
Kenya oo soo bandhigtay sawirada iyo Magacyada 11 ruux oo Kenya loogu raadis badan yahay
Magacyada 11-ka qof ayaa lagu xusay bayaan ay soo saartay Wasaaradda oo lasoo dhigay barta Twitterka, waxaana lagu qeexay in ay yihiin shaqsiyaad khatar weyn ku ah ammaanka guud ee dalkaKenya.
Liiska lagu soo qoray magacyada ayaa waxaa ka muuqda Abdalla Muumin Abdalla, Abdalla Siraj Marumu, Abdifatar Abubakar Abdi, Isaa Abdalla Ahmed , Anwar Yogan Mok, Suleiman Muhamed, Hussein Said, Mohamed Ali Ahmed, Omar Patroba Juma, Abdikadir Abubakar iyo Ismael Mohamed Shosi.
Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa mar kale shacabka ka codsaday in ay gacan ku siiyaan soo qabashada ragaasi oo hada kamid ah kuwa loogu raadiska badan yahay dalka Kenya.
Dhawaan ayey ahayd markii sawirrada iyo magacyada raggaan ay soo daabacday Wasaaradda arrimaha gudaha ee uu hor kacayo Joseph Nkaissery.
Dowladda Kenya ayaa la daala dhaceysa suggida ammaanka dalkeeda oo xilligaan Qatar badan kala kulmaysa dhanka Ururka Shabaab.


0 




Kenya oo soo bandhigtay sawirada iyo Magacyada 11 ruux oo Kenya loogu raadis badan yahay
Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay mar kale Sawirada iyo magacyada Shaqsiyaad ay doon doonayso, kuwaasi oo Kenya ay sheegtay inay xiriir la leeyihiin Ururka Shabaab.