
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 6-DA JANNAAYO 2016-KA
"Daraad waa maalin taariikhi ah waxaan dhagax dhignay warshaddii Ciidamadda u talo la hayd dharka, waxaan rajeynayaa in warshadani ay anfacdo dalka oo dhan. Warshaddan waxaa noo gu deeqay dawladda Turkiga oo mahad uga celinayno” ayuu yiri Wasiir Diini.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed u heli lahaayeen dhammaan agabka ay u baahan yihiin si ay dalka guud ahaan u sugaan ammaankiisa. Iyadoo sanadka cusub ee 2016 uu noqon doono mid isbadal ballaaran lagu sameyn doono Ciidanka X.D.S.
xigasho:radiokulmiye.com
C/QANI SACIID CARAB OO LOO MAGAC AA BAY MADAXWEYNE KUXIGEENKA CECAFA
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya C/qani Saciid Carab ayaa loo magacaa bay Madaxweyne kuxigeen ka Xiriirka Kubadda Cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika.
Intii lagu guda jiray shirka Golaha fulin ta CECAFA oo ka dhacay magaalada Khartoum ee dalka Sudan maalintii shal ay ayaa Mada xweynaha CECAFA Dr. Mutasim Gaf aar waxaa uu soo jeedi yay in C/qani Saciid Carab loo magacaabo Madaxwey ne kuxigeenkiisa.
Mr C/qani ayaa mar kale dib loogu do ortay xubinta Golaha Fulinta ee CECAFA, shan xilli, isa goo noqday ninka kaliya ee ka soo haray xubnihii hore ee Guddiga Fu linta CECAFA.Dr. Mutasim ayaa sheegay in waayo aragnimada Mr Carab darteed, waxaa uu soo jeediyay inuu yahay ninka kal iya ee noqon kara kuxigeenkiisa
Guddiga fulinta ee CECAFA ayaa meel mariyay in C/qani Saciid Carab oo Soomaaliya ka soc day inuu noqdo Mad axweyne kuxigeenka CECAFA wixii ka bilowday 4ta Janaayo 2015
C/qani Saciid Carab oo muddo soo ahaa Xoghayaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa bishii Agosto sanadkii 2014 loo doortay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, kadib doorasho shaki la geliyay.
XILDHIBAAN DALXA: XABSIYADA DO WLADDA FS WAXAA KU JIRA DAD MASA AKIIN AH OO LOO AWOOD SHEEGTAY
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo xildhibaanada baarlamaanka Somalia ka tirsan ayaa sheegay inay xabsiyada Muqdisho ay ka buuxaan dad badan oo maxaakiin ah, kuwaasoo uu xusay in loo awoood sheegtay.
Prof. Dalxa ayaa intaa ku daray in dadka qaarkood loo haysto kiisas ay galeen, halka kuwo kalena aanay wax dambi ah lahayn, laakiinse ay muddo badan xabsiga isaga jiraan, isagoo xusay in dadkaas ay u baahan yihii inay cadaalad helaan.
Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in Muqdisho ay waayadan da mbe aad ugu soo badanayaan dhulal ka la kala boobayo, isla markaana la boobaayo hantida ay dadku leeyihiin gaar ahaan guryaha.
"Muqdisho waxaa kusoo badanay ay xiliyadan dhul boob oo joogta noq day, hadii aad eegto maxkamadda gob olka Banaadir dad badan oo dhul isku haysta ayay dacwado uga furan yihiin. Arrimaha la yaabka leh ee aad ku arkayso waxaa ka mid ah in dhul illaa 1960kii la deggenaa ayaa qoyskii la haa lagu qabsaday,” ayuu yiri xildhi baan Dalxa.
Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku daray in dadka inta badan dhibaatooyinka kala kulma dhulboobka ay u ba dan yihiin kuwo masaakiin ah, isagoo xusay in marar badan la arkay qof raf caan kasoo qaadanaya maxkamad de gmo, halkii uu ka aadi lahaa maxka madda gobolka iyo midd sare.
Ugu dambeyn, Prof. Maxamed Cu mar Dalxa ayaa wuxuu ka dalbaday madaxda ugu sarrerysa dalka inay wax ka qabtaan arrimahan, dadka xabsiyada ku yaalla Muqdisho isaga xiranna ay cad aalad, dhulka la boobay
ana laga hortago.
CIIDAMO KA TIRSAN MILATARIGA SOOMAALIYA OO DHUUSAMAREEB GAARAY
Ciidamo ka tirsan Milatariga Soo maaliya ayaa Daraad gaaray degma da Dhuusamareeb ee Xa runta Gobol ka Galgaduud oo ay Gacanta ku hay so Ahlusunna Waljamaaca.
Ciidamadaan oo ay weheliyaan Ciidan Itoobiyaan ah ayaa ka soo ba xay Degmada Ceelbuur Ee Gobolka Galgaduud,waxaana ay Fariisimo ka sameysteen Duleedka Degmada Dhuusamareeb.
Ujeedka Imaatinka Ciidamada Xo ogga Dalka ee tagay Degmada Dhuusamareeb ayaan la shee gin,iyadoo sidoo kale Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata Gaadiid dagaal ay la socdeen.
Magaalada Dhuusamareeb Ee Go bolka Galgaduud ayaa waxaa ku sug an Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca,walina Ahlusunna kama hadlin.
TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO LA KULMAY SARAAKIISHA UGU SAREYSA CIIDAMADA AMISOM
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa daraad xafiiskiisa ku qaabilay saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo isla soo soo qaaday sida lagama maarmaan u tahay in la bilaabo howlgallo cusub oo ka dhan ah AlShabaab. Taliyaha Ciidanka Xoogga aya a sheegay in sanadkan 2016ka uu u noqon doono Ciidanka Xoogga dalka sanadkii dib u dhiska iyo howlgallada lagu baacsanayo AlShabaab sida uu yiri."Kulankan muhiimka ah ee aynu daraad halkan u fadhino ujeedkiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoreynta goobaha dhiman ee ca dowgu joogo. Waxaan isla garanay AMISOM in Sanadkan 2016 Soomaali ya oo dhan laga waayo meel ay Arga gixiso ka taliyaan”ayuu yiri Taliyaha Xoogga.
Kulanka ayaa waxaa Taliyaha Ciida madda ku weheliyey Abbanduulaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliy eed iyo Saraakiil kale. Waxana uu kul ankani qeyb ka yahay kulamo is daba joog ah oo maalmihii u danbeeyey u dhexeeyey Wasaaradda Gaashaan dhigga iyo Ciidamadda AMISOM ee Soomaaliya jooga.
MAXKAMADDA CIIDAMADA QALABKA SIDA OO U DIGTAY ASKARTA DOWLADDA
Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa uga digtay Askarta Dowla dda inay ka qeyb qaataan dagaal beeleedyada ka dhaca Dalka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Maxkamadda Ciid amada Qalabka sida ay tallaabo ka qaadi doonto Askarta Dowladda ee ka qeyb qaata Dagaal Beeleedyada.
"Annaga ka Maxkamad ahaan waxaa na quseeya waxaa waaye Dagaal Beeleedyada ma ka qeyb qaateen shaqsi ka tirsan ciidamada qalabka sida haddii uu ka qayb qaatay waxaan ka qaadi doonnaa tallaabo cad Qof qaran ah inuu ka qeyb qaato dagaal Beeleedya waa arrin aan sharci ah ayn, marka sidaa owgeed tallaabo sharciga waafaqsan ayaan ka qaadayna askarta dowladda had dii ay galaan dambiyada nuucaas ah”
Dhanka kale Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in ay yaraadeen dilalka dadka rayidka loo geysanayo kaddib markii maxkamadda ay billowday in dadka dilalka geysta Sharciga la marsiiyo.
"Dilka qofka qof dilo oon ka baqin in sharciga la marsiiyo waa ay yaraadeen, xamar waxaa ka jirtay in maalin cad iskaa daa dilee meydadka la afduubto, iyadoo dadka sidaas yeelanaya ay ka baqin in sharciga la marsiinkaro, waxaana maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladdaay billowday tan iyo markii ay howl billowday in dadkaas Sharciga la marsiiyo” Ayuu Yiri Markale.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda ayaa ku howlan Baaritaanka in Dagaal Beeleedyadii ka dhacay Gobolka Hiiraan in ay ka qeyb qaateen Askar ka tirsan Dowladda.
DIYAARADO SAANAD MILLATERI U SIDA CIIDANKA ETHIOPIA OO KISMAAYO KA DEGAY
Xilli Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose la geeyay ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia ee howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya, ayaa Magaalada Kismaayo waxaa daraad ka degay Diyaarado Helicopter ah oo Saanad Millateri u sida ciidanka Ethiopia.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland, ayaa inoo xaqiijiyay in Diyaaradaha Helicopterka ay ka dageen Jaamacadda Magaalada Kismaayo, halkaasi oo fariisin u ah ciidanka Amisom, waxaana Diyaaradahaasi ay dajiyeen Saanado Millateri oo ciidanka Ethiopia ay u sideen.
Ciidamada Ethiopia ayaa dhawaan ka howlgeli raba Gobolka Jubadda hoose, si dagaal loogu qaado Deeganada Shabaabka ay ka joogaan Jubbooyinka.
Saraakiisha ciidanka Jubbaland, waxa ay sheegeen ciidamada Ethiopia inay ku guda jiraan qalab uruursi iyo in ciidanka ay soo dhameystirmaan si howlgalka Jubbooyinka ee loogu magacdaray Wabiga Jubba uu u biloowdo.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam "Axmed Madoobe” ayaa sheegay inuu si dhaqsi ah ku bilaabanaayo howlgalka Wabiga Jubba ee qorshihiisa yahay sidii Shabaab looga sifeyn lahaa dhamaan deeganada Jubbooyinka.
Ciidanka Ethiopianka ee la geeyay Magaalada Kismaayo, ayaa waxa ay ka mid yihiin ciidanka Shabaab ka saaray Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, sida uu xaqiijiyay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland C/laahi Sheekh Ismaaciil "Fartaag”.
SACUUDIGA OO DACWAD KA DHAN AH IRAN U GUDBISAY QM
Safirka Sacuudiga u fadhiya QM ay aa u gudbiyay ashtiko ka dhan ah dowl adda Iran kaas oo ku aadan in ay ogolaatay dad careysan in ay gudaan dhismaha dowladda ay ku lahayd Tehran.
Safiir al mucalami ayaa dhinaca kale beniyay in xiriirka xun ee kala soo dhex galay Iran iyo Dowladiisa aysan sameyn ku yeelan doonin arimaha wa da hadalada nabada Yemen iyo Sacu udiga. Sacuudiga ayaa xiriirki gabi ahaanba u jartay dowladda Iran
SIRDOONKA BRITAIN OO AQOONSADAY NIN KA SOO MUUQDAY MUUQAAL IS SOO BANDHIGTAY
Sirdoonka Britain ayaa aqoonsaday nin ka soo muuqday Muuqaal ay soo bandhigtay maalin ka hor Kooxda dowladda Islaamiga oo ku saabsanaa dilka shan nin oo lagu eedeeyay inay u basaasayeen dowladda Britain.
Ninkan ayaa ku hadlayay Lahjada Englishka, waxaana lagu tilmaamay Jihadi Johnka labaad, isagoo u hanjabay Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron.
Waxaa uu xirnaa dareys milateri, wajigana waa uu ka duubnaa, waxaa uu gacanta ku heystay bastoolad, iyadoo ay dhinacyada ka taagnaayeen afar nin.
Sirdoonka Britain ayaa BBCda u sheegay in ninkan ay rumeysan yihiin inuu yahay Siddartha Dhar oo ah Hindu ku noolaa bariga London, waxaa uu qaatay Diinta Islaamka, isagoo sanadkii 2014 aaday Suuriya.
Ninkan ayaa damiin lagu sii daayay, markii Booliska Britain ay xireen, kadib wareysi uu siiyay BBCda bishii Agosto, waxaana bil kadib loo xiray inuu taageeray koox xagjir ah oo lagu magacaabo AlMuhaajiruun.
Gabar la dhalatay ayaa u sheegtay BBCda inay aaminsan yahay in codka ay maqasha uu yahay walaalkeed, balse ay si rasmi ah u xaqiijin karin.
Dad badan ayaa sheegay in ninka wajiga duubtay uu ahaa Siddartha Dhar oo la baxay magaca Abuu Rumeysah.
Boqolaal dagaalyahano u dhashay Britain ayaa ku biiray kooxda Daacish ee ka dagaalama dalalka Suuriya iyo Ciraaq.
UGAAS C/RAXMAAN UGAAS KHALIIF OO LAGU AASAY DEEGAANKA DAARO UGAAS EE DULEEDKA HALGAN
Allaha u naxariistee Ugaas cabdiraxmaan ugaas khaliif Ugaas rooble ayaa daraad lagu aas ay qabuuraha Daaro Ugaas ee duleedka Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Aaska Ugaaska ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal shacab ah oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibadiisa kuwaas oo maalmahii la soo dhaafay ku suganaa magalada baladweyne ee Gobolka hiiraan
Kolonyo gaadiid ah oo galbineysay meydka ugaas Cabdiraxmaan ayaa ka baxday magaal ada Beledweyne iyagoo si nabad ah ku gaaray deegaanka Halgan, kadibna waxaa loo gudbiyay qa buuraha Daaro Ugaas oo ay ku aasan yihiin inkabadan toban ugaas oo hore u soo martay beesha uu ka soo jeedo ugaaska. Ma jirin cid ka tirsan dowlada Soomaaliya Iyo AMISOM oo ka qeyb qada tay aaska Ugaaska.
Meydka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif ayaa salaadii janaasada waxaa lagula tukaday garoon ku yaal magaalada Beledweyne halkaa oo ay aaska ka qeybgaleen xubno ka tirsan golaha wasiirada,golaha baarlamaanka iyo boqolaal ruux oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa
Deegaanka Daaro Ugaas ayaa waxaa horay lagu aasay Ugaasyo uu ka mid ahaa Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, waxaana deegaankaas dhaqan ahaan lagu aasaa Ugaasyada Beesha Xawa adle.
Ma jirin wax mas’uuliyiin oo ka tirsan dowladda oo ka qeyb gashay Aaska, inkastoo salaadii janaasada ay kula dukadeen xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Xildhibaano Garoonka Kubad da cagta magaalada Beledweyn.
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa axadii la soo dhaafay u geeriyooday xanuun dhinaca wadnaha, Ugaaska ayaa ka mid ahaa Madax dhaqameedyada fara ku tiriska ee aqoonyahanada, waxaa uu kulyada xanaanada xoolaha kaga baxay Jaamacadda Soomaaliya sanadkii 1982.
DOWLADDA FS OO WFP UGA DIGTAY INAY GARGAARKA KU SOO BEEGTO XILLIGA UU BEERUHU SOO GO’AYO
Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa ku eedaysay dhawaan hay’adda beeraha iyo cunn ada adduunka ee WFP inay Gaargaarka kusoo beegto xilliga uu dalaggu u soo go'ayo beeralayda Soomaaliyeed.
Wasiir ku xigeenka Beeraha Somalia, C/casiis Saalax Carmaan oo daraad VOAda siiyay war eysi isagoo ku sugan London ayaa sheegay in tallaabooyinka hay’adda WFP ay niyadjab ku tahay beeraleyda Soomaaliya. Inkastoo bishii hore ay dowladda Soomaaliya WFP u cusboonaysiisay he shiiska ay uga shaqeynayso Soomaaliya.
"Qorshaha ay WFP ku socoto waa khalad mana yeelayno mana doonayno in mar walba ay ku soo oo beegto gargaarkeeda xilliga beerleyda Soomaaliyeed uu u soo go’ayo dalagga, waxaana ugu baaqaynaa inay ka waantowdo arrimahaas oo kale. Haddii WFP ay doonayso inay wax u qab ato beeraleydeenna waa inay dalagga u soo go’a ka iibsato si ay niyada ugu dhisto, ummaddana wax ha siiso,” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Beeraha Soomaaliya.
Sidoo kale, wasiir ku xigeenka ayaa xusay in wasaaradu ay qorsheynayso in la horumariyo Beeralayda Soomaaliyeed, lana dhiirrigaliyo Shirkadaha Caalamka inay Maalgashiyo ku samays taan Somalia, maadaama dhawaan uu baarlamanka Somalia meelmariyay sharciga maalgashiga.
"Waxay Somalia leedahay 9milayn oo hector oo dhulbeereed ah; intii deggenaashada ay ka jirtay dalka 80% dhaqaalaha dalka wuxuu ka imaan jiray beeraha, inkastoo ay iyaguna dhaqaale ka soo xaroon jiray kalluumeysiga iyo dhaqashada xoolaha nool,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka oo inta as ku daray dalalka caalamka ay dadaal weyn ugu jiraan sidii ay maalgashi Somalia ugu sameysan lahaayeen.
Isagoo sii hadalya ayuu wasiir kuxigeenku xusay inay jiraan dalal badan oo lasoo xariiray Soomaaliya oo ay ka mid yihiin; Dalalka Carabta iyo Talyaaniga, kuwaasoo doonaya inay Maalga shiyo kala duwan ku sameystaan Somalia, Wuxuuna hadalkiisa raaciyay in ay soo dhaweynayaan cid walba oo doonaysa inay maalgashi ku saleysato Somalia.
"Dhawaan waxaa noo yimid wafdi ka socda dalka Talyaaniga, waxaanan geynay warshadii ITOP ee Afgooye iyo beeraha muuska, waxaana inoo socda wadahadal ku aaddan sida ugu habbo on ee ay maalgashi ugu sameysan karaan Somalia,” ayuu wasiirku mar kale yiri.
Wasiir ku xigeenka beeraha Somalia C/casiis Carmaan ayaa ka hadlay qorshaha dowladda So maliya ay ku Caawinayso Beeraleyda Soomaaliyeed, wuxuuna yiri. "Dowladda Somalia Qorshay aasha ay ku caawinayso beeraleyda Soomaaliyeed waxaa ka mid ah inay ka Hortagto fatahaadaha sababi kara inay beeruhu halaabaan.”
C/casiis Carmaan oo sii hadlayay ayaa wuxuu sheegay inay caqabado badan oo ay ka mid yihiin in beeraleyda Soomaaliyeeed ay Kannaallada ka jeexdaan halkii ay doonaan, taasoo uu she egay inay tahay caqabad weyn, balse wasaaraddu ay ku talojirto inay furto kannaal walba oo xiran lana socoto beeraleydu halka ay ka jeexanayaan kannaallada ay beeraha ku waraabsadaan; si beeraleyda oo dhan ay uga faa’iideystaan biyaha webiyada dalka.
Ugu dambeyn, hadalka wasiir kuxigeenka beeraha Somalia ayaa kusoo beegmaya iyadoo la gu wado dhawaan uu magaalada Berlin ee dalka Jarmalka uu ka furmi doono shir looga hadlayo wax soo saarka beeraha caalamka.
KENYA OO SHEEGTAY IN SANNADKAAN AY BILLAABAYSO DUULIMAAD TOOS AH OO AY KU TAGAYSO MAREYKANKA
Xukuumadda Kenya ayaa daraad Shaacisay in Bisha May ee sanadkan ay billaabayaan diyaaradaha Kenya duulimaad toos ah oo ay ku tagayaan dalka Mareykanka, duulimaadkan oo noqon doona kii ugu horreysay oo ay Kenya Airways ku tagto Mareykanka.
Wasiirka gaadiidka Kenya, James Macharia ayaa sheegay in Kenya ay dhammeystiray gabi ahaan Waajibaadyada ku aaddan Duulimaadyada ay Mareykanka ku Tegayaan diyaaradaha Kenya.
"Waxaan filayaa inaan bilaabi doono duulimaadyo toos ah oo Mareykanka aan ku tagayno bisha May ee sannadkan 2016ka. Hadda waxaan haysannaa wax walba oo looga baahnaa waajibaadka duulimaadyada,” ayuu yiri James Macharia oo la hadlay warsgeysta The Daily Nation.
Xukuumadda Kenya ayaa muddo sannado ah dadaal weyn ugu jirtay sidii ay ku heli lahayd ogoalasho ah inay duullimaadyo toos ah ku tagto dalka Mareykanka, laakiin ugu dambeyn way ku guuleysatay.
Haddii qorshahan uu hirgalo, taasi waxay la micno noqonaysaa inay Kenya hesho fursad ay dalxiisayaasha Mareykanka ah ku yimaadaan dalkeeda, iyagoo duulimaad toos ah ku imaan doona. Iyadoo Saadaallada la bixinayo ay iyaguna Tilmaamayaan in Tani ay Qayb weyn ka qaadan doonto xiririka ganacsi ee labada waddan u dhexeeya.
Shirkadaha diyaaradaha Southern Airlines oo laga leeyahay Shiinaha ayaa Sannadkii lasoo dhaafay billowday markii ugu horresyay duulimaadyo toos ah oo ay ku tagayso magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Bishii July ee sannadkii hore ee 2014ka ayuu Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama wuxuu booqasho ku tagay Kenya, xilligaasoo mas’uuliyiinta dalka Kenya ay kala hadleen duulimaadyo toos ah oo ay Kenya Airways ku tagto Mareykanka.
Obama ayaa wadahadallo uu la yeeshay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ugu Xaqiijiyay in arrintan ku saabsan duulimaadyo toos ah oo diyaaradaha Dalka Kenya ay ku tagaan Mareykanka laga xaajoon doono.
"Dowladdeydu waxay sida ugu dhasqsiyo badan uga shaqeyn doonto sidii ay u Fududeyn lahayd sidii ay duullimaadyo toos ah ay u dhexmari lahaayeen Kenya iyo Mareykanka,” ayuu yiri Obama. Inkastoo uusan si toos ah u sameyn ballanqaad la xiriira inay Kenya ku tagayso duulimaad toos ah dalka Mareykanka.
Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaa sannadkii hore ku guuldarreystay inay hesho fasax u ogolaanaya inay duulimaadyo toos ah ku tagto Mareykanka, kaddib markii ay ka soo bixi wayday inay hesho diyaarado casri ah oo duulimaad ku tegi kara dalka Mareykanka, balse dhawaan ayay Xukuumadda Kenya sheegtay inay diyaarad ka mid ah kuwa Casriga ah soo iibsatay si ay ugu billowdo duulimaadyo Mareykanka ay ku tagayso.
Siyaasi Maxamed Cabdinuur Xirsi oo u tartamay xilka madaxweynaha Puntland ayaa dhaliilay qorshaha xukuumadda madaxwayne,Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ee ah isla xisaabtanka xukuumadda,sida ay baahisay idaacadda maxalliga ah ee Daljir.
Waxuu sheegay dadka Puntland inay ka fahmad dhowyihiin sida ay ka fileyso dowladda,isagoo ula jeeda laxisaabtanka dhabta ah inuu yahay midka ka yimaadda shacabka.
"Waa in ay shacabku su’aalo waydiiyaan xukuumadda,taas ayaa la orankara isla xisaabtanka dhabta ah,dadku caqli bay leeyihiin, lamana khiyaami karo, macquulna mahan inta qol la isku soo xiro in su’aalo la iswaydiiyo” Sidaasi waxaa yiri Siyaasi Maxamed Cabdinuur.
Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Gaas oo muddo labo sanno ah talada haya ayaa markii la baad toddobadkan la xisaabtamay golaha wasiirrada oo u waydiinayay waxqabadkooda.
Waxaa ay aamisanyihiin siyaasiyin badan in laga doonayay madaxweynaha halka uu wax ka waydiinayo golaha wasiirrada oo u dhageysanayo waxii ay qabteen shacabkuna inay wax ka waydiiyaan shaqadooda.
Wasaarad walba ayaa soo bandhigeysay,waxii ay qabatay muddo sanad ah iyo hadda waxaa ay dooneyso inay qabato,mana jirto madaxweynaha illaa hadda wasaarad uu ku sheegay shaqo xumo ama kasbatay in wax laga badalo shaqadooda.
Qorshahan ayaa billow ka ah dalka oo dhan,maaddama aysan dhicin madaxweynaha inuu su’aallo ka waydiiyo wasiirrada,waxii ay qabteen,balse dowladda ayaa loo soo jeediyay inay door ka siiso wax waydiinta shacabka.
TALIYAHA CXD: SANADKAN 2016 WAA IN SOMALIA LAGA WAAYO MEEL ARGAGAXISAD AY KA TALIYAAN
Taliyaha ciidanka xooga dalka, Jen. Maxamed Aadan Axmed oo daraad xafiiskiisa kula kulmay sara0akiisha ugu sarreeya ciidanka AMISOM ee ku sugan Somalia, ayaa waxaa la iskula soo qaaday sidii si wadajir loogu ciribtiri sanadka 2016ka kooxda Alshabaab. Iyadoo ay labada dhinac isla qireen sida ay lagama maarmaan u tahay in la billaabo howlgallo cusub.
Jen. Maxamed Aadan ayaa shaaca ka qaaday in sannadkan cusub ee 2016ka uu u noqon doono ciidamada xoogga dalka, sannadkii dibudhiska iyo howlgallada lagu baacsanayo kooxaha nabaddiidka ah.
"Kulanka aynu daraad yeelannay ujeeddadiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoreynta goobaha dhiman ee cadowgu joogo. Waxaan isla garanay AMISOM in sannadkan 2016ka, Somalia oo dhan laga waayo meel ay Argagixiso ka taliyaan,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada xoogga Soomaaliya.
Ugu dambeyn, kulankan ayaa waxaa taliyaha ciidanka xoogga dalka Somalia ku weheliyay abbanduulaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale. Wuxuuna kulankan qayb ka yahay kulammo isdabajoog ah oo maalmihii u dambeeyey u dhexeeyey Wasaaradda Difaaca iyo taliska ciidamada ka howlgala dalka Somalia ee AMISOM.
OBAMA: WAAN XAKEYNAYAA IIBSIGA HUBKA
Madaxweyne Obama ayaa hoosta ka xarriiqay talaabooyin wax looga qabanayo dambiyada xagga hubka ee ka jira Maraykanka, walow ay jirto mucaaradad ku wajahan sharciga cusub ee hub ka, taasoo ka imaanaysa Congresska.
Isagoo ay ag taagnaayeen qoysaskii dadkooda ku waayey iyo kuwa ay hubku dhibaateeyeen ayuu Mr. Obama sheegay in aqlabiyadda dadka Ameerikaanka ay rabaan shuruuc adag oo lagu xakameeyo hubka, kuwaasoo uu ku jiro in dib loo eego taariikhda qofka doonaya inuu hub iibsado.
Mr Obama wuxuu hoosta ka xarriiqay talaabooyinka uu doonayo inuu qaado
Laakin ururka qoryaleyda ee Mareykanka waxay sheegeen in hindiseyaasha madaxweynaha aysan ahayn kuwo baajin karay dil wadareedyadii uu liis gareeyey midkoodna.
Ku xigeenka barasaabka gobolka Texas Dan Patrick ayaa sheegay in badi dadka hubka iska leh ay ahaayeen dad mas'uul ah, in la xannibo xaqa ay u leeyihiin inay hub haystaanna ay ka hor imaanayso dastuurka Mareykanka.
GANACSIGA IYO DUULIMAADKA SACUUDIGA IYO IIRAAN OO ISTAAGAY
Wasiirka arrimaha dibadda boqortooyadda Sacuudiga,Caadil alJubeyr ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen gaadiidka hawada iyo xiriirka ganacsiga ee u dhexeeya awoodaha iska soo horjeeda,sida ay baahisay wakaaladda wararka Reuters.
Go’aanka deg dega ah ee Sucuudi Carabiya ee lagu joojiyay ganacsiga iyo duulimaadka Iiraan ayaa gaarsiinaya xiriirka sii xumaanayay ee labada dal heerkii ugu hooseeyay muddo sanada ah.
Xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeyay labadan quwadeed ee Sunniga iyo Shiicada ah oo go’a ayaa waxaa laga dareemi doonaa guud ahaa Bariga Dhexe, halkaasi oo ay kala taageeraan dhinacyo iska soo horjeeda oo dagaallamaya.
Mar hore,saddex dal oo xulufo la ah Saudi Arabia, ayaa xiriirka u jaray Iran ama yareeyay, kaddib markii Saudi Arabia ay xiriirka u jartay Iran, taasi oo ka dambeysay markii la weeraray safaaradda Sacuudiga ee Theran.
Bayaan lagu baahiyey wakaaladda wararka qaranka ee BNA, ayaa Bahrain waxa ay diblomaasiyiinta Iran ugu baaqday inay dalka uga baxaan muddo 48 saac ah gudahood.
Baxrayn waxaa maamulo boqor Sunni ah, laakiin bulshada badankeedu waa Shiico.
Saudi Arabia, ayaa markii go’aankeeda ku dhowaaqeysay Axadddii waxa ay sidoo kale siisay diblomaasiyiinta Iran laba maalmood inay dalka uga baxaan.
Sudan waxa ay sheegtay inay xiriirka u goysay Tehran, sababo la xiriira "Weeraradii xaasidnimada ahaa” ee lagu qaaday safaaradda Sacuudiga ee Tehran, Axaddii.
Imaaraadka Carabta, oo hoy u ah boqollaal kun oo Iraaniyiin ah , ayaa sheegay inay xiriirka hoos u dhigayaan, sababta oo ah "Farogelinta joogtada ah ee Iran ay ku hayso arrimaha gudaha ee dalalka Khaliijka Carbeed, oo gaaray heer aad u sarreeya”.
Imaaraadka waxay ay xidideen tirada diblomaasiyiinta Iran ee dalkaas, islamarkaana waxa ay mataaladda Iran ee dalkaas ay hoos ugu dhigeen heer arrimo fuliye, intii ay ka ahaan lahayd heer safiir.
War murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xadgudubkani uu jabinayo heshiisyadii caalamiga ahaa ee dhinaca diblomaasiyadda ee sanadkii 1961kii lagu gaaray magaalada Vienna, heshiiskaas oo faraya ilaalada xarumaha iyo shaqaalaha diblomaasiyadeed.
War murtiyeedkan ka soo baxay Wasaaradda Ariimaha Dibadda ee Somalia ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay boqortooyada Sucuudiga ku garab taagan tahay dhammaan hawlgalada ay kaga hortagayso argagixisada, isla markaana ay Soomaaliya ku garab taagan tahay adkeynta amniga iyo xasiloonida ay boqortooyadu ka wadda dalkeeda gudihiisa iyo gobolkaba.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Iran, Hossein Amir Abdollahian ayaa sheegay in go’aanka Sacuudiga uusan dareenka ka weecineynin "Qaladkii weynaa” oo ay gashay, ee ay ku qaarijisay Nimr.
Ciidamada ilaalada kacaanka Iran, ayaa iyaguna bayaan ku sheegay in dilka Sheekh Nimr uu hoggaamin doono dhicitaanka boqortooyada Saudi Arabia.
Waxaa jira cabsi laga qabo in gobolka uu ka qarxo isku dhac madaahiib salka ku haya, kaddib markii Sacuudigu ay dileen sabtidii Sheekh Nimri alNimri iyo afartan iyo lix ruux oo kale oo lagu eedeeyay falal argagixisanimo.
Isniinta aan ka soo gudubnay daraad ayaa labo masaajid oo ay Sunniyiintu leeyihiin lagu qarxiyay dalka Ciraaq waxaana la dilay imaam.
Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Washington ay sii wadi doonto inay ku booriso hoggaamiyayaasha gobolka inay qaadaan tallaabooyin xisaadda lagu qaboojinayo.
HUB LA SHEEGAY INAY AL SHABAAB LEEDAHAY OO LAGU QABTAY MAGAALADA MOMBASA
Hub sida la sheegay ay leedahay Al Shabaab, ayaa waxaa daraad lagu qabtay Magaalada Mombasa Ee Xarunta 2aad Wadanka Kenya.
Hawlgal ay Booliska Mombasa fuliyeen, ayaa waxay ku galeen guri ku yaala xaafadda Maj engo, waxayna ku soo qabteen hub isugu jira qoryo, bistoolado, rasaas, walxaha qarxa iyo agabyo kale.
Taliska Booliska Mombasa, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in hubka la qabtay ay leeyihiin Ururka Al Shabaab, waxayna soo bandhigeen qoryo weeraro looga gaystay Magaaladaasi.
Mid ka mid ah qoryaha la soo bandhigay, ayaa waxaa uu Boolisku sheegay in lagu dilay Sa rkaal Booliska Mombasa ka tirsanaa, islamarkaana aan illaa iyo hadda la qaban, cidii dishay Sark aalkaasi.
Booliska Mombasa, ayaa sidoo kale soo bandhigay magacyada iyo sawirada afar nin, kuwaa oo sida la sheegay deganaa guriga hubka laga helay ee ku yaala xaafadda Majengo.
Gudoomiyaha Magaalada Mombasa, Nelson Marwa, ayaa sheegay in hubka la qabtay ay lee yihiin Shabaabka, isagoo intaa ku daray in hubkaasi la qorsheynaayay in Mombasa weeraro looga gaysto
Gudoomiyaha, ayaa sheegay inay baxsadeen afarta nin ee Ururka Al Shabaab lala xiriirinaayo, ka hor inta aanay Ciidamada Boolisku gaarin gurigii hubka laga helay.
BEESHA SHABELLE OO KA CODSATAY DOWLADA INAY LAGA SIIYO XAQA AY KU LEEDAHAY GOBOLKA SH/DHEXE
Kulan ay daraad ku yeesheen magaalada Jowhar Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, dhalinyarada, culumaa’udiinka, haweenka beesha Shabelle ayaa waxa ay ku taageereen shirka lagu qabanayo magaalada Jowhar, waxayna ka codsadeen dowlada in ay ka helaan qeybta ay ku leeyihiin maamulka Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Dhammaan dadkii ka soo qeybgalay kulankan ayaa waxa ay ka hadleen sida ay u doonayaan in ay helaan xaqa ay ku leeyihiin gobolka Sh/dhexe.
Nabadoon Abuukar Maxamed Ibraahin oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in beesha Shabelle ay taariiq fac weyn ku leedahay gobolka Sh/dhexe iyo guud ahaan dalka ayna yihiin qeybta ugu muhiimsan ee waxsoo saarka gobolka una baahan yihiin inay helaan xaqa ay ku leeyihiin gobolka Sh/dhexe.
"Waxa aan ka codsanaynaa dowlada in beesha Shabeelle ay qeybta ay ku leedahay gobolka Sh/dhexe ayna doonayaan in ay xubno ka helaan maamulka cusub ee gobolada Hiiraan iyo Shabelaha Dhexe.”ayuu yiri Nabadoon Abuukar Maxamed Ibraahin.
Sidoo kale nabadoonka beesha ayaa sheegay in beesha Shabelle ay tahay mid magaceeda uu salka ku hayo wabiga Shabelle oo mara labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan ayna xaq u leedahay in ay helaan kuraasta baarlamaanka iyo weliba kuraasta golaha wasiirada.
Xuseen Maxamed Dheeg oo ka mid ahaa odayaashii kulankan ka hadashay ayaa sheegay in boqolaal sano ay degenaayeen gobolka haatana ay doonayaan in ay helaan xaqa ay u leeyihiin beesha.
Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa ka socda kulamo ay yeelanayaan beelaha dega gobolka kuwaasoo ka hadlaya mowqifkooda ku aadan shirka lagu wado in uu dhowaan ka furmo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
EMIRATEKA OO XABSI CUSUB KA DHISAAYA MAGAALADA KISMAAYO
Emirateka Carabta, ayaa waxaa uu ballanqaaday in mashaariic ballaaran oo horumarineed ay xilligan ka samaynayaan Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Wefdi uu horkacaayay Safiirka Emirateka Carabta u fadhiya Somaliya, Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo Talaadadii gaaray Magaalada Kismaayo, ayaa waxay kula kulmeen Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo masuuliyiin kale.
Labada dhinac, ayaa waxay ka wada hadleen mashaariic horumarineed oo Emirateku uu xilli gan doonaayo inuu ka fuliyo Magaalada Kismaayo, taasoo ay soo dhaweeyeen Madaxda Jubbaland.
Gaba gabadii kulankaasi shir jaraa’id oo ay wada qabteen Madaxweynaha Jubbaland iyo Sa fiirka, ayay ku sheegeen in mashaariicdan uu qayb ka yahay hirgelinta xabsi cusub oo laga dhisa ayo Magaaladaasi.
Madaxweynaha Jubbaland, ayaa sheegay in wefdiga Safiirka ay Magaalada Kismaayo u yim aadeen, sidii ay kaga fulin lahaayen mashaariic horumarineed, sida iskuulo, isbitaalo, Xarun Dowla dda Hoose ay leedahay iyo xabsi.
Safiirka, ayaa yiri "Waxaan Magaalada Kismaayo u nimid sidii looga dhabbeen lahaa ballan qaadyo aan horey halkaan uga jeediyay, oo ahaa in laga fulin doono mashaariic horumarineed, sida inaan ka dhisno xabsi, iskuulo, isbitaalo iyo Xarunta Dowladda Hoose.”
Safiirka, ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay mashaariicdan inay qayb ka tahay mashaariicda hourmarineed ee Emirateka uu ka wado dalka Somaliya, islamarkaana ay sii wadi doonaan tag eeradooda ku aadan Somaliya.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 6-DA JANNAAYO 2016-KA
WASIIRKA GAASHAANDHIGGA OO DHAGAX DHIGAY WARSHAD SAMEYN DOONTA DHARKA CIIDANKA Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa daraad dhagax dhi gay Warshad casri ah oo sameyn doonta labiska Ciidanka Qalabka sida, waxaana sidoo