte, oo xaaskiisa ugu sheekeyn jiray in "Single Mother" ay wax xun tahay, isaguna uu habeenkii shaqada ku soo daaho, ayaa Habeen aad u soo daahay. Xaaskiisii Aamino Raaliyo, ayaa Telefon ku wacday oo ku tiri: war Caawa, saacadaan inteed ku maqan tahay?. Wuxuu ku yiri: Hooyo oo xanuunsan ayaan soo maray. Xaaskii ayaa ku tiri: war Hooyadaa, Ayeeyo Faadumo annagay nala joogtaa, ee soo dhaqso. ( Fiiri Sawirka: 1aad)

( Muxuu dhihi doonaa markuu guriga tago ee uu arko Hooyadii oo caruurtiisii ay ayeyda u aheyd Ciyaarsiinee?. "Single Father” adigu ha horseedin, waa iga talo)

3- Wiil yar ayaa hooyadii ku yiri: Hooyo waa kuma Ninka Cali qurux la yiraa ee aad jeceshahay?. Waxay tiri: Yaa ku baray anniga iyo isaguba weli isma arage. Wuxuu yiri:, Hooyo anigu waan ku jecelahay, laakin Face Buuga kuguma darsan karo. Hooyadii ayaa tiri: Sorry ma adigaa, FB dambe hadaan kugu arko!. ( F. S: 2aad)

( FB-ga ha la iska hubsado, yuuna qooyska isku dirine, waa iga talo).

4-Oday ayaa soo iibsaday Robot (Aalada Adeegto) kaa oo qofkii been sheega dharbaaxo ku dhufanayo. Aabihii, ayaa wiilkiisii ku yiri: Wiilkeygiyow maanta inteed jirtay?. Wiilkii ayaa ku yiri: iskoolka, Robotkii ayaa dharbaaxo ku jiiday. Wiilkii oo xanuunsaday ayaa yiri: Maya, Filim Hindi ah ayaan fiirsanayay. Dharbaaxo kale ayaa lagu jiiday. Wiilkii oo aad u xanuunsaday ayaa Runta iska sheegay oo yiri: Aabe Filim Sex ah ayaan fiirsanayay. Aabihii, war ciyaal suuqaan fiiri markii aan yareyn, Filim Sex ah iska dhaafe gabdhaha qaawan waan ka carari jiray. Aabihii ayaa dharbaaxo lagu jiiday. ( F.S: 3aad)

( Geel laba jir soo wada maryee, war yaan caruurta sheekooyinka qaar loo bilaabin, ee Runta ku barbaari)

5-Nin ayaa Shiikh u tagay oo ku yiri: Shiikhoow Xaaskeygu inay Karaama leedahay oo ey Barakeysan tahay ayaan u maleynayaa, Habeen barkii markaan soo kaco, waxaa arkaa wajigeeda iyo Go’a ay huwan tahay oo wada iftiimaya. Ma kiciyo oo ma rabo in aan Karaamada iyo iftiinka ka qaso, dhinaca kale ayaan u jeestaa hurdada ayaana sii wataa. Shiikhii ayaa ku yiri: karaama beel, war Naagtu waxay fiirineysaa Mobilkaaga.( F.S: 4aad).

( Nin ayaa yiri: maanta waxaa noo timid Khubaro Caalamiya & Local NGO , waxay naga caawinayaan Maamul Wanaaga, waxaan u soo bandhignay Dokumentigii Xafiiska iyo Xogtii Qaranka ee naga khdaneyd, si ay Qorshaha cusub ee maamul wanaaga noogu saxaan….Qorsha cusub beel, war yaan lagu qishin, kadibna aadan qashqashaadooda ka qoomameyn, waa iga talo)

6- Saddax Nin oo Sakhraan ah ayaa waddada Dameer ku arkay, waxay sharad ku dhigteen, qofkiiba 100$ inuu bixiyo, lana siiyo Ninkii dameerkaani uu la hadlo. Kii 1aad ayaa la hadlay, Dameerkii uma jawaabin. kii 2aad ayaa la hadlay Dameerkii uma jawaabin. kii 3aad ayaa Dameerkii dhagta ka soo jiiday kana afuufay Dhagtii, Dameerkii ayaa Buf, Buf, yiri, Madaxiina ruxay. waxaa lagu yiri: War Dameerka wixii aad u sheegtay oo Madaxa uu la ruxay noo sheeg, Lacagtana qaado. …Waxa uu yiri: waxaan ku iri: Guska ii bedel, waana iga diiday.( F.S: 5aad).

F.G: ka raali ahaaw, kalmadda G….waxaan u soo qaatay, Xayawaan ayaan ka hadlayay.

( Shacab haduuna Dantiisa ogeyn, waxaan jirin ayaa Canshuurta looga qaadaa, Canshuurta Qofkii bixiya Caalamka oo dhan wuxuu sugayaa in loogu bedelo wax u dhigmo Lacagtii uu bixiyay oo ah u adeegida Bulshada, hadii kale dhagahaa laga Afuufaa ha buf bufleeyo, kafibna buf buftiisa ayaa si kale loogu macneynayaa, ogoow Taajir & Faqiir Qof aan Canshuur bixini ma jirto cilmiyan) .

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip